Skip to main content

Tuesday 6 October 2026

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Feker

Sidee Lenin u Sharraxay Dawladda iyo Kacaanka?

2 October, 2026
Image
Sidee Lenin u Sharraxay Dawladda iyo Kacaanka?
Share

Vladimir Ilyich Lenin wuxuu ahaa mid ka mid ah siyaasiyiintii iyo mufakiriintii ugu saamaynta badnaa dhaqdhaqaaqii hantiwadaagga ee qarnigii labaatanaad. Wuxuu dhashay 1870, xilli Boqortooyadii Ruushku ay weli ahayd nidaam boqortooyo oo aad u adag, awoodda siyaasadeedna ay ku urursanayd gacanta Tsar-ka iyo dabaqadaha ku hareeraysnaa.

Korriimadiisii kaddib, Lenin waxa uu noqday kacaandoon siyaasadeed oo si toos ah uga qayb qaatay dhismaha dhaqdhaqaaqii Bolshevik-ga iyo ugu dambayntii Kacaankii Ruushka ee 1917.

Maadaama uu si weyn u aamminsanaa aragtiyihii Karl Marx iyo Friedrich Engels, Lenin waxa uu isku dayay inuu u sameeyo aragtidii Maarkisiyadda jidbixin cusub. Marx iyo Engels waxay aragtida bud-dhigeen xilli uu hantiwadaaggu weli ahaa inta badan aragti iyo dhaqdhaqaaq soo koraya, halka Lenin uu noolaa xilli dhaqdhaqaaqu u baahday ficil, ay timidna su'aasha ah: haddii shaqaaluhu kacaan sameeyaan oo ay burburiyaan nidaamkii hore, maxay ku beddelayaan?

State and Revolution wuxuu Lenin qoray 1917, xilli Ruushku ku jiray qalalaase siyaasadeed iyo kacaan. Kacaankaas oo loo yaqaannay kacaankii Febraayo wuxuu meesha ka saaray Tsar-kii, laakiin nidaam cusub oo xasilloon weli ma dhalan. Kacaanka kaddib, Ruushka waxaa ka jiray laba awoodood oo waaweyn: Dawladdii Kumeelgaadhka ahayd iyo soviets-ka ay shaqaalaha iyo askartu samaysteen. Labadan dhinac waxay ku loollamayeen cidda yeelanaysa awoodda siyaasadeed ee dalka. Lenin wuxuu State and Revolution qorayay isagoo hawshan toos ugu dhex jira.

Ujeedka u weyn ee uu Lenin ugu dhaqaaqay inuu buuggan qoro ma ahayn un inuu dib u sharraxo wixii uu Marx ka yiri "dawladda", ee waxa uu aamminsanaa in qayb muhiim ah oo ka mid ah aragtidii Marx ay qalloociyeen hantiwadaagayaashii waqtigiisa, gaar ahaan kuwa u arkayay in kacaanyahannadu ay ka dhex shaqeyn karaan hay’adaha dawladihii jiray, doorashooyin ku guuleysan karaan, dib-u-habayn (reform) sameyn karaan, kaddibna sidaas si tartiib ah ugu gudbi karaan nidaamka hantiwadaagga. Lenin arrintaas wuu diiddanaa, sidaas darteed ayuuna ugu bilaabayaa buugga inuu ka jawaabo: Waa maxay dawlad? Yay u adeegtaa? Haddii shaqaaluhu kacaan sameeyaan oo ay awoodda qabsadaan, maxay ku sameynayaan dawladdii ay ka dhaxleen nidaamkii hore?

Si aynu u fahanno jawaabaha su'aalahan, waa inaan marka hore fahannaa aragtidiisa ku saabsan dawladnimada iyo loollanka dabaqadaha. Aragtidiisa, dawladdu ma aha hay’ad dhex-dhexaad ah oo bulshada ka madaxbannaan, una taagan in ay danaha dadka oo dhan si isku mid ah u ilaaliso. Waxay ka dhalataa dabaqado leh dano iska soo horjeeda, waxayna u jirtaa inay ilaaliso nidaamkaas dabaqadeed ee bulshada horay uga dhex jiray.

Fahamkan wuxuu salka ku hayaa fikirkii Marx iyo Engels. Marx wuxuu horay u caddeeyay in xidhiidh ka dhexeeyo awoodda dhaqaale iyo awoodda siyaasadeed, halka Engels uu ka hadlay sida dawladdu doorka ugu leedahay kororka kala qaybsanaanta dabaqadaha ka dhex jira.

Kacaanka iyo dawladnimada cusub

Haddii shaqaaluhu aanay si fudud ula wareegi karin nidaamkii dawladeed ee hore, Lenin wuxuu isweydiinayaa waxa lagu beddeli karo. Jawaabtiisu ma aha in dawladda isla markiiba gebi ahaanba la baab'iyo. Wuxuu qabaa in marka hore loo baahan yahay awood siyaasadeed oo ku meelgaadh ah oo shaqaaluhu gacanta ku hayaan, si looga adkaado dabaqaddii hore ee xukumi jirtay loona yareeyo kala-tagsanaanta dhaqaale ee ka dhex jirta bulshada.

Awooddan ku meelgaadhka ah ayuu Lenin ugu yeedhaa "proletariat dictatorship". Erayga “dictatorship” halkan ugama jeedo keli-talisnimada qof ama koox yar oo leh awood ka sarraysa tan bulshada inteeda kale leeyihiin. Waxaa loola jeedaa in dabaqadda shaqaaluhu ay noqoto awoodda siyaasadeed ee ugu weyn, isla markaana ay xaddido awoodda dabaqaddii hore ee hantigoosatada, si aanay dib ugu soo celin nidaamkii la afgembiyay.

Lenin aragtidiisa, guusha kacaanku kuma eka in shaqaaluhu ay la wareegaan awoodda siyaasadeed. Waa bar-bilowga kacaanka: waxaa la beddelayaa hay'adihii hore, waxaana la dhisayaa nidaam cusub oo ay dadka shaqeeyaa si toos ah uga qayb qaadan karaan maamulka bulshada, Ujeeddaduna waa in muddo ka dib la tirtiro kala-tagsanaanta dhaqaale ee sababaysa in bulshadu u kala qaybsanaato dabaqado. Lenin markan waxa uu inoo sheegayaa in dawladdii Hantigoosiga oo meesha laga saaro ayna la micne ahayn in dawladnimada lafteeda laga maarmo. Dawladdii hore waa in kacaanku meesha ka saaraa, laakiin macnaheedu ma aha in dawladdu isla markiiba baaba’do. Wuxuu aaminsan yahay in baahida dawladnimo ay si tartiib ah u dhammaan doonto marka kala qaybsanaanta dabaqadaha la waayo, oo aanay jirin dabaqad u baahan in lagu khasbo inay u hoggaansanto kuwa kale.

Paris Commune

Lenin wuxuu Paris Commune u arkayay tusaale muujinaya sida awood maamul oo ay shaqaaluhu gacanta ku hayaan uu u shaqayn karo. Commune-ku wuxuu ka dhashay kacdoonkii Paris ee 1871, waxaana muddo kooban magaalada maamulayay wakiillo la doortay oo ay shacabku awood u lahaayeen inay xilka ka qaadaan.

Sababta ay dhacdadani Lenin u xiise-gelinaysay ma ahan kaliya inay ahayd xilli shaqaaluhu muujiyeen awoodda ay u leeyihiin inay samaystaan ismaamul u adeega danahooda, ee sidoo kale waxaa xiise gaar ah u yeelaysay sida ay u qaabeeyeen awoodda siyaasadeed. Wakiillada waxaa dooranayay shacabka, waana laga qaadi karayay xilka haddii aanay metelin danaha dadka. Ciidankii joogtada ahaa ee hore waxaa lagu beddelay ciidanka qaranka ee shacabka, shaqaalaha haya xilalka dawladdana lama siin mudnaan gaar ah ama mushahar ka sarreeya kan shaqaalaha kale.

Arrinkani waxa uu Lenin u ahaa tusaale muujinaya in dawladdu aanay khasab ku ahayn inay noqoto hay’ad ka go’an bulshada oo ay koox yar si gaar ah u maamulato. Waxaa jiri karta dawlad bulshadu qayb ka tahay, lehna isla-xisaabtan joogto ah.

Dhinaca kale, Lenin wuxuu sidoo kale ka hadlayaa khaladaadkii Commune-ka. Wuxuu aaminsanaa in Commune-ku uusan si ku filan uga faa’iidaysan awooddii uu helay, gaar ahaan inuusan si degdeg ah u wiiqin awooddii dhaqaale iyo siyaasadeed ee kuwii ka soo horjeeday. Sidaas darteed, Paris Commune Lenin waxay u ahayd cashar laga baranayo waxa kacaanku u baahan yahay inuu sameeyo marka uu awoodda qabsado, in lamid ah intay u ahayd tusaale lagu daydo.

Marxaladda kala-guurka

Marka Lenin uu ka hadlayo waxa dhici doona kacaanka kadib, wuxuu u kala saarayaa laba marxaladood oo waaweyn: marxaladda ugu horreysa ee bulshada hantiwadaagga ah iyo marxaladda ugu dambaysa ee bulshada shuuciga ah, wuxuuna xusayaa in marxaladda koowaadi tahay waddada lagu gaadhi karo tan dambe.

Marxaladda ugu horraysa, waxaa meesha laga saarayaa dhammaan hantida wax-soo-saar ee gaarka loo leeyahay, awoodda dabaqadda hantigoosatada ahna waa la wiiqayaa, laakiin raadadkii nidaamkii hore weli way jiri doonaan. Dadku weli waxay yeelan doonaan baahiyo kala duwan, wax-soo-saarkuna weli ma gaadhin heer qof kasta uu heli karo wax kasta oo uu u baahan yahay. Sidaa darteed, mushaharaadka kala duwan ee bulshada la siinayo weli waxay ku xidhnaan doonaan hadba inta qofku shaqeeyo.

Isla aragtidan waxaa qabay Marx, kaas oo sheegay in marxaladda kala-guurka ah ay ka muuqan doonaan astaamo laga dhaxlay nidaamkii bulshada ka dhex jiray ee hantigoosiga ahaa. Sidaas darteed, in la yidhaahdo kacaanka kadib kala-tagsanaanta dhaqaale ee bulshada isla markiiba way baaba'aysaa waxay noqonaysaa faham aan waaqici ahayn.

Marxaladda dambe, marka wax-soo-saarku si weyn u kobco oo kala qaybsanaantii dabaqadaha ay meesha ka baxdo, xaaladdu way is beddelaysaa. Wakhtigaas, qaabka bulshada loogu qaybinayo hantida kuma xidhnaan doonto inta qofku shaqeeyo oo keliya, ee waxa laga qiyaas qaadan doonaa baahida qofka. Si kale haddii aynu u dhigno: qof kastaa wuxuu bulshada ku biirinayaa inta awooddiisa ah, wuxuuna helayaa inta uu u baahan yahay.

Sidaas darteed, Lenin wuxuu u arkaa hantiwadaagga marxalad loo maro nidaamka shuuciga ah, ee uma arko dhammaadka geeddi socodka.

Dawladdu goormay baaba'aysaa?

sida aynu horay u soo sheegnay, Lenin wuxuu aamminsanaa ujeedka u weyn ee dawladdu u jirtaa inay tahay inay ilaaliso nidaamka dabaqadeed ee ka jira bulshada dhexdeeda. Iska horimaadka u dhexeeya dabaqadaha haddii uu meesha ka baxo, baahida loo qabo dawladduna way yaraanaysaa.

Fikraddan sidoo kale waxay si weyn ugu jirtaa qoraalladii Marx iyo Engels. Engels wuxuu The Origin of the Family, Private Property and the State ku sheegay in dawladdu aanay ahayn hay'ad weligeed jiri doonta, balse ay soo baxday markii bulshadu u kala qaybsantay dabaqado leh dano iska soo horjeeda. Marka loollankaasi meesha ka baxo, dawladdu waxay si tartiib ah u luminaysaa doorkeedii hore.

Hase yeeshee, Lenin wuxuu ka digayaa in arrintan loo fahmo in dawladdu isla markiiba baaba’ayso marka kacaanku guuleysto. Tani waa meesha uu kaga duwan yahay anarchists-ka, gaar ahaan Mikhail Bakunin. Bakunin wuxuu diidanaa in shaqaaluhu ay dhisaan dawlad cusub oo ku meelgaadh ah, isaga oo ka baqayay in awooddaas cusub ay iyaduna isu beddesho awood dulmi oo kale. Lenin, dhanka kale, wuxuu aaminsanaa in inta dabaqadihii hore iyo awooddoodii dhaqaale ay weli jiraan, shaqaaluhu ay u baahan yihiin awood siyaasadeed oo ay ku difaacaan kacaanka.

Intaaas kaddib, waxaa muhiim ah inaynu isla fahanno waxa looga jeedo “baaba’a dawladda”. Ma aha in la leeyahay dadku waxay joojin doonaan is-abaabulka bulsheed ama inay arrimahooda maamushaan. Bulsho kasta waxay u baahan tahay in ay lahaato nidaam u shaqeeya, ee waxa meesha ka baxaya waa dawladnimada macnaheeda siyaasadeed: awood gaar ah oo ka sarreysa bulshada, una baahan ciidan, booliis iyo hay’ado kale oo dadka ku khasbaya inay u hoggaansamaan.

Sidaas darteed, Lenin uma arko dawladnimadu inay tahay wax hal mar la burburin karo oo keliya. Wuxuu u arkaa wax si tartiib ah u luminaya sababtii ay u jirtay. Marka aanay jirin dabaqado iska soo horjeeda oo midkood u baahan yahay in lagu xukumo awood khasab ah, dawladdu waxay ugu dambayn noqonaysaa wax aan bulshada dambe u baahnayn.

Gunaanad

State and Revolution wuxuu ka mid yahay qoraallada uu Lenin isku dayay inuu ku qeexo waxa kacaanku yahay iyo waxa ay tahay in uu keeno marka uu guuleysto. Wuxuu sidoo kale naqdinayaa fikradda ah in dawladdu tahay hay'ad dhexdhexaad ah oo u taagan danta dhammaan bulshada. Wuxuu si weyn u iftiimiyay in dawladdu ay tahay natiijo ka dhalatay loollanka dabaqadaha, ujeeddadeeda ugu weynina tahay in dabaqadda hantigoosatada ahi ay ku muquuniso oo ay ku xukunto dabaqadda shaqaalaha.

Dhinaca kale, waxaynu ka fahmaynaa buugga in ujeedka kacaanku uuna ahayn in la beddelo madaxda xilka haysa markaa, ee ay tahay lagama maarmaan in gebi ahaanba meesha laga saaro hay’adihii nidaamkii hore, lana abuuro nidaam cusub oo ay shaqaaluhu toos uga qayb qaataan maamulka. Tallaabadan ugu horraysa ee hantiwadaagga ahi waxa ay waddada u xaadhaysaa marxaladda dambe ee shuuciyadda halkaas oo maaddada bulshada lagu qaybsan doono hadba baahida qof kasta uu leeyahay.

Waxa kale oo buuggu muhiim u yahay fahamka kala duwanaanshaha ka dhex jiray dhaqdhaqaaqii hantiwadaagga xilligii Lenin. Lenin wuxuu isku dayayay inuu ka hor yimaado fahamkii u arkayay in hantiwadaagga lagu gaadhi karo oo keliya doorashooyin iyo dib-u-habayn, isaga oo ku adkaysanayay in kacaanku u baahan yahay in si dhab ah wax looga beddelo awoodda siyaasadeed. Sidoo kale, wuxuu isku dayay inuu caddeeyo in yoolka ugu dambeeyaa uuna ahayn in la abuuro dawlad cusub oo weligeed sii jirta, balse halka loo socdaa tahay in la gaadho xaalad kala qaybsanaanta dabaqadaha iyo awoodda khasabka ahi meesha ka baxaan, gebi ahaan.