Skip to main content

Sunday 15 February 2026

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Aragti

Sidee loo Akhrisan Karaa Xadhiga Madaxweynaha Fansuweela Sharci ahaan?

12 January, 2026
Image
Sidee loo Akhrisan Karaa Xadhiga Madaxweynaha Fansuweela Sharci ahaan?
Share

Maraykanku waxa uu soo qabtay Madaxweynihii Fansuweela, Nikaloos Maaduro, tallaabadan oo noqotay mid aan hore loo arag, muran ballaadhanna ka dhex dhalisay dunida iyo qaanuunka, sidoo kalena gilgishay madaxbannaanida iyo xasaanadda la dhawro, sidoo kalena bedka keentay wayddiimaha la xidhiidha siyaasadaynta qaanuunka iyo u adeegsigiisa loollanada siyaasadeed.

Haddaba, qabashada Maaduro sidee loo akhrisan karaa qaanuun ahaan?

Xadhiga Maaduro waxa uu soo bandhigayaa farqiga u dhexeeya sheegashada iyo ku dhaqanka xeerarka caalamiga ah. Garyaqaan Maxamed Darwiish, oo shahaadada PhD ka sita qaanuunka, waxa uu u sheegay Ultrasawt: “In madaxweynayaasha dalalka dunidu leeyihiin xasaanad shakhsi ah oo aan shardi ku xidhnayn, una bilaabanta kolka ay xilka madaxweynanimo qabtaan, sida qaanuunka caalamiga ahi dhigayo. Waa xasaanad koobsanaysa in aan waaxda garsoorka iyo waaxaha kaleba xidhi karin ama shaqada ka joojin karin”, waa xasaanad sida uu Darwiish sheegayo, aan dhammaanayn ilaa muddoxileeddiisu dhammaato, sidoo kalena aan meesha lagaga saari karin wax kale, kolka laga reebo go’aanka Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada.

Hase ahaatee, xidhidda iyo qabashada madaxweyne dal, iyadoo loo adeegsanayo ciidamo dal kale, sida uu Darwiish ku doodayo, “waa xadgudub halis ah oo weyn, marka la eego sida Axdiga Qaramada Midoobay u mamnuucay adeegsiga awood sidan ah, iyo sidoo kale marka la eego mabda’a dhigaya in aan la faragashan arrimaha gudeed ee dalalka iyo nidaamka caalamiga ah. U adeegsiga awood si loo soo xidho madaxweyne dal waa tallaabo madaxbannaanidii qaanuunka ku beddelaysa caqliyadda awoodda, waana waxa muujinaya markasta farqiga u dhexeeya sheegashada iyo ku dhaqanka qaanuunka caalamiga ah”.

Darwiish waxa uu ku darayaa in “dhammaan hal-ku-dhigyada uu Maraykanku ku marmarsiyoodo, ee ah faafinta dimuqraadiyadda, ay yihiin hal-ku-dhigyo madhan”. Darwiish waxa uu ku dooday: “Dhammaanteen waa aynnu aragnaa sida Maraykanku u oggolaaday dagaalka afar iyo tobanka sanno ka socday Suuriya, ama sida uu u oggolaaday in kelitaliye u laayo dadkiisa kacdoonka kaga hor yimi, kuna gaabsaday in aanu soo faragashan si loo joojiyo dhiigbaxa.

Maraykanku waa ku xariif in uu buste qaanuun huwiyo tallaabooyinkiisa, isagoo isku daya in uu qofka dib-u-qeexid siyaasadaysan ku sameeyo. Waxa tusaale ah tallaabo hore oo uu Maraykanku sameeyey, kolkii uu xidhay madaxweynihii Banama, Janaraal Manuel Noriega, sannadkii 1989-kii. Kolkan Maraykanku waxa uu isku dayay in uu xasaanaddii uu ninkani lahaa ka xayuubiyo, oo uu soo qabtay isagoo lagu eedeeyey dambiile daroogo, se aan ahayn madaxweyne dal.”

Xaaladda Fanusaweela kolka la eego, garyaqaan Darwiish waxa uu dooddiisa ku darayaa in “ujeeddada tallaabada Trump ay tahay dib u qaabaynta khariidadda gacan ku haynta goobaha shidaalka. Ganacsade sida Trump ahi, marnaba ma oggolaadeen in uu ka qatanaado khayraadka Ameerikada Koonfureed, oo uu arko beer kayd u ah Aqalka Cad”.

Ma jiro cudurdaar sharci oo loo hayo qabashada Maaduro

Garyaqaan al-Muctasim al-Kaylaani, oo ku takhasusay qaanuunka caalamiga ah ee dambiyada, waxa uu Ultrasawt u sheegay in: “Qaanuunka caalamiga ahi uu mamnuucayo in dawladi dawlad kale u adeegsato awood, kuna xadgudubto madaxbannaanideeda, marka laga reebo xaalado cayiman oo ah in uu jiro hadal cad oo Golaha Ammaanku ugu wakiishay ama in dalkaasi fulinayo xaqa uu u leeyahay in uu is difaaco kolka weerar hub la adeegsanayo oo toos ahi jiro. Xaaladda Fansuweela, ma jirto wakiilasho Golaha Ammaanka ka soo baxday, sidoo kalena dalkaasi toos weerar uguma soo qaadin Maraykanka, sidaas darteed, in Fansuweela loo adeegsaday awood millatari waa ku xadgudub mabda’aas hore”.

Marka laga eego dhinaca qaanuunka caalamiga ah ee guud, soo qabashada iyo xidhidda madaxweyne dal ku sugan dalkiisii, iyadoo la adeegsanayo ciidamada dal kale, qaanuun ahaan waxa loo arkaa in si sharcidarro ah loo adeegsaday awood, madaxbannaani dalna lagu xadgudbay. Gorfeeyayaasha qaarkoo waxa ay ku tilmaameen “afduub siyaasadeed” ama “xadhig sharcidarro ah”. Sababaha laga dhiganayo cudurdaar ee ah in Maduro lagu eedeeyo dambiyo Maraykanka gudihiisa ahi waxba ka beddeli maayaan waaqaca ah in hawlgal millatari si awood ah lagu adeegsaday gudaha dal madaxbannaan. Qafaaalashada sidan ah ee ka baxsan habraaca qaanuunka caalamiga ah, waxa loo arkaa in qaanuunka laftiisii loo luqunjibbaadhay danaha dal awood leh, halkii ay ahayd in qaanuunka si loo simanyahay loo ilaaliyo.

Fansuweela maxaa ay samayn kartaa?

Khiyaarrada sharci ee u furan Fansuweela waxa ka mid ah in ay dacwad ka furato Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada, si ay u dalbato in la qiro in xadgudub lagu sameeyey madaxbannaanideeda, awoodna loo adeegsaday. Sidoo kale waxa u furan in ay codsato in Golaha Ammaanku soo farageliyo ama cambaarayn sameeyo, walow ay suurogal tahay in Maraykanku Golaha Ammaanka ku dhex adeegsado fiitoo. Fansuweela waxa kale oo u furan in ay haayadaha caalamiga ah ee xuquuqda aadamaha ka codsato in tallaabadani tahay ku xadgudub xuquuq aadame iyo madaxbannaani dal, se waxa uu garyaqaan al-Kaylaani xusayaa in fulinta khiyaarradani ay ku xidhanyihiin arrimaha jiquraafi-siyaasadeed, iyo awoodda dalalka badani u leeyihiin sida ay isaga ilaaliyaan in lala xisaabtamo.

Qaababka qaanuunka caalamiga ah lagaga ilaaliyo siyaasadaynta

Waxa kale oo mudan in la xuso qaababka sharci ee qaanuunka caalamiga ah lagaga ilaaliyo afduubasho iyo siyaasadayn, oo sida al-Kaylaani xusayo, ah qaabab soojireen ah, ahna Axdi-Qarameedka iyo haayadaha Qaramada Midoobay (Golaha Ammaanka iyo Golaha Guud), Maxkamadda Caddaaladda ee Caalamiga ah oo kala saarta khilaafyada dalalka iyo heshiisyada caalamiga ah ee ilaalinta madaxbannaanida iyo xuquuqda aadamaha. Hase ahaatee, ilaalinta qaababkani waa wax ku tiirsan doonista dalalka iyo inta ay ixtiraamaan halbeegyada qaababkan, waana arrinka marar badan caqabadda ku noqda awoodda nidaamka caalamiga ahi u leeyahay in uu xakame u noqdo damaca dawlado waaweyn.

Tallaabooyinka sidan ah ee aan cudurdaar sharci haysan, haddii la yeelo ama aan la iska xisaabin, waa waxyaabo wiiqaya seeska sharci ee nidaamka caalamiga ahi ku dhisanyahay, siiba nidaamka casriga ah ee ka dambeeyey Dagaalkii Labaad, ee sida gaarka ah u ilaalinayey in aan awood la isu adeegsan, madaxbannaanidana la ilaaliyo, qodobkan oo nidaamka caalamiga ah ka dhigaya mid jilicsan oo aan iska caabbin faragelinta dalalka awoodda leh.

Xadhiga Maduro waxa uu su’aal gelinayaa qaanuunka caalamiga ah

Garyaqaanad Diyaala Shaxaadah, oo ku takhasustay qaanuunka caalamiga ah, ayaa sidoo kale Ultrasawt u xaqiijisay in “qabashada Madaxweyne Maaduro loo tixgalinayo xadgudub caalami ah, sida waafaqsan Heshiiskii Rooma ee lagu aasaasay Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada, sidoo kalena uu yahay mid ka dhan ah Heshiiskii Fiyeena ee lagu gundhigay xidhiidhada diblumaasiyadeed iyo Axdiga Qaramada Midoobay, waana tallaabo xadgudub ku ah madaxbannaanida dalalka.

Waxa waajib ah in dalalka falalkan oo kale ku kacaa la kulmaan dabagal sharci iyo tallaabooyin qaanuun, kolka la sugo in aanay sharci ahayn tallaabadaasi oo aanay waafaqsanayn Axdiga Golaha Ammaanka, hase haatee Maraykanka lagalama xisaabtami karo tallaabo sidan ah, sababtoo ah waxa uu Golaha Ammaanka ku dhex haystaa fiitoo uu ku diidi karo cambaarayn kasta oo lagu wajaho.

Garyaqaanaddani waxa ay caddaynaysaa in dambigani uu daciifinayo fahanka laga haysto sharciga caalamiga ah, oo marar badan si tartiib ah dadka maskaxdooda ugu soo daciifayey, si gaar ah aamuska dheer ee laga galay xasuuqa labada sanno ka socda Qasa. Tallaabadan kalena waa dhirbaaxo caddaaladda caalamiga ah ku dhacday, ka aamuska tallaabadanina waxa uu sii kordhin doonaa quusta laga joogo nidaamkaas caalamiga ah.

Dhacdadani waxa ay su’aal gelinaysaa mustaqbalka madaxbannaanida dalalka ee nidaamka caalamiga ah ka jira iyo xuduudda dhuleed ee dalalkaasi isku ilaaliyaan, xilli qaanuunkii laga dhigtay agab cadaadis siyaasadeed loo adeegsado. Kolka tallaabo xadgudub ah laga saaro habraacii garsoor ee caalamiga ahaa, dhibta tallaabadaasi kuma koobnaanayso dal cayiman, ee waa tallaabo intaa ka ballaadhan oo su’aal gellinaysa mabda’ii madaxbannaanida dalalka, oo ka mid ah tiirarka xasilloonida dunidu ku taagantahay.

  • Qormadan waxa laga soo turjumey halkan.