Skip to main content

Sunday 18 January 2026

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Buug

Sidee Mamdaani u Fasiray Xasuuqii Ruwaanda?

28 December, 2025
Image
   Sidee Mamdaani u Fasiray Xasuuqii Ruwaanda?
Share

Buuggan la magacbaxay "When Victims Become Killers: Colonialism, Nativism, and the Genocide in Rwanda", waxa qoray Maxamuud Mamdaani oo ah mutacallin weyn oo deraasaadka Afrika macruuf ka ah. Waxsoosaarkiisu waxay xoogga saaraan mashruucyada gumaysi ka-saarka (decolonization projects), waxa uuna si habboon u lafaguraa sida gumaysigu Afrika u xukumay iyo cunsurrada go'aamiyey in uu dadka noloshooda si qotodheer saamayn ugu yeesho. Mudane Mamdaani, buuggan waxa uu si hagaagsan ugu kala dhigdhigayaa xasuuqii Ruwaanda ka dhacay sannaddii 1994-kii ee loo geystay qawmiyadda Tutsiga. Waxa uu dul istaagayaa sida xasuuqu ku yimi, cidda hindisaheeda shidhka u fadhiday, iyo halka uu asal ahaan lugta ku hayo. Waxa uu dib inoogu celinayaa sida labada qawmiyadood u noolaayeen ka hor gumaysiga, waagii gumaysiga iyo ka dib kolkii ay xornimada qaateen ee Jamhuuriyaddii Ruwaanda ay dhalatay, gu'gii 1962-kii. Waxa aynu buugga si layaqaan uga baranaynaa eelkii, hagardaamadii iyo utuntii uu gumaystuhu Afrika kaga tegay iyo sida uu dadkii dhaladka ahaa ahaanshahoodii u naafeeyey, isaga oo ugu amarkutaagleeyey wax uu u bixiyey ‘hawlgalka ilbixinta (civilizing mission)’ oo ahaa marmarisiiyo ku salaysan qabsasho, boob, dhiigmiirad, xukun iyo xasuuq aan loo meel dayin.

Soomaalidu waxay tidhaahdaa; "ayax tag eelna reeb." Haddaba, qoraalkan kooban waxa aynu kaga warramaynaa faallo iyo faaqidaad ku saabsan buugga kor ku xusan, innaga oo soo bandhigayna sida uu Mamdaani u soo dhiraandhiriyey masiibadii Ruwaanda ka dhacday. Waxa aynu abbaaraynaa aragtida Mamdaani ee xasuuqa iyo isticmaarkii Ruwaanda gumaystay ee bulshada kala qoqobay ee kooxba meel ku ooday.

Inta aanu iman gumaystihii Jarmalka iyo Biljamku, qawmiyadaha Tutsiga iyo Hutugu waxay si nabdoon ugu noolaayeen dhulka haatan la dhaho Ruwaanda, waxana gacanta sare iyo maamulka lahaa qawmiyadda Tutsiga oo nidaam boqortooyo ah ayaa deegaanka ka jiray. Nidaamka dhaqan-dhaqaale ee labada qawmiyadood si weyn ayuu u kala duwan yahay. Tutsigu waa bulsho raacato ah, halka Hutugu ay yihiin dad beeralay ah. Sidan ayey u yaalleen ilaa uu gumaystihii reer Yurub ka qabsanayey. Xeerka uu isticmaarku ku caanamaalay waxa uu ahaa: "qaybi oo u tali." Kolkii uu yimiba labadii qawmiyadood wuu kala qoqobay, cunsuriyad ayuu ku soo dhex tuuray, si hagaagsanna wuu u kala dhantaalay. Gumaystuhu, isla judhiiba, wuxuu la jirsaday nidaamkii boqortooyada ee Tutsigu taladeeda hayeen. Hutuga waxa uu la beegsaday haybsooc gacan kulul, wuxuu ku tilmaamay in ay yihiin dad liita oo laangaab ah, talana aanay faro ugu jirin. Si uu bulshada u kala guro, gumaystihii Biljamku waxa uu 1930nnadii soo rogay kaarar aqoonsi oo qawmiyadaha haybtooda lagu kala garanayo. Waxa uu aslay kaarar ay ku kala qoran yihiin qawmiyadaha Hutuga, Tutsiga iyo Tawa (waa qawmiyad boqolkiiba hal ka ah Ruwaanda). Mar haddii uu gumaystuhu la jirsaday boqortooyadii ay Tutsigu maamulkeeda hayeen, waxa bilowday in haybsooc, durkin siyaasadeed, dhaqaale iyo mid maamulba uu ku sameeyo qawmiyadda Hutuga oo ah dadka ugu tirada badan waddanka. Waxa laga fogeeyey wax walba oo maamul ah, waxana hoos loo dhigay oo la quursaday kaalintooda. Taa lidkeeda, gumaysigu waxa uu Tutsiga u gacangeliyey wax walba oo maamul, dhaqaale, waxbarasho iyo ciidanba leh. Isticmaarku si weyn ayuu labada qawmiyadood u kala sarraysiiyey, waxana uu adeegsaday tab walba oo u sahli karta arrintaas. Bilmatal, kolka nidaamka waxbarashada la joogo qawmiyadda Tutsiga luuqadda waxbarashada loogu dhigi jiray waxay ahayd luuqadda Faransiiska. Halka Hutuga luuqadda loogu dhigi jiray ay ahayd Sawaaxili tayadiisu aad u liidato (fiiri bogagga 111-112). Dhanka isirika, gumaystuhu waxa uu qawmiyadda Hutuga ku tilmaamay in ay yihiin Baantuu, halka uu qawmiyadda Tutsiga ku sheegay in ay yihiin Xamatig ilbax ah. Xeeladahan kala qoqobka ah oo dhan gumaystuhu waxa uu uga gol-lahaa in uu colaad iyo nacayb waara labada qawmiyadood dhexdooda ku beero. Tan oo kolkii danbe u hirgashay.

Mamdaani sida uu ku doodayo, kala qoqobka isticmaarku waday waxay cadho miiggan ku kicisay qawmiyadda Hutuga, iyaga oo isku ballansaday in laga takhalluso isticmaarka iyo qawmiyadda Tutsiga, taas oo hirgashay sannaddii 1959-kii, markaas oo kacdoon bulsho oo xooggani dhashay. Qoraagu wuxuu qoray in gu'gii 1959-kii uu ahaa markii ugu horraysay ee isbeddel siyaasadeed oo weyni ka dhaco nidaamkii isticmaarka ee Ruwaanda. Waa ammintii ay Hutugu ku ballameen in ay gacanta ku dhigaan talada xukunka ee dalka. Waxa uu ahaa dadaal muddo socday, si gaar ahna ay hoggaan ugu ahaayeen indheergaradkii Hutugu. Tusaale ahaan; sannaddii 1957-kii waxa soo baxay Baaqii Bahuutu (Bahutu Manifesto) oo ahaa baaq ay hormuud u yihiin indheergarad sagaal qof ka kooban oo Hutu ahi. Indheergaradkani waxay soo saareen baaq ciwaankiisu yahay, "Notes on the Social Aspect of the Racial Native Problem in Rwanda." Xididka baaqu waxa uu daarranaa: sinnaan la'aanta bulsho ee u dhexeysa labada qawmiyadood, cadaadiska iyo takoorka Hutuga lagu hayo. Sidaa awgeed, waxay cod dheer ku sheegeen in uu lamahuraan yahay gumaysi ka-saar dhab ah oo luxudka loogu hubsanayo nidaamka isticmaarka iyo qawmiyadda Tutsiga. Sidaas waxa ku dhashay kacdoon ay Hutugu talada dalka kula wareegayaan, oo ay ka dhalanayso in la soo gebagebeeyo nidaamkii boqortooyada ee Tutsigu hoggaaminayeen, waxana dhalan doona labo jamhuuriyadood oo ay Hutugu madax u yihiin. Waana kolka ay si waafi ah u soo shaacbaxayso nactooyada iyo colaadda gaamurtay ee isticmaarku ku dhex beeray labada qawmiyadood.

Dhalashadii Xukunka Hutuga

Kolkii ay Ruwaanda gobonnimada qaadatay, sannaddii 1962-kii, waxa talada dalka qabsaday qawmiyadda Hutuga, waxana bilowday in si toos ah loo abbaaro cid walba oo qawmiyadda Tutsiga ka mid ah. Waxa nidaamkii dawladnimo iyo hay'adaheedii shiiqiyey qawmiyadda Hutuga, iyaga oo isireeyey xubin walba oo dawladeed. Waxa sidaas ku abuurmay wax uu Mamdaani u bixiyey, "dawlad Hutuga u gaar ah." Hutugu, maaddaama oo ay qabeen cadho iyo quursi hore loogu geystay waagii isticmaarka, kolkan waxay bilaabeen in ay beegsadaan cid walba oo Tutsi ah. Waxay ka sifeeyeen maamulka, waxbarashada, dhaqaalaha, ciidanka iyo siyaasadda, waxana loo geystay takoor aad u daran. "Tutsigu waxay wajaheen takoor aan ku koobnayn oo keli ah siyaasadda, ee gaadhsiisan fagaaraha bulsheed", ayuu Mamdaani qorayaa. Markii hore, haddii Hutugu ay dareemayeen quursi, takoor, gacankahadal iyo barakicin, haatan waxa waayo'aragnimadaas maraya qawmiyadda Tutsiga, waxana ku bilowday in loo geysto dil, kufsi iyo barakac aan loo meel dayin. Intii u dhexeysay 1959-1973, waxa Ruwaanda ka qaxay dad kor u dhaafay 300,000 oo qof oo Tutsi ah, kuwaas oo qaxooti ku noqday dalalka Yugaandha, Tansaaniya, Burundi iyo Koongo. Intaa waxa dheer in idaacadaha iyo wargeysyada dalka lagu baahiyey dacaayado sheegaya in Tutsigu ay yihiin dad shisheeye ah oo aan dalka u dhalan.

Sida Mamdaani qabo, dilkan iyo cabbudhintan waxa hormuud u ahaa haldoorkii Hutuga ee gumaysigii ka dib talada dalka qabtay, kuwaas oo sii geeddigeliyey falsafadihii abaaday ee isticmaarka ee nacaybka iyo faquuqa ku salaysnaa. Sannaddii 1973-kii, waxa Ruwaanda ka dhacay afgenbi uu xukunka kula wareegay madaxweyne Juvénal Habyarimana, waxana sidaas ku curatay jamhuuriyaddii labaad ee waddanka. Jamhuuriyaddan cusubi waxay sii ambaqaadday xadgudubyadii ka dhanka ahaa qawmiyadda Tutsiga, iyada oo dawladdu u tixgelisay in ay yihiin khatar amni. Waxa sidaas ku sii siyaaday qaxii iyo barakacii ay Tutsigu ku jireen. Tan oo ugu danbayntii maxsuulkeedii noqday in dabshidkii 1987-kii ay samaysanto jabhad la yidhaahdo, Jabhadda Waddaniga ee Ruwaanda (Rwandan Patriotic Front). Jabhaddan waxa seeska u dhigay dhallinyaradii Tutsiga ee ka soo qaxay tacaddiyadii ay qawmiyadda Hutugu ku haysay, kuwaas oo nabdiga geliyey in ay lagamamaarmaan tahay in waddanka dib loogu laabto. Ujeedkoodu waxa uu ahaa: in qaxootiga Tutsiga la soo celiyo, in la soo afjaro takoorka iyo in qaran midaysan la dhiso, taas oo markii danbe dhaqangashay.

Dagaalkii Sokeeye iyo Xasuuqii

Sannaddii 1990-kii, kolkii ay jabhadda RPF soo gashay deegaanno ka mid ah dalka, waxa ay dawladdu si qummaati ah u bilowday dacaayado, iyo nactooyo daran oo ka dhan ah qawmiyadda Tutsiga. Waxay faafisay in RPF doonayso in ay soo celiso nidaamkii boqortooyada ee Tutsiga. Sidaa awgeed, waxay dadweynaha dhegaha ugu rideen hadallo ay ka mid yihiin, "xaqiina difaacda oo iska celiya kuwa doonaya in ay idin cabbudhiyaan." Intaa waxa dheeraa in la baahiyey halkudheg tilmaamaya in Tutsigu ay yihiin dad ajaanib ah oo aan dalka u dhalan. Mamdaani waxa uu xusay in siyaasiyiintu kaalin xooggan ka geysteen in Tutsiga la dilo. "Waxay lahaayeen dila, waxaad helaysaan dhulka iyo hantida jaarkiina", ayuu ku qorayaa (bogga 201). Dawladdu waxay ku baaqday in qof walba oo Tutsi ah la dilo, hantidiisa la qaato, oo meeshii lagu arki karo lagu khaarijiyo. Sidaa awgeed, waxa dhacay in dadka lagu dilo goobaha caamka ah, xarumaha waxbarashada iyo cibaadada oo kaniisaduhu ay ku jiraan. "Kaniisaddu si toos ah ayey uga qaybqaadanaysay xasuuqa", ayuu ku dhigay (bogga 226). Dadka dhaawaca ah ee Tutsiga ah marka la keeno cusbitaallada waxa dhacaysay in kaararkoodii aqoonsiga la wayddiinayey ka hor inta aan la dawayn si loo aqoonsado in qofkani Tutsi yahay iyo in kale. Dhakhaatiirtu way diidayeen in ay daweeyaan dadka xanuunsan ee Tutsiga ah. Taas waxa ka daran in dhakhaatiirta Hutuga ahi ay si weyn gacan uga geysanayeen in la dilo saaxiibbadoodii Tutsiga ah. Mamdaani waxa uu xusayaa in haweenku qayb laxaad leh ku lahaayeen xasuuqa. Waxa uu qalinka ku adkaynayaa in haweenka Hutuga ahi ay carruurta kala harayeen dumarka Tutsiga ah ka dibna ay ku tuurayeen webiyada. Sannaddii 1991-kii, dawladdu waxay bilowday in ay qorto oo hubayso ciidamo madani ah oo door weyn ka ciyaaray xasuuqa, waxay tababbaro siisay dhallinyaradii Hutuga ahaa iyada oo amartay in laga hor tago khatarta Tutsiga ee dalka ku soo socota.

Bishii Abril 6, 1994-kii, waxa la soo riday diyaarad uu saarnaa Madaxweynihii Ruwaanda, Juvénal Habyarimana. Dilka madaxweynuhu waxa uu oog ku sii shiday colaaddii uu waddanku ku jiray. Waxa dhacday in boqol maalmood wax ku siman lagu dilo dad tiradoodu gaadhayso hal milyan oo qof. Qoraagu waxyaabaha qarracanka leh ee uu ka soo tebinayo muddadii uu xasuuqu socday waxa ka mid ah; in la dilayey dumarka Tutsiga ah ee qaba nimanka Hutuga. Dawladdu waxay nimanka Hutuga ah ku qasbaysay in ay dilaan xaasaskooda Tutsiga ah inta aanay u gudbin cid kale oo Tutsi ah. Ninka diida waxa la kala doorransiinayey naftiisa ama xaaskiisa. Waxa dhacaysay in ninku dilo xaaskiisa Tutsiga ah si uu naftiisa u badbaadsado. Mamdaani waxa uu si caloolxumo leh u soo warinayaa wixii Ruwaanda ka dhacay, isaga oo u kaashanaya safarro kala duduwan oo uu dalka ku tegay xasuuqii dhacay ka dib, qoraallo laga sameeyey xasuuqa iyo cilmibaadhisyo kale oo la xidhiidha gumaysiga. Hannaan waafi ah oo habboon ayuu mushkiladda u uurbaadhayaa.

Mamdaani waxa uu buugga kaga sheekeeyey muddadii ay colaadda iyo xasuuqu socdeen sida ay jabhadda RPF isu xakamaysay oo masuuliyad weyn isu saartay. Waxa uu jabhadda ku bogaadiyey in ay lahaayeen tababbar, aqoon iyo dhishibiliin. Goobaha jabhaddu qabsato waxay ka fulinaysay maamul. Dadka Hutuga ah ee ay u yimaaddaan waxay u sheegayeen in ay qaxaan si aanay dhibaato u soo gaadhin. Ciidanka jabhaddu dhulka uu qabsado waxa laga ilaalinayey in ay wax dhacaan, hanti burburiyaan, ama dadka wax u geystaan, taas oo ku tusaysa bisayl siyaasadeed iyo in ay ahaayeen dad xukun doonayey oo aan aargudasho u socon. Waa faldhaqan ka duwan oo lid ku ah wixii ay samaynayeen in badan oo ka mid ah jabhadihii Soomaalida ee taliskii Maxamed Siyaad Barre ku kacay. Dhishibiliinka ay jabhaddu lahayd waxay u saamaxday in ay dalka qabsadaan, oo takoorkii, colaaddii sokeeye iyo xasuuqiiba ay soo afjaraan. Arrintan ayaa uu qoraagu si weyn buugga ugu xusay.

Xasuuqii ka Dib

RPF kolkii ay talada dalka la wareegtay, waxay xoogga saartay dibudhis, nabadayn iyo in la maxkamadeeyo shakhsiyaadkii ku lug lahaa xasuuqa. Mamdaani waxa uu qabaa in Ruwaanda ay ka hirgashay wax uu ugu yeedhay caddaaladda guulaystaha (victor's justice) oo ah in kuwa guulaystay ay go'aamiyaan caddaaladda, maxkamdaynta iyo ciqaabta kuwa laga adkaaday. Sidaa awgeed, waxa uu hoosta ka xarriiqay in tani dammaanad buuxda u noqonayn in xasuuqu aanu soo laabanayn. Sidaas oo ay tahay, Mamdaani waxa uu sheegay in xasuuqiii ka dib ay Ruwaanda horumar iyo xasillooni bulsho xaqiijisay. Hoggaankii Tutsigu waxay sameeyeen maxkamado lagu qaado dadkii xasuuqa ka qaybqaatay. Waxa la asaasay Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada Ruwaanda (International Criminal Tribunal for Rwanda), oo qaadaysay dacwadaha madaxdii hormuudka u ahaa xasuuqa. Sida oo kale, waxa la sameeyey maxkamado gudaha ah. Waxa intaa dheeraa in kiisaska qaar lagu xallinayey xeerarka caddaaladda ee dhaqanka, si gaar ah midka la dhaho, Gacaca. Dhanka kale, waxa la sameeyey matxafyo lagu xasuusto xasuuqii dalka ka dhacay si dadku wax uga bartaan. Waxaas oo dhan waxay qayb ka ahaayeen dadaallo nabadayn ah oo dalka lagu xasilinayey.

Guntii iyo gunaanadkii, waddanka Ruwaanda waxa ka dhacay mid ka mid ah xasuuqyadii ugu darnaa taariikhda casriga ah ee adduunka. Mamdaani waxa uu xididka xasuuqa ku ururinayaa: 1) nidaamkii isticmaarka ee labada qawmiyadood sida weyn u kala qoqobay, u kala sarraysiiyey, ee utumo raagay dhexdooda ugu beeray.; iyo 2) kacdoonkii bulsho ee sannaddii 1959, kaas oo ay xukunka ku gaadheen hoggaankii siyaasadeed ee Hutuga kuwaas oo sii dardargeliyey siyaasadihii gurracnaa ee gumaystaha ee ku salaysnaa nacaybka, qoqobka iyo takoorka. Qoraalkan koobani waa iftiimin guud, wixii faahfaahin iyo xogo dheeraad ah waxaad ugu laabanaysaan buugga.