Skip to main content

Tuesday 9 December 2025

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Aragti

Sidee ayey Shirkadaha dawooyinku innooga gadaan dawo aan la tijaabin ?

15 July, 2025
Image
Sidee bay shirkadaha dawooyinku innooga gadaan dawo aan la tijaabin?
Share

Baadhitaan iyo dabagal ay baahisay mareegta The Lever, waxa uu daaha ka qaaday habacsanaanta qotodadheer ee ka jirta nidaamka ansixinta dawooyinka ee ay bixiso Haayadda Maaraynta Cunnada iyo Dawada ee Maraykanka (FDA), ansixintan oo suuqgayn u noqota dawooyinka Maraykanka gudihiisa, isla dawooyinkaas oo dunida kalena loo dhoofiyo. Baadhitaankani waxa uu xaqiijiyey in badanka dawooyinka cusub ee la ansixiyey tobankii sanno ee u dambeeyey, loo cuskaday caddaymo cilmiyeed oo aan dhammaystirnayn, laguna kalsoonaan karin, sidoo kalena aan haysan halbeegyada isla Haayaddan u dejisan. Arrinka ugu fadeexadda xumi waa in badanka dawooyinka Haayadda Maaraynta Cunnada iyo Dawada Maraykan ay ansixisay, aanay tayo badnayn oo aanay taabogelin, saameyntooda tabanina noqotay mid halis ah oo xaaladaha qaar dad ku dhinteen.

Haayadda Maaraynta Cunnada iyo Dawooyinka Maraykanku waa mid ka mid ah haayadaha dunida ugu xooggan nidaam ahaan, siiba dhinaca dawooyinka iyo qalabka caafimaadka, iyadoo miisaaniyaddeedii 2024 ay ku dhawayd toddoba bilyan oo doollar. Saameynteedu kuma koobna suuqa Maraykanka, ee sidoo kale waa saameyn dunida gaadhsiisan, oo halbeegyadeeda dawlado badani ku go’aan qaataan, loogana faa’idaysto suuqgeynta dawooyinka. Ansixinta FDA waxa dunida oo dhan looga arkaa shaambadda ugu wanaagsan ee tayada, ee ganacsi ahaan iyo cilmi ahaanba la cuskan karo. Waa shaambad shirkadaha dawooyinka sameeya siisa awood ay dawadaas ku suuqgeeyaan, kuna gaadhsiiyaan dunida oo dhan, waana shaambad saamaysa go’aannada haayadaha caafimaadka ee dunida oo dhan. Waa tiir ka mid ah tiirarka Hantigoosadka oo ka shaqaynaysa dib u qaabaynta xanuunnada, se aan ka shaqaynayn ka takhalluskiisa, waana haayad ka calanwallaynaysa nidaam caalami ah oo dawada agab laga macaasho u arka, hanti laga sameeyo, dibna u dhaliya duruufaha dadka kusii haynaya adeegsiga dawada.

Haayadda Maaraynta Cunnada iyo Dawadu waxa ay ka shaqaysaa ansixinta sannadkiiba waxsoosaar qiimihiisu dhanyahay 3.9 tirilyan oo doollar. Waa wax ku dhow siddeed meelood meel dhaqaalaha Maraykan. Waxsoosaarkaas ay Haayaddu ansixisaa waxa ay isugu jiraan dawooyin, cunto, cuntada kaabista, tubaako iyo qalab caafimaad. Xukuumadda Maraykanku waxa ay leedahay: “Maaraynta Cunnada iyo Dawadu waxa ay masuul ka tahay ilaalinta caafimaadka bulshada, iyadoo ballanqaadda ansixinta badqabka dawooyinka dadka iyo kuwa xoolahaba, dawooyinka bayoolajiga ah, qalabka caafimaadka iyo cuntooyinka kala duwan. Waxa kale oo ay ansixiyaan waxyaabaha la isku qurxiyo iyo waxsoosaarka shucaaca yeelan kara”. Walow masuuliyaddan loo cimaamaday, haddana waxa khalkhal badani ka jiraa qaabka maaraynta, oo laguma kalsoonaan karo in kaalintooda korjoogtaynta iyo ansixinta ahi sideedii u shaqayso, se sidaa cagsigeeda, ay saamile qarsoon ay la noqotay shirkadaha dawooyinka soo saara, oo ay macaashka la qaybsato, dhibaatada dawada laga gaabiyeyna gaadho duni da oo dhan.

Tusaale ahaan, 1992-kii, Koongarayska Maraykanku waxa uu ansixiyey “Xeerka Cashuurta Adeegsadayaasha Dawooyinka la Ansixiyey”, oo Haayadda Maaraynta Cunnada iyo Dawooyinka u saamaxaya in ay lacag ka helaan shirkadaha dawooyinka sameeya, si ay lacagtaas ugu maalgeliyaan hawlaha Haayadda ee ansixinta, waana lacago qayb laxaad leh ka noqday miisaaniyaddeeda, se waa lacago sidoo kalena abuuray in Haayaddu xidhiidh maaliyadeed oo toos ah la yeelato isla shirkadaha ay kormeerto. Xidhiidhka maaliyadeed waxa uu abuuray is hirdinta danaha kala duwan, oo shirkadaha dawooyinka sameeyaa waxa ay cadaadis ku saaraan Haayadda in ay ku dhakhsato ansixinta dawooyinka iyo dabcinta halbeegyada, sidaas darteed, dawooyinkii waxa ay ka guuraan dawo wax lagula tacaalo, waxaanay noqdaan alaabo ganacsi oo ansixinta Haayaddan lagu suuqgeeyo. Habkan ayaa dawooyinka cusub si dhakhso ah loo ansixiyaa, lagana dabciyaa dabarkii iyo halbeegyadii hore u yaallay, oo sidaas lagu suuqgeeyaa, dhakhaatiirta dunidana lagula dardaarmaa in ay ku kalsoonaadaan ansixinta Haayadda.

Haayadda Maaraynta Cuntada iyo Dawadu, intaas kaddib, waxa ay ballanqaaddaa in tijaabadaas hore dabadeed lasii wadi doono, sida baadhitaanka The Lever bayaaminayana, ballanqaadkani waxa uu qaataa sannaddo ama lama fuliyaba, oo saddex meelood meel dawooyinka la dedejiyey ansixintooda lama sii wadin tijaabooyinkii loo baahnaa, sidaas oo ay tahayna, weli dawooyinkaasi suuqa ayaa ay kusii jiraan, xitaa iyadoo tijaabooyinkii dambe fashilmeen, waxaana lagu summadeeyaa dawooyinka ansixintoodu weli laalantahay.

Dawo tayo daran oo aragga tiri karta

Dawada Elmiron ee ay soo saartay shirkadda Janssen Pharmaceuticals, ee Biljimka ah, waa daawo tusaal dhab ah u noqon karta dawooyinka la ansixiyey iyada oo aan si hufan loo hubsan saameynteeda, badqabkeeda iyo tayadeeda. Dawadan waxa la ansixiyey 1996-kii, oo ay Haayaddu ansixisay, iyada oo lagu la tacaalo xanuunnada xameetida. Waxa la oggolaaday in la suuqgeeyo, walow aanay jirin caddaymo ku filan oo la cuskaday. Haayadda FDA waa ay oggolaatay dawadan, iyadoo cuskatay xogo kooban oo shirkadda dawada soo saartay soo gudbisay, oo u badan xogo ballanqaad ah, Haayadda FDA-na waxa ay ballanqaadday in tijaabo ballaadhan gadaal lagaga sameeyo. Nasiibdarro tijaabadaas la ballanqaaday waxa la sameeyey 18 sanno kaddib markii dawada suuqa la galiyey, lana oggolaaday iibinteeda. Natiijada tijaabadan dambe kasoo baxday waxa ay noqotay filanwaa iyo in dawadani aanay lahayn tayada mala’awaalka ah ee la buunbuuniyey. Waxa tan kasii daran in dawadan loo qoray kumannaan bukaan, oo tijaabo la’aan ku qaatay, kana dhaxlay xaalado caafimaad oo ay dhibbane u noqdeen.

Sannadkii 2018 waxa soo baxay warbixino caafimaad oo madaxbannaan, oo muujinaya in adeegsiga Elmiron uu indho la’aan ku sababay bukaannadii qaatay, si tartiib ahna u waayeen araggooda. Waxa kale oo la ogaaday bukaanno ka cawday lab olol, xoqodaha oo xanuuna iyo xaalado dad beerku shaqayn waayay. Waxa la xaqiijiyey xaalado dhimasho keenay oo ka dhashay adeegsiga dawadan ama ugu yaraan in si khaldan loogu qoray bukaan.

Waxa bilaabmay dacwado ka dhan ah shirkaddii samaysay dawada ee Janssen Pharmaceuticals, oo lagu eedeeyey in ay bukaannada ka qariyeen caddaymaha muujinaya in dawadani halis yeelan karto, waxaana lagu qabsaday in aanay digniin bixin. Haayadda Cuntada iyo Dawada ee Maraykanka ayaa sidoo kale dhaliilo la kulantay, iyadoo lagu haysto in aanay baadhitaan madaxbannaan sameyn, natiijooyinkana dabagelin, kana dib dhacday in ay digniino ku qorto quraaradda ama kartoonka dawada.

Halista Elmiron waxa ay astaan u noqotay halista ka dhalanaysa in yoolasha macaashku ka horreeyaan badqabka bulshada iyo ilaalinta nolashooda, waxa kale oo ay daaha ka qaadday dabacsanaanta nidaamka kormeer ee oggolaanaya in dawooyin aan tayo lahayn, mararna halis leh, ay suuqa galaan, tobanaan sannana ku jiraan suuqaas iyada oo aan waxba la iska weydiin.

Oggolaanshaha tijaabada ka hor

Deraasadda dabagalka iyo baadhitaanka ah ee The Lever cuskatay waxa  ay baadhay 429 dawo oo cusub oo la oggolaaday muddadii u dhaxaysay 2013 ilaa 2022, waxaana caddaaday in boqolkiiba 73 aanay koobsan halbeegyadii afarta ahaa ee FDA dejisay, oo kala ah: jiritaanka tijaabooyin dhab ah, hirgelinta baratakoollo guud oo meesha ka saara dhinac u xaglin, hubinta xaaladaha ka dhalanaya adeegsiga, iyo in aan lagu koobsan natiijada hal tijaabo, ee tijaabooyinka la badiyo. Haddaba, sida warbixintani sheegtay, saddex meelood meel wax ka yar (28%) dawooyinkaas ayaa halbeegyadan koobsaday.

Dawooyinka kansarka si gaar ah ayaa ay xaaladdoodu u sii liidataa, oo 123 dawo oo loo ansixiyey la dagaallanka kansarka, boqolkiiba 81 dawooyinkaasi waxa ay cuskadeen natiijooyin aan yoolka dhabta ah khusayn, tusaale ahaan shiikhinta nabarka kansarka, lamana hubin natiijada ah wanaajinta duruufta bukaanka iyo soo kabashadiisa. Arrinka ugu xumi waa in keliya boqolkiiba 2.4 dawooyinkani koobsadeen halbeegyada afarta ah ee ay dejisay FDA. Waxa la sheegay in intii u dhaxaysay 2018 ilaa 2021, barnaamijyada caymiska caafimaadka ee Maraykanku ku bixiyeen 18 bilyan oo doollar dawooyin aan la hubin tayadooda, dadka u dhinta raadaymaha taban ee dawooyinkaas aan la hubin ee Maraykankana waxa lagu qiyaasay 128 kun oo qof sannadkii.