Sunday 12 July 2026
Xilli saddex bilood kasoo wareegeen dagaalkii Maraykanka iyo Israa’iil ay ku qaadeen Iiraan, 28-kii Feeberweri ee 2026, xaaladda istiraatiijiyadeed waxa ay noqotay mid sugan oo taagan, si la yaab lehna u cad. Tallaabadii koowaad ee Maraykanka iyo Israa’iil dagaalka ku bilaabeen waxa ay ahayd isku day in nidaamka Iiraan lagu beddelo, se maalinkii koowaadba waa ay fashilantay. Laga soo bilaabo kolkaas, xaqiiqooyinka gundhigga ahi ismay beddelin.
Maraykanka iyo Israa’iil ma jabin karaan Iiraan, muddo kasta oo ay dejistaan iyo kharash kasta oo ay galaan oo ay ugu diyaar garoobaan. Dhinaca kalena, waxa ay Iiraan samayn kartaa waa inay dhibaato gaadhsiiso Khaliijka iyo Israa’iil, oo ah dhibaato heerkeeda aan labada dawladood midina rabin. Kaydka gantaallo ee Iiraan haysato, awooddeeda lidka maraakiibta, saaxiibbadeeda isbahaysigu ka dhexeeyo iyo goobta ay ku taallo ee kulaalaysa marinka Hurmus, dhammaantood waa wax siinaya gaashaan kalsooni leh oo dagaal kasta oo kale ay kaga hortagto.
Kaabayaasha gaaska iyo shidaalka ee ku yaalla Khaliijku waa kuwo bannaan oo bartooda ku yaalla, masaafadii ay Iiraan rabtayna u jira; waa kaabayaal ay ku jiraan warshadaha shidaalka safeeya, dekedo, warshadaha biyaha iyo tuumbooyinka Sucuudiga, Imaaraadka Qadar, Kuwayd, Ciraaq iyo Baxrayn. Dhammaan dawladahan dani uguma jirto in dagaalka dib loo kiciyo, sababtoo ah waa dagaal marinka xidhaya, oo burburinaya kaabayaasha tamarta Khaliijka, oo ay ka dhalanayso dhibaato tamareed oo caalami ah oo aan aadamaha soo marin laga soo bilaabo tan iyo toddobaatankii. Tani waa musiibo cid kastaa garan karto, xukuumad dhibaatadaas nafteeda usoo jiidaysaana ma jirto.
Sidaas oo ay tahay, haddana dhibaatada taagani ma aha mid dheellitirnaan muujinaysa; cunaqabataynta Maraykanku saaray shidaalka Iiraan dhoofisaa waa mid socda, marinka Hurmus waa mid ku hoos shaqaynaya digniino iyo hanjabaad joogto ah, suuqyadii tamartu waa ay daalaadhacayaan, Yurub, Eeshiya iyo Afrikana waxa ay la kulmayaan dhibaatadaas natiijadeeda ugu weyn.
Si xaaladdan taagan hore looga socdo, keliya laba jid baa bannaan:
1: Jidka koowaad, waa dagaalkii oo mar kale qarxa. Waa sida ay Israa’iil rabto. Israa’iisha maanta, iyadoo laga dheehanayo tallaabooyinka xukuumaddeeda iyo ciidankeeda, waa dawlad qaxar badan, raadhikaal ah, isballaadhin wadda, nabadna aan rabin. Xitaa ma danaynayso diblumaasiyad. Israa’iil waxa ay rabtaa inay Falasdiin qabsato, deriskeedana isku ballaadhiso, weliba waa damacyo si kasii daraysa uga muuqda siyaasadaha hoggaankeeda.
Ka dib dagaalkii ay ku qaadday Qasa iyo inay si dhab ah dhulkeeda ugu dartay Daanta Galbeed, Israa’iil waxa ay hadda u wareegtay Lubnaan oo ay koonfurteeda ka waddo isballaadhin, halkaasna ay ku disho dad rayid ah si maalinle ah. Duqaymaha cirka ee ku socda Bayruut, khaarijinta gaarka ah ee lagu hayo shaqaalaha gargaarka iyo weriyayaasha, burburinta tuulooyinka iyo qaxinta boqolaalka kun ee qof ma aha dhaqamada dal nabadgalyo raba.
Xukuumadda Netanyaahu waxa ay mustaqbalka Israa’iil ku xidhay qanaaco gundhigeedu yahay inaanu jirin dabar gudeed ama dibadeed ooh or istaagi kara waxa la rabo in lagu qabto awoodda millatari ee Israa’iil, dagaalka Iiraanna waa dabbaqaadda qanaacadaas oo heer gobol gaadhay.
Maraykanka waxa uu u dabranyahay mashruucan ay dabada ka riixayaan awoodda siyaasadeed ee Masiixiyiinta iyo Yahuudda Sahyuuniyiinta ah iyo miisaanka maaliyadeed ee warshadaha difaaca iyo tiknoolajiyadda ee dagaalka ka macaashaya. Dhaqanka Koongarayska marka la eeganaya, waa mid si dhamaystiran ugu hoggaansan Israa’iil. Hase ahaatee, shacabweynaha Maraykan waxa ay sinnaariyadan hore uga akhristeen Ciraaq, Liibiya iyo Suuriya.
Israa’iil waxa ay rabtaa dagaal ballaadhan, si koobanna dagaalkaasi ma aha mid danta Maraykan ah. Dadka codeeyaa xaqiiqadan si wacan bay u fahmeen, aragti ururin marar dhawr ah la sameeyeyna, si cad bay uga muuqataa, iyadoo dadweynaha Maraykan si aqlabiyad leh uga soo horjeedaan dagaalka Iiraan iyo guud ahaan dhaqamada Israa’iil.
Jidka labaad: waa dejin. Waxaana ka farcamaya laba jid. Jidka koowaad, waa heshiis wadahadal ku yimaadda oo ballaadhan, hal habraac oo guud leh oo dhammaan arrimaha koobsanaya: dhamaynta dagaalka, mustaqbalka nukliyeerka Iiraan, nabadgalyada Khaliijka iyo arrimaha nabadda ee Bariga Dhexe. Tani waa natiijada saxda ah, se waa mid aan suurogal ahayn. Madaxweyne Trump waa mid ka jilicsan intii la rabay, aadna isu bedbeddela, dhinaca kalena, u afduuban Netanyaahu iy dabaqadda maalgeliyayaasha Sahyuuniyiinta ah ee doorashadiisa maalgeliya iyo ganacsatada tiknoolajiyadda ee hantida badan ka samaynaya dagaalka. Heshiis sidan ahi waa mid u baahan istiraatiijiyad Maraykan oo is haysata, Maraykankuna maanta waa mid kala daadsanaanta u dhow.
Kol haddii jidkaas heshiiska rasmiga ahi adag yahay, waxa suurogal ah uun jidka labaad ee faraca ah, ahna tallaabada waaqaca ugu dhow: waa dagaalka dhabta ah oo istaaga, Maraykanka iyo Israa’iil oo dib u gurta, marinka Hurmus oo dib loo furo iyo Iiraan oo is xakamaysa. Uma baahna in kani noqdo heshiis rasmi ah, umana baahna in Koongarayska iyo xukuumadda Israa’iil waafaqaan, umana baahna nooca diblumaasiyadeed ee aanu Trump ku dhaqmi karin. Se keliya waa wax u baahan in Maraykanku go’doominta joojiyo, Iiraanna iska ilaaliso tallaabooyinka dagaalka dib u qarxinaya.
Waxa hubaal ah, Ruushka iyo Shiinaha oo labaduba dano muhiim ah ku leh Khaliijka iyo Iiraan, ay dhiirrigelinayaan isxakamayn. Maslaxadda Iiraan lafteedu waxa ay ku jirtaa inay hesho jid ay ka baxdo, dalalka Khaliijkuna waa ay ka nefisi lahaayeen cadaadiska haysta. Waxa kale oo suurogal ah in lasoo saaro heshiis guud oo ku qoran luuqa karaamo ilaashi ah, laguna dhiirrigelinayo dib u bilaabidda diblumaasiyadda iyo xakamaynta hubka.
Waa sidan dhammaadka ugu suurogalsan ee dagaalku. Sidaas oo ay tahay, nabadgalyada baadigoobka loogu jiro iyo xasilloonida dhabta ah ee muddada fogi waa waxa sida dhabta ah loo rabo, se waa kuwo lagu jaangooyey mala’awaalka iyo dheeldheelka aan qotodadheerayn ee loo bixiyey “Heshiisyada Ibraahiimiyada”. Sida uu Trump laftiisu adeegsadayna, waa wax cudud iyo cunfi ku xidhan, oo ku imanaya in la caadiyeeyo xidhiidhka Israa’iil iyo dunida Carabta ka dib xasuuqii Israa’iil ay ka gashay Qasa, gacan ku haynteeda hadda ee Falasdiin, iyo iskuballaadhinteeda Bariga Dhexe.
Se habraacu ma khaldana, oo waaba mid saxan, se keliya waa haddii Maraykanku sameeyo wax uu diiddanaa 25-kii sanno ee lasoo dhaafay. Dunida Carabtu waxa ay Maraykanka u sheegayaan inay diyaar u yihiin la heshiinta Israa’iil, keliya marka la fuliyo shardiga ah in la dhiso dawlad Falasdiin.
Waa wax ka dhigan in Maraykanku buriyo go’aankii Fiito ee uu adeegsaday, oo uu oggolaado in Falasdiin ka mid noqoto Qaramada Midoobay iyadoo leh xuduuddii 4-tii Juun 1967. Waxa kale oo waajib ah in Israa’iil laga codsado inay noqoto dawlad dabiici ah, ku jirta xuduuddeeda (xuduuddii 4-tii Juun 1967), oo ka tirsan dhismaha guud ee nabadgalyada gobolka oo ay ka mid yihiin Iiraan, Sucuudiga, Masar iyo dalalka kale ee Carbeed, halkii ay ka noqon lahayd dal dhib iyo qaxar millatari ku ah gobolka, sida ay hadda tahay.
Waa sidan nabadgalyada dhabta ah ee dunida dal kastaa rabo. Waana wax aan laga dhex heli karin maamulkan dhiblowga ah ee xagjirnimada u janjeedha. Waxa keliya ee hadda dhici karaa waa dagaalka oo istaaga, intaas baana imika ku filan ilaalinta dhaqaalaha caalamiga ah oo laga hor istaago hoobasho, sidoo kalena ku filan inuu gobolka ka badbaadiyo dhibta dagaal kale.