Skip to main content

Saturday 8 August 2026

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Aragti

Sidee bay Ribadu u Burburisaa Nidaamka Dhaqaalaha?

24 June, 2026
Image
Sidee bay Ribadu u Burburisaa Nidaamka Dhaqaalaha?
Share

Nidaamka dhaqaale ee caalamiga ah, oo ah mid si weyn ugu dhisan nidaamka hantigoosadka, waxa uu la daalaa-dhacayaa dhibaatooyin ragaadiyey oo salka ku haya hab-dhaqanka maaliyadeed ee ku dhisan amaahda iyo dulsaarka. Haddaba, si aynu tafkiik qoto-dheer ugu samayno hoobadka dhaqaale ee dunida ku habsaday, waxaa lagama maarmaan ah in aynu qurub-qurub u kala rogno, oo aynu hoosta ka xarriiqno farqiga weyn ee u dhexeeya ganacsi faa'iido doon ah, oo ku dhisan tacab, waayo-aragnimo, iyo hal-abuur dhab ah, iyo lacag ribo dhalaysa oo salka ku haysa saqaafad ah in lacagi ay lacag dhasho iyada oo aan wax wax-soo-saar ah lagu kordhin hantida maaddiga ah ee bulshada.

​Sida aynu la wada socono, luuqad ahaan erayga "Ribo" waxa uu ka soo jeedaa korriin, siyaado, iyo in sheygu uu bato, taas oo laga dheehan karo aayado kala duwan oo Qur'aan ah iyo adeegsiga carabidii hore. Halka isticmaalka sharciga iyo dhaqaalaha islaamiga ah marka la joogo, ay culimada madaahibtu siyaabo kala duwan balse isku ujeeddo ah u qeexeen. Tusaale ahaan, culimada Xanafigu waxa ay ku qeexeen "Siyaado ka madax-bannaan beddel ama qiime oo ku jirta iibka". 

Dhinaca kale, culimada Shaaaficiyadu waxa ay ribada ku macneeyeen heshiis ku dhisan is-weydaarsi hantiyeed oo aan la hubin sinnaantiisa qiyaasta sharciga ah xilliga heshiiska, ama dib-u-dhac ku yimaada labada beddel ama midkood. Sidoo kale, culimada Xanaabiladu waxa ay ku qeexeen in ay tahay kala-badnaan (تفاضل) ku timaada waxyaabo gaar ah, iyo dib-u-dhac (Nasi'ah) ku yimaada waxyaabo gaar ah oo sharcigu xaddiday. Isku soo wada duuboo, dhammaan qeexitaannadani waxa ay ka siman yihiin in kordhin kasta oo la shardiyeeyo oo saaran madaxa lacagta la amaahiyey iyada oo la tixgelinayo mudada ama wakhtiga ay tahay ribo xaraam ah.

​Dhinaca kale, faa'iidada ganacsigu waa midda ka dhalata khatar la qaato, tacab, is-weydaarsi hantiyeed oo dhab ah, iyo ka shaqaysiinta cududda shaqaalaha iyo caqliga aadanaha. Halka faa'iidada ganacsigu ay dhiirigeliso in hantidu ay dhex wareegto bulshada dhexdeeda si xalaal ah, ribadu waxa ay damaanad-qaadaysaa in hantida la isugu ururiyo gacmaha koox kooban, iyada oo la raranayo dhabarka dadka tabaalaysan ee baahida u qaba maalgelinta.

​Waxa xusid mudan in mamnuucista ribadu aanay ku koobnayn oo keliya diinta Islaamka, balse ay tahay xikmad ay isku raaceen inta badan ilbaxnimooyinkii hore iyo diimihii samawiga ahaa, taas oo ka dhigan in ay tahay caqiido ku qotonta fidrada fiyow ee aadanaha iyo baahida caddaaladda bulshada. Taariikhda marka aynu dib ugu noqono, dadyowga aadamuhu iyaga oo kala diima ah oo kala dhaqan ah ayey haddana gabi ahaanba isku raacsanaayeen in xirfadda ribo-qaadashadu ay tahay mid la quudhsado oo bulshada dhexdeeda karaamo-beel ku ah. Tusaale ahaan, Kaniisadda Katooligga ee Masiixiyaddu waxa ay si adag u mamnuucday ribada sannadkii 1179-kii, iyada oo Baadarigii xilligaas uu sheegay in qof kasta oo Masiixi ah oo qaata ribo uu dambiile yahay oo uu kasbaday hanti xaaraan ah.

Intaa waxa uu raaciyey aqoonyahankii weynaa ee diinta Masiixiga Toomaas Akwiinas (Thomas Aquinas) in ribadu tahay baad iyo dhac la raranayo dadka masaakiinta ah, isaga oo ku dooday in ribadu ay tahay in la iibiyo waqtiga, waqtiguna uu yahay hanti uu Eebbe keligii leeyahay oo aanu aadanuhu xaq u lahayn in uu iibiyo ama kireeyo. Sidoo kale, Akwiinas waxa uu soo jeediyey nidaam la yaab leh oo aad ugu eg heshiiska "Mudaarabo" ee Islaamka, isaga oo xusay in qofka lacagta leh iyo kan shaqaynayaa ay wadaagaan faa'iidada iyo khasaaraha, si loo helo caddaalad dhaqaale, wuxuuna caddeeyey in deyn-bixiyuhu uu xaq u leeyahay oo keliya in uu helo qayb ka mid ah faa'iidada haddii uu khatarta la wadaago qofka xoogiisa maalayo.

​Haddaba, isbeddelka taariikhiga ah ee nidaamka dhaqaalaha reer galbeedka waxa uu yimid xilligii dib-u-habaynta Masiixiyadda ee qarniyadii dhexe, gaar ahaan markii uu soo baxay aqoonyahankii lagu magacaabi jiray Kaalfin (John Calvin), kaas oo aragtidiisu ay aad uga duwanayd tii Maarti Luutar oo aaminsanaa fikrado qadiimi ah. Kaalfin oo ka duulaya isbeddellada dhaqaale ee ka curtay magaalooyinka waaweyn ee Yurub, waxa uu la yimid tafkiik hor leh, isaga oo sheegay in ribadu ay tahay dambi oo keliya marka ay waxyeello u geysato deriska ama dadka faqiirka ah, balse ay banaan tahay in loo adeegsado kobcinta maalgashiga iyo dhaqaalaha guud.

Falsafaddaas Kaalfin ayaa si tartiib-tartiib ah gogol-xaadh ugu noqotay nidaamka hantigoosadka ee maanta aynu aragno, kaas oo lacagtii u rogay badeecad la iibiyo oo la kireeyo, beddelkii ay ahaan lahayd hal-beeg lagu qiimeeyo hantida dhabta ah iyo tacabka.

Dr. Ismaaciil Oozsoy (Ismail Ozsoy), oo ah dhaqaaleyahan si weyn u darsay falsafadda diimaha iyo dhaqaalaha, ayaa si cilmiyeysan u naqdiyey aragtidaas reer galbeedka. Ozsoy waxa uu xusay in culimada dhaqaalaha ee reer galbeedku ay weligood ku guuldarraysteen in ay sharraxaan sababta rasmiga ah ee ribadu u tahay lama-huraan, iyaga oo u arka uun in raasumaalku isaguba iskiis u dhalo, taas oo ah qiyaas indho-la'aan ah. Falsafadda Islaamka, inkasta oo ay aqoonsan tahay in hantidu ay dhasho (waana sababta Zekadu ugu waajibto dahabka iyo qalinka la keydiyey), haddana Islaamku waxa uu hoosta ka xarriiqayaa in aan la sii xaddidi karin go'aan kama-dambays ah oo ku saabsan faa'iidada mustaqbalka iman doonta, sababtoo ah mustaqbalku waa mid madmadow ku jiro oo aan la damaanad qaadi karin.

​Aan u soo daadagno tusaale nololeed oo dhab ah oo aynu ka dheehan karno nidaamka suuqyadeena maxalliga ah: Ka soo qaad suuq ku yaalla Bakaaraha ama Waaheen. Haddii ganacsade uu iibsado shixnad xoolo ah ama sarreen ah, oo uu u qaado gobol kale, ka dibna uu iibiyo isaga oo saaraya macaash (faa'iido), waxa uu qabtay hawl dhaqaale oo soo saartay qiime (Value creation). Ganacsadahaasi waxa uu qaatay khatar dhab ah oo ah in xooluhu dhiman karaan ama sarreenku xumaan karo, sidoo kalena waxa uu haqab-tiray baahi bulsho oo jirtay. 

Dhinaca kale, haddii isla ninkaasi uu diido in uu halistooda qaato, balse uu bixiyo 10,000 Doolar oo amaah ah, isaga oo shardi ka dhigaya in sanad ka dib loo soo celiyo 12,000 Doolar, ganacsadahaasi waxa uu diiday in uu qaato wax khatar ah, waxa uu ka faa'iidaystay baahida qofka deymaysan, waxaanu dhuuqay xooggii iyo tacabkii qofka kale iyada oo aanu suuqa kusoo kordhin wax hanti maaddi ah (Real Asset). Tani waa aasaaska hoobadka maanta ku habsaday shakhsiyaadka, qoysaska, iyo dalalka soo koraya ee la daalaa-dhacaya culeyska daynta caalamiga ah.

Khasaaraha Dhaqaale ee Dulsaarka: Urursiga Hantida

​Nidaamka ribadu waa nidaam dhaqaale oo mucaqad ah oo si xeeladaysan hantida uga soo nuuga dadka inta badan ee soo saarayaasha ah (sida shaqaalaha, danyarta, iyo ganacsatada yaryar), isaga oo u weeciya dhinaca kooxaha maaliyadda gacanta ku haya. Khasaaraha dhaqaale ee ribadu kuma koobna oo keliya in uu abuuro sicir-barar joogto ah, balse waxa uu curyaamiyaa cududda horumarinta aadanaha, waxaanu gundhig u yahay sinnaan-la'aanta bulshada dhexdeeda oo ay abuuraan dhiig-miiradku.

​Si aan u fahanno qotada dheer ee arrintan, waa in aan lafa-gurno falanqaynta aqoonyahanka weyn ee dhaqaalaha, Sami Bin Ibraahim Al-Suwailem. Al-Suwailem waxa uu soo bandhigay nidaam xisaabeed oo layaab leh, kaas oo tafkiik ku samaynaya hab-dhaqanka dhaqaale ee ka dhasha labada nooc ee ribada ugu waaweyn: Ribo Al-Fadli (ribada iibka ee is-dhaafsiga xaddi kala duwan oo isku jinsi ah) iyo Ribo l-Nasi'ah (ribada deynta ee la xiriirta mudada).

​Al-Suwailem waxa uu ku doodayaa in alaabooyinka asaasiga ah ee nolosha u ah laf-dhabarta (sida raashinka qutul-daruuriga ah) ay ka kooban yihiin laba qaybood marka laga eego dhinaca sifooyinkooda: qayb aasaasi ah oo muhiim u ah nolosha bini'aadamka (x), iyo qayb kabaal ama raaxo ah oo ku xiran tayada iyo macaanka dheeraadka ah (z). Waxa uu tixraacayaa xikmaddii qotada dheereyd ee Imaam Al-Ghazali iyo faylasuufkii weynaa ee Ibn Rushd. Al-Ghazali waxa uu xusay in raashinku yahay daruuri nolosha ah, is-dhaafsiga laba xaddi oo isku jinsi ah balse tayadoodu kala duwan tahayna ay ka dhigan tahay in la is-weydaarsanayo raaxo ee aan la is-weydaarsanayn baahi aasaasi ah. Sidoo kale, Ibn Rushd waxa uu sheegay in is-weydaarsigani uu sababayo "saraf" ama khasaare hantiyeed oo aan dabiici ahayn.

​Marka la isticmaalo nidaamka xisaabeed (Mathematical model) ee uu curiyey Al-Suwailem, waxa soo baxaysa qaacido xanuun badan. Ribo Al-Fadli waxa ay sababtaa in badeecadda aasaasiga ah loo rogo badeecad raaxo (luxury good), taas oo keenta in qiimaheeda dadban (implicit price) uu si macmal ah sare ugu kaco suuqa guud. Sida aynu cilmiga dhaqaalaha (Micro-economics) ka wada ogsoon nahay, badeecadaha raaxada waxaa inta badan dalbada dadka dhaqaalaha badan haysta. Sidaas darteed, badeecadihii aasaasiga ahaa waxay si iskeed ah ugu qulqulaan suuqa dadka taajiriinta ah halka dadweynihii caadiga ahaana ay wajahayaan gabaabsi ba'an iyo sicir-barar xooggan oo ku yimaada raashinkoodii. Arrintani waxa ay si toos ah u macnaynaysaa ujeeddada ka dambaysa aayadda Qur'aanka ah ee ka digaysa in hantidu ay noqoto "mid ku dhex wareegta taajiriinta keliya ee idin dhex jooga (دولة بين أغنياء)". Sidaa awgeed, Ribo Al-Fadli waxa ay sababtaa urursiga hantida, sababtoo ah waxay badeecaddii ka xaday suuqa dadweynaha, waxayna u wareejisay suuqa maalqabeenka.

​Isla nidaamkaas falanqaynta ah ayaa si qoto-dheer loogu dabaqi karaa Ribo al-Nasi'ah (Amaahda dulsaarka dhalaysa). Xaaladdan, waqtiga dib-u-dhaca ah (z_t) ayaa isna noqonaya sifo lagu lifaaqay badeecadda asalka ah. Qofka taajirka ah (deyn-bixiyaha) ee haysta lacag badan, in uu lacagtiisa dib u dhigto waa arrin kabaal iyo raaxo u ah, sababtoo ah xilligan xaadirka ah baahi uma qabo. Halka qofka miskiinka ah ee deynta qaadanaya, waqtiga dib u dhigistu uu u yahay arrin daruuri ah oo uu u baahan yahay si uu u badbaado. Sidaa awgeed, deyn-bixiyuhu waxa uu awoodaa in uu qiimaha waqtiga (sicirka dulsaarka ama interest rate) si aad ah u qaaliyeeyo, maadaama baahida qofka tabaalaysani ay tahay mid aan lahayn doorasho kale waxaan xaaladdaan loo yaqaan dalab aan su fudud isu beddelin marka qiimuhu kaco (low price elasticity of demand). Natiijaduna waa rafad joogto ah iyo hoobad dhaqaale oo la degta qofka deynta qaatay.

​Dhibaatada ribadu ku hayso horumarka aadamaha waa mid salka ku haysa aafooyinkaas. Sida ay warbixintooda ku muujiyeen aqoonyahannada Al-Caani iyo Al-Hiti, in ka badan labaatan sano ayaa warbixinnada Qaramada Midoobay ee Horumarinta Aadanaha (UNDP Human Development Reports) ay si joogto ah u iftiiminayeen caqabadaha hortaagan horumarka. Warbixintii ugu horreysay ee 1990-kii waxa ay xoogga saartay in horumarku yahay in dadka la siiyo awood ay ku doortaan nolol caafimaad qabta iyo dakhli xasiloon. Halka warbixintii 1994-kii ay qeexday "Amniga Aadanaha" (Human Security) oo ka kooban toddoba tiir oo ay ku jiraan amniga dhaqaalaha, cuntada, iyo caafimaadka. Daynta ribada dhalaysaa waxa ay si toos ah u gumaaddaa tiirarkaas, maadaama ay dakhligii qoysaska iyo dawladaha ee loogu talagalay in waxbarasho iyo caafimaad lagu bixiyo ay u weeciso bixinta dulsaarro xad-dhaaf ah oo bangiyo waaweyn la siinayo.

Al-Cani iyo Al-Hiti waxa ay si adag u xuseen in dayntani ay jebiso lafdhabarta faqiirka, iyada oo dhalisa murugo iyo walbahaar nafsi ah oo dilaya tayada shaqo iyo firfircoonida maskaxeed ee qofka.

Bangiyada Islaamiga ah iyo Dabinada Muraabaxada

Dhinaca kale, warbixintani ma noqonayso mid dhammaystiran haddii aan si qoto-dheer loo eegin caqabadaha iyo dabinada haysta curashada nidaamka Bangiyada Islaamiga ah ee caalamka iyo gaar ahaan Soomaaliya. In kasta oo yoolka asaasiga ah ee loo abuuray bankiyada islaamiga ah uu ahaa in laga fogaado hoobadka dulsaarka, lana hirgeliyo nidaam hufan oo ku salaysan wadaagga faa'iidada iyo khasaaraha (Mudaarabo iyo Mushaarako), xaqiiqada dhabta ah ee dunida maanta ayaa ina tusaysa in qiyaastii 85% ka mid ah maalgelinta bangiyada islaamigu ay tahay mid ku dhisan qalab maaliyadeed oo qaab ahaan iyo natiijo ahaanba shabaha daynta caadiga ah, gaar ahaan Muraabaxada iyo Tawarruqa.

​Waxa in badan soo noqnoqota in bangiyada islaamiga ahi ay u weecdaan waxa culimada fiqigu ay ugu yeeraan "Xeeladaha Sharciga ah" (حيل). Xeeladahani waa oofinta shuruudo muuqda oo sharci ah oo lagu dhisaayo heshiis, laakiin ujeedada hoose ee qarsooni ay tahay in la gaaro yoolkii ribada iyo dulsaarka iyada oo laga dhuumanayo khatarta ganacsiga.

​Khilaafka arrintan ku saabsan waxa uu si weyn uga dhex aloosan yahay taariikhda culimada Fiqiga Islaamka. Tusaale ahaan, Mad-habta Shaaficiyada iyo Xanafiyadu waxa ay inta badan ku qotomaan eegidda "Iraaddada Muuqata" ee qandaraaska. Haddii shuruudihii iibku (sida Muraabaxada ama iibka tafaariiqda) ay buuxaan, waxa ay u aqoonsadaan in qandaraasku yahay mid sax ah oo xalaal ah dhinaca qadaa'iga (sharciga maxkamadda la isku qaadayo), iyaga oo aan isku mashquulinayn gorfaynta ujeedada qarsoon ee dadka wax kala iibsanaya. Imaam Al-Shaafici waxa uu diiday in dadka niyooyinkooda lagu maxkamadeeyo isaga oo yiri

“Axkaamtu waxa ay ku socotaa muuqaalka dibadda... Ilaahay uun baa og waxa qarsoon".

​Haddaba dhinaca kale, culimada Maalikiyada iyo Xanaabilada, oo ay ugu cadcad yihiin caalimadii waaweynaa ee Ibn Teymiyah iyo Ibn Al-Qayim iyo Al-Shaadibi, waxa ay aaminsan yihiin "Iraaddada Baaddinka ah" iyo mabda'a adag ee "سد درائع" (Xiridda albaabada xumaanta keena). Culimadani waxa ay caddeeyeen in xeeladaha loo adeegsado diinta si loo xalaalaysto xaaraanta (sida iibka Ciinaha - Bay' Al-'Inah - iyo Tawarruqa oo mararka qaar loo dhoodhoobo hab Muraabaxo) ay yihiin waxba-kama-jiraan burburinaya maqaasidda sharciga ah. 

Ibn Teymiyah waxa uu ku dooday in ficillada ujeeddadoodu tahay in lagu baabi'iyo xukun sharci ah iyada oo la isticmaalayo weji sharci ah ay yihiin xaaraan. Waxa uu keenay tusaalooyin taariikhi ah oo cajiib ah, sida qisadii yuhuudda markii laga mamnuucay in ay kaluumeystaan maalinta Sabtida ah. Waxa ay sameysteen xeelad, iyaga oo shabaqyada daadiyey Jimcihii, kaluunkiina ka gurtay Axaddii, taas oo dhalisay in Ilaahay uu ku lacnado oo uu daanyeero ka dhigo. Sidoo kale, markii laga mamnuucay dufanka xoolaha, way is-miidaamiyeen oo dufankii ayey dhalaaliyeen, dabadeedna way iibiyeen oo lacagtiisii ayey cuneen, taas oo muujinaysa in xeeladdu aanay beddelayn xaaraantinimada falka.

​Bangiyada islaamiga ah ee maanta jira, si ay uga fogaadaan khatarta suuqa, waxa ay u darsadaan dabinadaas iyaga oo isticmaalaya heshiisyo Muraabaxo oo la sii qorsheeyey Qofka macaamiilka ah ee u baahan lacag kaash ah ayaa yimaada bangiga, bangiguna wuxuu u iibiyaa bir, baabuur ama badeecad kale oo uu u siinayo deyn (kordhin leh), isla markiiba qofkii macaamiilka ahaa wuxuu badeecaddii ugu iibinayaa suuqa qiimo jaban oo kaash ah si uu lacagtii u helo. Macaamilkan, in kasta oo uu ka kooban yahay iibab sharci u eg, natiijadiisa kama dambaysta ahi waa in qofku helay lacag kaash ah, uuna bixin doono lacag ka badan tii uu helay, iyada oo aan wax koboc dhab ah laga samayn dhaqaalaha.

​Xaaladdan waxaa si weyn uga qayb-qaata dhibaatada is-waafaqid la'aanta danaha (conflict of interest) ee haysata guddiyada shareecada ee bangiyada

Culimada u xilsaaran ilaalinta shuruucda bangiyada islaamiga ah mararka qaarkood waxa ay yihiin shaqaale mushahar ka hela isla bangiyadii ay ahayd in ay xakameeyaan. Tani waxa ay wiiqaysaa awooddii ay ku hor istaagi lahaayeen xeeladaha ujeedka qalloocan xambaarsan, waxayna ku qasabtaa in ay ansixiyaan oggolaansho (Fataawa) fasaxaysa in foormulada dulsaarka loo ekaysiiyo Muraabaxo ama Ijaaro, taas oo curyaaminaysa maqaasidda dhabta ah ee dhaqaalaha Islaamka.

​Dalkeena Soomaaliya, nidaamka bangiyada ee ka hana-qaaday burburkii ka dib, isna waxa uu la kulmayaa dabinkan. Sida warbixinnada caalamiga ahi muujinayaan, hantida bangiyada Soomaaliya waxa ay si joogto ah kor ugu kacaysay, iyada oo dhammaadkii 2023-kii, hantida guud ee bangiyadu (Total banking assets) ay gaartay $1.8 bilyan, halka dhigaalka macaamiishuna uu caga-dhigtay $1.43 bilyan. In kasta oo deynta la siiyo waaxda gaarka loo leeyahay ay muddo shan sano ah labanlaabantay oo ay gaartay $404 milyan oo Doolar, haddana waxa curyaan ku ah kobocaas isaga ah tirada bangiyada oo aad u badan balse cududdooda dhaqaale (undercapitalized) ay aad u liidato marka loo eego cabbirka dadweynaha iyo dhaqaalaha.


waxaa intaa dheer, cilmi-baarisyo la sameeyey ayaa muujinaya in bangiyada Soomaaliya ay si weyn u adeegsadaan xeeladda "Tawarruq". Sababta keentay in nidaamyadan ay si weyn ugu fidaan bangiyada dalka ee cusub ayaa ah yaraanta khabiiro si dhab ah ugu takhasusay qaabaynta maaliyadda islaamiga ah ee asalka ah, xirfado maamul oo liita, iyo yaraanta la-taliyeyaal leh aragti fog oo isku duba-rida maqaasidda shareecada iyo cilmiga dhaqaalaha casriga ah.

Maxaa xal ah haddaba? Dhaqaale ku Dhisan Hanti Dhab ah iyo Hal-abuurka Soomaaliya

Haddii nidaamka amaahda dulsaarka lehi uu yahay aafo la isku waafaqsan yahay in ay dhaliso dib-u-dhac, gumaad bulsho, iyo abuurista hanti dhalanteed ah, maxaa xal ah? Fikirka dhaqaalaha Islaamku waxa uu soo bandhigayaa saqaafad cusub oo dhaqaale taas oo xudun u ah badbaadinta aadanaha, diidana waxkasta oo cadaalad darro ah. Beddelkaasi waa hirgelinta heshiisyo maaliyadeed oo dhiirigeliya wax-soo-saar dhab ah.

​Mudaarabo (Wadaagga Faa'iidada iyo Khasaaraha) iyo Ijaaro (Kireysi) ayaa ka mid ah furayaasha xalka waara, marka loo fuliyo sidii loogu talagalay. Dr. Ismaaciil Oozsoy waxa uu si xirfadaysan u gorfaynayaa dhibaatada haysata goynta faa'iidada kahor inta aan shaqada la gelin. Oozsoy waxa uu ku doodayaa in goynta dulsaarka ay tahay mid laba-afle ah oo mar walba dhinac uun dhibaysa, balse ay bulshadu u fahamto uun in ay dhibto deyn-qaataha. Aynu eegno sababta: ganacsiga iyo wax-soo-saarku waa waddo halis badan, mustaqbalkana lama odorosi karo 100%. Sidaa darteed, haddii macaamiilku uu galo khasaare, in isaga lagu qasbo in uu bixiyo raasumaalkii iyo dulsaar go'an oo intaas dheer, waa dulmi qaawan oo qofkaas wiiqaya. Dhinaca kale, xilliyada uu jiro sicir-barar xooggan (inflation), lacagtuna ay qiimo-beelayso, qofkii lacagta deymiyey ayaa isna dulman, waayo dulsaarka go'an ee yar ee uu qaadanayo waxba kama tari doono sicir-bararka, qofka macaamiilka ahna wuxuu ku macaashayaa faa'iido aad u sarraysa isaga oo bixinaya dulsaar aad u hooseeya.

​Haddaba, nidaamka wadaagga (Mudaarabo) waxa uu meesha ka saarayaa in hal dhinac uu dulmiga koro. Marka la eego nidaamkan, bangigu waxa uu noqonayaa shuraako qayb ka ah curinta mashruuca (business partner), halkii uu ka noqon lahaa u-yeeriye guranaya kaliya xaddi lacageed oo go'an (creditor). Haddii mashruucu uu faa'iido keeno, si caddaalad ah ayaa loo qaybsanayaa iyada oo lagu salaynayo heshiiskii hore, labada dhinacba wey ku badhaadhayaan. Haddii uu guul-darreystona, bangiga ayaa qaadaya khasaaraha maaliyadeed ee lacagta, halka hal-abuurihii mashruucuna uu waayayo tacabkii iyo waqtigii uu geliyey (iyada oo uusan isagu magdhaw lacageed bixinayn haddii aanu dayicin shaqadiisa). Tani waxa ay si toos ah u xaqiijinaysaa wadaagida khatarta (Risk Sharing), waxaanay dhiirigelinaysaa maalgashi hanti abuur ah oo abuura shaqooyin dhab ah.

Hoobadka Daynta Caalamiga ah

Gebagabadii iyo gunaanadkii warbixintan muhiimka ah, marka aynu dibadda uga baxno soohdimaha aragtiyeed ee gudaha, oo aynu eegno adduunweynaha ballaaran, waxa aynu si dhab ah, waadax ah u arkaynaa midhihii qadhaadhaa ee nidaamka ribadu uu ku abuuray nolosha aadanaha. Khatarta nidaamka daynta caalamiga ah (Global Debt) waxa ay maanta maraysaa in ay u hanjabto, ceejiso, oo ay haadaan ka tuurto dawladnimada iyo nolosha malaayiinta bulshooyinka ee ku dhaqan qaaradda Afrika.

​Aqoonyahannada xaaladda dhaqaalaha Afrika u dhuun-daloola, oo ay ku jiraan guddiyada Qaramada Midoobay (UNDP iyo UNCTAD) iyo xarumaha falanqaynta (DRGR), ayaa si adag u xusay in qaaradda Afrika, laga bilaabo sannadaha 2025 ilaa 2026, ay wajahayso "Qalalaase Dayneed" (Debt Crisis) kii ugu xumaa abid, taas oo xididdada u siibeysa koboc dhaqaale kasta oo qaaraddu ay higsanaysay in ay ku dillaacsato yoolkeeda. In ka badan 22 waddan oo Afrikaan ah ayaa liiska madow ugu jira dayn xad-dhaaf ah (debt distress) laga bilaabo 2022 ilaa 2029.

​Aynu qiyaasno hoobadka maaliyadeed ee aynu ku jirno: Marka waddamada horumaray ee loo yaqaano G7 ay suuqyada caalamka uga amaahdaan lacagta sicir dulsaar (interest rates) oo gaaraya kaliya 2 ilaa 3 boqolkiiba (2-3%), waddamada Afrikaanta ah waxa nidaamka caddaalad-darrada ah ee hantigoosadku uu ku soo rogaa sicir dulsaar oo ka sarreeya 10 boqolkiiba (>10%). Taasi waxa ay la macno tahay in kalsoonidii maaliyadeed (sovereign credit ratings) ee dalalkaasi la sumeeyey, sicirkii dayntuna uu noqday sun iyo waraabe-u-taag.

​Riba al-Nasi'ah (Amaahda dulsaarka dhalaysa) ee qiyaastan arxanka-daran lehi waxa ay ka dhigan tahay in in ka badan kala bar dadweynaha ku nool waddamada Saxaraha ka hooseeya (Sub-Saharan Africa) ay ku hoos nool yihiin dawlado bixiya lacago ribo ah oo ka badan lacagta ay galiyaan caafimaadka iyo waxbarashada dalkooda, waana musiibo la jeediyey, sidii Qaramada Midoobay caddaysay. Xoolaha aadanuhu tabcay iyo dakhligii canshuurta waxa uu si xawli ah ugu baxayaa bixinta dulsaarro la rumeysan waayo (debt servicing), taas oo hoos u dhigaysa adeegyadii bulshada ee lagama maarmaanka ahaa. Tani waa tafkiika dhabta ah ee Aayadda Qur'aanka ah "يمحق الله ربا" (Ilaahay wuu tirtiraa oo baabiiyaa Ribada). Barakadii iyo kobocii qaaradda oo idil waxa uu ku baxayaa quudinta bangiyada shisheeye. Dhibaatooyinkan waxa sii kiciyey, oo dabada ka sii riixay jahawareerka juqraafi-siyaasadeed (geopolitics) sida dagaalada culus ee bariga dhexe (Iiraan), kuwaas oo xannibaado ku sameeyey marinnada ganacsiga caalamiga ah sida gacanka Hormuz, arrintaas oo kicisay qiimihii shidaalka iyo bacrimiyeyaasha (fertilizers) ee beeralayda.

​Sanduuqa Lacagta Adduunka (IMF) waxa uu caddeeyey in kasta oo in badan oo waddamada Saxaraha ka hooseeya ay heleen kobac la mahadiyo oo 2025 uu gaaray 4.5%,haddana xaaladaha la taagan yahay iyo deynta is-biirsanaysa ay qasbayso in kobocu uu hoos u dhaco. Sidoo kale, warbixinta Bankiga Adduunka (World Bank) waxa ay saadaalisay in koboca dhaqaalaha caalamku uu gaari doono heerkii ugu liitay tan iyo xilligii xanuunka faafa ee Karoona (Covid), iyada oo uu hoos ugu dhici doono 2.5% sannadka 2026, iyada oo sicir-bararkuna uu kor u kici doono ilaa 4%. Xaaladdan dhaqaale waxaa loo yaqaan 'Stagflation' (hoos u dhac iyo sicir barar is-barkan). Intaa waxa uu raaciyey madaxa Bankiga Adduunka, Ajay Banga, isaga oo naawilaya mustaqbal mugdi ah, in

"Haddii uusan mucjiso dhicin, tobankan sano ee 2020-yadu ay noqon doonaan Toban-sano oo lumay (A lost decade) waddamada soo koraya".

​Haddaba, sidee xalka Islaamiga ahi ugu noqon karaa badbaado dhab ah intaas oo musiibo ah? Xalku wuxuu ku jiraa fahamka, daah-furka, iyo dhaqangelinta maqaasidda dhabta ah ee diinta. Sida ku xusan qaraarkii iyo mabaadii'dii hay'adaha falanqaynta daymaha Afrika (DRGR) ee lagu daah-furay shirkii IDEAs 2024, waxaa xilligan lama huraan ah in la helo qaab cusub oo maaliyadeed, lana tirtiro nidaamka burburinaya deegaanka iyo nolosha bulshada (new international financial architecture).

​Nidaamka Islaamiga ah ee diidaya dulsaarka isla markaana ku baaqaya wadaagida khatarta iyo caddaaladda, wuxuu dalalka soo koraya ka saarayaa dabinka deynta ee u shaqeeya sida dhiig-miiradka. Taa beddelkeeda, haddii mashaariicda waawayn ee qaaradda lagu dhiso maalgelin dhab ah iyo in faa'iidada la wadaago (Equity Financing), culeyska bixinta lama saarayo waddanka faqiirka ah ee soo koraya xilliga masiibooyinka dabiiciga ah ama hoobadka dhaqaale; balse maalgashadaha ayaa lala wadaagayaa khasaaraha. Sidoo kale, haddii qaaraddu kobocdona, dhammaan si caddaalad ah ayaa loo wadaagayaa barwaaqada, taas oo ah sinnaan diineed iyo mid bani'aadanimo labadaba.

​Isku soo wada duuboo, iyada oo loo dhabo-galayo xaaladdan maaliyadeed ee qotoda dheer, waxa gebagabo u ah in hoggaamiyeyaasha siyaasadeed, culimada diinta, iyo aqoonyahanka Soomaaliyeedba ay hiigsadaan saqaafad is-kaashi oo cusub, lagana midaysan yahay. Waa in la dhiso hay'ado maaliyadeed oo aan magac keliya wadan, balse u nool sidii ay u dhiirigelin lahaayeen maalgashi abuuraya shaqooyin dhab ah oo lagu yareeyo faqriga. Waa in meesha laga saaro xeeladaha (Hiyal) indho-sarcaadka ah ee u shaqeeya hababkii Imbiridooriyadda Hantigoosadka ee aynu kor ku soo xusnay, balse af-Carabi lagu dhex qariyey. Waa in la soo nooleeyo cududii Soomaaliyeed laguna saleeyo sharciyo casri ah oo ilaalinaya xuquuqda hantida, si horumar waara (sustainable development) oo xor ka ah addoonsiga dayntu uu dalka iyo qaaradda ugaba hanaqaado. Taas oo kaliya ayaa dammaanad qaadaysa nidaam dhaqaale oo dhab ahaan u adeega danaha aadanaha, caddaaladdana ku fadhiya, kana badbaada aafadii dhaxalka ahayd ee reer-galbeedku nagu beeray.