Skip to main content

Sunday 8 March 2026

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Waraysi

Sidee ayaa ay Dimuqraaddiyaduhu u Dumaan?

4 February, 2026
Image
Sidee ayaa ay Dimuqraaddiyaduhu u Dumaan?
Share

Aqoonyahanka siyaasadeed ee Adam Przeworski, oo ku dhashay dalka Poland, haddana borofaysar sharafeed ka ah jaamacadda Niyuu Yook, waxa lagu tiriyaa aqoonyahanka ugu cadcad ka hadalka qaddiyadaha dimuqraaddiyadeed ee qarnigii tagay. Waxa uu qoray buugaag dhawra oo caan noqday, sida “Capitalism and Social Democracy”, “Paper Stones: A History of Electoral Socialism” (oo uu la qoray John D. Sprague), “Democracy and the Market: Political and Economic Reforms in Eastern Europe and Latin America”, iyo “Crises of Democracy”. Feebarwari 2025 ayaa uu bilaabay in uu barta “Substack” ku qoro qoraallo joogto ah oo uu ku cabbiro falcelintiisa ku saabsan dhacdooyinka maalinlaha ah. Bishii Julaay ayaannu taxane farriimo Email ah is weydaarsannay Adam, oo aannu kaga doodnay noloshiisa iyo xirfaddiisa, sida culuumta siyaasaddu innooga caawin karto fahanka isbeddellada taariikheed kolka ay dhacayaan, iyo halista iyo fursadaha wakhtigan.

Patrick Iber: Sooyaalkaaga shaqo oo dhan, waxaad deraasaysay qaabka ay dimuqraaddiyaduhu u dumaan iyo sida ay mar kale u soo kabtaan. Sidii la yaqaannay, dhacdooyinku waxa ay mari jireen marxalado la yaqaan: afgambi, ka dib kelitalisnimo, ugu dambayna dib usoo laabashada dimuqraaddiyadda. Se kolka aynnu akhrinno qoraallada maalinlaha ah ee aad ka samaysay dhacdooyinka ka socda Maraykanka, xaaladdu sidaa hore uma cadda. Maxaa adkaynaya fasiraadda waxa maanta dhacaya, adigoo adeegsanaya jidadkii aad hore ugu adeegsatay fahanka dumitaannada dimuqraadiyadaha?

Dam Przeworski: Wixii 25 sanno ka horreeyey, dumitaanka nidaamyada dimuqraaddiga ahi waxa ay ahaayeen dhacdooyin la arko oo wakhtina ku jaango’an. Tusaale ahaan, Jamhuuriyaddii Weimar waxa ay duntay kolkii Adolf Hitler maamulka kelitaliskaah kula wareegay 23-kii Maarisk, 1933. Sidoo kale, dimuqraaddiyaddii Jili waxa ay duntay kolkii ciidanku afgambi ku qabsadeen 11-kii September 1973. Se qarnigan 21aad, afgambiyadan tooska ahi aad bay u yaraadeen. Cagsiga afgambigaas, waxa aynnu arkaynaa xukuumado ilaaliya muuqa sare ee dimuqraadiyadda, se tallaabooyin tartiib ah oo kooban u qaadaya isku ilaalinta kursiga iyo tirtiridda sharciyada dabraya maamulkooda. Aqoonyahanku arrinkan waxa ay ku magacaabaan magacyo ay ka mid yihiin: dib-u-guranka dimuqraadiyadda ama hoos-u-dhac. Kolka tallaabooyinkani sii socdaan, mucaaradku ma awoodayo ku guulaysiga doorashooyinka, ama xitaa waa loo diidayaa xukun la wareegidda iyagoo doorashada helay. Sidoo kale, haayaduhu waa ay luminayaan awooddii dabridda maamulka madaxweynaha ahayd, kacdoon kasta oo bulshana waa la cabudhinayaa.

Habdhaqankan cusubi waa uu ka fajaciyey aqoonyahanka siyaasadda. Waxa aannu aaminsanayn in kolka xukuumadi xadgudub badheedh ah ku samayso dastuurka, ama xuduudda ka gudubto, muwaaddiniintu kasoo horjeedsadaan, oo kacdoonkaasina u diido samaynta xadgudubkaas. Waxa kale oo aannu aaminsanayn in xukuumad kasta oo si badheedh ah u diidda hirgalinta doorashooyinka, ama si cad ugu shubata natiijadu, ay la kulmayso iskacaabbin bulsho iyo haayadeed oo arrinkaa u diida. Waxa aannu aaminsanayn in kala soocidda awoodaha maamul iyo falcelinta bulshadu ay dimuqraaddiyadda gaashaan uga yihiin damaca uu James Madison ku magacaabo “ku siqidda talada”, macnaha damaca siyaasiyiinta ee ah inay helaan talo joogto ah oo aan wakhti ku xaddidnayn. Se waaqacu sidan cagsigeeda ayaa uu ina tusay. Maanta waxa aynnu aragnaa hoggaamiyayaal si guul leh u xuurtaystay talada, oo iska baabi’iyey dhammaan caqabadaha haayadeed, sida: Ordagaanka Turkiga, Viktor Orban ee Hungary, Narendra Modi ee Hindiya, Hugo Chaves iyo Nicolas Maduro ee Finisweella. Dhammaan xaaladahan, hoggaamiyuhu waxa uu haystaa taageero bulsho oo ugu filan ku guulaysiga doorashooyinka. Se waa taageero ay heleen ka dib jilcinta mucaaradka, gacan-ku-dhigidda warbaahinta iyo cidhiidhi gelinta ururrada bulshada rayidka ah. Inta ay talada gacanta ku hayaan, waxa ay qabsadaan baarlamaanka, waxa ay awood tiraan garsoorka, waxaanay u dhaqmaan sida ay rabaan. Mararka qaarna waxa ay jideeyaan siyaasado raalli gelinaya taageerayaashooda si ay taageerada usii adkaystaan.

Iber: Waxa lagugu yaqaanaa qeexitaankaaga fudud ee dimuqraaddiyadda: “dimuqraadiyaddu waa nidaamka suurogaliya in ururro ku guuldarraystaan doorashooyinka”. Hase ahaatee maanta, waxa muuqata in aynaan garanayn in weli nidaamkaasi sii shaqayn doono, siiba iyada oo Trump diiday inuu qirto ku guuldarraysiga doorashooyinkii hore, sidoo kalena aynaan ogayn sida uu u dhaqmi doono marka dambe.

Przeworski: Ma ogin in uu Trump qaban doono doorashooyinka teeramka dhexe, oo Jamhuurigu ku guuldarraysan karo, haddii ay daahfurantahay ma aqbali doonaa iyo maxaa dhici doona haddii Dimuqraaddigu guulaystaan. Trump waxa uu u dhaqmayaa sida in uu ku kalsoonyahay guul ama in aanu danaynayn gebi ahaanba natiijooyinka doorashooyinka. Se dhinaca kale, hoggaanka Dimuqraaddigu waxa ay aaminsanyihiin in dhaqaaluhu hoos u dhici doono, aragtida dadweynuhuna kasoo horjeedsan doonto Trump, sidaa darteedna ay ugu yaraan Golaha ay ku guulaysan doonaan iyaga oo aan dedaal badan bixin.

Waa suurogal in siyaasadaha Trump ee dhaqaale noqdaan kuwo saamayno xunxun yeesha, heer Jamhuurigu doorashooyinka 2026 jab weyn la kulmo, se cabsidaydu waa in Trump guulaysto, laba midkood: in seeskiisa doorasho adag yahay, ama in cabudhinta iyo been-abuur uu ku helo, ama xitaa labadaba is raacsado. Haddii Jamhuurigu ilaashadaan gacan-ku-haynta labada aqal ee Koongarayska, Trump waxa uu xor u noqonayaa in waxa uu doono sameeyo, iyada oo aanay jirin wax xadaynaya taladiisa. Miisaaniyadda xagaaga 2025 la ansixiyey, waxa ay malaayiin reer Maraykan ah ka hor istaagaysaa daryeelka caafimaad iyo taageerada cunto, qiyaasaha qaar ayaana tilmaamaya in boqolkiiba 34 dadka reer Maraykan ay ka dhib mudan doonaan hoos u dhigiddaas.

Se iswayddiinta muhiimka ahi waxa weeye: waa ayo dadkaas dhibta mudanayaa? Haddii dadkaasi u bataan dadka aan codayn, ama dadka Dimuqraaddiga u codeeyey, saamaynta doorasho ee arrinka hoos u dhigidda miisaaniyaddu yeelanayaan waa wax iska yar. Xitaa haddii natiijooyinka dhaqaale sannadka oo dhan kuwo toban noqdaan, Trump waxa uu ku doodi doonaa waa dhibaatooyin ku meelgaadh ah oo cadaw dibadeed sababay. Ugu dambayn, walow kasoo horjeedka siyaasadaha Trump uu weyn yahay, se haddana wax lagu beddelo oo mustaqbalka ahi ma jiro, oo Dimuqraaddigu waa uu ku fashilmay soo gudbinta wax beddela oo qayaxan.

Iber: Cilmibaadhis aad soo saartay sannadkii 1996-kii, oo cinwaankeedu ahaa “Maxaa Dimuqraaddiyadaha Dhidibbada u Adkeeya?”, adiga iyo qoraayada kula soo saaray waxa aad cayinteen dhawr jaangooye oo raadeeya in dawladda kol dimquraaddi ahi kolka ku xiga sii ahaan doonto dimuqraaddigaas. Dhawaan waxa aad samaysay xisaabo cuskanaya jaangooyayaashaas, waxaanad go’aamisay in suurogalnimada dumitaanka dimuqraaddiyada Maraykan ay aad u hoosayso; mid ka mid ah xisaabuhu waxa ay saadaalisay in dumitaankaas uu labo milyan iyo badh sannadoodba hal mar dhici karo, mid kalena waxa ay saadaalisay in 263-kii sanaba mar dhici karo. Ma u baahannahay xisaabo cusub, mise si fudud waxa aynnu ku jirnaa dhacdooyin suuragalnimadoodu dhif ahayd?

Przeworski: Trump waxa uu ku guulaystay tiro badan oo codad ah oo uu ku helay doorasho daahfuran. Taageeradiisu, xitaa haddii inta badani kasoo horjeeddo, waa mid sugan oo sees adag leh. Ilaa hadda ma jiro wax nidaamka siyaasadeed ee hadda ka jira Maraykanka ka dhigaya mid aan dimuqraaddi ahayn. Sidaas oo ay tahay, haddana wax badan oo ka mid ah siyaasadihiisu – qaarkood waa la shaaciyey, kuwana waaba la hirgaliyey – waa kuwo xadgudub ku ah xeerarka jira. Arrinta daran se waa in xukuumaddu ku adkaysato fulinta siyaasadahaas iyada oo xitaa maxkamaduhu si ku meelgaadh ah u joojiyeen.

Tilmaan kasta oo aynnu siinno nidaamka Trump ka sokow, diidmadiisii qirashada in uu ku guuldarraystay doorashooyinkii 2020 waxa ay ahayd arrin aan sooyaalka hore usoo marin. Dhammaan casharrada taariikheed ee lagala soo dhex baxayo diraasadaha istaatistiko, sida taas aad xustay, waxa ay tilmaamayaan in dhacdo sidaas oo kale ahi aanay habboonayn inay ka dhacdo dal hodan u ah sida Maraykanka, dhaqan soojireen ahna u leh in maamulka si nabad ah lagula kala wareego. Haddaba diidmadaas Trump ma waxa aynnu u tixgalinnaa dhacdo jaadgoonni ah oo la iska dhaafi karo, mise waxa aynnu kala soo dhex baxnaa in sooyaalku aanu dib u noqon doonin caddayn lagu kalsoonaado? Laga yaabee in aragtidayadii berigaas hore ku xaddidnayd duruufo aannaan kolkaas arkayn. Waxa kale oo suurogal ah in Maraykanka 2020-kii ay ku kulmeen xaalado aan hore ugu kulmin, ama xitaa in ka badan inta habboon ayaannu kalsoonni isa siinnay. Dhacdooyinka curfiga ka baxsani kalsoonida ayay gilgilaan, waxaanan aaminsanahay in aynnu imika noolnahay xaalad hubanti la’aan ah.

Iber: Aynnu dib u yara laabanno. Sooyaalkaaga akaadami waxa uu ku dul wareegayey deraasaynta xidhiidhka ka dhexeeya: hantigoosadka, hantiwadaagga iyo dimuqraaddiyadda. Bilawgii, sababmaa ku gaysay Jili, se maxaad halkaa ka baratay? Khibraddaad ka heshay ee heer shakhsi iyo heer akaadamina maxay ahayd?

Przeworski: Jili waxa aan gaadhay dayrtii 1968-kii. Poland ayaan sannad ka hor ka tagay kolkaas, manaan awoodin inaan ku laabto kelitalisnimadii iyo cabudhintii ka jirtay awgeed, haddaan ku laaban lahaana waa la i xidhi lahaa. Dhinaca kalena, maan haysan fiise aan Maraykanka kusii joogo, kolkaas oo aan bare-booqasho ahaa, sidaas awgeed baan u noqday bilaa dal, shaqo la’aan iyo lacag la’aan. Se judhiiba waxa aan is ogaaday in aan Jili ku dareemayo inaan dadkaygii dhex joogo, sababtoo ah nolosha halkaasi waxa ay aad ugu dhawayd tii dalkayga asalka ah. Xiisaha kubbadda cagta loo qabo waa laga sinnaa, waxaanu ahaa mawduuc aan cid kaste kala sheekaysan karo, iyada oo aan dabaqad bulsheed jirin. Jili waxa aan joogay afar bilood, ka dibna waxa aan ku laabtay Maraykanka, se Jili way isoo jiidatay. Waxa aan deeq ka helay Golaha Cilmibaadhisaha Culuumta Bulsho, waxaanan Jili ku laabtay 5-tii Sibtambar ee 1970, macnaha maalin uun ka dib markii Salvador Allende madaxweyne loo doortay.

Bulshadu waxa ay ku sugnaayeen waddooyinka, waxaanay ku dhawaaqayeen “bulsho midaysan weligeed lama jabin”. Haddaba, ama hadalkan sida guud loo yidhi baa khaldanaa, ama bulshadaan aslan midaysnayn. Madaxweyne Allende waxa uu ku badiyey farqi aad u yar, waxaanu ahaa murashax isbahaysi ka haysta awoodo kala duwan oo iska soo horjeeda. Waxa duhurkiiba ku ballanfuray Xisbiga Dimuqraaddiyiinta Masiixiga ah – oo iska dhigayey xisbi dhexdhexaad ah. Judhiiba Allende waxa uu lumiyey isbahaysigiisii, oo qaar ka mid ah isbahaysigaasi ku riyoonayeen kacaan hantiwadaag ah. Henry Kissenger waxa uu caddeeyey in Allende uu kursiga ku helay “masuuliyad darrada shacabka Jili” awgeed, waxaanu ku dooday in waajibka Maraykanku yahay in uu “masuuliyaddaas” xoog kusoo celiyo. Kolkii awooddaas la adeegsaday 11-kii Sibtambar 1973, waxa ay ahayd awood bahalnimo ah. Khibraddaan Jili ka helay intii u dhaxaysay 1970 iyo 1973, gebi ahaanba waxa ay beddeshay jidkayga fikir, waxaanay saamaysay ajandahayga cilmibaadhis ee noloshayda oo dhan.

Siday ila tahay, arrinta gundhigga ah ee dhacdooyinkani kicinayaan waa walaaca ka dhex jira dimuqraaddiyadda iyo hantigoosadka. Hoggaamiyihii Hantiwadaagga Dimuqraaddiga ah ee Sweden, Hjalmar Branting, ayaa 1886-kii qoray isweydiinta ah haddii “dabaqadda sare ay tixgalin karto doonista bulshada (natiijada doorasho xalaal ah) xitaa haddii ay codsadaan in meesha laga saaro danahooda”. Hoggaamiyihii Hantiwadaagga Dimuqraaddiga ah ee Jarmalka, August Bebel, ayaa 1905-tii ku dooday in kacdoonku keliya yahay “tallaabo isdifaac oo laga maarmi waayay, si loo ilaaliyo maamulka lagu helay qaabka sharciga ah ee sanaadiiqda doorashada ah”. [Labaduba waxa ay qawadsanaayeen in dabaqadda sare tixgalin karto doorasho iyo doonis shacab, oo aan kacdoon kolkaas loo baahnayn ee doorasho daahfuran lagu kala bixi karo, damaca hodankana la iskaga qaban karo].

Salvador Allende ma haysan taageeradaas bulsho ee u oggolaanaysay samaynta isbeddello bulsho iyo dhaqaale oo gun iyo baar ah; oo isbahaysigiisu aqlibayadda baarlamaanka ma haysan. Si xeerarka waafaqsan uun buu ku guulaystay, waxaanu isku dayay in uu sidaas uun wax ku maamulo, hase ahaatee xoogaggii taageersanaa baa ku khasbay ka gudbidda xeerarkaas. Dabaqadda hodanka ah, oo iyana dareentay in danaheedii weerar lagu yahay, waxa ay magan galeen ciidanka, oo waxyar oo ka labalabayn ah ka dib, oggolaaday baaqa dabaqaddaas.

Dhibaatada Jili waxa ay isbeddel qotodheer ku keentay garabyada bidix ee dunida oo dhan. Ilaa Inqilaabkan laga soo gaadhayey, kooxo badan oo bidixda ahi waxa ay isku hayeen ma hantiwadaaggaa la badbaadiyaa mise dimuqraaddiyaddaa la tixgaliyaa. Hase ahaatee, dhibaatada Jili waxa ay ku khasabtay kala doorashada labadaas, si la mid ah sidii ku dhacday hantiwadaaggii dimuqraaddiyiinta ahaa ee joogay xilligii u dhexeeyey labadii Dagaal ee Caalamiga ahaa; isku haynta: hantiwadaagga iyo dimuqraaddiyadda ka horraynaya?

Aan caddeeyo jawaab ka timi doodihii ka socday gudaha Xisbigii Shuuciga ahaa ee Talyaaniga, jawaabtooduna waxa ay ahayd mid qayaxan: dimuqraaddiyaddaa horraysa. Tijaabada Jili waxa ay muujisay in iskudayga hirgalinta barnaamij hantiwadaag oo gunta ah, iyada oo aan la haysan taageero bulsho oo kugu filan, uu keenayo dhibaato. Mawduucan sooyaal ahaan baan u kuurgalay, waxaanan diraaseeyey jidadka ay waajaheen dhaqdhaqaaqyadii hantiwadaagga ahaa ee ka dhex jiray bulshooyinka hantigoosadka dimquraaddiga ah, waxaana ii caddaaday in ay waajaheen saddex jid ka ay raacayaan: 1: Ma habboontahay in hantiwadaagga la xaqiijiyo iyadoo haayadaha jira lagu dhex jiro, mise waxa habboon in gebi ahaan la beddelo? 2: Ma waxa waajib ah in keliya la isku halleeyo dabaqadda shaqaalaha oo awood isbeddel laga dhigto, mise waa suurogal in dabaqadaha kalena lagu soo darsado? 3: Ma habboontahay in la isku halleeyo dib-u-habaynaha tartiibta ah iyo hagaajinta duruufta xoogsatada iyadoo lagu dhex jiro nidaamka jira, mise waxa habboon in xoogga la saaro sidii hantigoosadka gebi ahaan loo tuuri lahaa?

Haayadaha jiray kolkaas waxa ay koobsanayeen shirkadaha gaarka loo leeyahay ee dhinaca dhaqaalaha iyo haayadaha dimuqraaddiyadeed ee dhinaca siyaasadda. Hantiwadaaggii hore waxa ay soo jeedin jireen in shirkadaha gaarka loo leeyahay lagu beddelo “dalladaha xoogsatada”, macnaha nidaam iskaashi xoogsato oo heer qaran ah. Hase ahaatee, Karl Marx waa uu dhaliilay qaabkan, isagoo ku tilmaamay wax aan suurogal ahayn inta aanay shaqaalaha talo faro ugu jirin, oo aanay maamulka siyaasadeed helin. Qaabkan ayaa ay ku bilaabantay doodda u dhaxaysay hoggaankii hore ee xisbiyada hantiwadaaggu: suurogal ma tahay in maamulka lagu gaadho doorashooyin, mise keliya waxa lagu gaadhi karaa uun awood iyo kacdoon?

Kolkii ay korodhay tirada codadka ee ay xisbiyada hantiwadaaggu ka heleen doorashooyinka bilawgii qarnigii 20aad, waxa soo baxday rejo laga qabo in hantiwadaagga lagu xaqiijin karo doorasho. Warqadaha codbixinta ayaa galay halkii jidgooyooyinka kacdoonka; waa halkaan ka dheegtay cinwaanka buugga uu John Sprague ila qoray ee “Paper Stones”.

Haddana, markii xisbiyada hantiwadaaggu galeen tartanka doorasho, waxa soo baxday weydiin kale: sidee ayaa ay suurogal u tahay helidda aqlabiyad doorasho oo suurogalisa xaqiijinta hantiwadaaggu? Maarkis waxa uu aaminsanaa in xoogsatadu noqonayaan aqlibayadda bulshooyinka hantigoosadka ah, oo ay hantiwadaagga u codayn doonaan, sidaas darteed, guul doorasho la hurran yahay. se dhammaadkii qarnigii 19aad, qaar ka mid ah hoggaankii Xisbigii Hantiwadaagga Dimuqraaddiga ah ee Jarmalka ayaa ka shakiyey in isku hallaynta xoogsatada oo keli ahi ku filantahay. Ka dib waxa ay ku baaqeen in salka doorasho la ballaadhsado, oo lagu soo daro ganacsatada yaryar, beeralayda iyo shaqaalaha kale. Hase ahaatee, isballaadhintani waxa ay wiiqday aqoonsigii dabaqadda xoogsato ee xisbiyada hantiwadaagga. Sidaas oo jirta, haddana taageerada doorasho way korodhay, ilaa xisbiyadaasi ka qayb noqdeen xukuumadaha ama mararka qaar xukuumado hoggaamiyeen.

Se haddana dhib saddexaad baa soo baxday: sidee xisbiyo ujeedkooda kamadambaysta ahi yahay in hantigoosadka meesha laga saaro, u maamuli karaan bulshooyin hantigoosad ah iyagoo xukunka jooga? Ma in ay si degdeg ah hantiwadaagga ugu digorogaan baa, iyagoo judhaba qaramaynaya ilaha waxsoosaar oo dhan? Mise waa in xisbiyadu raacaan manhaj tartiib ah oo lagu hagaajinayo duruufta xoogsatada, iyadoo nidaamka jirana lagu dhex jiro? Se sidee loo wajahayaa iskacaabbinta dabaqadda hantigoosadka ah? Ma awood? Mise dib-u-habayn tartiib ah oo taageero shacab oo dheeraad ah lagu helo? Waajib ma tahay se in diyaar loo ahaado guuldarro doorasho, haddiiba ay dhacdo? Jidadkan hor yaallay, hantiwadaaggu waxa ay doorteen in jidka dib-u-habaynta tartiibta ah la qaato, macnaha fulinta tallaabooyinka kolkaas haysta taageerada aqlabiyadda iyo tixgalinta xeerarka dimuqraaddiyadeed.

Iber: Bilawga buuggaaga “Paper Stones” waxa aad ku qortay: “Sooyaalka laga soo heli maayo xisbi siyaasadeed aqlibayadda doorashada ugu guulaystay in uu ballanqaaday barnaamij bulshada hantiwadaag u beddelaya awgii”. Hadalkani kedis buu igu noqday kolkii aan beri hore akhriyey. Allende waxa uu ku guulaystay aqlibayad nisbi ah, oo aan loo dhamayn, hoggaannadii kale ee hantiwadaagga ahaana sidoo kale, se haddana guushaas kumay helin in ay hirgalinayaan hantiwadaag dhammaystiran. Maarkis waxa uu aaminsanaa in xoogsatadu noqon doonaan aqlibayadda bulshooyinka hantigoosadka ah, oo ay hantiwadaagga u codayn doonaan, se waaqacu sidaas ma rumayn. Xilleegananna, seeskii dabaqadeed ee garabka bidix waa uu isbeddelay; oo xaaladda jirta ee ah “bidix haldoor ah oo mutacallimiin ahi” waa xaqiiqo, xoogsato badanina waxaabay u janjeedhsadeen dhinaca midigta shacbiyadda leh. Sidaas oo ay tahay, lama soo helayo nidaam siyaasadeed oo heer nololeed kii hore ka wanaagsan keenay oo kasoo jeeda dimuqraaddiyadaha bulsho. Arrinkani waa mid wareerkiisa leh, ee sidee ayaad u fasiraysaa?

Przeworski: Qaar badan oo ka mid ah dhaqdhaqaaqyada hantiwadaaggu waxa ay aamineen in kacdoon la dhabeeyo loo mari karo dib-u-habaynahaas tartiibta ah oo bata, dib u noqoshana aanay ku dhicin, markastana la joogteeyo xeerarka dimuqraaddiyadda. Samaanta lagu hiranayey ee dib-u-habayntu waxa ay ahayd in ay ajiibayso doonista degdegga ah ee aqlabiyadda, isla jeerkanna, ay ahayd tallaabooyinka ku hoggaaminaya ujeeddooyinka muddada fog. Istiraatiijiyaddani muddo dheer bay guulo waaweyn soo hoysay: wanaajinta duruufta shaqada, dhimidda kala sarraynta dakhliga, ballaadhinta waxbarashada iyo daryeelka caafimaad, dammaanadqaadka heer aan laga degi karin oo xasillooni maaddi ah – waana guulo waaweyn oo ay dimuqraaddiyadda bulsheed leedahay.

Se figtii mashruucyadaasi waxa ay bilaabantay toddobaatanaadkii. Iskudayadii isbeddelka gunta ah – tusaale ahaan in xoogsatadu warshadaha maamulaan, sanduuqyada xoogsatada, qorshaynta dhaqaale iyo qaramaynta – waa la tijaabiyey oo marar badan waa ay guuldarraysteen. Kolkan ayaa ay dimuqraaddiyiintii hantiwadaagga ahaa qaateen luuqaddii liberaaliyiinta casriga ah: ka sheekaynta iskudheellitirka sinnaanta iyo kartida, iyo iskumiisaamidda sinnaanta iyo koboca dhaqaale. Kacdoonkii waxa ay uga wareegeen dib-u-habayn, haddana waxa ay usii wareegeen maaraynta dhibaatooyinka maalinlaha ah.

Toddobaatanaadkii waa marxaladdii u dambaysay ee ay haysteen aragti isbeddel bulsho la xidhiidha. Se maanta, bidixdu ma laha wax dhaafsiisan mashruuca u diyaargarawga doorashooyinka soo socda. Kolka barnaamijyada xisbigu keliya noqdaan ka falcelinta dhibaatooyinka taagan, oo aanu lahayn aragti dabaqadeed oo muddada fog ah, xuduudda bulsho ee xisbiyada u dhaxaysaa waa ay baaba’aysaa, seeskooda doorashana waxa ay noqonayaan kuwo aan salba lahayn.

Iber: Adigoo ah aqoonyahan siyaasadeed, oo goobjoog u ahaa dhicitaanka dimuqraaddiyaddii Jili iyo dhicitaankii Shuucigii Yurubta Barti – oo ah laba dhacdo oo gebi ahaanba kala duwan: dimuqraaddiyadda Jili waxa lagu soo afjaray qori caaradii, halka Shuuciyadii Yurubta Bari si nabad ah u duntay ugu yaraan (kuna beegantay dhicitaankii kelitalisnimadii Pinochet ee doorashada lagu riday) – ma aaminsantahay in xaaladda Maraykanku labadan mid u eg tahay?

Przeworski: Kolka aynnu tagtadii jalleecno, waxa aynnu isu muujinaynaa inaynu fahmayno sababta dhacdooyinku sidaas ugu dhaceen. Noloshayda akaadami waxa qayb weyn ku bixiyey in aan sharraxo qaabab taariikhi ah oo aan u malaynayey inaan fahmayo. Se ka dib marka aan akhriyey qoraallo badan oo la qoray intii u dhaxaysay sannadihii 1930 iyo 1938 ee Jarmalka, waxa iga yaabiyey in aan qofina – xitaa siyaasiyiintii waaweynayd – aanu saadaalin waxa dhici doona. Xitaa Jili, oo inta badani ogayd in afgambi soo socdo, haddana cidina ma saadaalin in sidaas oo dhan dhiig ugu daadan doono iyo in kelitalisnimada ka dhalataa jiri doonto 16 sanno. Waxa la saadaalinayey in ciidanku Allende meesha ka qaadi doonaan, Kuuba u diri doonaan, oo ay shaacin doonaan doorashooyin cusub oo uu si fudud ugu guulaysto Eduardo Frei oo dimuqraaddiga Masiixigaa ahaa, sheekaduna halkaas ku idlaan doonto. Saadaalinta masiirka Shuuciyadu iyadaa ugu fashil badnayd. Mufakirkii reer Maraykan ee Samuel Huntington, oo markii dambena noqday “u doodaha mawjaddii saddexaad ee dimuqraadiyaddu, waxa uu sannadkii 1984-kii qoray maqaal uu ku sheegayo in aanu suurogal ahayn dhicitaanka Shuuciyada Bariga Yurub. Juan Linz laftiisu sidan oo kale ayaa uu qoray 1989-kii, laakiin nasiibdarradiisa, maqaalkiisa waxa la baahiyey sannad ka dib – waa mar Shuuciyadiiba dhacday.

Dhammaan xaaladahan – Shuuciyadii Jarmalka ee xilligii Weimar iyo Jili ee xilligii Allende – ma aynaan haysan aragti la isku hallayn karo. Ma jirin aqoon keenta oddoros qotodheer ama xaddida suurogalnimada jidadka sooyaal ee kala duwan. Waxa aynnu u baahannahay aragti, macnaha fikirro isku xidhan, oo tidhaahda: “kolka waxaas iyo waxaasi dhacaan, ayaa ay sidaasi dhacaysaa”, oo “natiijada” la qiyaasi karo. Aragti la’aan se, wax aan saadaalin iyo qiyaas jaantaarogan ah ahayn ma helayno. Xaqiiqada qadhaadhina wa in awood darradeena inaynu oddorosno waxa dhici doona xaaladahan taagani ay caddayn u tahay in aynaan weli haysan sal aragtiyeed oo lagu kalsoonaan karo.

Su’aasha weyni ee Maraykanku wajahayaa waxa ay tahay: arrimahani sidee bay ku dhammaan karaan? Suurogalnimo cad baa jirta: in dimuqraaddiyiintu guulaystaan doorashooyinka 2028, oo ay talada gacanta keli ah ku ururtay furfuran, soona celiyaan barnaamijyadii iyo adeegyadii bulsho ee aasaasiga ahaa, kuna laabanno “xaaladdii dabiiciga ahayd”. Waxa kale oo jirta suurogalnimo kale: in Jamhuurigu ku guulaysto doorashooyinka teeramka dhexe ee 2026 iyo doorashooyinka 2028, oo ay kolkaa sameeyaan nidaam oligaarki ah (in taladu ku ururto gacanta hodanka tirada kooban), oo ilaa muddo aan cayimnayn sii jira. Se natiijooyinka kale ee suurogalka ahi waa kuwo daraama ah oo aan sooyaalka Maraykan hore uga dhicin. Waxa dhici kara in Jamhuurigu diidaan qirashada guuldarrada – doorashooyinka teeramka dhexe ama kuwa 2028 – amaba in ay samaystaan dhacdo u eg “Dabkii Reichstag” ee Naasigii Jarmalka, oo ay cudurdaar uga dhigtaan shaacinta xaalad degdeg ah iyo in ay taladooda xoog ku jid mariyaan. Cagsiga sidan sidoo kale dhici karta, in ay shacbiyadda Trump si weyn hoos ugu dhacdo, oo dibadbaxyo waaweyn oo tobanaan milyan oo dad ahi ka qaybgalaan la sameeyo, Xisbiga Jamhuuriguna kaga xaroobo gacantiisa, oo la galo waanwaan siyaasadeed oo cusub. Se waxa jira jaangooyayaal badan oo aan weli la go’aamin, oo kolka kuwaasi dhacaan – siday u badantahay kolka doorashooyinka teeramka dhexe dhacaan soo bixi dona – inta ka horraysa waxa aan leeyahay “ma garanayo waxa la saadaalin karo”.

Iber: Wayddiintayda u dambaysa aan fududeeyo inta itaalkayga ah: maxaa la qaban karaa hadda?

Przeworski: Si aan uga jawaabo weydiintan, waxay u baahantahay heer niyadwanaag aan hadda haynin. Anigu waxa aan qabaa fikradda mufakirkii reer Talyaani, Antonio Gramsci, ee ahayd: si aydhiyoolajiyadi u xoogganaato, waa inay keentaa aragti mustaqbal oo ay ku midaynayso danaha kuwa talinaya iyo danaha inta kale oo dhan. Se dhaqdhaqaaqa MAGA, aragtidan oo kale ma wadato. Waa ay adagtahay in la cayimo qorshe fikireed oo cad oo uu leeyahay waxa taageerayaasha Trump ku magacaabaan “kacdoon”, kolka laga reebo ujeedkooda joogtada ah ee ah hoos-u-dhigidda kaalinta dawladda. Isla dhinaca kale, kuwa kasoo horjeeda MAGA waxa ka maqan fikrad dhab ah oo beddel noqota. Dimuqraaddigu waxa ay ku sharadtamayaan in Jamhuurigu iskii u guuldarraysan doono beddel la’aan. Se aragtida keli ah ee cad ee Xisbiga Dimuqraaddiga ka dhex jirtaa waa garabkiisa bidix wato – se garabka loo badanyahay ee xisbiga laftiisu cabudhinayo. Laga yaabee in hoggaanka Dimuqraaddigu ku saxanyihiin aaminaaddooda ah in istiraatiijiyadda ugu wanaagsani tahay sugitaanka inta Trump iskii u fashilmayo. Se istiraatiijiyaddani, si la mid ah ta MAGA, waa aydhiyoolajiyad rajci ah, oo ku qotonta fikradda ah “u laabashada wixii hore” – macnaha soo celinta dimuqraaddiyaddii, ee maaha beddelka duruufta sababtay dhibteedan hadda. Gunaanadkaygu kolkaa waxa weeye: “dib-u-soo celinta dimuqraaddiyadda waxa shardi u ah dib-u-hagaajinteeda”.