Sunday 7 June 2026
Kolkaynnu dib ugu noqonno Juun 2018, kolkaas oo ay taagnayd saadaasha Israa’iil, Sacuudi iyo Maraykanka ahayd, kuna saabsanayd naawilaadda “nidaam ka beddelka Iiraan”, waxa aan qoray maqaal kooban oo aan ku dooday in fikradda nidaam ka beddelka Iiraan keliya tahay fikrad dhaandabagaalle iyo ismoodsiis ah. Markan ka horna, 2010, waxa aan faafiyey buug cinwaankiisu ahaa: “Iiraan, Dhaqdhaqaaqa Cagaaran iyo Maraykanka”, waxaanan ku xusay in halgannada ka socda Iiraan ee lagaga hor tagayo tallaabooyinka cabudhinta ah ee xukuumaddoodu ku hayso, uu yahay dhaqdhaqaaq madani ah, oo lagu rabo xorriyad madani, se aanu ahayn kacdoon gadood ah oo Sahyuuniyada Israa’iil iyo Maraykanka ku eedaysan xasuuqu ay taageero ku darsan karaan, si ay indhaha dunida uga jeediyaan dambiyada aadamaha ka dhanka ah ee ay Falasdiin ka wadaan.
Waraysi ay dhawaan ila yeelatay LBC News, waxyar ka dib xabbad-joojintii Maraykanka iyo Iiraan ku gaadheen Islaamabaad, waxaan dib usoo qaatay maqaalkaas iyo buuggaas shan iyo tobanka sanno kasoo wareegeen, waxaanan ku hor markhaati gashaday weriyihii waraysiga ila lahaa.
Waxa uu is weydiiyey, iyada oo dad adiga oo kale ahi joogaan Maraykan oo ay wax qorayaan, sababmaa masuuliyiinta Maraykan haddana ugu dagmaan Israa’iil? Jawaabtayda weydiintaas la xidhiidhaa waa ay fududayd: horta aniga iyo dadka ila midka ah hadallada Sahyuuniyadu ma ku socdaan? Cidda ololaha loogu jiraa waa Ameerikaanka sahyuuniyiinta ah, taladana haya, oo middida daabkeeda haya, hubkana fasixi kara, si kuwan looga dhaadhiciyo duqaynta Iiraan, burburinta jaamacadaheeda, beegsiga carruurteeda, baabi’inta goobaheeda taariikhiga ah iyo beegsiga kaabayaasheeda – iyadoo intaas oo dhan looga dan leeyahay mala’awaal khaldan oo ah inay awoodaan inay beddelaan nidaamka Iiraan.
Jawaabta fudud ee weydiintaasi, waa in Israa’iiliyiinta, oo uu hor kacayo Binyaamin Netanyaahu oo dambiile dagaal loo aqoonsaday, ay dageen Donald Trump, si uu ciidamada iyo hubka ugu fasaxo Iiraan. Hase yeeshee, Israa’iiliyiintaas isla weyni waxa ay dhiirrigelin iyo taageeraba ka heleen koox Iiraaniyiin ah oo dibadmeer ah, nidaam beddelkana ku qarwa, iyagoo dhiirrigelinayey in dalkooda dagaal lagu qaado, iyagoo kasoo hadla dhufaysyadooda ah xarumo cilmibaadhis oo aragti liita, sida Maxadka Hoover, amaba ururro sahyuuni ah, sida Maxadka Brookings iyo Heritage Foundation, iyadoo jariidadda New York Times-na hoggaaminayso mashiinka buunbuuninta ismoodsiiska nidaam ka beddelka Iiraan. Hase ahaatee, Iiraaniyiintu si wanaagsan bay dadkan u yaqaanaan.
Waa xilligii dunida oo dhan – si gaar ahna bulshada Maraykan ee u hanweyn inay qarannimadooda kala soo laabtaan loobbiga Israa’iil – ay ogaan lahayd xeeladda socota, bulshadaas Maraykanna ay loobbigaas ka xisaabin lahaayeen burburka ay dalkooda soo gaadhsiiyeen, ee ah inay muwaaddiniinta Maraykan goobo halis ah u diraan.
Baadhitaan fudud oo uu qofku internet-ka ka sameeyo ayaa uu caddaynta dhabta ah ka helayaa maqaalka cinwaanka looga dhigay “Jidkee Beershiya loo Mari Karaa?” (2009). Dhukumantigan waxa lagu diyaariyey maalgelinta Xarunta Saban ee Siyaasadaha Bariga Dhexe oo ka tirsan Mu’assasada Brookings, waana xarun ku caan ah aragtiyaha rajciga ah.
Bogga koowaad ee maqaalkaba waxa kuugu caddaanaya in Wakaaladda Sirdoonka Maraykan (CIA) ay amartay diyaarinta dhukumantigan. Dadyowga qoraayada maqaalku u mahadnaqeen – oo dhammaantoodna ah shaqaale caan ah oo ka tirsan Xarumaha Cilmibaadhisaha Maraykan – waxa ka mid ah laba nin oo walaalo ah, oo qurbojoogta Iiraan ah: Cabbaas Maylaani iyo Muxsin Maylaani. Cabbaas, oo ah ka labada weyn, waxa lagu ogyahay sida ba’an ee uu u difaaco in nidaamka dalkiisa la beddelo, oo uu tobannaan sanno ka hor kasoo baxsaday, dhiirrigelinta baxsigaasna ay lahaayeen Maraykan iyo Israa’iil. Hadda waxa uu ka shaqeeyaa Xarun Cilmibaadhis oo Muxaafidka Cusub ah, lehna aragtiyo gadaal u socod ah, oo ka tirsan Maxadka Hoover ee ku yaalla Kalifoorniya, isagoo madax ka ah mashruuca dimuqraaddiyadda Iiraan.
Maxaa uu koobsanayaa dhukumantigan loogu mahadnaqayo labada walaal iyo qaybtooda wanaagsan ee ay ku leeyihiin dhukumantiga?
Dhukumantigu waxa uu ku bilaabmayaa inuu jiritaanka Iiraan gebi ahaanba ku summadeeyo mushkilad, qaddiyad halis ah iyo dhibaato ay tahay in laga hor tago. Saddexda khiyaar ee lagu xusay dhukumantiga oo ku saabsan qaabka loola macaamilayo Iiraan waa: diblumaasiyad, hawlgal millatari – oo si gaar ah loo xusay inay Israa’iil go’aankan hoggaaminayso – iyo ugu dambayn beddelidda nidaamka, oo koobsanaya khiyaarrada kala ah: kacdoon nabadeed, jabhadayn iyo afgambi.
Taariikhda dhukumantigani waa 2009-kii, macnaha muddo dheer ka hor 2025 iyo 2026, oo dhammaan khiyaarradan fulintooda la rabay, dhinaca kalena jariidadda New York Times ay dadka dagaalka ku baaqaya iyo qurbojoogta Iiraan ee nidaam beddelka ka shaqaynaya fursad u siinaysay inay daabacaan maqaallo isku xigxiga oo lagu baaqayo beddelidda nidaamka.
U kuurgal cusub oo xaaladda lagu dabagalayey, Jariidadda New York Times waxa ay ku khasbanaatay qirashada dagnaanta sirdoonka Israa’iil iyo xogaha Trump laga gaday, oo is moodsiiyey inay awoodaan inay nidaamka Iiraan beddelaan. Netanyahu iyo Madaxa Sirdoonka Moosaad, David Barnea, ayaa qolka hawlgallada kula kulmay Trump, kuna qanciyey in Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan lagu furfuri karo afar maalmood oo keli ah.
Haddaba, Israa’iiliyiintu halkee bay xogta sirdoon ka helaan?
Waxa ay sheegtaan ogaal sare, awood xad ka bax ah iyo inay goob kastaba joogaan, se sidaas ma aha. Runtii, warbixinaha iyo xogaha sirdoon ee aan shaandhaysnayn waxa ay ka helaan xarumo cilmibaadhiso oo Maraykanka ku yaalla, jariidadda New York Times-na ay aad u buunbuuniso. Waxa kale oo ay xogta ka helaan “khubarada Iiraan” ee ay ku sameeyaan Xarumaha Cilmibaadhisaha Maraykan.
Keliya waxa kugu filan inaad isha marisid maqaallo aragtiyeedka ku daabacan New York Times, oo aad dabagashid ilaa xarumaha cilmibaadhisyo ee ay kasoo baxaan. Halkaas bay kasoo baxaan xogahaas sirdoon ee xumi. Waxa jira hannaan cad oo ay raacaan.
Kolka dib loo xasuusto hordhaca duullaankii Maraykanku ku qaaday Ciraaq bishii Maaris 2003, waxa maskaxdayda kusoo dhaca laba qof oo muhiim ah: Axmed al-Jalabi (1945 ilaa 2015) iyo Kancaan Makiya. Al-Jalabi waxa uu ahaa Ciraaqi kooxaha dibadda la shaqaysta, oo warar been ah ka faafiyey Ciraaq oo ah inay haysato hubka wax gumaada, waana wararkii ay faafisay wariyaha Maraykan ee Judith Miller, oo Sahyuuni ah, iyadoo adeegsanaysa New York Times. Wararkani waxa ay hordhac u ahaayeen duullaankii Ciraaq. Kancaan Makiyana waxa uu mucaarad Ciraaqi ah oo ka soo muuqday warbaahinta Maraykanka isagoo metelaya cod naqdiya Ciraaqiyiinta qurbejoogta ah, dunidana u iftiimiya heerka kelitalisnimada Saddaam Xuseen.
Ugu dambayn, wakhtigu waxa uu sugay in warbaahinta Maraykan ay buunbuuniso xubnahaa sirdoonka metela ee gudaha Ciraaq ku sugan, si loo dhamaystiro dedaalka loogu jiro in la suurad xumeeyo sawirka Ciraaq iyo bulshada Ciraaq, gogoldhigna looga dhigo duullaanka Ciraaq iyadoo la cuskanayo sheegashooyin been ah oo ah in hub wax gumaadaa jiro.
Labaatan sanno ka dib, waxa aynnu la kulmaynaa isla dadkii loo qorsheeyey marxaladaha diyaargarowga ee duullaanka Israa’iil iyo Maraykan ku qaadeen Iiraan. Shakhsiyadda udubdhexaadka u ah sinnaariyadan soo laablaabatay waa Ridaa Bahlawi, oo si sirmaqabnimo leh u raba inuu dib ugu laabto xukunka Iiraan oo uu dhallinyarannimo kaga yimi, wax uu ka fahansanyahayna aanay jirin.
Waxa aynnu awoodnaa inaynnu sii gudo galno. Silsiladdani waxa ay bilaabantay kolkii dacaayadda Israa’iil isku dagtay soo saarista filin laga soo dheegtay sheekofaneeddii Aazaar Nafiisi. Waa dhimbiishii koowaad ee loo shiday suurad xumaynta Iiraan iyo beddelidda nidaamka Iiraan.
Ugu yaraan laba ka mid ah buugaagtayda, “Istishraaqa Ka Dib” (2009) iyo “Maqaar Guduudan iyo Maaskaro Cad” (2011), oo labadoodaba aan ka tixraacay buugga Faraans Faanon ee “Maqaar Madow iyo Maaskaro Cad”, waxa aan ku caddeeyey sida kolkii istishraaqii hoos u dhacay, oo ahaa hannaanka soo saara aqoonta imbiryaaligu, oo uu booska u banneeyey xarumo cilmibaadhiso goboleed, waxa uu mashruucan dambe bilaabay inuu ku tiirsanaado basaasiin maxalli ah oo istiraatiijiyiinta Maraykan uga warrama waxa ay jecelyihiin inay maqlaan, halkii ay u sheegi lahaayeen runta ay tahay inay ogaadaan.
Hadda, bal ku laabta bogagga New York Times iyo warbaahinta kale ee Maraykan, oo u fiirsada taxanayaasha aan dhamaadka lahayn ee dacaayadda ah, sidoo kale tiriya maqaallada ay faafiyaan Iiraaniyiintaas qurbejoogta ah ee ka shaqeeya xarumaha cilmibaadhisyada, oo suurad xumeeya sawirka Iiraan, sidoo kalena iib geeya beenta ah inay dhawaan meesha ka bixi doonto. Maqaalladani waa caddaymaha in ilaha xogtu khaldanyihiin, oo ay tahay in dib loogu noqdo.
Xilligii diraasadaha goboleed waa uu soo dhammaaday, sida uu usoo dhammaaday wakhtigii istishraaqu. Waxsoosaarkii aqooneed waxa uu u gacan galay xarumo cilmibaadhiso oo kalsoonida lagu qabi karo laga shakisanyahay, xogo dhammaystiranna aan hayn, ka bilow Maxadka Hoover, ilaa laga soo gaadho Heritage Foundation iyo Maxadka American Enterprise. Xarumahani waxa ay maalgeliyaan aqoondarro, iyo marinhabaabin.
Arrinku kuma koobna 90 milyan oo reer Iiraan ah, ee sidoo kale waxa uu khuseeyaa dad ka badan 300 milyan oo reer Maraykan ah, oo raba inay dalkooda ka xoreeyaan dagaallo aan dhammaad lahayn, faa’idana aanay ugu jirin, una baahan inay iska xoreeyaan fallaagadaa isku xidhan.
Weydiinta dadka Maraykan is weydiin karaan waxa weeye: qurbejoog fallaago ah, oo khiyaameeyey dalkooda, rabana in nidaamka la beddelo, ciidanka Israa’iil iyo Maraykanna ku dhiirrigelinaya inay dalkooda ku duulaan, sidee bay daacad ugu noqon karaan dalalkan cusub ee ay yimaaddeen? Haddiiba ay ka qayb qaadanayaan burburinta dalalkii ay ku dhasheen, sidee daacad ugu noqon karaan dalka ka faa’idaystay ee u adeegsaday sidii il dhaqaale? Waa dad Maraykanka laftiisa neceb in ka badan intay necebyihiin dalkoodii asalka ahaa, oo ay tahay in laga xisaabiyo sannaddo been faafin ah.
Qormadan waxa laga soo turjumay halkan.