Skip to main content

Monday 12 January 2026

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Aragti

Sidee Musefeeni Isuboqraa?

5 January, 2026
Image
Sidee Musefeeni Isuboqraa?
Share

Muddo afartan sanno ku dhow, reer Yugaandha ma yaqaannaan madaxweyne aan ahayn Yoweri Musefeeni, oo 81 jir ah, welina talada gacanta ku haya, si kasta oo uu marar badan u ballanqaaday in uu xilka ka tagayo, se la mid noqda uun ballanqaadyadiisa kale ee ah in uu dalka ka dhigayo dal xooggan. Reer Yugaandha waxa ay bishan 15-keeda u dareeri doonaan sanaadiiqda codbixinta. Mar kale ayaa uu madaxweynahani rabaa in la doorto, halka dhallinyaro badani isbeddel naawilayaan, gaar ahaan murashaxa la tartami doona Yowerina ee Robert Kyagulanyi oo loo yaqaan Bobi Wine, da’diisuna tahay 43 jir, markii labaadna la tartamaya, se waa ay adagtahay suurogalnimada in lagu kala baxo nidaam uu Yoweri u dejistay ilaalinta kursigiisa.

Musefeeni, madaxweyne abadi ah

Laga soo bilaabo madaxbannaanidii dalka, Yugaandha waxa ay hoy u noqotay xasillooni la’aan iyo afgambiyo milatari. Milton Obote ayaa loo doortay madaxweynihii ugu horreeyey ee dalka, se waxa xukunkiisa soo afjaray afgambi milatari oo dhacay 1971-kii, taladana waxa qabtay Iidi Aamiin, se siddeed sano oo kala qoqobka dalka uu ku qaatay, nidaam gacan kululna dalka ku waday, ugu dambayn waxa xukunka ku soo noqday Obote, oo isna afgambi ku riday ka hor, isla isagana afgambi lagaga tuuray xukunka bishii Julaay 1985-kii.

Bilawgii 1986-kii ayaa uu Musefeeni talada dalka qabtay, isagoo ka yimi Tansaaniya oo uu tagay kolkii uu mucaaridka ku ahaa nidaamkii Iidi Aamiin, aasaasayna Jabhaddii Xorraynta Dalka, oo ku guulaysatay in Iidi Aamiin xukunka laga rido. Musefeeni waxa uu diyaariyey nidaam ku raajiya xukunka. Ka dib markii uu qabtay doorashooyinkii ugu horreeyey ee madaxnimo sannadkii 1996-kii, waxa uu kursiga dib ugu sii fadhiyey labaatan sanno,

Musefeeni waxa uu salka xukunkiisa ku saleeyey hal xisbi, xisbiyadii kale ee siyaasadeedna waa uu baabi’iyey, isagoo xisbigiisa “Dhaqdhaqaaqa Difaaca Waddaniga ah” uu saaxadda siyaasadeed haystay ilaa laga soo gaadhay 1995-kii. Ka dib toban sanno, dalku waxa uu dib ugu laabtay nidaamka xisbiyada badan, se waxa bilaabmay doorashooyin hore loo sii qorsheeyey, oo uu Musefeeni awooday in uu xidhiidhada qoyska xukunka kusii adkaysto; iyadoo gabadhiisu noqotay Wasiirka Barbaarinta iyo Ciyaaraha, halka wiilkiisuna noqday Taliyaha Ciidamada, walaalkii oo ka yarina noqday la taliyahiisa arrimaha difaaca.

Qaabkan ayaa ay doorashooyinka Yugaandha u jaangooyaan sii joogitaanka qoyska Musefeeni, sooyaalkaas dheerna waxa uu ku guulaystay in uu qabanqaabiyo habab uu gacanta ku hayo iyo ballanqaadyo aan dhammaad lahayn, se aan fulin; kolkii uu soo afjaray nidaamka xisbiga keli ah, xisbiyada badanna uu u furay doorashada, haddana isagaa ahaa qofka qaabaynayey danahiisa, oo waxa uu meesha ka saaray shardigii dastuuriga ahaa ee madaxnimada laba jeer wax ka badan aan oggolayn. Mar kale, 2017 ayaa uu dadka ku dagay wax-ka-beddel dastuur, se isagu uu ku darsaday in meesha laga saaro shardiga ah in aanu murashaxa madaxweyne ka weynaan 75 jir. Mar kale waxa uu ka baxay ballankiisii ahaa in aanu isa sharrixi doonin doorashooyinka soo socda, isagoo bilo ka hor ku marmarsooday in uu jeclaystay horumarinta dalka.

Ka sokow in Musefeeni uu joogteeyo qabashada doorashooyin, se haddana waa doorashooyin macno beelay. Waa wax isku beddelay qaab lagu cusboonaysiiyo sii jiritaanka nidaamkiisa. Wayddiintu se hadda waxa ay tahay, yididdiilada isbeddel ee la qabaa ma rumoobi doontaa, mise sidii soo jireenka ahayd bay sii ahaan?

Waxa muuqata in mucaaridkii soojireenka ahaa ee “Xisbiga Isbeddelka Dimuqraaddiga ah” iyo hoggaamiyihiisii hore ee Kizza Besigye, oo 69 jir ah, ay doorashooyinkan tanaasulaan, oo ay saaxadda u banneeyaan awoodaha cusub, oo uu metelayo “Xisbiga Midnimada Dalka”, ee uu hoggaamiyo Robert Kyagulanyi oo doorashooyinkan ku galaya taageerada axsaabta kale, iyadoo himiladiisii ahayd dhisidda jabhad mucaarid ahi ay fogtahay.

Sarkaalkan rugcaddaaga ah ee hore ciidamada uga tirsanaa, Kizze Besigye, oo lagu tilmaamo mucaaridka joogtada ah ee Musefeeni, waxa uu isku dayayaa in uu albaab cusub oo isbeddel furo. Rubuc qarni ka hor buu soo galay siyaasadda, isagoo kasoo galay “Jabhaddii Difaaca Dalka” ee meesha ka saartay Iidi Aamiin. Waxa uu kolkii hore ahaa dhakhtarka gaarka ah ee Musefeeni, se ugu dambayn waxa uu shaaciyey in uu yahay murashax madaxnimada kula tartamaya Musefeeni, oo uu nidaamkiisa ku tuhmay musuqmaasuq. Kolkii koowaadba waa uu ku guuldarraystay doorashooyinka, muddo kooban ayaana la xidhay iyadoo khiyaano lagu tuhmay.

Tuhunkan ayaa dabar looga dhigay mucaaradaddiisa, guuldarradaas koowaad ka dibna waxa uu tagay dalka Koonfur Afrika, isagoo noloshiisa u baqay, iskana fogeeyey eedaha khiyaanada, kuna adkaystay in uu qaab nabdoon wax u mucaarado. Isla eeddii hore ayaa haddana lagu xidhay waxyar ka hor doorashooyinkii 2006-dii, waxaana loogu daray eed kufsi, se loo akay uun dhaleecayn uu nidaamku ku wado si uu u suurad dilo, tartankana looga reebo. Mar saddexaad ayaa uu bishii Feebarweri ee 2011-kii uu galay tartan kale, isagoo kolkanna guuldarraystay, sidii dhaqanka ahaydna la xidhay. Ka qaybgalkiisii u dambeeyey ee doorasho, 2016, waxa lagu xukumay xabsi-guri daa’im ah, ka dib markii uu sheegtay in uu guulaystay, dabadeed mar kale ayaa la xidhay, ka dib markii uu si qarsoodi ah xukunka loogu dhaariyey.

Doorashooyinkii 2021 waxa uu go’aansaday in aanu isa sharrixin, se haddana kama tanaasulin mucaaradaddii, ee waxa uu booska u banneeyey murashaxa cusub ee Bobe Wine. Xitaa ka fadhiisigiisa tartanku ma keenin in uu xabsigii joogtada ahaa ka badbaado, oo waxa mar kale, bishii Noofambar ee 2024, isagoo safar u ah Kiiniya, lagu xidhay eedda ah in uu ka qaybgalay dibadbaxyo, waxaana la horgeeyey maxkamad milatari, waxaana lagu eedeeyey in uu hub urursaday, weliba waxa la diiday in la sii daayo walow caafimaadkiisu xumaa.

Tijaabadii koowaad ee murashaxa cusub ee Bobe Wine guul kamay soo hoynin nidaamkan isbeddelka ka dhego adaygay, tijaabadii hore mid la mid ah ayaanu doorashooyinkan galayaa, isagoo ka faa’idaystay caannimadiisa uu ku helay heesaa boobka ah, oo lagu bartay heesaha mucaaradka, sidoo kalena ku socda jidkii aabbihii oo ahaa mucaarad hore. Kolkan waxa uu jeexayaa jid cusub oo mucaaradnimo, isagoo ka faa’idaysanaya shacbiyaddiisa dhallinyarada u badan, waxaana lagu naanaysaa “Mucaaridka Cas”, iyadoo looga jeedo koofiyadaha cascas ee taageerayaashiisu xidhaan.

Sidii lagu yaqaanay mucaarad kasta, nidaamku waxa uu mucaaridkan cusubna ku waajahay tabihiisii hore; waa uu xidhay, marar dhawr ahna waxa la galiyey xabsi-guri. Siyaasadda waxa uu kasoo galay heesaha, sannadkii 2017 ayaanu xildhibaan barlamaan oo madaxbannaan isu sharraxay. Shacbiyaddiisu waxa ay sii badatay kolkii uu hoggaamiyey mucaaradaddii lagaga soo horjeeday wax-ka-beddelka dastuurka ee isla sannadkaa 2017. Sannadkii 2021 waxa uu aasaasay Xisbiga Midnimada Dalka, waxaanu isu sharraxay madaxnimada dalka. Guuldarradii doorashada ka dib waa la xidhay, waxaanu xaqiijiyey in uu jidhdil la kulmay muddadii xabsiga, doorkanna waxa uu sugayaa iskuday kale, oo indhaha lagu wada hayo.

Si guud, waxa hubaal ah in aanu nidaamku ku guulaysan aamusiinta codka mucaaridka, se waa uu weheshadaa jiritaankiisa si uu ugu sii xoojisto sharcinnimadiisa, isla jeerkaasna waa uu cabudhiyaa si uu kaalintooda hoos ugu dhigo.

Doorashooyinkii hore waxa ay maskaxda reer Yugaandha kaga tagtay nabarro dhaafsiisan iswayddiinaha awalba ku saabsanaa madaxbannaanida iyo daahfurnaanta doorashooyinka, ka dib markii kooxihii korjoogtaynta doorashadu isaga baxeen, nidaamkuna bilaabay cabudhinta iyo u cagajuglaynta mucaaridka. Doorashadan soo socotana, indho walaac bay ku eegayaan, iyagoo ka werweraya in dhacdooyinkii hore oo kale dib usoo noqdaan, sababtoo ah cabudhin iyo dhaqanno kakan ayaa uu durba ololaha doorashadu ku bilaabmay, ururro dhawr ahina waxa ay shaaciyeen walaaca ay ka qabaan cabudhinta mucaaradka.

Nidaamka Musefeeni waxa uu hirgalinayaa sawir ah in aan cidi beddeli karin, sharciga laftiisana marba weji cusub ayaa uu ku qaabbilaa; kol uu kaadhkii kacaanka ciyaaro iyo kol uu godad cusub kaga dhuunto. Waxa ka mid ah tabaha uu adeegsanayo in uu bedka keeno in wiilkiisa Janaraal Muhoozi Kainerugaba, oo taliyaha ciidamada ah, uu dhaxlo, se xitaa waxa muuqata in qorshahan dhaxalku aanu musefeeni ku qancin, haddana uu sharraxanyahay.

Hubantida uu ku qabo guusha uu ka gaadhayo doorashooyinku waa waxa ku sababaya aamusiinta mucaaradka iyo meelmarinta qaabab uu ku musuqmaasuqo doorashada.

Doorkan waxa kale oo uu cabudhinayaa dhallinyarada, ka dib markii dunida ay ka dhaceen bannaanbaxyada jiilka Z, isagoo ka jawaabaya dibadbax magac looga dhigay “nabadgalyo Musefeeni”, waxa uu dhallinyaradaas wayddiiyey “maxaad fuliseen oo horumar ah?”

Iskuma hawlo ka baqashada afgambi milatari, walow afgambiyada sidan ahi qaaradda ka curteen. Waxa uu hubaa in suurogalnimada afgambiga sidan ahi ay ku adagtahay dal uu qoys gacanta ku hayo haayadihiisa oo dhan, oo ay ka mid tahay haayadda amniga iyo ciidamadu, se haddana waa tallaabo si uun looga cabsan karo.

Si kasta oo ay ahaataba, dhammaan oddorosyadu waxa ay tilmaamayaan in natiijada hore loo sii go’aamiyey, haddaanay wax cusubi doorkan iman, se waxa cabsidu ka jirtaa in laga aamin baxo in isbeddel lagu ridi karo sanaadiiqda, oo arrinku isku beddelo faragelin millatari, ama in xitaa nidaamka laftiisu is afgambiyo oo uu gude ahaan isu beddelo.

Qoraallada kale ee qoraaga