Skip to main content

Wednesday 12 November 2025

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Aragti

Sidee Lagu Waarin karaa Nabadda Ceerigaabo?

26 October, 2025
Image
Tilmaame Guutaale
Share

16 Bishii July, Madexweynaha Soomaalilaan Cabdiraxmaan Cirro ayaa gogol nabaddeed u dhigay beelaha gobolka Sanaag, gaar ahaan magaalada Ceergaabo. Beesha Warsangali waxa ay ahayd reerihii ugu horreeyey ee soo dhoweeyey nabadaas. Dhowr maalmood ka hor ayaa uu madexweyne Cabdiraxmaan Cirro gogoshii nabadda ku soo xiray magaalada Ceergaabo. Dhowr iyo soddon sanno gudahooda waa markii labaad oo nabadda Ceergaabo loo fadhiyo, haddaba su’aashu waxa weeye: halkee ayaan halkan ka aadnaa? Sidee nabad waarta lagu heli karaa?

Markii uu shirku dhammaaday, Cismaan Afgaab Nuur, wasiir ka mid ah xukuumada Madexwayne Cirro, ayaa akhriyay lix qodob oo ka soo baxay shirkii nabadda ee Ceergaabo; waa gogoshii nabadda ee uu Madexwayne Cirro ugu baaqay beelaha gobolka Sanaag, gaar ahaan Ceergaabo. Waxa uu sheegay in qodobbada shirka ka soo baxay ay soo saareen labo guddi; guddi ka socday dhanka xukuumada oo uu hoggaaminayo Wasiir Cismaan iyo guddi kale oo uu hoggaaminayo oday Siciid-Bidaar. Dhanka midig waxaa Cismaan ka taagnaa markan siyaasi Cabdiqaadir Jirde, taas oo muujinaysa doorka weyn oo ay ciyaarayeen guddiga nabadda ee uu dhisay Madaxweyne Cirro. Ha se ahaato e, lixdaas qodob, dhab ahaan, si buuxda uma wada daweynayaan Ceergaabo waxii ka dhacay, kamana hortagayaan foolxumadii magaalada ka dhacday ee sababta u noqotay in dadkii walaalaha ay kala qaxaan, soddan iyo dhowr sanno ka dib, haddii aan halkaas hore looga sii socon oo aan arrinta si gundheer loo daweyn. Sidoo kale, qodobbadana ma ay taaban tabashada ay beesha Warsangali ka qabto Ceerigaabo: siyaasi ahaan, garsoor ahaan, ciidan ahaan iyo nidaam ahaanba.

Dhankiisa bidix, wasiir Cismaan Afgaab waxaa taagnaa, marka uu akhrinayo war-murtiyeedka, oday Siciid Maxamuud Ismaaciil, oo loo garan ogyahay Siciid-Bidaar, mid ka mid ah dhaqanka waaweyn iyo odayaasha waxgaradka ah ee beesha Warsangali. Waa ninkii soddon sanno ka hor u bareeray oo naftiisa halis u galiyey in beelaha wada-dega Ceerigaabo ay nabad ugu wada noolaadaan. Bishii Jeenaweri ee sannadkan, isaga oo oday Siciid ka hadlayay shir ka dhacay magaalada Ceelbuuh oo beeshu kaga arrinsanaysay dagaalkii Ceerigaabo ka dhacay, waxa uu yidhi: "Odaygii Ceerigaabo ugu weynaa ayaan ahay. Soddon sannadood ayaan nabaddeeda ka shaqaynayey, maantana barakac baan ahay. Soddonkii sanno waxii aan ka shaqaynayey haabaa’an mansuuran ayuu noqday. War ma Been baan sheegayaa?" Su'aashaas isaga oo is-weydiinaya, dadkana weydiinaya, ayuu ku soo koobay hadalkiisa oo illaa xad la oran karo waxaa ka muuqday xanaaq, qalooc siyaasadeed oo u muuqday oday Siciid iyo garnaqsi aan caadi ahayn. In uu maanta magaaladiisii Ceerigaabo nabad u fadhiyo, mar kale, waxa ay muujinaysaa sida ay uga go'an tahay oday Siciid in xal hagaagsan oo loo dhan yahay, oo aan cid lagu dulmin cidna laga tagin’ uu u xaqiijiyo. Wali waa summad u taagan xal waara oo dadka reer Ceerigaabo wada deeqa.

Nabadda Ceerigaabo waxa ay muujisay in dhinacyadu ku galeen niyadsamaan iyo garawshiyo, sidaasna lagu guntay. Ha se ahaato e, waxa laga soo saaray lix qodob oo muhiim u ah marxaladdan koobaad oo keliya

Ma kula tahay markaa, akhriste, in ay lixdaas qodob ee uu Wasiir Cismaan Afgaab akhriyay ay ku filnaan doonaan waaritaanka nabadda lagu guntay Ceerigaabo? Mase kula tahay in ay xal u tahay dhamaan tabashooyinka yaalla gobolka, gaar ahaan Ceerigaabo? Haddii jawaabtaadu tahay ‘Haa’, aniga waxa ay ila tahay in aynnaan runtu ku wada dhawaan ama ugu yaraan aan xaqiiqada ka fog nahay.

Boqor Gacmayare oo ah oday weyn oo guurti ah oo beesha Warsangali ka tirsan ayaa ka hadlay shirka nabadda Ceerigaabo ee soo gabagaboobay, waxanu yidhi: "Gobolka wax badan baa jira." Isaga oo hadalkiisa sii wata boqorku waxa uu ku daray: "Yaan laga degdegin arrinka Ceerigaabo. Tacabkii dowladdu galisay arrinkaas yaan la khasaarayn." Boqorka hadalkiisa waxaa ka muuqday walaac iyo in ay u muuqato in nabadda Ceerigaabo la dedejinayo, iyada oo aan nabarka si fiican loo dhayin oo aan loo talo badsan. Boqorka oo reer Ceerigaabo ah waxa u muuqata wax aan u muuqan dad badan oo shirka Ceerigaabo fadhiya ujeedkooduna ka sokeysay meesha fog ee uu isagu arko. Boqorka waxaa u muuqata wax aan u muuqan dad badan oo u tagay in ay Madexwayne Cirro ku soo arkaan Ceerigaabo. Si xal loo helo, Boqor Gacmayare waxa uu codsaday in guddi farsmo la saaro, dadkaasina noqdaan dadka deegaanka.

Warsangali oo ay kala hoggaaminayaan labadii Suldaan ee ugu waaweynaa beesha Warsangali iyo guurti ay ka mid yihiin Siciid-Bidaar iyo Boqor Gacmayare ayaa diyaar u ah oo nabadda Ceerigaabo iyo tan Sanaagba una arka xalka iyo danta Warsangali. Sidaas marka ay tahay, waa fursad muhiim ah, oo cid walba oo wanaag rabtaa garan karto in wax la saxo in ay lagama-maarmaan tahay. Madexwayne Cirro waa ku ammaanan yahay niyad wanaaggiisa, dedaalka iyo dhaqaalaha uu galiyey in Ceerigaabo ay nabad noqoto iyo, weliba, gogosha uu u fidiyey beelaha gobolka. Ha se ahaato e, si taas loo gaaro, muhiim ma ahayn in Madexwayne Cirro uu tamar isaga bixiyo cid aan Warsangali ahayn, sida Madexwayne Deni, muhiim ma mudnayn in qaab caaddifadaysan la isugu dayo in loo xaliyo arrinka Ceerigaabo oo xasaasi ah, waayo haddii habkaas caaddifadeed la raaco, waa hubaal in dhibtii ay soo laaban doonto, sax ma ahayn in taariikhda waxba laga baran waayo, sababta oo ah taariikhdu waa halka wax laga saxayo, waa muraayadda waxii shalay dhacay iyo mustaqbalka, ma mudna in dad xoolo-doon ah ama xildoon ah oo meel dhow wax ka arka aad loo dhagaysto hadalkooda, waayo xal iyo nabadoon ma aha, saxna ma wada aha, sida oo kale, in Suldaan Siciid Cabdisalaan iyo guurtida kale laga sugo xallinta wax kaste oo ku xidhan dhanka beeshiisa oo ku saabsan Ceerigaabo. Ceerigaabo nabaddeeda iyo sixiddeeda waxaa laga sugayaa, inta u badan, dawladda Soomaalilaan iyo madexwayne Cirro.

Nabadda Sanaag ee la xidhay waxa ay u baahan tahay wax sii waariya oo ku dhisan muddada dheer, abuurana lahaanshiyo loo dhan yahay

Maxaa Ceerigaabo u Noqon Kara Xal Waara?

Beelaha wada dega Ceerigaabo ee lagu heshiisaanayaa waa in ay si buuxda u dareemaan in ay wada leeyihiin una niyadsan yihiin nidaamka magaalada. Waxyaabaha ugu muhiimsan ee arrintaan lagu hirgalin karo waxa ka mid ah arrimahan soo socda:

  1. Booliska Ceerigaabo, sirdoonka gobolka iyo shaqaalaha dowladdaba waa in dib u habayn lagu sameeyo, isla jeerkaasna Warsangali laga siiyo saamiga ay xaqa u leeyihiin. Boolis dhallinyaro Warsangali ah oo karti leh ku jiraan waa lagama-maarmaan si dadku lahaanshiyo u wada dareemaan, isuguna halleyn karaan nabadda gobolka iyo magaalada, weliba beesha Warsangali waa in ka soo muuqdaan booliska iyo saldhigyada Ceerigaabo.

  2. Maadama oo ay xiran tahay waddada isku xirta Garoowe, Laascoonood, Burco ilaa Hargaysa, waa muhiim in dowladda Soomaalilaan oo sheegtay in ay mashaariic ka fulinayso gobolka ay ka qayb-qaadato waddada Ceeldaahir-Ceergaabo oo hadda u soo dhow magaalada Badhan. Si isku socodka dadka iyo duunyadu u fududaado, la isuguna xiro Boosaaso, Badhan, Ceergaabo, Burco ilaa Hargaysa. Mar walba oo fursad dhaqaale oo xooggan ay dhex marto Badhan, Dhahar, Ceergaabo, Burco iyo Hargeysa waa mar walba oo ay colaaddu hoos u dhacdo, nabadduna ay macno u samayso dadka.

  3. Badhasaabka gobolka Sanaag waa in la siiyo Warsangali; maadama oo maayirka Ceerigaabo uu hadda la hayb yahay Madexwaynaha, si Warsangali uu uga soo muuqdo boosaska siyaasiga ee gobolka. Sida oo kale, laamaha amniga waa in madaxdiisa ay Warsangali qayb ka noqdaan, horena waa ay ahaan jireen. Intaasba waa waxyaabaha kalsoonida shacabka soo celinaya.

  4. Dhanka kale, waa in gole ama guddi odayaal ah oo guurti ah oo uu ka mid yahay Siciid-Bidaar, boqor Gacmayare iyo dad badan oo maxtaram ah oo reer Ceerigaabo ah la sameeyo. Gudigaas iyo guurtidaas waa in ay si dhaw ula shaqeeyaan dawladda iyo guddiga nabadda ee uu hormuudka u yahay mudane Cabdiqaadir Jirde, haddana shaqo fiican qabatay, si nabadda loogu ilaalilyo si dhaw loona sii adkeeyo.