Skip to main content

Friday 17 April 2026

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Aragti

Sidee ayaa uu Dagaalka Iiraan u Saamaynayaa Gobolka?

28 March, 2026
Image
Sidee ayaa uu Dagaalka Iiraan u Saamaynayaa Gobolka?
Share

Kolka laga yimaaddo qaabka uu ku dhammaan doono dagaalka Maraykan iyo Israa’iil ku qaadeen Iiraan; ma xabbad joojin gogoldhig u ah dagaal cusub, sida uu rejaynayo Raysalwasaaraha Israa’iil, Netanyaahu, mise heshiis dhammaystiran oo Iiraan ku celiya isbahaysiga Maraykan, sida uu Trump jecel yahay, mise sida Iiraan rabto in Maraykan iyo Israa’iil oggolaadaan kaalinta Iiraan ee gobolka, waxa aan muran ku jirin in dagaalkani uu saamayn weyn kaga tagayo gobolka, isla markaas na uu su’aal gelinayo isbahaysiyadii hore u jiray, oo xoogaggii hore dhinac kale u rogayo, haatanna saamayntiisu gaadhay dunida kale oo la taahaysa cadaadiska sicirka tamarta, ka dib xidhitaanka marinka Hurmus iyo loollanka loogu jiro qaabaynta mustaqbalka gobolka iyo nidaamkii caalamiga ahaaba.

Aynnu kolka koowaad fiirinno xaaladda dhinacyada saddexda ah ee sida tooska ah dagaalka ugu lugta leh iyo natiijooyinka dagaalka waxa ay ka dhaxlayaan. Aynnu ku bilawno Iiraan oo cadawgeeda iyo saaxiibbadeed kediso kaga dhigtay dhabar’adaygeeda iyo liicid la’aanta, si kastoo duqaymo xooggan loogu gaystay, sida ka takhallusiddii hoggaankii siyaasadeed iyo milatari iyo burburinta warshadaheedii milatari. Ka sokow dhabar’adaygeeda, haddana Iiraan waxay dagaalkan ay kontonka sanno ka warwareegaysay ka baxaysaa iyadoo jilicday.

Maraykanku walow uu leeyahay awood milatari oo xooggan, haddana dagaalka Iiraan waxa uu bannaanka keenay in aan duqaymo cireed iyo farogelin toosa lagu dumin Karin awood kale oo mayal adag oo u qaabaysan is dhiibid la’aan 

Laba saadaalood oo suurogal ah baa jira, kolka wax lagu salaynayo heshiis dagaalka soo afjari kara: saadaasha koowaad, waa iyadoo Iiraan kaalinteeda sii adkaysata, ka madaxbannaanida Maraykan kusii adkaysata, oo dalkana ay hoggaankiisa sii hayaan hoggaan milatari oo leh aragti qoomiyadeed oo ad’adag, sidaasna ku noqoto dal xidhxidhan, gobolka iyo dunidana ka go’doonsan. Go’doonkanina keeno nuglaan iyo dhiigbax, xaaladdana uga sii daraan kacdoonno iyo dibadbaxyo dhaca, ugu dambayna ku biyoshubta burbur guud oo dalka ah.

Saadaasha labaad, waa in Iiraan ay heshiis kala samayso Waashinton dhammaan arrimaha taagan, arrinkanina u furo albaabka iskaashiga, siiba dhinaca tamarta, mustaqbalka fogna dhaliyo dib-isu-qaabaynta Iiraan. Xaaladdan, Iiraan waxa u suurogalaya inay si dhakhso ah ku soo kabato, iyadoo Waashinton kaashanaysana dib u dhisto awooddeeda. Waa sida uu doonayo Trump iyo qaar ka mid ah haldoorka “dheef-eegga ah” ee reer Iiraan, oo uu ku jiro Madaxweyne Mascuud Basishkaan, oo taageero ka helaya garabka madaxweynihii hore ee Xasan Rawxaani iyo Wasiirkiisii Arrimaha Dibedda, Jawaad Dariif. Labada saadaaloodba, waxa ay saamayn weyn ku leeyihiin gobolka.

Iiraan bilawgii dagaalkaba waxa ay saaxiibadeed iyo cadawgeedaba kaga naxsatay dhabar adayg iyo is difaacid aan laga filayn, haddana waxa la hubaa dagaalkani in uu raad weyn kaga tagi doono, gaar ahaanna waxa uu hoos u dhigi doonaa awooddeeda dhaqaale iyo milatari

Israa’iil, oo laga soo bilaabo Dagaalkii Toddobada Aktoobar “Duufaan al-Aqsaa”, ka shaqaynaysa beddelidda qaabka gobolka, sida Raysalwasaaraheedu yidhi, waxa ay ku guulaysatay in ay waxyeello weyn gaadhsiiso barnaamijka nukliyeerka iyo gantaallada ee Iiraan, sidoo kalena waxa ay ku guulaysatay inay burbur laxaad leh u gaysato warshadaha hubka iyo kaabayaasha madaniga ah ee Iiraan. Laakiin, guusheeda u weyni waa inay Maraykanka kusoo jiidday dagaalka Iiraan, si ay uga takhallusto cadaw gobolka kula yaalla oo isfidin wada, ka dib ka takhalluskii Ciraaq iyo Suuriya. Hase ahaatee, Israa’iil waxa ay awoodi la’dahay inay gacansarraynteeda milatari u beddesho guulo siyaasadeed, oo ilaa hadda hal dhinac oo loollan kala dhexeeyo kumay qancin heshiisyo siyaasadeed, ha noqoto dhinac Qasa jooga, mid Lubnaan fadhiya ama Yaman, Iiraanna hadalkeeda daa.

Qodobkan waxa dheer in Israa’iil u muuqato mid culays ku ah Galbeedka, oo ka sokow in dareenka dadweynaha Galbeed ee arrinkani cad yahay, sidoo kalena miisaska siyaasadda ee Galbeedka uu gaadhay, ka dib markii Israa’iil sababtay dagaal laga yaabo inuu qarxiyo dhibaato dhaqaale oo caalami ah. Waxa intan sii raacda, waxa loo badinayaa in natiijooyinka dagaalka Iiraan ay dalal kale ku khasbayaan isfarasaaridda Israa’iil, dalalkaasna waxa ugu cadcad Turkiga iyo Baakistaan.

Dagaalka Iiraan saamayntiisu kuma eka mid dhaqaale uun ee sidoo kale waxa laga cabsi qabaa in uu sii fido oo jid u noqdo isku dhaca dawlado kale oo gobolka ah sida Israa’iil iyo Turkiga ama Bakistaan iyo Israa’iil

Maraykanka kolka la eego, walow uu leeyahay awood milatari oo xooggan, haddana dagaalka Iiraan waxa uu bannaanka keenay xaddidnaanta heerka awooddu dhabayn karto yoolasha siyaasadeed, sababtoo ah, si kasta oo maamulka Trump u adeegsaday awoodda millatari, kuma guulaysan jabinta cadawgiisa dhegaha adag, ee u qaabaysan isdhiibid la’aanta, si kastoo waxyeello weyn loo gaadhsiiyo. Kafadaha miisaanku waxa ay u janjeedhaan dhinaca Maraykan kolka ay noqoto cidda go’aaminaysa natiijada dagaalka, se haddana dagaalku waxa uu bannaanka keenay galdaloollooyin dhawr ah oo awooddaas weyn haysta, waxaana ugu horreeya xaddidnaanta jidadka, habqanka hoggaanka siyaasadeed iyo iskuxidhnaan la’aanta hawlgallada milatari iyo jihaynta siyaasadeed, waana arrimo suurogalinaya in Iiraan buuxiso kaalintii Yukrayn.

Kolka laga tago saddexda dhinac ee dagaalka tooska ugu jira, Khaliijka ayaa ah cidda dhibaatada ugu weyni kasoo gaadhayso dagaalka, halka kaalmihii Masar iyo Suuriya qarsoonyihiin, si ka duwan sidii ay ahaayeen Dagaalkii Labaad ee Khaliijka (1991). Sidoo kale, waxa heerar kala sarreeya oo saamaynta natiijooyinka dagaalka ah yeelanaya dalalka Ruushka, Shiinaha, Hindiya iyo dalalka Yurub.

 

  • Qormadan waxa laga soo turjumay halkan.