Skip to main content

Wednesday 19 February 2025

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
Aragti

Sidee Halyeygu Geerida ugu Badheedhaa?

29 October, 2024
Image
Yaxye Sinwaar
Sawir: Yaxye Sinwaar, (MAHMUD HAMS/AFP via Getty Images)
Share

Dhimashadii Yaxye Sinwaar ka dib, waxa faafay isbarbardhigga la xidhiidha sida sooyaalka halgamaagu uga dhex samaysmo sawirka laga arko gebagebada nolosha halgamaagaas. Qoraayada kasoo jeeda garabka bidix, waxa markaba maskaxdooda kusoo dhacaya isbarbardhigga laba sawir: waa sawirka iska caabbintii u dambaysay ee Sinwaar iyo sawirka Che Guevara ka dib markii dilka lagu fuliyey, oo isaga oo naxash saaran, ciidan iyo sirdoonna ku xeeranyihiin warbaahinta loo soo bandhigay. 

Dhagarqabayaasha dilalka fuliyaa kama waantoobaan inay dadka u soo bandhigaan sawirrada qofka ay dileen, iyaga oo ku faanaya guushooda, oo ay gacan ku dhigeen qofkii bartilmaameedka u ahaa ee nolol iyo geeriba lagu rabay, sidaasna waxa ay sooyaal halgan ugu sameeyaan qof ay xumaanta oo dhan dusha ka saareen, kuna ladheen tilmaamo ay samaysteen oo mala’awaal ah, kuna jaango’an heerka cabsida bulshadooda qofkaas loo geliyey. Marka ay soo bandhigaan qofka ay sharwadaha ku tilmaameen, waxa ay ku dhacaan dabin ay dacaayaddoodu u dhigtay. Kol haddii caqabadda ay ka cabanayaan qof la xidhiidho, waxa ay lagama maarmaan u arkaan in dhammaadka nolosha qofkaas gacantooda ay kusoo bandhigaan. Sawirka ay ka faafiyaan qofkaas marka ay noloshiisa soo gabagabeeyaan, ayaa sameeya halgamaa cusub oo lid ku ah, iyagana waxa daga isla weynida inay qofkaas ka guulaysteen. Sidaas darteed, Israa’iil kumay koobsan sawirrada ciidamadu ka baahiyeen Yaxye Sinwaar ee khalkhalinaya daraamada socotay ee Netanyahu doonayay in uu xiddig ku noqdo, balse, waxa kale oo ay Israa’iil si rasmi ah u soo saartay muuqaal ay duubtay diyaarad aan duuliye lahayn, muuqaalkaasina waxa uu sii kordhiyey xamaasadda dhibbanayaasha la dulmiyey oo dhan. 

Halgamayaasha waxa sameeya siyaasiyiinta, qoraayada taariikh-nololeedka, wararka, abwaannada iyo wariyayaasha. Waxa kale oo sameeya saqaafadda bulshada, taariikhyahannaduna waxa ay abla’ableeyaan sawirkaas oo ay macno u sameeyaan. Taariikhyahankaas sameeya sooyaalka halgamaaga iyo sheekada keni-adaygiisa, xilligeenan waxa loo arkaa qof mihnaddiisa khiyaamaynaya. In kasta oo isha ay ka unkanto sheekada sooyaalka halyeygu aanay ahayn ka beensheegidda xaqiiqooynka, ujeedkeeduna aanu ahayn inay dhacdooyinka ku fasirto sheekooyin, si taariikhyahan ugu danbay beenahaas u buriyo, una saxo khaladaadka, taas cagsigeeda waa in uu fasiro sawirkaas. Sidan oo kale ayaa uu gorfeeyihii suugaanta ee Ingiriiska ahaa, John Berger, u fasiray sawirkii u dambeeyey ee Che Guevara u fasiray, isaga oo ku shabbahay laba farshaxan; mid waa farshaxankii Rembrandt, midka kalena waa farshaxankii Andrea Mantegna. Sida la ogyahay, Che Guevara waxa lagu dilay sagaal xabbadood oo meelo kala duwan oo jidhkiisa ah ku dhacay; si meesha looga saaro dilkiisa maxkamad la’aan, una muuqdo in dagaal lagu dilay. Hase ahaatee, beentaasi ma sii jirin, oo waxa la faafiyey in dilkiisa lagu fuliyey amar madaxweynihii Booliifiya ka soo baxay 9-kii Aktoobar, 1967-kii. 

Sawirkii u dambeeyey ee Sinwaar laga arkay waa isaga oo ul ku tuuraya diyaaradda daroonta ah ee muuqaalka ka duubaysay, ka dib markii uu ku dhammeeyey wixii uu rasaas iyo bambooyin uu haystay weerar uu la galay ciidan aan marna filanayn in ay la kulmi doonaan qofka ay magaciisa ku cabsi geliyaan carruurtooda. Waa sawir qof dagaallamay intii tabartiisa ahayd, oo dhaawacan, oo isaga iyo labadiisii saaxiib ee la joogayba ay sugayaan geerida ay horeba u sii filayeen. Waxa uu ka dhex dagaallamayay guri ciidanka gumaysigu dadkiisii ka qaxiyeen, si la mid ah guryaha kale ee la dariska ah iyo magaalada kaleba. Sawirkan ugu dambeeyey ee laga arkay waxa uu burburiyey wararkii gumaysigu suuqa u geliyey ee ahaa in inta dagaalku uu socday uu godadka hoostooda ku dhuunto, dhufaysna ka dhigto maxaabiistii Yahuudda laga soo qabsaday. Sida uu cadawgiisa u waajahay, geeridana uu ugu badheedhay waxa ay dhiirranaan iyo calool adayg cusub ku beertay dadkii reer Falastiin. Dadku muddo sannad ah ayaa ay goobjoogayaal u ahaayeen sida dhiirran ee kooxaha iska caabbintu u waajahayeen geerida, balse, marka Sinwaar la eego, waxa ay arkeen sawir dunida kale oo dhammi la aragtay oo ay markhaati ka noqdeen geesinnimadaas. Waxa ay arkeen astaan ka duwan wararka beenta ah ee gumaysigu faafiyo, waa nin madaxiisu kor yahay oo ku dhiirraday inuu wajaho geerida, xilli hubka Israa’iil baabi’inayo wax kasta oo dhulka korkiisa yaalla. Waana xilli Israa’iil iyo dunida garabka siisaa isku dayayaan in ay hoos u dhigaan yididiilada dadka. Dedaalka ay Israa’iil ku bixisay Sinwaar waxa uu kor u qaadday astaantiisa geesinnimo.

Marka laga yimaaddo sawirka gebagebada nolosha labadan nin ee sameeyey sooyaalkooda halgan, haddana nolol ahaan may ahayn laba nin oo is shabbaha. Che Guevara, oo asal ahaan u dhashay dalka Argentine, waxa uu ka dhashay qoys hodan ah oo abtirsigoodu ku arooro Isbayn iyo Ireland. Waxa uu bartay caafimaadka, waxaanu qaatay fikirka Maarkisiga. Marka aad akhriyeysid taariikh-nololeedkiisa halganka ku suntan, waxa aad la ashqaraaraysaa tirada noocyada ciyaaraha iyo jimicsiga ee uu dhallinyarnimadiisii soo ciyaaray. Waxa kale oo aad la dhacaysaa danaynta ardaygan caafimaadka bartaa u hayay fanka, suugaanka iyo falsafaddaba. Waa nin ka soo jeeday dabaqadda burjuwaasiga ah, balse, doortay in uu dulmanayaasha la dhinac noqdo, oo aanu asal ahaan ka mid ahayn. Safar uu u adeegsaday mooto oo uu ku maray Laatin Ameerika badankeeda, waxa uu khibraddaas kala soo dhexbaxay in xadgudubka seeskiisu yahay mid, sidaas daraaddeed, waa in kacdoonkuna noqdo mid, kaas oo dhan ka ah halka cadaw, Imbiryaaliyada Maraykanka (iyo shirkadaheeda waaweyn sida United Fruit), oo uu u arkayay waxa gundhigga u ah xadgudubka iyo dib-u-dhaca qaaraddaas ka jira. Che Guevara waxa uu ku biiray kacdoonkii Kuuba, ka dib markii meesha laga saaray madaxweynihii Fulgencio Batista sannadkii 1959-kii, waxa laga dhigay wasiir, kormeere bangiga dhexe ka tirsan iyo safiirkii Kuuba u joogay dalal dhawr ah. Hase ahaatee, dedaalkuu ugu jiray in uu kacdoon ka dhaliyo Koonfurta Ameerika iyo Afrika ayaa ku soo idlaaday in uu ugu dambayn tobanaan dagaalyahanno ah la galo buuraha fogfog ee dalka Booliifiya, isaga oo badhtanka ugu jiray beeralay aan fikradihiisa oggolayn. Dhinaca kalena, umay suuragalin in uu heshiis iyo is fahan la galo kooxaha kale ee hubaysan. Astaantiisa iyo magaciisa ku suntan la dirirka xadgudubka meel kasta oo uu ka jiro iyo xaaladaha ugu adagba iyo odhaahdiisa ah “Yoolka kacaanku waa in uu kacdoon sameeyo”, aad ayaa ay dadka ugu dhex baaheen, gaar ahaan dhallinyarada garabka bidix, oo sawirradiisa soo qaatay intii ay ardaydu dibadbaxa ka wadeen Yurubta Galbeed iyo Maraykanka sannadkii 1968-kii ilaa horraantii toddobaatanaadkii. Che Guevara waxa uu astaan u noqday kacdoonka iyo dhaqanka ku kacsan talisyada. Hase ahaatee istiraatiijiyadda halgankii uu kala hortagay imbiryaaliyada iyo kelitaliska, isbeddelkana uu ku rabay, waxa ay ahayd mid kooban oo xaddidan. Dhallinyaro badan ayaa ku dayday muuqiisii, iyaga oo aan kaga dayan halgankiisii caalamiga ahaa ee ka dhanka ahaa imbiryaaliyada Maraykanka iyo shirkadaheeda qaaradaha isaga gudba. Dimuqraadiyadda Galbeedkuna waxaabay sawirradiisa u ilaashadaan in uu qayb ka yahay dhaqankii Pop-ka ee fanka iyo shaneemada. Sidaas ayaa ay sawirradiisii ganacsi isugu beddeleen, oo lagu daabacay koobabka iyo garamaanta. 

Sinwaar waxa uu ku dhintay dalkiisa, kumana dhiman meel ka baxsan. Waa nin ka soo jeeda qoys qaxoonti ahaa oo reer Falasdiin ah, waana qof ka dhashay kooxda dulman ee saboolka ah, ee noloshooda cidhiidhiga ah ku qaatay marinkaas Qasa. Fursad uma helin in uu ciyaaro iyo jimicsi sameeyo, amaba in uu dalalka Carbeed safar ku maro. Xadgudubka lagu hayay ayaa ku hareeraysnaa oo raadinayay aqoonsigiisa. Waxa uu xabsiga galay isaga oo yar, xabsigaana dugsi u noqday, maxaabiista kalena waxa ay u noqdeen qoys. Labaatan sanno ka dib ayaa uu xabsiga ka soo baxay, oo uu yimi Qasa oo go’doon ah, ururka uu ka tirsanaa ee Xamaasna maamulka hayso. Kama daalin maamulka, mana ka bixin Qasa si uu meel kale kacdoon uga sameeyo, sababtoo ah haysashada Falasdiin waa joogto sii fidaysa. Waa run in uu qayb ka noqday maamulka Qasa ka talinayay, balse, haddana marna dhaqankii iska caabbinta kama tagin. Falasdiin sideedaba hal mar ayaa uu ka baxay oo uu tagay Masar. Sinwaar ma haysan fikir caalami ah, garab bidix ah ama kacdoon caalami ah, meesha ugu fog ee fikirkiisu joogayna waa iswaafajinta Islaamnimadiisa iyo waddaniyaddiisa; waxaanu ahaa Islaami waddani ah oo baadigoob ugu jira midaynta waddaniyadda. Halganka uu ka waday marinkaas cidhiidhiga ah ayaa jidka u furtay caanbixiisa, waxaanu noolaa muddo kooban, balse magaciisu dunida oo dhan gaadhay. 

Ka dib toddobadii Oktoobar 2023-kii, waxa samaysmay isbahaysi caalami ah oo ay Israa’iil horkacayso, oo cirka ku shareeray dacayaadda Ururka Xamaas dhakada laga saaro, weliba Sinwaar si gaar ah. Dhibkii soo gaadhay shacabka Israa’iilka weerarkaas 7dii Oktoobar masuuliyaddiisa waxa loo xambaariyey Sinwaar, intaasna looguma koobin, ee waxa kale oo lagu shaambadeeyey in uu masuul ka yahay xasuuqa Israa’iil ka waddo Qasa, oo ku marmarsiyoonaysa in xasuuqa sababtiisu tahay weerarkii Duufaan al-Aqsaa ee Sinwaar maleegay. Waa marinhabaabin iyo in la sameeyo gef aan gumaysigeeda ahayn oo sabab looga dhigo xasuuqa. Dhibbanihii baa gefka dhakada laga saarayaa, dambiilihiina waa la bari yeelayaa, isaga oo xinjiro dhiig ah faraha kula jira. Qaar ka mid ah Carabta oo beenta la dhoobdhoobay rumaystay ayaa jidkaas qaaday, waana dad beenta qaata, oo aan hadalkoodu qiimo lahayn, hadalkooduna wax ka soo qaad lahayn, sidii uu Ibnu Khalduun ku cabbiri jiray. Hadalkan waxa aynnu sheegaynaa iyada oo dad tirobool ahi guryo beeleen Qasa dhexdeeda, oo ay bannaanka hurdaan tan iyo maalinkii ciqaabta lagu bilaabay. Marka xaalku sidan yahay, ma habboona in la canaanto dhibbanayaasha dagaalka iyo xasuuqa wax kasta ku waayay, kuna dhex silcaya kharaabadaha dumay, bacahuna hoy u noqdeen. Dadkaasi canaan ku yeelan maayaan haddii ay ka aamin baxaan halganka Sinwaar iyo cid kaleba. Mushkiladdu waa kuwa aan xasuuqan waxba ku waayin, ee haddana garabtaagan kuwa xasuuqa wada, dadka dhibbanayaasha u ahna dhaleecaynaya, kooxda iska caabbintana masuuliyadda xadgudubka gumaystaha u xambaariya. 

Waxa yaab innagu ridaya marka aynnu aragno hoggaamiyaal reer Galbeed oo magaciisa ku celcelinaya markasta oo ay warbaahinta ka soo muuqdaan. Waxba kama yaqaannaan shakhsiyaddiisa, balse, sheekada Israa’iil uga sheegtay ayaa ay rumaysteen, waxaanay u arkaan in uu ahaa caqabadda hortaagan xabbadjoojinta. Waxa ay soo dhaweeyaan oo ay la kulmaan Netanyahu oo caqabadda dhabtaa ah, waxaanay ula kulmaan sida in uu ka mid yahay hoggaamiyayaasha dunida ilbaxa ah, xitaa la kulankiisa waa ay sii wadaan ka dib intii ay Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ahi ku tilmaantay dambiile dagaal. 

Sinwaarka lagu been abuurtay, laguna sheegay in uu caqabad yahay waa uu dhintay, dagaalkiina waa uu iska sii socday, beentiina dhufayso kale oo ay ku gabbato ayay heshay ka dib markii ay bannaanka timi. Raysalwasaaraha Iraa’iil, oo dambiyada ugu fooshaxun gaysanaya, dugsiyo iyo cisbitaallo duqaynaya, baaba’a carruurtuna aanu damiirkiisa qabanayn, oo kulansaday tilmaamaha ugu liita ee aadame ku kulmi kara; fulaynimo iyo arxandarro ayaa ku kulmay, liidasho iyo santaag, isla saxsanaan iyo muuqasho jeclaan, haddana weli hoggaamiyayaasha Galbeedku waa ay u sacabtumayaan, waanay la kulmayaan, baarlamaanka dawladda dunida ugu weynina waxa uu isu taagay in uu salaan siiyo. Waxay ku laabqaboojisanayaan, kuna faraxsanyihiin dilka nin sabool ahaa oo sabool ka soo tafiirmay, oo weligii dalkooda cag saarin, cidna aan weligii dhul ka qaadin. 

Hantigoosadka reer Galbeedku ma awoodo in uu sawirka halgamaa Sinwaar geliyo khaanadda kala duwanaanshaha iyo wada noolaashaha dhaqannada, si ka duwan sidii Che Guevara sawirkiisa khaanaddan loo geliyey. Sababtu waa in sawirkiisu uu la mid yahay agab aan si fudud loo qaadan karin. Tani waa mid ka duwan sida fudud ee uu ula falgeli karo una meteli karo dulmanayaasha waddamadeenna. Waa suuragal in aad qof geesinnimadii Sinwaar leh kula kulantid xeryaha qaxoontiga ama tuulo Falasdiin ku taalla; ma laha dirays u gaar ah ama xitaa isku day in uu dadka kale ka duwanaado ah. Tallaabada uu qunyar qaadayo, jidhkiisa adag, cadhada foolkiisa ka muuqata, oo dhoollacaddayn isu beddesha marka uu carruur salaamayo ama maxaabiistii hore ee ay wada xidhnaayeen iyo qalbi furnaantiisu waxa ay tusinayaan in is dhuldhiggiisu aanu marnaba ahayn mid samays ah oo uu iska keenkeenayo. Saqaafadda kooban ee garaadka badani ku lammaanyahay. Waxa uu ku biiray ururka Xamaas, si la mid ah tobanaanka kun ee dhallinyarada reer Falasdiin, hase ahaatee, dedaalkiisa ayaa u suuragaliyey in uu hoggaanka siyaasadeed gaadho. Waxa suuragal ahayd in uu sii wado halganka uu ka barbar dagaallamayo ururka, si la mid ah dagaalyahannada kale. Israa’iil waxa ay dhibi ka haysataa dadka la midka ah Sinwaar, waana wax aan ku koobnayn hal qof, oo ka badan sida ay u malaynayaan. 

Markii uu shahiiday Sinwaar, reer Falasdiin, reer Masar, reer Urdun iyo dad kale oo Carab iyo Muslimiin ah oo dunida kala joogaa waxa ay dareemeen in Sinwaar iyaga ka mid ahaa. Ka mid ahaanshihiisaasi waxa uu sababay in murugo iyo qab sare isku darsamo markii dhibaatadu dhacday. Mar waxa ay u damqadeen halgamaaga dhaawacan ee guriga cidlada ah keligii kursiga ku fadhiya ciidan la’aan, waana sawir gudbiyey sida Falasdiiniga iska caabbinta ku jiraa go’doon ugu jiro. Dhinaca kale, sawirka iska caabbintiisu waxa ay gelisay qab iyo han sare, sababtoo ah waxa ay ka dhex arkeen karaamo ilaashi iyo is dhiibid la’aan ka maqan talisyo badan oo Carbeed iyo warbaahintooda. Aad ayaa ay u adagtahay in siyaasiyiinta iyo warbaahinta Galbeedku dhacdadan ay fahmaan.

Sannado badan ayaa aynu burinaynay aragtiyaha ku saabsan hirdanka dhaqannada iyo kala fogaantooda, balse taas ka dhalanmayso in aynnu iska indhatirno isburinta ka dhexaysa iska caabbinta iyo sharka. Waa isburin kala soocaysa cidda barbar taagan gumaysiga, xasuuqa uu gaysanaya ku deda in uu naftiisa difaacayo iyo cidda dhex taagan, garabkoodana saldhigyada dhibbanayaasha gumaysigaas iyo xadgudubkaas, ciddaasi ama Sinwaar ha ka soo horjeedeen mawqifyadiisa ama ha raacsanaadeen isaga iyo ururkiisabee. 

 

Waxa turjumay Maxamuud Bulxan, asalka ka akhriso halkan.