Wednesday 12 August 2026
Iyadoo ay jiraan qalalaaso isdaba joog ah iyo culaysyo nolol maalmeed oo hadheeyay Lubnaan iyo guud ahaan dunida Carabta, waxa aynu isku aragnaa innagoo ku hareeraysan dareenno walaac iyo cabsi leh oo si gaadmo ah ugu sii qulqulaya gudaha nafteenna, kana dhigaya culays aynu la noolaanno. Dareennadan taban ma aha oo keliya fekrado maskaxda ku wareegaya, balse waa tamar ku ururta jidhka, taas oo keenta hiyin iyo xanuunno jidheed oo aan la iska indho tiri karin.
Sidee ayuu jidhku u kaydiyaa dareennadan? Maxay yihiin saameynta jidheed ee ka dhalan karta? Sidee ayuu jidhku uga falceliyaa walbahaarka iyo welwelka isa soo taraya? Sideese aynu ugu wajihi karnaa si wax ku ool ah si aynu dib ugu soo ceshanno dheellitirka nafsadeed iyo jidheed iyadoo lagu jiro duruufahan adag?
"Aynu marka hore ku heshiinno fekradda tiraahda dareennada taban jidhku wuu kaydiyaa in ay ka timid ilbaxnimooyinkii hore, gaar ahaan daawada dhaqanka ee Shiinaha. Dhanka cilmi-nafsiga casriga ahna, arrintan waxaa lagu yaqaan cilmi-nafsiga jidhka (Psychosomatic Medicine)," ayay ku billowday khabiirka cilmi-nafsiga Rima Diyaab iyadoo sharraxaysa fekradda kaydinta dareennada taban ee jidhka.
Iyadoo u sheegtayna Raseef22: "Xaqiiqadu waxay tahay in aanu jirin meel gaar ah oo jidhka ka mid ah oo dareennadu ku kaydsamaan. Daawada dhaqanka ee Shiinaha waxay qabtaa in xanaaqa lagu kaydiyo beerka, murugadana sambabbada, farxaddana wadnaha, halka welwelka lagu kaydiyo beeryarada."
Waxay sii raacisay: "Se cilmi-nafsiga casriga ahi kama hadlo meel gaar ah oo jidhka ka mid ah oo dareennadu ku kaydsamaan, wuxuu xoogga saaraa xidhiidhka ka dhexeeya caafimaadka maskaxda iyo caafimaadka jidhka."
Rima Diyaab waxay sharraxaysaa sida caafimaadka maskaxdu u saameeyo caafimaadka jidhka, iyadoo tilmaamaysa in welwelku yahay mid ka mid ah dareennada ugu badan ee maanta ay la ildaran yihiin shacabka Lubnaan marka loo eego duruufaha ay ku sugan yihiin. Dareennadan qofba si buu u dareemaa oo waa lagu kala duwanyahay: "Qaar waxay walbahaarka ku muujiyaan wadnaha oo degdeg u garaactama, ama murqaha qoorta iyo dhabarka oo adkaada. Qaar kalena welwelka awgiis waxa ku dhaca cudurrada maqaarka sida cambaarta (eczema)."
Waxay sidoo kale sheegtay in dad badan ay la ildaran yihiin dhibaatooyin ku dhaca hab-dhiska dheef-shiidka, sida calool-istaag iyo shuban, kuwaas oo ka dhasha xaaladda walbahaar ee ka jirta Lubnaan.
Dhanka kale, Diyaab waxay sheegtay in inta badan dadka jidhkoodu ku jiro xaalad feejignaan joogto ah, si miyir leh ama aan lahayn. "Jidhkeennu wuxuu si joogto ah u soo daayaa hormoonnada cortisol iyo adrenaline. Muddada gaaban tani waxay keentaa dhibaatooyin jidheed sida garaaca wadnaha oo degdega, murqaha oo adkaada, iyo neefsashada oo degdegta ama gaabisa. Hase yeeshee muddada dheer, jidhku wuxuu dareemaa daal, miisaanka ayaa is beddela, difaaca jidhkuna wuu daciifaa, taas oo qofka ka dhigaysa mid cudurrada u nugul. Sidaas darteed, soo-daynta badan ee hormoonnadan oo ka dhalata welwelka la xidhiidha dhacdooyinka Lubnaan ka socda waxay la mid tahay kaydinta dhibaatooyin jidheed oo si muuqata u soo bixi doona mustaqbalka."
Rima Diyaab waxay sheegtay inay jiraan saddex calaamadood oo waaweyn oo tilmaamaya in jidhku kaydinayo dareennada taban:
Calaamadaha jireed: Waxaa ka mid ah dhibaatooyinka hab-dhiska dheef-shiidka ama neerfaha, iyo cudurrada maqaarka. Calaamadahani waxay muujinayaan in uu jidhku ka daalay welwelka iyo xaaladaha socda. Xaaladdan, mareegga Mind wuxuu sheegayaa in marka qofku la kulmo heerar sare oo walbahaar ah, saameyntan jidheed ay sii xumaan karto, isla markaana ay keeni karto waxa loo yaqaan xanuunka wadnaha jaban (Broken Heart Syndrome) ama Takotsubo cardiomyopathy, oo ah xaalad astaamaheedu u eg yihiin wadne-qabad. Dumarkana, walbahaarku wuxuu ku sababi karaa caadada oo joogsata muddo saddex bilood ama ka badan (secondary amenorrhea).
Calaamadaha caadifadeed: Waxaa ka mid ah is rog-rogga niyadda, feejignaan la'aanta, iyo dareen la'aanta. Kuwani waxay muujinayaan in jidhku aanu sii xamili karin welwelka, isla markaana uu isku dayayo inuu iska difaaco xaaladaha hareerihiisa ka dhacaya.
Calaamadaha hab-dhaqanka: Sida sigaarka oo si xad dhaaf ah loo qiijiyo, cabista khamriga, shaqada oo dib loo dhigo ama si xad dhaaf ah loo qabto, xanaaq badan, iyo in qofku aanu guriga ka bixin.
Cimaad (30 jir) wuxuu sheegay in mar kasta oo uu maqlo Jugta jebinta gidaarka codka (sonic boom), uu dareemo wadne garaac xad dhaaf ah, xaaladdaasna uu saacado badan ku sii jirto. Welwelku wuu ka adkaadaa inkasta oo uu og yahay inuu yahay oo keliya dhawaaq ka dhashay jebinta gidaarka codka.
Istifaani (magac la beddelay), oo ku nool koonfurta Lubnaan, waxay sheegtay in neerfaheedu aanay mar dambe u adkaysan karin walbahaarka. Waxay u sheegtay Raseef22: "Mar walba waan walwalsanahay. Waxaan dareemayaa jidhkayga oo adkaaday, calooshayduna way isku dhex yaacsan tahay. Weli lama qabsan dhawaqa duqaynta iyo dhawaaqa jebinta gidaarka codka." Waxay intaas ku dartay inay go'aansatay inay u tagto daaweeye nafsadeed, maadaama cabsi iyo walbahaar joogto ahi ay nolosheeda xukumayaan.
Dhankiisa, Ibraahim oo 60 jir ah wuxuu sheegay inuu ilaa maanta naftiisa iyo carruurtiisa iyo carruurta ay sii dhaleen uga baqo, inkastoo uu hore u soo maray wakhtiyo dagaal. Wuxuu u sheegay Raseef22: "Aniga iyo xaaskaygu keligeen ayaannu ku nool nahay Beyruut. Ma awoodo inaan qeexo inta uu le’eg yahay argagaxa aan dareemayno mar kasta oo wax ka dhacaan gobolka. Annaga nafteenna oo keliya kama welwelno, balse walbahaarku wuu sii kordhaa maadaama aannu ka fekerno qoyskeenna oo aynaan u hayn itaal aannu ku ilaalinno."
Wuxuu sidoo kale sheegay in isaga iyo xaaskiisu ay cabbaan laba baakad oo sigaar ah ama ka badan maalintii: "Waa habka keliya ee na siiya xoogay degganaansho ah oo walbahaarka in yar naga dhima." Isagoo qoslaya ayuu ku daray: "Tani waa sababta ugu weyn ee aannu u muranno carruurtayda iyo kuwa aan awoowga u ahay."
Markii la weydiiyay suurtagalnimada in uu hayaamo, Ibraahim wuxuu yidhi: "Run ahaantii, mararka qaar waxaan jeclaan lahaa inaan meel fog ka tago. Laakiin dhinaca kale, ma awoodo inaan ka tago dalkaygan, gaar ahaan maadaama aan halkan ku soo qaatay wakhtiyadii ugu quruxda badnaa ee noloshayda. Ma fududa in laga tago."
Rima Diyaab waxay tilmaamaysaa in dhacdooyinka maanta ka socda Lubnaan awgood aynaan garanayn meesha ay arrimuhu ku dambayn doonaan ama waxa dhici doona. Sida ay sheegtay, tani waxay dhalisaa welwel, kaas oo asal ahaan ah cabsi laga qabo wax aan la garanayn: "Dareennadani waa kuwo dabiici ah, maadaama xaaladda hadda jirta aynaan garanayn waxa xiga, ma duqayn baa mise waa guuxii diyaaradda? Dabcan, ma gaadhi doonno heer aynaan waligeen walwal dareemin, waayo taasi ma aha wax dabiici ah." Waxay ku sii dartay: "Jidhkeennu diyaar uma aha inuu iska indho tiro walbahaarka. Qayb ka mid ah dareennadani waa kuwo dabiici ah. Haddii aynu ogaanno in welwelku saamaynayo nolol maalmeedkeenna, waxaa habboon in la raaco tallaabooyinkan:
Inaan si miyir leh u aqoonsanno dareennada aynu qabno oo aynu fahanno.
In la barto miyir-ogaanshaha (mindfulness), taas oo ah in diiradda la saaro waxa hadda jira, sida dhegeysiga muusigga ama daawashada filinnada. Haddii maskaxda la sii daayo, waxay ka fikiri doontaa tagtadii iyo timaadada, taas oo dhalinaysa walbahaar. Haddii aynu ku mashquulno dagaalladii hore, niyad-jab ayaa ina haleeli kara.
In la sameeyo dhaqdhaqaaq jidheed sida jimicsiga, kaas oo caawiya dhimista walbahaarka iyo yaraynta saamaynta hormoonnada sababa dareennadan taban.
In dareenka lagu muujiyo farshaxanka sida qorista iyo sawiridda.
In la helo taageero bulsho lagana fogaado dadka tamarta taban leh.
In la sameeyo jimicsiyada nasiinnada sida yoga-da iyo neefsashada qotoda dheer.
In la yareeyo daawashada wararka, maadaama la socodkooda badan uu kordhiyo welwelka.
Gabagabadii, Rima Diyaab waxay tiri: "Maadaama aynu ku nool nahay walbahaar joogto ah, ha noqoto sababo la xidhiidha dhibaatooyinka dhaqaale, gariirrada ama xaaladda siyaasadeed, arrintani waxay sii xoojisaa welwelka. Dad badan oo aan cabsi dareemin intii lagu jiray dagaalkii Luulyo ayaa hadda dareemaya, sababtoo ah hab-dhiskooda neerfaha ayaa daalay. Sidaas darteed, waa muhiim in la sameeyo hab nololeed caafimaad qaba: cunista cuntooyin nafaqo leh, ugu yaraan toddoba saacadood habeenkii in la seexdo, ka fogaanshaha sigaarka iyo cabbitaanka khamriga, iyo sidoo kale raadinta gargaar nafsadeed haddii heerka walbahaarku sare u kaco."
Qormadan waxa laga soo turjumay halkan.