Skip to main content

Tuesday 9 December 2025

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Aragti

Sidee ayey Daalibaan ula Dhaqantaa Haweenka Afgaanistaan?

26 November, 2025
Image
Sidee ayey Daalibaan ula Dhaqantaa Haweenka Afgaanistaan?
Share

Waxa laga joogaa afar sannadood iyo dheeri kolkii ay kooxda Daalibaan xukunka ka tuureen Jamhuuriyaddii Islaamiga ee Afgaanistaan (2004-2021) ee ay taageerayeen Maraykanka iyo xulafada NATO oo soo afmeeray duullaankii soo bilaabmay 2001. Dagaallo badan oo soo bilaabmay ilaa Maaj sannadkii 2021, ugu dambeyn caasimaddii Kaabuul gacanta Daalibaan ayay soo gashay Ogos 2021. Dhacdan qabsashada Kaabul waxa ka horreeyey wadahadallo ku dhexmarey magaalada Dooxa labada dhinac ee Daalibaan iyo Maraykanku si heshiis looga gaadho arrimaha, dabcanna waa laga gaadhay heshiis Feebarweri 2020 kaas oo khuseeyay in 18 bilood gudahood ay ciidamada xulafadu kaga baxaan Afgaanistaan; laakiin heshiiskaas lama dhawrin oo si habqan ah oo aan la filayn ayey u baxeen ciidamadii, dawladdii rayidka ee Afgaanistaan iyo weliba shacabkii madaniga ahaaba intii baxsan kareysay.

Bishii Ogos oo ay muddada bixistu ku ekayd waxa ay dawladdu Maraykanku sheegtay in ay degdeg u daadgureysay dad ka badan 120,000 oo iskugu jira shisheeye iyo dhalad Afgaani ah, si gaara weliba wariyyaal iyo dadka u dooda xuquuqaha aadanaha. Waxa ay u ahayd maalintaas gabbal u dumey dadka Afgaanistaan ee horeusocodka iyo madaniyadda aaminsan, una gacangaley xagjirka Daalibaan, ilaa maantana tallaabo dhinaca nolosha, xorriyadda iyo horumarka oo hore loo qaaday ma muuqato, wax hoos uga sii dhaca mooyi e.

Si gaara, bal aynnu dul istaagayno waxa ay la kulmeen haweenkii Afgaanidu intii ay hadda xukunka hayeen Daalibaan. Waxa inna soo gaadhay farriimo iyo codad dhiillo iyo aragagax leh oo si gaara u beegsanaya ama ay dhibbane uga yihiin dumarku.

Aalaaba ururrada xagjirka Islaamiga ah iyo dumarku iskuma sama. Islaamiyiinta iyo tacliimaadkooduba waxa ay astaan u ahaayeen cabudhinta, xaqiridda iyo dadnimotirka haweenka. Muddoxileedkii hore ee ay Daalibaan ku qabsatay Kaabuul 1996, waxa ay si ciilqabnimo leh u bilaabeen soo saarista digreetooyin haweenka khuseeyay oo ay ka mid ahaayeen in xabsi guri lagu hayo, aanay shaqeysan karin, in aanay bannaanka uga bixi karin guriga haddii aannu la socon nin, in dugsiyadii waxbarashada iyo jaamacadihii loo diiday, in burqa iyo teendhooyin xataa indhaha qarinaya lagu qasbay, meel walbana hu’gaas shardi looga dhigey xataa haddii ay dhimanayso oo adeeg caafimaad ay u baahato; iyo ta ugu darneyd oo ahayd in aanu baadhi karin dhakhtar lab ah, laakiin haweenkii kalkaalisooyinka iyo dhakhaatiirta ahaana loo diiday shaqada, kuwo kalena waxbarashadaba laga mamnuucay.

Argagaxyada aan weli xusuusta ka tirmin ee ay xilligaas ku suntanaayeen waxa ka mid ahaa in ay Oktoobar 1996 ay gabadh reer Kaabuul ah suulka gacanta ka jareen, iyaga oo u sababaynaya in ay ciddiyo xammuurad leh xidhatay! Sidoo kale in ay Maaj 1997 dhagax ku dileen gabadh kale oo xaas ah oo ka soo jeedda Bariga Afgaanistaan.

Ka dib muddo soddon sannadood ku dhow ma muuqato habayaraato e, wax waayo’aragnimo iyo khibrad dawladnimo madani ah khuseysa oo u korodhay kooxda Daalibaan. Waxa taas caddaynaya in ay haweenkii Afgaanidu galeen wax ay dunidii u bixisay haybsooc jinsi ‘Gender apartheid’, maaha haybsooc midab, diin iyo isir, waa se mid ku kooban haweenka in lagaga sooco nolosha guud. Haybsooc jinsii waa in si nidaami ah oo hay’adeysan loo cabudhiyo loona saydareeyo jinsi kale. In kasta oo aannu weli haybsooca jinsi ka midka ahayn haybsoocyada sharciga caalamiga ahi dhigayo, haddana waxa socda dhaqdhaqaaqyo lagu ansixinayo hawshaas.

Ilaa 2021 kolkii ay xukunka qabsadeen waxa ay soo saareen wax ku dhow 100 wareegto oo ku saabsan xaddiditaanka, cabudhinta iyo guud ahaanba in bulshada laga takooro haweenka (social exclusion/public exclusion); waxa ka mid ah in ay u diideen hablaha waxbarashada wax ka badan fasalka lixaad ee dugsiga hoose.

Iyada oo markii horeba dalku la dhibbanaa in 30% habluhu aanay iskuul helin, sababo la xidhiidha faqri, faquuq jinsi iyo bedqabkooda maalinlaha ah ayay taasna ugu dareen, iskaddaa in kuwa hore wax laga qabto e. Sida warbixinaha qaar tilmaamayaan 78% haweenka Afgaan kuma jiraan waxbarasho, ma shaqeeyaan, xataa tabobbar ma helaan.

Dhinaca shaqada oo ay haweenku markii hore fursado u heleen meelaha qaar sida; hay’adaha maxalliga ah, kuwo caalamiga ah iyo adeegga rayidka ee dawladda oo kolkii hore ahaa fursadaha shaqo ee u bannaan haweenka Afgaanistaan, gebi ahaanba Daalibaan waa ay mamnuucday in ay ka shaqeeyaan haweenku, welibana hanjabaad baa loogu darey halis gelin karta hawlahooda shaqo iyo ruqsadda sharci, haddii aanay u hoggaansamin amarradaas. Haweenka Afgaanida oo ay ku adagtahay helista lacagtuba, maaddaama aanay lahayn akoonno bangi; wax ka yar 7% ayaa leh akoon xisaabeed bangi ama adeegsada lacagaha danabaysan ee telefoonnada.

Si aanay uba arkin wax haween ah oo horusocod muujinaya, iyaga oo mamnuucay in haweenku saddexdaas meelood ka shaqeeyaan ayay haddana soo rogeen in haweenkii hore ee hayay boosaska sare ama maamul ee hay’adaha madaxabannaan aan la oggoleyn, laguna beddelo rag! Xataa waxa ay ku qasbeen waraaqaha iyo faylasha mashaariicda in aan lagu qori karin erayga ‘haween’, loona beddelo ‘rag’.

Anfariiradda kale ee laga soo tebinayo waa inay soo rogeen in wax sawira oo haweeni leedahay aan lagu arki karin goobaha dadweynaha, munaasibadaha iyo xataa telefishannada. Xataa waxa ay ku soo dareen in aan haweenka codkooda kor loo maqli karin, raggana aanay eegi karin.

Waxa la soo werinayaa in saddexdii haweena ee Afgaani ah laba ka mid ah ay kala kulmaan lammaanahooda tacaddi jinsi sannadkii tegay. Sidoo kalena, tacaddiyadaasi waxay iskugu jiraan kuwo leh muuqaal duleed iyo kuwo jinsiba; bil metel, waxa aad ugu badan dalka Afgaanistaan in haweenka lagu weeraro midniyo ama aashito (acid), si gaara weliba lammaanaha isqaba.

Dhowaan warbaahinta waxa qabsatay gabadh lagu magacaabo Zarka oo uu ninkeedu sanka kaga jarey mindi! Waxa ay tilmaamtay in uu uga shakiyay dhawrsooni la’aan.

Xadgudubyadani waxa ay ka mid yihiin ismoodsiisyada ay ururrada Islaamiyiinta iyo xagjirku ku banneystaan tacaddiga haweenka; oo meelaha qaar ee ay xukumaan gaadhsiisa in haweenka ay dembi la’aan iyo garsoor la’aanba si bahalnimo ah u dilaan. Intaa waxa dheer, dhaqanka xadgudubku lammaanaha ama qoysku waxa boorriya xukunka Daalibaan oo si kasta oo gabadh loogu tacaddiyo, ma jirto meel loo cawdo, loona dacwad tago, waxaana ay u arkaan in dembiyo akhlaaqeed oo haweenku ay ‘dabiiciyan’ uba gelaan laga jarayo. Waddan haweenkiisu ayna ku nabadgelayn gurigii, jidkii, bannaankii, barxaddii iyo xataa dawladdiiba, sow amankaag iyo nasiibdarro maaha?

Sida oo kale, digreetooyinkoodu waxba kama duwana kuwii ay xukunkoodii hore soo saareen ee dhinaca caafimaadka, isdhexgalka guud iyo bulshada. Dhinacii cisbitaallada, booqashada, helista adeegga caafimaad ee haweenka khuseeyay sidii baa ay ugu soo rogeen xayiraado, handadaad iyo adkeynta shuruudaha.

Xataa Daalibaan weli waxa ay waddaa oo xukunkoodan cusubna ay soo rogeen in gabdhuhu; jaad kasta oo ay yihiin xataa kuwo kaalmada biniaadantinnimo ka shaqeeya in aanay safri karin oo socon karin bilaa muxram oo dabcan ah nin. Goobaha adeegyada caafimaadka iyo ganacsiyada gaarka loo leeyhayba waxa ay ku qasbeen in aan loo adeegi karin haween aannu la socon ‘muxram’.

Ayaandarrada ku habsatay haweenkii Afgaanidu waa in ayna wareegtooyinkani keliya ahayn amarro sharci, laakiin ay yihiin kuwo kakanaantii iyo xagjirowgii Afgaanida ee ka dhanka ahaa haweenka lagu sii shidaalinayo. Digreetooyinkani waa kuwo keenaya in haweenku ka cimri yaraadaan ragga Afgaanistaan, caafimaadkoodu aad u hooseyn doono, maaddaama aan loo oggoleyn waxbarasho sare, goobihii caafimaadkana xaddidaado adag la saaray. Saadaasha halisaha caafimaad ee ku soo food leh waxa ka mida in heerka dhimashada hooyadu uu gaadhi doono 50% sannadka soo socda ee 2026.

In codka xorta ah la aamusiiyo waa aaladaha kale ee Daalibaan ay u adeegsato aamusiinta haweenkii Afgaanistaan. Jeenaweri 2023, waxa la khaarijiyay Mursal Nabizada oo ahayd xildhibaanad hore oo dawladdii rayidka ee Afgaanistaan ahayd, taas oo dhalisay fadeexad weyn iyo anfariir, xilli ay Daalibaan tacaddiyo iyo wareegtooyin dadnimotir ah ku soo rogeen haweenka. Maanta gabadh kasta oo ka hadasha, dhaliisha, diidda ama xataa isku deya muddaharaad waxa ay Daalibaan ugu jawaabaysaa jidhdil, in la waayo, in la xidho iyo dil buuxan.

Meelaha ugu liita, uguna asalraacsan ee khuseysa cabudhinta, xabbiska iyo dadnimotirka ay Daalibaan gaadhay doorkan waa in ay diideen oo manuuceen in haweenku aadi karaan goobaha iyo beeraha nasashada; iyo weliba goobaha madadaallada ee Gym-ku ugu horreeyo. Heer ay gaadheen in ay albaabada iskugu laabaan goobihii dumarku isku qurxinayeen oo shaqoabuur u ahaa 60,000 oo dumar Afgaani ah.

Tallaabooyinka ugu dambeeyay ee ay qaadeen bilihii la soo dhaafay ee 2025 waxa gebi ahaanba ay jareen isgaadhsiinta internet ka, taas oo saameyn weyn oo taban ku yeelatay haweenkii Afgaan ee rabay in ay sii wataan waxbarashadooda qaab online ah; amaba ay shaqo ka raadsadaan dhijitaalka. La dagaallanka waxbarashada iyo tacliinta horusocodka ah waa astaan kale oo ay Daalibaan leedahay.

Waxay isla bishaas soo saareen wareegtooyin kale oo mamnuucaya liis dhan oo ciwaanno oo iskugu jiro qoraallo iyo buugaag manhajka ku jira, kuwaas oo aan dib dambe loogu dhigi doonin jaamacadaha Afgaanistaan, waxa ku jira tacliimaadka dastuurka, fekerka siyaasadda; iyo xataa si gaara waxa ay u bartilmaameedsadeen oo mamnuuceen buuggaagta ay qoreen haweenku. Tanina waa tallaabo kale oo muujinaysa in lagu baabiinayo dhaxalkii aqooneed, qoraalleed iyo waxkudarsiga bulshada ee haweenka Afgaanistaan.

Daalibaan waxa ay tusaale iyo astaan u tahay koox kasta oo Islaamiyiin ah ama lagu sheego ‘Islaam Siyaasiya’ oo xukun dal ama bulsho qabsan lahaa, lamana hayo raadad dhaama kuwaas oo ay ku suntayihiin kooxaha xagjirkii. Kooxaha Islaamiyiinta xagjirka ah ee Soomaaliduna, Daalibaan iyo xulafadeeda al-Qaacida waxa ay u tahay kacbada labaad ee ay u tukadaan marka Maka laga tago, haddiiba aynaan kacbadooda koowaad ee Jihaaddoonka ku sheegin Kaabuul iyo qalcadihii mugdiga ahaa ee Afgaanistaan.

Qoraallada kale ee qoraaga

Faaqidaad

Awdal iyo Loollanka Istaraatiiji ee Geeska

Faaqidaad

Saylac Waa Mindi Labo Af Leh