Skip to main content

Friday 14 February 2025

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
Feker

Sidee Qof ugu Qanci Karaa in uu Qof Ujeeddo Gaar ah u Dili Karo?

2 February, 2025
Image
Getty Images
Share

Yaa oggolaan kara in aabbe laba carruur ah haysta dhabarka laga toogto isaga oo ku sugan mid ka mid ah waddooyinka Maanhatan? Waxa muuqata in dad sidaas taageersan jiraan. Ka dib dilkii Brian Thompson, qofkii ku eedaysnaa dilkiisa, Luigi Mangione, waxa uu halyey u noqday dad badan. Dukaannada alaabaha iibiya ayaa bilaabay in ay shaatiyada ku dhejiyaan sawirkiisa, waxaa la sameeyey halkudhegyo tilmaamaya geesinnimadiisa, waxaana suurogal ah in qofi eygiisa u soo iibiyo calaamad ay ku xardhantahay “ha la soo daayo Luigi”. 

Dilkan loo gaystay Brian oo madax ka ahaa shirkadda United HealthCare waxa uu noqday mid qiimayn kale yeeshay. Dad badani waxa ay u arkeen in dilkani jawaab u ahaa dhiigmiirashada shirkadaha waaweyn ee Maraykanku ku hayaan dadka buka iyo inta itaalka daran, iyaga oo u soo dhexmara shirkadaha caymiska caafimaadka iyo daryeelka caafimaadka. Sida muuqatay, ninka dilka gaystay laftiisu arrinkan wuu ugu talogalay, oo rasaasta uu dilka u adeegsaday waxa ku xardhanaa ereyo kacdoon tilmaamaya. Waa dil qof keliya loo gaystay, se u eg farriin meel dheer la gaadhsiinayey. 

Ninka dilka ku eedaysan ee Luigi waa qof wejigiisa si fudud lagu aqoonsan karo. Markii maxkamadaynta la gaadhayna, waxa kor u kacay xammaasaddii loo hayay falka uu gaystay. Koox diimeed ayaa isu soo urursatay taageeradiisa, kuwo kale oo badanna waxa ay u arkayeen geesi dhibbane u ah nidaamka, waxaana suuragal ah in weerarro kale oo lagu taageerayo ninkan lagu beegsado shirkadahaas caafimaadka. 

Waa xaq aasaasi ah in qof kastaa noolaado, oo uu helo xaqiisan. Haddaba, sidee ku suurawday in qof maskax ahaan dhammi rumaysto in uu gar yahay dilka qof si loo dhabeeyo ujeeddo siyaasadeed? 

Luigi waxa lagu eedeeyey dambi ah heerka u sarreeya ee qof la dilo, xukunkiisuna waa noloshiisa inta badan ama dhammaan oo uu xabsi ku qaato. Waxaa suurogal ah in haddii uu falkan ku gaysan lahaa gobollada Maraykanka qaar, isagana la dili lahaa, oo irbad, gaas ama kursiga korontaysan lagu dili lahaa. Dadka difaaca in la qisaaso ama dil lagu xukumo ciddii dambiyo xad ka bax ah ku kacaa, waxa ay ku taageersanyihiin in arrinkani dawladda ka suuroobo, waxaanay aaminsanyihiin mabda’a qisaasta. Waxa ay ku doodaan in haddii qofi qof kale dilo, ay gar tahay qofkaasina in uu dhinto. Waa arrin lagu sheego caddaaladda dabiiciga ah, oo nolosha dheellitiraysa. 

Xaqiiqada aan la dhaafi karin waa in ay aad u yartahay in la helo dambi ciqaabtiisa laga dhigi karo isla dambigaas qofku galay. Tusaale ahaan macquul ma aha in qof tuug ah isna laga xado waxa uu xaday oo kale, iyada oo ciqaab looga dhigayo. Immanuel Kant waxa uu aaminsanaa in dilka badheedhka ah ciqaabtiisa qisaas laga dhigo, isaga oo ku dooday in qisaastu aanay dambiilayaasha kale dabar u noqon karin, se ay caddaalad tahay in qofku nolosha waayo kol haddii uu nolol kale sahayday.

In kasta oo dad badani si aad ah u rabaan in qofka qof loo dilo, haddana taageerada loo hayaa waxa ay gaadhi kartaa heer halis ah. Caddaalad marintii ayaa u eekanaysa aargoosi, harraadkaas ba’an ee aargoosiga loo qabo ayaana dad badan ku riixaya taageerada qisaasta, waana isla sababta dad kale ku riixaysa u cudurdaarka dilka Brian Thompson. Waxa ay aaminsanyihiin in Luigi ku saxanaa dilkiisa, sababtoo ah waa uu ka aargoosanayey kol haddiiba shirkadda Brian ay dhiigmiirad wadday. 

Waxa macquul ah in Luigi marka uu Brian dilayey aaminsanaa in shirkadda ninkani dad badan sabab u noqotay geeridooda, sababtoo ah in ay dhiigmiirashada ay dadka ku samaynayso awgeed dad badani u dhinteen dawo la’aan iyo daryeel la’aan, sidaasna uu ku xalaashaday dilka ninkan, oo uu aaminay in uu u aarayo masaakiin dhiigmiirashada shirkaddan u dhintay. 

Dilka aargoosiga ahi waa uu ka duwanyahay caddaaladda, in aargoosigaas oo kale caddaalad lagu sheegaana halis weeye. Dadka qof dilkii ujeeddo loo socday ku bannaysanayaana waa in ay dib ugu laabtaan damiirkooda iyo sida ay wax u arkaan. 

Waxa lag soo turjumay halkan.