Monday 23 June 2025
Soomaalida waxa lagu tiriyaa in ay ka mid yihiin bulshooyinka ugu badan ee Geeska Afrika ku dhaqan. Waa bulsho sida laga war hayo u qaabaysan oo u taaltaalla hab qabaa'il iyo beelo ah, waagii gumaystuhu yimida uu u kala jarjaray shan qaybood oo ku kala fidsan Geeska. Waa bulsho leh soojireen, hidde, taariikh, iyo dhaqan fac weyn oo aad u gundheer. Waxa lagu majeertaa oo la isla qirsanyahay in ay yihiin ummaddii gabayga oo mustashriqiintii Geeska Afrika yimi oo uu folaad u ahaa Richard Francis Burton (1821-1890) waxay ku sifeeyeen in aynu nahay bulsho suugaantu meel sare ugu jirto oo door udubdhexaad ah ay ka ciyaarto noloshooda, siiba gabayga oo lagu tilmaamo in uu u boqran yahay.
Buuggeeda, A Tree of Poverty: Somali Poetry and Prose, waxay Margaret Laurence ku sheegtay in gabaygu Soomaalida u yahay geedkii ay faqriga ka hoos hadhsanayeen, isla jeerkaana keli ah aanu iska ahayn maanso ay tiriyaan e, balse shaqooyin badan oo ay ka mid yihiin is gaadhsiin, faan iyo tookh, colaad kicin, hawl isku dhaafin, nabad-dhalin, in ay nafsad ahaan ka raadiyaan xasillooni iyo deggenaan iyo in kale oo badan ay suugaantu, si guud u hayso. Dr. Maxamed Daahir Afrax isaguna sidaa si la mid ah buuggiisa, "Aragtiyo ku Saabsan Dhaqanka Soomaaliyeed/نظرات في الثقافة الصومالية", wuxuu ku carrabaabay in suugaantu, hidde ahaan iyo taariikh ahaanba nolosheenna iyo dhaqankeenna ay ugu jirtay boos adag oo mahuraan ah, haddii la doonayo in qofka Soomaaliga ah nafsaddiisa, adduun-araggiisa, iyo habdhaqankiisa loo kuurgalo ay tahay meel laga duuli karayo oo laga soo dhiraandhirinayo fahanbixinno asaas u noqon kara qeexidda qofka Soomaaliga ah. Wuxuu isla wakhtigaa xusayaa in gabaygu leeyahay fogaansho kala duwan.
Sidaa awgeed, hor iyo horraanba si aynu bulsho u fahanno waxa lagamamaarmaan ah in aynu derisno qaabdhismeedka iyo hannaanka ay u taallo, iyo waxa ku weyn ee ay xiisayso, iyo dhammaan tafaasiisheeda, oo taasi waxay sees u noqonaysaa ugu yaraan mushkiladaha ay bulshadaasi la tacaalayso in aynu maaro u helno. Soomaalidu ilaa waagii ay heshay jowharadda dawladnimada ilaa haatan waxa hor tiillay masalo kakan oo furfurid iyo faaqdaad hor leh u baahan waa masalada daarran sidee isu waafajinnaa qaabdhismeedka qabiilka iyo mabda'yada dawladnimada casriga ahi ay ku dhisan tahay oo runtii ah labo kaaf iyo kala dheeri ah. Sida ay antarboolajiistigu tilmaamaanna qabiilku wuxuu ku dhisan yahay mabda'a ah: 'Kii roon baa reerka u hadhaya/Survival of the fittest', halka xeerarka asaasiga ah ee dawladnimada casriga ahi ay yihiin kuwo u taagan muwaaddnninimada, xorriyadda, caddaaladda iyo sarraynta sharciga/dastuurka. Rashiid Cabdillaahi Gadhwayne oo buuggiisa 'Qaran iyo Qabiil: Labo Aan Is Qaban' kaga warramay ismagaydada u dhaxaysa hannaanka qabiilka iyo habdhiska dawladnimada casriga ah, wuxuu ku dooday in asalka bannaanba ay labadaasi liddi isku yihiin oo qabiilkuna ku dhisan yahay aragtida casabiyadda oo sees ahaan aan la jaanqaadayn ama waafaqaynba dawladnimada casriga ah iyo shuruuddeeda.
Waxaan qabaa si aynu masaladaa kakan u furfurno in ay kamakacdo noqonayso in aynu dib ugu noqonno oo u milicsanno, taariikhdeennii iyo habnololeedkeennii hore, waayo waxa la tilmaamaa "tagtadaada oo aad barato, waa timaaddadaada oo aad saxdid". Waana hubanti si loo taddawuro oo dhinacyo kala geddisan horumar taabbagal ah looga sameeyo in tagtada casharrada ku duugan la dhuuxo oo loo dhugmo yeesho. Bulsho kasta oo jidkaa iyo toobiyahaa san ka leexatana ay ku xukuman tahay horumardarro. Maxaa sababay, sida uu qabo taariikhyahanka iyo faylasuufka reer Ingiiriis ee Arnold J. Toynbee (1889 - 1975), taariikhdu waxay tahay muraayadda mustaqbalka, oo hadba falcelinta iyo waayaha sooyaalka sida aad u la falgashid, casharrana uga kororsatid buu mustqabalkaagu u ekaanayaa. Inaga oo ka duulayna wayddiimaha asaasiga ah ee ay ka mid yihiin: waxa tol yahay, hababka uu ku samaysmay, waxa asaaska u ah konsabka tolnimada, iyo sida toloobiddu u samaysanto, waxaynu isku dayi doonnaa in aynu taxliilinno masaladaa oo falanqayn ku samaynno.
Sida aan qabo Prof. Cabdalla C. Mansuur wuxuu xagga hore kaga jiraa dadka sida iigu la qiimaha badan u lafagguray mafhuumka tolnimada iyo si guud doodaha ku hareeraysan konsabkaa. Wuxuu si aad ah ugu kuurguulay, buuggiisa "Taariikhda Afka iyo Bulshada Soomaaliyeed," oo waxsoosaar iyo dhigaal dhaxalgal ah, buugagga majaalkan ku tacalluqana ay dhiggiisa oo kale inagu yar yihiin, wayddiimo taariikh, af iyo dhaqanba leh. Si guud wuxuu ka kooban yahay buuggu 15 cutub oo mid kastaba ka kale uu ka xallad iyo xiiso badan yahay, xogo hor lehna aad ugu tegaysid: laga soo bilaabo taariikhdii Soomaalidii hore, sida uu qofka Soomaaliga ahi ula falgalo taariikhda, Soomaalida iyo ilbaxnimooyinkii hore, raadad degelbaadhiseed, hadhaaga diimihii hore, sida madaxdhaqameedyadu ku soo unkameen, ilaa laga soo gaadhayo dhaqanka geela iyo toloobidda iyo dhaqanka xooladhaqatada iyo xeerarkooda, iyo si guud arrimo kale oo xiiso leh buu xagal cusub ka akhrinayaa, fahan iyo fuf ugub ah oo cilmi ahna inoogu jidbixinayaa.
Isaga oo ka adeejinaya taxliilkiisa af iyo dhaqanba daarran wuxuu Mansuur si aad ah ugu qaadaadhigay buuggiisa waxa tol yahay, sooyaalkiisa, isbeddelladii uu la kowsanayay hadba marxaladihii uu marayay iyo si guud samaysankiisii iyo abuurkiisii. Wuxuu ku dooday isaga oo la akhrinaya waxqabadka taariikhyahanno Soomaalida dersay oo u badan Galbeed sida Enrico Cerulli (1898–1988) oo ahaa mutacallin iyo dublumaasi Talyaani ah, dersayayna in muddo ah Soomaalida iyo Itoobbiyaanka, iyo dabcan "inankeennii" Soomaaliyoobay ee deraasaadka Soomaalida ka ah dhaabad aan laga gudbi karin, shaqooyinkiisuna ay yihiin sooyaal (classic) mudane I. M. Lewis (1930-2014) in si loo xalliyo mushkilado badan oo Soomaalida haysta ay mahuraan tahay in la uurbaadho fahmidda qabiilka iyo qaabdhismeedkiisa. Isla jeerkaa buuggiisa, A Pastoral Democracy, wuxuu ku doodayaa si aynu u lafaggurno qaabdhismeedka siyaasad-bulsheed ee Soomaalida ay mahuraan tahay in aynu taxliil iyo faaqidaad ku samaynno masalada reernimada iyo toloobidda.
Cabdalla C. Mansuur wuxuu xusayaa in mafhuumkaasi gebigiisuba biyadhaciisu noqonayo maahmaahda ah "tol waa tolane", oo tibaaxaysa in uu yahay wax la isku toltolay iyo qobtol la isku sidkay, ee aanu ahayn wax abtirsiimo ay mar kasta jaangoyso. Bilmetel qabiillada Soomaalida wuxuu xusayaa in ay isku biireen oo is gaashaanbuuraysteen badankoodu, sababta taa keenaysana ama shidaalinaysana ay ahayd danwadaagnimo iyo iskaashi mid la xidhiidha, iyo, waa ta kale ee muhiimka ah e, in cadawga lagu magacdhabo "iyaga" ay iska difaacaan oo iska ilaaliyaan.
Dhanka kale wuxuu carrabaabayaa sida qofka Soomaaliga ah tolnimadu ay duunkiisa u degtay, oo, wuxuu lafagur luuqadeed iyo nafsadeed ku samaynayaa eray aynaan dhammaanteen ka fekerin, oo aynu si baraad la'aan ah iyo si maalinle ah u adeegsanno, waa kolka hawli sideeda inoogu dhici weydo erayga inagu soo degdega ee dhaha: "tolow maxaan sidaa u samayn waayay", oo ah qayshad iyo catow qofku tolkiisa ku hadaaqayo, halkii ay qofka kaga soo dhici lahayd erayo diineed ama erayo kale oo si uun uga duwan eraygaa "tolow".
Isaga oo ku sii socda taxliilkiisaa wuxuu tibaaxayaa in doodda tidhaahda qabiilku wuxuu ka unkamaa dad dhalasho wadaag ah oo hal ab ka soo wada jeedaa in aanay sii ridnayn, oo sida ay raadadka degel-baadhiseed sheegayaan qabiilku wuxuu ka dhashay reero is kaashaday oo danwadaag ah, oo sidaa ku wada dhiig baxa. Sababaha keenay in la iskaashado oo qolo ku biirto qolo kale wuxuu ku soo ururinayaa afartan hoose:
Dabeecadda raacatada si gaar ah geellayda oo had iyo gooraale reer guuraa ah oo biyo iyo baad raadis ku jira.
Kolka ay dhacdo musiibo dabiici ah sida abaar in ay qabaa'ilka ku sababi jirtay in reeruhu barakacaan.
Masiibooyinka aadane-sameega ah sida isku dhaca beelaha oo keeni jiray in reero ay ka fogaadaan degaankooda iyo dadkooda.
Iyo, marka ay reeruhu awoodda ama madaxtooyada isku qabsadaan oo ka fogaan jireen ama ka carari jireen degaankooda iyo tolkooda.
Qodobbadan oo dhan waxay keeni jireen in reero ay ka fogaadaan degaanka beeshooda lana deris noqdaan beelo kale oo ay dantu ku khasbayo in la sheegto si xoolahooda iyo dadkooduba u helaan difaac, sidaa awgeed nolosha miyigu waxay ahayd mid kakan oo u daran nabadgelyada oo cid kasta waxay ku tiirsanaan jirtay cid cudud leh sida aynu ka fahmaynno odhaahda: "Ama buur ahow, ama buur ku tiirsanow," oo muujinaysa haddii aanad awood lahayn in aad qabiil lixaad leh dhabarka ku haysid.
Mansuur wuxuu taxliilinayaa oo soo dhiraandhirinayaa in micnaha erayga tol ama qabiil uu ka yimi dad is biirsaday oo degaan kulmiyay. Wuxuuu xusayaa in erayga tol uu caddaynayo intii talo iyo danwadaag ah ee aan ahayn intii ay tagoog isu keentay ama dhalyo wadaag ah, tusaale ahaan, 'tol waa tolane', waxay ka dhigan tahay yacnii waa dad la isku tolay oo erayga toloobid waxa loo la jeedaa "qof tolkiisii ka cadhooday oo tol kale ku biiray." Waxa ka mid ah macnayaasha kale ee tol xanbaarsan yahay maahmaahda ah "tol waa tog" oo muujinaya in tolku ka dhasho reero badan, sida toggu ilo badan uga dhasho."
Dhanka kale wuxuu tilmaamayaa in erayga qabiil oo asal ahaan Carabi ah, kolka loo dhabbo galo micnihiisa fog in qaamuusyada carbeed ay ku qeexayaan in uu yahay dad is biirsaday, oo is kaashaday. Antarboolajiistayaashuna waxay ku doodaan in qabaa'ilka daafaha dunida ku kala nool aanu jirin qabiil isku isir ah ama dhalsho wadaag ah balse ay yihiin dad is biirsaday oo is bahaysatay. Tusaale ahaan magacyada qabiil ee Soomaalida ee muujinaya in qabiilku ku dhisan yahay isbahaysi waxa ka mid ah, beesha Ciise ee Dir oo u kala baxda 3 ciise iyo 3 sooraac, qabaa'ilka Digil iyo Mirifle oo ka kooban Sagaal iyo Siyeed, iyo kuwo kale oo la halmaala.
Wuxuu intaa ka dib sharraxayaa sida lagu toloobo, oo wuxuu ku doodayaa in siyaabo kala duwan lagu toloobo, mar kastana degaanku uu asaas u yahay oo uu isu keeno ama toleeyo qolo kala duwan. Soomaaliduna waa ta ku maahmaahda: "Oodi (deris) abtirsiimo ka dhaw" iyo "Dad ma dhalan e degaan ayaa dhasha".
Qaababkaa lagu toloobo wuxuu ku soo ururinayaa in labadan hab midkood lagu toloobo oo tolku ku dhismo:
B. Hab tol fedraal ah: oo tibaaxaya in labo qolo ama in ka badan ay isku degaan noqdaan, qolo walbana tiro ahaan iyo lixaad ahaanba ay isku filan tahay in ay is difaacdo, ayna yeelanayso madax iyo hanti ku filan kolkaa waxa ka dhexayn kara labdaa qolo xidhiidh guud oo fedaraal ah oo ku salaysan: in si nabadgelyo ah loogu wada noolaado degaankaas, haddii loo baahdana la is gaashaanbuuraysto, hal magac oo toleedna la wadaago, qolo kastana ay iskeed u madaxbannaan tahay xagga arrimahooda iyo xagga abtirsigaba oo aanay qolo kastaa abtirsigeedii hore luminayn.
T. Hab tol abawadaagga (sheegad): habkani waxa lagu tilmaamaa in uu yahay habka ugu badan ee qabaa'ilka Soomaaliyeed ku toloobaan, wuxuu ku yimaaddaa markii reero aan lahayn cudud ay isku difaacaan ayaa waxa dantu ku khasbaysaa in ay ku biiraan qolo cudud iyo awood leh, ka dibna qoladaas qabiilkeeda ayay sheeganayaan. Kolkaa sida muuqata waxa asaas u ah in qof markii uu ka soo tago qolo kale oo la tolaynayo waa in uu ka tagaa abtirsigiisii hore oo sheegtaa midka qolada uu ku soo biiray.
In qofka soo biiray la dhaariyo si aanu qofkaasi u sheegeen qabiilkiisii hore oo uu tan ugu niyadsamaado, waxana sida oo kale ku waajib ah oo uu qalayaa sida oo kale neef lo' ah. Tixdan soo socotaa waxay muujinaysaa dhaarta la mariyo marka qofka la tolaynayo:
Yaa tallaahi galay,
Oo tolkay noqon,
Oo tol aan tegin,
Taagi ii noqon.
Sida oo kale waxa ka mid ah qofkaas yimid in uu bixiyo hantida tolaynta: xoolo ama badar hadii uu beeralay yahay. Dabadeedna waa la dhaariyaa si aanu u sheegan beeshii iyo abtirsigiisii hore. Wuxuuna caddeeyaa in uu ka tirsan yahay beesha uu ku soo biiray dabadeedna uu la bixinayo qaadhaanka iyo magta, iyagana la dhiigbaxo oo uu abtirsigooda uu qaadanayo deetana waxa la siiyaa meel uu dego.
Isku soo wada xooriyoo qaabdhismeedkaa aynu ka warranay ee tolku ku samaysmo kuna taagan yahay wuxuu caqabad iyo dhaabad hor leh ku noqday fahanka aynu dawladnimada ka haysanno iyo sida aynu nolosheenna u la falgalinayno. Tan iyo lixdankii iyo magaalowgiina mushkiladda u weyn ee qofka Soomaaliga ah uu la kulmay waxay ahayd sida uu u la jaanqaadi lahaa habnololeedkan cusub iyo hannaanka dawladnimada casriga ah ee aynu gumaysigii ka dhaxalnay. Waxa iska hor yimi maanhaggii xoolaraacatada ee mabda'yadaa aynu ka soo hadalnay ku dhisnaa iyo caqliyadda magaalowga iyo xadaasadu la kowsatay. Sida badi la ogsoon yahay qabiilka waxa sees u ah caddaaladdarro, eex iyo dulmi, oo, waxa saldhig u ah, "Gar iyo gardarro tolkaa u hiili", halka dawladnimada casriga ah ay asaas u tahay sinnaan, caddaalad iyo in awoodda si siman loo qaybsado.
Gebagabadii wuxuu Cabdalla C. Mansuur soo jeedinayaa in loo baahan yahay si maaro iyo xal loogu helo mushkiladda qabiilka iyo qabyaaladda in la yareeyo shaqa-la'aanta baahsan ee dhallinyarada haysata, dhibaatooyinka dhaqandhaqaale iyo aqoondarrada guud ahaan jirta in la maareeyo. Intaa ka dibna loo banbaxo sidii khayraadka iyo ilaha badan ee webiyo, bado, barri, buuro iyo beeraba leh sidii looga faa'iidaysan lahaa laga hawlgalo. Wuxuu ku soo gunaanadayaa in ay mahuraan tahay si aafadaa dawladnimada inaga haysata loo soo afjaro in wax kasta ka hor wacyiga qofka Soomaaliga ah kor u qaadis ballaadhan lagu sameeyo, lana yareeyo baahiyaha uu qabiilka iyo reernimada uu ku qabo, oo la xoojiyo oo la daadejiyo adeegga ay dawladnimadu bixiso si uu uga kaaftoomo wixii uu reerkiisa ku qabay.