Skip to main content

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Buug

Sidee maqnaanshaha aabbuhu u saameeyaa korriinka nafsadeed ee gabadha?

27 October, 2026
Image
  Sidee maqnaanshaha aabbuhu u saameeyaa korriinka nafsadeed ee gabadha?
Share

Buuggan lagu magacaabo “The Absent Father Effect on Daughters”, waxa qortay Susan Schwartz oo ah caalim nafsadeed oo ku xeeldheer wax ka qoridda kasmanafeedda. Buugga waxay kaga hadlaysaa mawduuc xiise badan oo ku tacalluqa sida maqnaashaha aabbuhu u saameeyo dareenka, nafsadda iyo hab-fekerka gabadhiisa. Waxay soo bandhigaysaa waayo-aragnimada gabdho ay dayaceen aabbayaashood, iyada oo ku kabaysa addillo kasmanafeed oo mas’aladan wax badan ka tilmaamaya. 

Marwo Susan, waxay kolka horaba xusaysaa in aabbuhu kaalin weyn ka ciyaaro korriinka nafsadeed iyo maskaxeed ee gabadha. Waxay u baahan tahay kalgacalkiisa, daryeelkiisa, xigmaddiisa, waayo-aragnimadiisa nololeed iyo in uu si naxariis leh ugu noqdo hage korriinkeeda nafsadeed wax badan ku biiriya. “Haddii aabbayaashu si firfircoon uga qaybqaataan nolosha gabdhahooda, iyaga oo la leh xidhiidh ku dhisan jacayl, daryeel iyo garab-istaag, gabdhuhu waxay yeeshaan kalsooni badan oo u sahasha in nolosha iyo waxbarashadaba ku guulaystaan, iyaga oo ka fogaanaya habdhaqannada silloon ee khatarta leh”, ayay qoraysaa.

Joogitaanka iyo taageerada aabbuhu waxay gabadha u abuuraan saldhig adag iyo garoon ay dareennadeeda nafsadeed ku kobcaan. Marwo Susan, sida ay qalinka ku sugayso xidhiidhka wanaagsan ee gabadhu la leedahay aabbaheed waxay siin kartaa: aqbalaad, jacayl, xasillooni iyo awood ay nafteeda ku aaminto, taas oo u noqota wax ay awooddeeda hal-abuur ku muujiso. Haddii se aabbuhu yahay mid maqan, waxay maqnaashihiisu ku sababi kartaa burbur nafsadeed oo baaxad leh, taas oo ilaa nolosheeda dambe jiitanta. 

Kolka aynu ka hadlayno maqnaashaha aabbuhu waa laba jaad oo muhiimaddooda leh: 1) waa in aabbuhu uu muuq ahaan iyo dareen ahaanba maqan yahay; iyo 2) in uu muuq ahaan joogo, balse uu dareen ahaan maqan yahay. Ta dambe kasmanafeedda kolka la joogo waxa loogu yeedhaa “aabbe dhintay/dead father”— oo loola jeedo xaalad uu aabbuhu jir ahaan nool yahay oo uu gabadhiisa guriga la joogo, laakiin dareen ahaan uu maqan yahay oo aanu siinayn wax dareen iyo kalgacal ah. 

Marka gabadha aabbaheed dareen ahaan maqan yahay, oo aanu dhegeysanayn, jacayl siinayn, ixtiraam u muujinayn, dareenkeeda aqoonsanayn, oo xannaanadii aabbannimo ee u baahannayd uu iska indha’tirayo gabadhu waxay ku dhacdaa xaalad kasmanafeed oo lagu magcaabo “dayacaad shucuureed/emotional neglect.” Dayacaadda shucuureed ee gabadhu la kulanto waxa uu dhaawac weyn u geystaa saykoolojiyaddeeda. Kalsoonida nafteeda oo burburta, cabsi, walaac, niyad-jab, dareennadeeda oo ay cabbudhiso iyo in ay tahli kari waydo nafteeda iyo deegaanka ku xeeran oo ay si qumman ula falgeli waydo ayuu ku sababaa.

Marwo Susan, marka ay ka hadlayso aabbaha dareen ahaan maqan waxay xusaysaa aabbahaasi kolka uu bannaanka joogo in aad loo ammaano, la tixgeliyo, dadka ka muuq dheer yahay, aadna uga dhex muuqdo abaabulka kulannada bulsheed. Laakiin marka guriga la joogo uu yahay ruux jacjacoor ah, xidhxidhan, oo leh habdhaqan aabbannimo oo kelitalisnimo ku dhisan. Habdhaqanka aabbannimo ee jaadkan ahi waxa uu gabadha ku sababaa khalkhal nafsadeed, xidhiidhada bulsheed ama lammaane oo ka xumaada, jacaylkii aabbannimo oo ay waydo iyo wahan xoog leh oo nolosheeda soo wajaha. 

Kasmanafeedyahannad Susan, iyada oo qodobkan ka hadlaysa waxay burinaysaa fahan-xumo weyn oo ay aabbayaashu aaminsan yihiin taas oo ah in daryeelka iyo dareenka gabadhu u baahan tahay ay hooyooyinku siin doonaan oo aanay ahayn shuqul aabbayaasha u yaalla. Waxay caddaynaysaa sida gabadhu ugu baahan tahay dareenka hooyannimo tab la mid ah in ay ugu baahan tahay dareenka aabbannimo ee ku dhisan jacaylka, garab-istaagga, tabantaabada iyo aqoonsiga. Waxa ay boorrinaysaa in aan la dhayalsan dareenka aabbannimo ee gabadhu u baahan tahay oo kolka koboceeda nafsadeed la joogo qayb weyn ka ah.

Arrinta labaad ee buuggu taabanayo waa aabbaha gebi ahaanba maqan (muuq ahaan iyo dareen ahaan labadaba), sida ay gabadha korriinkeeda nafsadeed u saamayso. Qisooyinka buugga ku jira waxa ka mid ah wada-sheekaysi iyo la-talin nafsadeed oo loo sameeyey gabdho la kulmay waayo-aragnimada aabbaha maqan. Doogta nafsadeed ee gabadhu ka dhaxasho aabbaha maqan waxay ku sababtaa in xidhiidhadeedu ku dhismaan shaki iyo filashada in wixii oo kale dhacaan. 

Tusaale ahaan, kolka ay gabadhu weynaato waxa ku beermi kara cabsi iyo filasho ah in dadka ay jeceshahay ka tagaan ama ay ka fogaadaan si la mid ah sidii aabbaheed uga tegay, taas waxay u horseeddaa wareer, shaki iyo walaac ku aaddan wax mustaqbalku maaggan yahay. 

Intaas waxa dheer in maqnaashaha aabbaha ay kala kulanto burbur lixaad leh oo asiiba sida ay nafteeda u aragto, u fahanto, ugana fekerto dhab ahaan ruuxa ay tahay, taas oo ay soo hoosgelayso ahaanshaheeda oo khalkhal ka galo. Waxa ka luma kalsoonida, dhugmada (attention), iyo go’aanqaadashada, waxa ayna ugu danbayn u gacangashaa doonista dadka si ay ixtiraamkii iyo jacaylkii aabbannimo ee ay wayday u hesho, taas oo irridda u furta geyllan dheer oo ku saabsan raallin-gelinta dadka—oo ah yool aan la gaadhi karin.

Marwo Susan waxay diiwaangelisay in maqnaashaha aabbaha ay gabadha ku sababto shakhsiyad isqarin ah (as-if personality), oo ah in gabadhu dadweynaha isugu soo bandhigto qof dedaal badan, kalsooni hagaagsan leh, guulaystay oo noqotay ruux kaalingal ah, taas oo aanay dhab ahaan ahayn kolka gudaheeda la joogo. Maxaa wacay, sawirka gudaheedu waxa uu muujinayaa in ay tahay ruux kalsooni xun, nafsad ahaan burbursan, madhnaan shucuureed dareemaysa, oo khalkhal ahaansho ku furan yahay. 

Si kooban, waa shakhsiyad u abaabulan in ay bulshada qanciso iyada oo guulaheeda oo dhan ku raalligelinaysa dadka kale. Run ahaan, waa qof aan aqoonsi gudeed haysan, sabab loo aanayno maxsuul ka dhashay maqnaashaha aabbaha. Maqnaashaha aabbaha waxay la xidhiidhinaysaa jirrooyin nafsadeed oo ay ka mid yihiin: doog, walaac, cabsi iyo qulub nolosheeda dambe carqalad ku noqda.

Marwo Susan, waxay aqoonsan tahay in laga kaban karo dhaawaca nafsadeed ee maqnaashaha aabbaha la gala kulmo. Xalalka ay buuggeeda ku darayso waxa ka mid ah: in la aqoonsado dhaawaca ka dhashay maqnaashaha aabbaha oo ah in aanay gabadhu dafirin xanuunka shucuureed ee ay dareemayso, in sawirka gabadhu nafteeda ka haysato la dhiso, in madhnaanta shucuureed ee ay dareemayso la buuxiyo iyada oo aan la iska indha-tirayn, in gabadha la baro sida ay dareenkeeda iyo rabitaankeeda u sheegan lahayd iyada oo aan laga dhigayn ceebaal, iyo ugu danbayn in gabadhu u tagto baante nafsadeed (psychotherapist) oo wax kala qabta xaaladda nafsadeed ee ay soo martay si ay u hesho daawo iyo la-talin nafsadeed oo munaasab ah.

Guntii iyo gunaanadkii buuggani waa mid macno leh, waxa uu dersayaa eelka nafsadeed ee maqnaashaha aabbuhu ku sababo gabadha. Waa mawduuc aad inoo khuseeya kolka aynu ka hadlayno sida aabbaha Soomaaliyeed doorkiisa barbaarineed u maqan yahay ama gaabiska u yahay. Buuggu waxa uu innagu baraarujinayaa muhiimadda aabbuhu u leeyahay caafimaadkeenna nafsadeed, gaar ahaan waxa uu taabanayaa sida raadka aabbaha maqani gabadha nafsaddeeda u waxyeelleeyo. Waxa buugga ku jira qisooyinka gabdho la kulmay waayo-aragnimada aabbaha maqan kuwaas oo loo sameeyey baanasho (therapy), iyo la-talin nafsadeed. Waxa ka buuxa casharro waxgal ah oo aad inoo anfacaya. Waxaan ku talin lahaa in la akhriyo, wax laga barto si aan u yeelanno wacyi kasmanafeed oo wax inoo tara.

Qoraallada kale ee qoraaga