Skip to main content

Saturday 13 June 2026

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Waraysi

Sideen u Fahmi Karnaa Dagaalka Iiraan?

13 May, 2026
Image
Sideen u Fahmi Karnaa Dagaalka Iiraan?
Share

Buugga cusub ee Axis of Empire: A History of Iran–US Relations, oo uu qoray Afshin Matin-Asgari, waxa uu daboolayaa laba qarni oo isdhexgal ah oo dhex maray Maraykanka iyo Iiraan, wuxuuna bixinayaa macne muhiim ah oo lagu fahmi karo ololaha milatari ee hadda uu wado Trump.

Matin-Asgari, oo ah borofisar taariikhda Bariga Dhexe ka dhiga Jaamacadda California State University ee Los Angeles, wuxuu si dhow ula socday dhacdooyin badan oo uu buugga kaga warramayo. Wuxuu ku dhashay Iiraan, balse waxbarashadiisa waxa uu ku qaatay Maraykanka, halkaas oo uu ka ahaa xubin firfircoon oo ka tirsan dhaqdhaqaaqii ardayda mucaaradka ahaa ee ka soo horjeeday Shaah-ga, ka hor intii aanu dib ugu noqon dalka xilligii Kacaankii Islaamiga ahaa.

Michael Arria oo ah weriyaha Maraykanka u qaabilsan shabakadda Mondoweiss ayaa waraysi kala yeeshay qoraaga buuggiisan ku saabsan dagaalka hadda socda ee Maraykanka iyo Israa’iil kula jiraan Iiraan. Waraysigan soo socda waa la tafaftiray dherer iyo caddayn awgeed.

Michael Arria: Waxa jira buugaag badan oo dhowaan laga qoray Iiraan iyo Maraykanka. Maxaa kugu kallifay inaad dib wax uga qorto taariikhdan, maxaad se ka dareentay inay ka maqan yihiin daraasaadihii hore looga sameeyey xidhiidhka labada dal?

Afshin Matin-Asgari: Sida aad ka dhawaajisay, labadii ama saddexdii sanno ee la soo dhaafay waxa la daabacay afar ama shan buug oo ku saabsan xidhiidhka Maraykanka iyo Iiraan, intooda badanna aad bay u heersarreeyaan. Buuggani waxa uu igu qaatay toddoba ama siddeed sano, waana buug ka hadlaya taariikh dheer oo dib ugu laabanaysa xidhiidhka Maraykanka iyo Iiraan ilaa horraantii qarnigii 19aad.

Jilayaasha ugu muhiimsan, gaar ahaan qarnigii 19aad, waxay ahaayeen wadaaddo Presbyterian ah oo Maraykan ah oo Iiraan u tegay inay dadka diinta ku wacdiyaan. Guulo badan kama ay gaadhin hawshaas, balse waxay fureen iskuullo iyo xarumo caafimaad. Adeegyadaas kamay samayn magaalooyinka waaweyn ee waxay ka sameeyeen tuulooyinka. Tiradoodu way koobnayd, balse waxay abuureen in ay Iiraanidu laabxaadhni u qaadaan Maraykanka. Wadaaddadani keliya waxa ay wacdin karayeen dadka aan Muslimiinta ahayn, sida bulshada Yuhuudda ee aadka u yar iyo Masiixiyiinta Iiraan ku nool. Kooxahaasna run ahaantii xiise umay haynin inay diintooda beddelaan, balse adeegyada ay wadaaddadani bixinayeen waxay abuurtay kalsooni iyo niyad wanaag ay u qaadeen Maraykanka.

Daraasaadka laga sameeyey badankoodu waxay ka simanyihiin sheeko guud oo leh in xidhiidhka Maraykanka iyo Iiraan uu ku bilowday si wanaagsan, isla markaana Iiraanidu si diirran u soo dhaweeyeen Maraykanka. Waana in aynu maanka ku haynaa, wadaaddadani si madax-bannaan ayey u socdeen, oo wax metalaad ah kamay haysan dawladda Maraykanka.

Markii la soo gaadhay qarnigii 20aad, waxay Iiraan u arkaysay quwado shisheeye Ruushka, dabadeed Midowgii Soofiyeeti, iyo Boqortooyadii Ingiriiska.

Ingiriisku wuxuu gacanta ku hayay shidaalka Iiraan, oo ahaa hanti aad u qiimo badan. Maraykankuna, marka ay timaaddo xidhiidhka dawliga ah ee kala dhexeeyey Iiraan horraantii qarnigii 20aad, sidoo kale waxa uu xiise u qabay shidaalka. Laakiin dhibaatadu waxay ahayd in Ingiriisku ku keli ahaa shidaalka Iiraan, mana rabin in uu ka tanaasulo heshiiskiisa.

Wax walba waxay is beddeleen markii uu dillaacay Dagaalkii Labaad ee adduunku; Soofiyeetka iyo Ingiriisku waxay markiiba qabsadeen Iiraan. Iiraan waxay ahayd marin aad muhiim ugu ah gudbinta qalabka dagaalka ee Ingiriiska iyo Maraykanku u dirayeen Midowgii Soofiyeeti, iyada oo loo marinayay tareenka isku xidha qaaradaha ee Iiraan. Ciidanka Cas (The Red Army) waxay kula dagaallamayeen Naasiyiinta dhulka Soofiyeetka, Iiraanna waxay ahayd meel muhiim ah oo xidhiidhisa guusha xulafada.

Sidaas darteed, waxaa Iiraan joogay qiyaastii 30-kun oo askari iyo shaqaale kale oo Maraykan ah, taasina waxay ahayd billowgii xidhiidhku aadka u xoogganaa. Markii Maraykanku noqday xoogga ugu weyn ee xidhiidhkan, wuxuu horey u ahaa quwad caalami ah. Waxaa la soo gaadhay bartamaha Dagaalkii Labaad ee Adduunka, nidaamka siyaasadeed iyo dhaqaale ee adduunkuna wuxuu isu beddelayaa dib-u-dhiska burburka dagaalka ka dib, halkaas oo Maraykanku u dhaqmayay sidii quwad dunida hoggaamisa. Wuxuu dib u dhisay Yurub iyo Jabaan, wuxuuna sameeyay NATO, saldhigyo milatari ayuuna ka samaystay dunida oo dhan.

Doodda ugu weyn ee buuggaygu waa in, laga bilaabo marxaladdan, Imbiraaliyadda Maraykanka iyo xidhiidhka ay la leedahay Iiraan lagu fahmo macne Imbiraaliyadeed iyo awood-siyaasadeed. Aragtidan igalama midaysna daraasaadka kale ee la qoray.

M.A: Buugaaga waxaad ku tilmaantay taageeradii Aayaatullaahi Khumayni uu siiyay ardaydii qabsatay safaaradda Maraykanka inay ahayd “kacaan labaad.” Ma sharrixi kartaa waxa aad uga jeeddo iyo sababta ay dhacdadaasi muhiim u noqotay?

A.M-A: Aan marka hore sharraxaad kooban ka bixiyo waxa aan uga jeedo in dhibaatadii la-haystayaasha Maraykanku ay ahayd kacaan labaad oo Iiraani ah. Marka hore, ereygaas waxa adeegsaday Khumayni laftiisa.

Qodobkaygu waa in, 50-kii sanno ee ka horreeyay kacaankii Iiraan, haddii aynu eegno xidhiidhka Maraykanka iyo Iiraan, hal dhinac ayaa lahaa awood Imbiraaliyadeed oo aad u weyn. Maraykanku gacanta sare ayuu lahaa, waxaana jiray dhacdadii caanka ahayd ee afgambigii CIA-da ee 1953-kii, halka Shaah-guna si tartiib-tartiib ah u noqday ciyaaryahan muhiim ah.

Xidhiidhku wuxuu ahaa mid aan sinnayn, balse Shaah-gu kaliya Maraykanka uma ahayn dabadhilif; wuxuu lahaa awood xaddidan oo uu ku dhaqaaqi karo. Laakiin markii kacaanku dhacay, xidhiidhka Maraykanka iyo Iiraan wuxuu yeeshay waji gebi ahaanba cusub.

Arrinta ugu muhiimsan ee ay tahay in la xasuusnaado marka la eegayo duruufihii degdegga ahaa ee ka horreeyay qabsashadii la-haystayaasha ayaa ah in bishii Nofeembar 1979-kii ay gebi ahaanba burburtay dowladdii boqortooyada ahayd ee Maraykanku xidhiidhka aadka u dhow la lahaa. Boqortooyadii, qaab-dhismeedkii maamulka dowladeed, iyo nidaamkii milatari dhammaantood way dumeen, waxaana loo baahday in meel eber ah laga dhiso dowlad cusub oo Jamhuuriyadda Islaamiga ah, iyadoo aan cidina garanayn sida ay u ekaan doonto. Xitaa Aayaatullaahi Khumayni, oo soo jeediyay fikradda Jamhuuriyadda Islaamiga ah, waligii si cad uma sharraxin, mana u malaynayo inuu isaguba haystay sawir cad oo ku saabsan waxa ay noqon karto.

Sidaa darteed, 1979-kii runtii waxay ahayd wejigii labaad ee Kacaankii Iiraan. Qaybtii koowaad waxay ahayd in la rido nidaamkii jiray ee boqortooyada, qaybta labaadna — oo ka muhiimsan — waxay ahayd in lagu beddelo qaab dowladeed oo gebi ahaanba cusub.

Sida kacaan kasta ba ahaa, waxaa jiray loollan adag oo ka dhex dhacay isbahaysigii kacaanka ee riday nidaamkii hore. Gebi dadku waxay ku midoobeen ridista boqortooyada, balse markii yoolkaas la gaadhay, isbahaysigii wuu kala daatay, awooddiina waxay ku kala firidhay qaybo kala duwan oo dalka ah.

Dhibaato kale ayaa ahayd in burburkii ciidamada qalabka siday kadib, boqolaal kun oo hub fudud ah ay galeen gacanta shacabka. Sidaas darted, qaybo badan oo Iiraan ah waxaa ka socday wax u eeg dagaallo sokeeye, iyadoo dadkii hubaysnaa ay maamulayeen gobolladooda. Waxaa sidoo kale jiray kacdoonno qowmiyadeed oo meelo kala duwan ka dhacay dalka gudihiisa. Kacdoonka Kurdiyiinta ayaa ugu weynaa. Meel kasta oo aad eegto, awooddu dhulka ayay gashay. Warshadaha waxaa maamulayay shaqaalaha, xafiisyada dowladdana shaqaalaha ayaa gacanta ku hayay. Sidaa darteed, dowladdii cusbayd waxay wajahday hawl ah inay dib u ururiso awooddan kala firidhsan oo ay la wareegto, taasina waxay noqotay mashruuca Jamhuuriyadda Islaamiga ah.

Waxaa la soo jeediyay dastuur cusub. Waa laga dooday, balse lix bilood kadib waxaa si xooggan u soo baxay koox culimo ah oo badankoodu ka ag dhawaa Khumayni, kuwaas oo doonayay in nidaamku noqdo kali-talisnimo dastuur ku qotonta, halkaas oo hoggaamiye sare oo diimeed oo aan la dooran, waa Khumayni e, oo lahaa shakhsiyad qorsoodi ah oo awood badan, aadna caan u ahaa uu yeesho awoodo aan xad lahayn. Waxaa sidoo kale samaysmay hay’ado aan la dooran, oo inta badan ay culimadu maamulaan, kuwaas oo dusha laga saaray nidaam jamhuuri ah.

Mashruucan si fiican looma soo dhowayn. Xagaagii 1979-kii, Iiraan waxay ku jirtay qalalaase. Waxaa jiray iska horimaadyo u dhexeeyay xoogag kala duwan, bidixduna door muhiim ah ayay ka ciyaartay. Inkasta oo ay tiro ahaan yaraayeen, waana in aynu ku baraarugsanaanaa inay jireen bidix diimeed iyo bidix cilmaani ah. Kala badh waxay taageersanaayeen mashruuca Jamhuuriyadda Islaamiga ah. Bidixdan waxaa hoggaaminayay garab taageersan Soofiyeetka oo rajo ka qabtay in Jamhuuriyadda Islaamiga ahi ay la safan doonto Midowgii Soofiyeeti isla markaana ay ka hor iman doonto Maraykanka. Bidixda aan Soofiyeetka taageersanaynse way ka soo horjeedday arrintan. Dayrtii sanadkaasna waxa dalka oo dhan ka dhacay iska horimaadyo.

Xaaladdan ayaa lagu jiray markii safaaradda Maraykanka la qabsaday. Qodob kale oo muhiim ah ayaa ahaa in xidhiidhka diblomaasiyadeed ee Iiraan iyo Maraykanku aanu weli go’in. Safaaradda Maraykanka ee Tehraan wali way shaqaynaysay. Safiirkii ugu dambeeyay waa la qaaday, se diblomaasiyiinta Maraykanku waxay si furan iyo mararka qaar si qarsoodi ahba ula kulmayeen xubnaha dowladdii ku meelgaadhka ahayd.

Hase yeeshee, qabsashadii safaaradda ee ay sameeyeen arday isku magacaabay “raacayaasha khadka Khumayni” ayaa wax walba beddeshay. Ma ahayn shirqool ama qorshe uu Khumayni si toos ah u dejiyay. Dhab ahaantii, markii ay dhacaysay xitaa ma uu hubin cidda ay yihiin, wuxuuna rabay in laga saaro safaaradda. Laakiin waxaan u malaynayaa inuu si dhakhso leh u fahmay in tani noqon karto kaarto guul leh oo lagu kicin karo hal-ku-dhegga ka-hor-tagga Imbiraaliyadda, kaas oo ahaa qayb aad u xooggan oo kacaanka ka mid ah. Waxaa jiray dareen aad u xooggan oo ka dhan ah Maraykanka iyo imbiraaliyaddiisa.

Sidaa darteed wuxuu go’aansaday in safaaradda la sii haysto. Wuxuu ugu yeedhayna “kacaan labaad,” sababtoo ah runtii waxay qeexday dabeecadda Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee cusub.

M.A: Ma u malaynaysaa in dagaalkani awood u leeyahay inuu si muuqata u beddelo dowladda ama hoggaanka Iiraan?

A.M-A: Haa, balse waa su’aal adag. Sida muuqata, dagaalku ilaa hadda wuxuu beddelay siyaasadda Iiraan. Hoggaankii ugu sarreeyay ee milatariga dhammaantood waa la dilay ama meesha waa laga saaray. Hoggaamiyihii sare waa la khaarijiyay. Uma malaynayo in xitaa dadka ugu xog-ogaalsan ama falanqeeyayaasha ugu fiiqan ay filayeen heerkan adkaysi ama awoodda Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee iska caabinta.

Dabcan, milatari ahaan kama adkaan doonto quwad dagaal oo ay hoggaaminayaan isku dhafka Maraykanka iyo Israa’iil. Laakiin sida aan aragno, waxay gaadhsiin kartaa xanuun iyo burbur weyn, waxayna kordhin kartaa qiimaha dagaalka. Waxay beegsanaysaa xulafada iyo saaxiibbada Maraykanka ee Khaliijka, waxayna saamayn ku yeelatay dhaqaalaha caalamka. Qiimaha shidaalka iyo gaaska ayaa kacay, suuqyada Aasiya iyo kuwa caalamkana hoos u dhac ayaa ku yimi. Dagaalku aad ayuu qaali ugu noqday dhinaca Maraykanka.

Isbeddelka ku yimi Jamhuuriyadda Islaamiga ah weli si cad looma garanayo, balse waxay u muuqataa inay sii jiri doonto.

Wiilka hoggaamiyaha sare ayaa si rasmi ah ula wareegay booska aabbihii, balse weli si weyn looma maqal mana cadda cidda dhab ahaantii talada haysa. Waxay u muuqataa in nidaamku si baahsan u shaqaynayo: xitaa haddii madaxdiisii sare meesha laga saaray, haddana wuu sii shaqayn karaa. Taasi ilaa xad waa la xaqiijiyay, balse si kastaba ha ahaatee, waxaa jira xarun dhexe, nooc ka mid ah hannaanka siyaasadeed iyo milatari oo go’aan qaata. Waxay u muuqataa in awoodda ugu weyn ay si xooggan ugu wareegtay Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah, maadaama jiritaanka nidaamka laftiisa la weeraray.

Jamhuuriyadda Islaamiga ahi horey ayay u ahayd nidaam milatari oo si weyn u dhisan, amnina ku dhisan, waxayna leedahay taariikh cabbudhin oo ku wajahan shacabkeeda. Su’aasha aan weli caddayn waa waxa dhici doona marka dagaalku dhammaado. Nidaamka kasoo baxa dagaalkan muxuu noqon doonaa? Waxaa jira saadaal ah inuu noqon karo mid xitaa ka sii cabbudhis badan kan hadda. Waxaa laga yaabaa inuu go’aansado inuu ugu dambayn sameysto hub nukliyeer ah. Laakiin arrimahan midkoodna ma cadda, sababtoo ah lama oga awoodda uu nidaamku yeelan doono. Dalku wuxuu wajahayaa burbur aad u weyn. Duqeymaha iyo weerarrada milatarigu hadda waxay beegsanayaan kaabeyaasha dalka, ma aha oo keliya bartilmaameedyada milatari, balse waxay burburinayaan warshado, waddooyin, buundooyin iyo guryo, shacabka ayeyna dhibtu soo gaadhaysaa. Sidaa darted, xitaa haddii Jamhuuriyadda Islaamiga ahi ay dagaalkan kasoo baxdo iyadoo sii jirta, awooddeedu aad ayay u wiiqmi doontaa, waxayna u baahan tahay inay haysato taageero bulsho oo u saamaxda inay sii noolaato, ugu yaraan muddada dhow.

Waxaan u malaynayaa in intaas oo keliya laga odhan karo su’aashaas waqtigan. Xaqiiqda ah in nidaamku sii jiro isla markaana uu awood u yeeshay inuu si wax ku ool ah ugu jawaabo Maraykanka iyo Israa’iil, dagaalkana uga dhigo qalalaase caalami ah, runtii waxay ka baxsan tahay filashadii xitaa falanqeeyayaasha ugu xog-ogaalsan ee ka digayay dagaalkan, oo ay ku jiraan khubarada sirdoonka iyo milatariga Maraykanka ee Trump, kuwaas oo uga digay dagaalka. Isagu ma dhegaysanin. Balse uma malaynayo in ay cidna filaysay heerkan waxtarka ah ee dhinaca Iiraan.

Uma lihi tan inaan taageerayo ama wax kasta ku raacsanahay; dagaalkani wuxuu si aad ah ayuu qaali ugu noqday shacabka Iiraan. Dadka aniga ila midka ah ee dibadda ku nool dhammaantayo waxaan leenahay qaraabo noloshoodu khatar ku jirto, dalkuna wuxuu bixin doonaa qiime aad u culus oo sannado badan qaadan doona haddii Iiraan ay awooddo inay dib isu dhisto. Sidaa darteed ma jirto wax lagu farxo. Waxaan u malaynayaa natiijada u wanaagsan ee qof walbaaba rabo ay tahay in dagaalkani si degdeg ah u joogsado. Balse Trump uma muuqdo qof garanaya waxa uu samaynayo, iskaba daa inuu yeesho go’aan istiraatiiji ah oo ku saabsan in dagaalka la joojiyo ama la sii wado.

M.A: Ugu dambayntii, buuggani wuxuu ku saabsan yahay xidhiidhka labada dal iyo, si guud, xidhiidhka ay imbiraaliyadda Maraykanku la leedahay gobolka. Sidee ayuu dagaalkani ugu dambayn u saamayn doonaa doorka Maraykanka ee Bariga Dhexe ama guud ahaan dunida?

A.M-A: Haddii aad eegto waxa hadda dhacay, kani ma ahayn dagaal ay cidina u hanqal taagaysay, marka laga reebo Israa’iil. Deriska Iiraan ma doonayn dagaalkan. Dhammaantood way ogaayeen inuu cawaaqib xun u yeelan doono, wayna ku saxsanaayeen.

Trump wuxuu bilaabay dagaalka isaga oo aan la tashan xulafadiisa Yurub iyo NATO, haddana wuxuu ka codsanayaa inay kula biiraan. Dalalka qaar, sida Isbayn, waxay si cad u yidhaahdeen maya; tani waxay ahayd go’aan xun oo sharci-darro ah, mana doonayaan inay wax xidhiidh ah la yeeshaan. Xitaa dalal saaxiib dhow la ah sida Faransiiska uma ay furin hawadooda si loogu adeegsado hawlgallada milatari ee Maraykanka. Qofna ma taageersana dagaalkan. Sidaas darteed dagaalku wuxuu sababay xiisad weyn, isagoo saameeyay dhaqaalaha dunida, suuqyada tamarta iyo shidaalka. Trump wuxuu Maraykanka geliyay dagaal aanu xakamayn karin sida uu ku dhammaanayo, dhab ahaantiina cidna ma taageersana.

Cawaaqibtu way xun tahay, sidaas oo kale, way ku xun tahay waddamada Khaliijka. Iiraan way weeraraysaa sababtoo ah waxay u oggolaadeen Maraykanka inuu dhulkooda ka weeraro, taasina, dhinaca Iiraan marka la eego, waxay u muuqataa wax macquul ah. Haddii waddamada Khaliijku u oggolaadaan Maraykanka inuu dhulkooda kaga duulo Iiraan, markaas Iiraan waxay beegsan doontaa dhulkooda. Sidaa darted, hadda Qatar, Imaaraadka Carabta iyo xitaa Sacuudiga waa inay dib uga fekeraan xidhiidhka ay la leeyihiin Maraykanka. Maraykanku ma difaaci karo.

Si kooban haddii loo dhigo, Trump wuxuu dhaawacay xidhiidho badan oo muddo dheer Maraykanku lahaa, wuxuuna dumiyay wixii ka hadhay.

Wuxuu sheegay inuusan dan iyo muraad ka lahayn heshiisyada caalamiga ah ama Qaramada Midoobay, wuuna sii baabi’iyay wixii ka hadhay nidaamyadaas; wuxuu ku dhaqmayaa xeerka keynta. Tani sida muuqata faa’iido uma laha Maraykanka, mana u malaynayo inay xitaa faa’iido u leedahay Israa’iil, oo dunida inteeda badani ku eedayn doonto inay dagaalkan ka dambeysay marka uu dhammaado.

Haa, dhinaca Iiraan, deriskeeda iyo shacabkooduba si weyn ayay u dhibtoon doonaan. Horeba way ugu dhibaatoodeen dagaalkan, balse natiijada siyaasadeed ee dagaalkani uma noqon doonto mid wanaagsan Maraykanka ama Israa’iil, iyo xidhiidhkoodaba. Waxaa cad in aanay shacabka Maraykanka oo keliya eedayn doonin, balse xitaa qayb ka mid ah hay’adaha siyaasadeed ee Maraykanka ay Israa’iil ku eedayn doonaan inay Maraykanka ku jiidday dagaal guuldarro ku dhammaanaya.

  • Waraysigan waxa laga soo turjumay halkan