Skip to main content

Saturday 15 March 2025

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
Dhaqan

Sidee Afafka ku Bilaabmeen?

22 December, 2024
Image
Geeska cover
Share

Maxaa aynnu uga jeednaa weydiintan? Waxa habboon in aynnu caddayno waxa aynnu uga jeedno seeska afafka aadamuhu ku hadlaan. Ugama jeedno qaabka afku ku horumaray si tartiib ah oo ugu dambayn u noqday luuqadaha hadda lagu hadlo, se waxa aynnu uga jeednaa qaabka aadamuhu wakhtiyada kala duwan isu soo beddelay oo ugu dambayn u noqday aadamaha aynnu hadda naqaanno ee leh af uu isku afgarto kana duwan noolaha kale, kuwa xitaa ugu dhow sida shimbaansiiga. 
Sooyaalkan dheer waxa ku duugan horumar amakaag leh, sababtoo ah ma jiro isfahan iyo wada xidhiidh dabiici ah oo u eg afafka aadamuhu adeegsado. Afafka aadamuhu adeegsadaa waxa ay ku tilmaamanyihiin awoodda in lagu cabbiri karo aragtiyo aan dhammaad lahayn, waxaana lagu soo bandhigi karaa sooyaalka tagay, oddoroska mustaqbalka, xisaabta, sheeko-xariirada iyo wax kasta oo dadka dhexmari kara. Afka, keliya looma adeegsado xog is dhaafsi ee waxa kale oo loo adeegsadaa isweydiinta waxyaabo xal u baahan iyo wax is faridda, waxa kale oo afka aadamuhu kaga duwanyahay wada xidhiidh kasta oo noolaha kale sameeyo in lagu cabbiri karo diidmada.

Afafka aadamuhu waxa ay ka koobanyihiin kumanaan erey oo ka kooban xarfo cayiman oo lagu dhawaaqo, dadka ku hadlaana xarfahaas iyo ereyadaas ayaa ay ku cabbiri karaan jumlado aan dhammaad lahayn oo mawduuc kasta koobsanaya. Carruurtu waxa ay afafkaas ku bartaan dhegaysiga dadka kale ee afafkaas ku hadlaya, waana arrin la yaabkiisa leh oo aadamaha u gaar ah.

Noolaha kale ee aan aadamaha ahayni waxa ay ku wada xidhiidhaan dhawaaqyo aan tobanaan dhawaaq dhaafin oo iyaga u gaar ah iskuna afgartaan xilliyada cuntada, dhib jirto, weerar jiro ama nabad la gaadhayo dagaal ka dib. Xayawaannada qaar, sida shimbaansiiga, waxa ay leeyihiin hab ay ku wada xidhiidhaan oo ah luuqadda jidhka, si la mid ah aadamaha. Ka sokow kuwaas luuqadda jidhka adeegsada, dhawaaqa xayawaannadu sameeyaan, sida shimbiruhu, ma laha macno ereyo loo kala qaadi karo oo wax laga soo dhex saari karo, ka sokow in ay yihiin dhawaaq keli ah. Waxa jira isku dayo in qaar ka mid ah daanyeerrada la baro afka aadamaha, hase ahaatee lagama gaadhin wax guul ah, arrinkanina waxa uu caddaynayaa sida afka aadamuhu u yahay mid gaar ah oo keli ku ah dunida dabeecadda.

Weydiinta meesha taallaa waa sidee aadamuhu halkan ku soo gaadhay? Dhammaan afafka aadamuhu adeegsadaan, xitaa kuwa ay adeegsadaan dadka weli ah ugaadhsatada iyo qadhaabsatadu, waxa ay ka koobanyihiin ereyo wax kasta oo dunida yaalla lagu faallayn karo, diidmana lagu muujin karo. Sooyaalka qoran ee gaadhaya shanta kun ee sano waxa uu muujinayaa xaalado isku dhow oo afafka aadamaha ah. Inkasta oo luuqaduhu si tartiib ah isu beddelaan oo ay sababeen isbedellada dhaqan, hab-nololeed ama la falgalka luuqado kale, haddana qaab-dhismeedka gundhigga u ah afka iyo awoodda cabbiraad waa kuwo isku eg oo aad isugu dhow. Markaa weli waxa taagan weydiinta ah sidee afafka aadamuhu u heleen tilmaamaha u gaarka ah ee ka duwan wada xidhiidh kasta oo noolaha kale adeegsado? Waa hubaal in aanay koox dad ah oo ka mid ah Aadamihii Godku inta ay fadhiisteen go’aansan in ay hindisaan af gaar ah, sababtoo ah waxa shardi ah in uu jiray af hore oo la isku afgaranayay ka hor hindisaha cusub.

Muddo laga joogo 150 sano waxa caan ahaa mala’awaal ahaa in aadamihii hore “Hominids” ay bilaabeen khuurada, ci’da iyo dhawaaqyo gaar ah, sidaasna afafka hadda jiraa si tartiib ah ku abuurmeen, se Akaadimayaddii Faransiiska ayaa 1866-kii burisay mala’awaalkan, sababtoo ah xayaawannada kale, weliba kuwa inoogu dhow sida shimbaansiiga, waa ay khuuriyaan, ci’ iyo dhawaaqyo kalena waa ay sameeyaan.

Halkan waxa imanaysa weydiin kale oo ah, maxaa dhacay lixdii milyan ee sano ee ka dambeeyey kala baxa iyo kala fogaanshaha aadamihii hore “Hominids” iyo shimbaansiiga? Se sidee aadamahaas hore u bilaabeen qaab gaar ah oo wada xidhiidh ah oo ugu dambayn dhalay afafka casriga ah ee aynnu naqaan? 
Luuqadda ka sokow, waxa jira waxyaabo ay aadamihii hore iyo shimbaansiigu ku kala baxeen oo ay ku kala duwanaadeen abuur ahaan. Waxa ka mid ah cagaha aadamuhu ku istaagi karo kuna ordi karo, suulka ka go’an faraha kale ee gacmaha oo sahlay adeegyo badan in ay qabsan karaan, hoos u dhaca timaha ka soo baxa oogada sare ee jidhka, hoos u dhaca xajmiga muruqyada jidhka, ilkaha oo yaryaraaday iyo koboca xajmiga maskaxda. Isbedellada waaweyn ee afka ku dhacay kuma koobna isbeddelka xajmiga maskaxda, sida dad badan u maleeyaan, ee sidoo kale waa wax ka dhashay nooca shaqooyinka aadamaha u suurogalay inay qabtaan isbeddellada jidheed awgood iyo hab-nololeedkii cusbaa. Haddaba waxa is weydiin mudan goorma ayaa kala duwanaanta aadamaha iyo shimbaansiigu soo baxday, maxaa se sababay?

Marka la diraasaynayo isbeddellada iyo horumarka afafka, caqabadda u weyni waa koobnaanta caddaymaha. Luuqadaha hadda lagu hadlaa kamay tegin caddaymo lagu go’aan qaato, lafaha la qodayna keliya waxa ay sheegi karaan qaabka iyo xajmigii maskaxda aadamihii hore, se ma caddayn karaan shaqada maskaxdaasi qaban karaysay. Caddaynta keli ahi waa silsiladda hadalka aadamuhu soo maro; afka, carrabka iyo dhuunta. Boqol kun oo sano ka hor, oo ah wixii ka horreeyey aadamaha casriga ah, silsiladdaas dhawaaqu soo maro dadka uma saamaxayn ku dhawaaqidda xarfaha samayn kara jumlado macno weyn leh, hase ahaatee, taasi kama dhigna in xilligaas wixii ka dambeeyey afafku samaysmeen, oo waxa suurogal ah in aadamahaasi adeegsan jireen xarfo ka fudud kuwan hadda oo wax lagu cabbiri karo, hase ahaatee isbeddelka silsiladdaas hadalku soo maro waxa uu saamayn ku yeeshay degdegga hadalka iyo cabbiraadda xeesha dheer ee aynnu hadda naqaanno, waana sababta aqoonyahanka qaar u soo jeediyeen in afafku markii hore ku bilaabmeen tilmaamaha, ka dibna tilmaamahaasi isu beddeleen dhawaaqyo macno leh.

Dhammaan diraasadahani waa dedaallo ay wadaan aqoonyahanka afafka, cilminafsiga iyo bayoolajigu. Waxa is weydiin mudan in noolaha kale leeyahay awoodaha luuqadeed ama awoodaha luuqad suurogaliya ee dadku leeyihiin? Waxa la xidhiidha weydiin kale oo ah waa maxay saamaynta ay ku leeyihiin afka awoodaha aadamuhu la gaarka yahay ee aanay naaslayda kale lahayn? Awoodahaas aadamuhu la gaar yahay waxa ka mid ah awoodda uu u leeyahay xifdinta xog badan, doonista in uu cid kale la xidhiidho, fahmidda doonista iyo aaminaadda dhinaca kale iyo awoodda iskaashiga. Sida cilmibaadhisaha casriga ahi muujinayaan, awoodahan aadamuhu la gaarka yahay, waa wax ka maqan noolaha kale, oo xitaa aanay lahayn aadamihii hore iyo aadame-u-ekihii “Apes/Hominoidea”. Aqoonyahan kale, walow ay aaminsanyihiin saamaynta iyo muhiimadda awoodahan aadamuhu la gaar yahay, haddana waxa ay ku doodayaan in isbedellada maskaxda aadamihii hore gundhig u tahay samaysanka luuqadda.

Ma wax halmar dhacaybaa mise waa wax marxalado soo maray?

Cilmibaadhayaasha qaar baa ku dooda in afku yahay wax hal mar si kedis ah u dhacay oo aan marxalado marin, waana wax ka dhashay isbeddel habka maskaxdu u shaqayso oo aadamuhu awooday in uu ku hadlo ereyo iyo jumlado macno sameeya. Cilmibaadhayaal kale ayaa ku doodaya in tilmaamaha u gaarka ah luuqaddu horumar sameeyeen muddo aad u dheer oo malaayiin sano qaadatay. Luuqaddu waxa ay bilawgii ahayd wax loo adeegsan karo magacaabidda waxyaabo cayiman oo ah deegaanka ku xeeran, sidaasna waxa ku socday in si tartiib ah ereyo badan loo hindiso. Horumarka ugu muhiimsani waxa uu ahaa awoodda ay dadkaasi yeesheen ee ay tilmaamaha ugu beddeli karayeen dhawaaq iyo ereyo kala googo’an oo macno leh.

Isbeddelka dadkaasi ku awoodeen in ay tilmaamaha ereyo macno leh u beddelaan waxa uu noqday qaab aad uga horumarsan qaabka shimbaansiigu u wada xidhiidho, walow aanu u dhowayn afafka casriga ah ee hadda aadamuhu adeegsadaan. Tallaabada suurogalka ah ee ku xigtay waa in dadkaasi awoodeen in ay ereyadaas isku xidhxidhaan oo ay kasoo saaraan jumlado isku xidhan walow oo weli jumladahaasi aanay lahayn xidhiidhiyaasha badan ee hadda afafka casriga ah lagu yaqaan. Waa marxalad aad ugu eg jumladaha ay ku hadaaqaan carruurta laba jirka ah ee af baradka ahi ama dadka waaweyn ee luuqad cusub baranayaa. Jumladaha dadkaasi ku wada xidhiidhayeen waa kuwo u eg sida ay u wada xidhiidhaan dad imika nool oo af ku cusub wax aad u yar ka garanaya. Waa sababta cilmibaadhiyaasha qaar ugu doodeen in luuqaddaas hore weli ku hadhsantahay maskaxda aadamaha, oo marka aadamuhu luuqad cusub baranayo uu maro isla marxaladihii aadamihii hore soo maray.

Aadamuhu markii dambe waxa ay bilaabeen in ay luuqadda ku biiriyaan xidhiidhiyaal badan, ereyo cusub iyo cabbiraado aad u badan oo horumarsan, sidaasna ku awoodeen in ay hadallo iyo farriimo macno badan leh diri karaan. Cilmibaadhayaasha ayaa aaminsan in horumarkan dambe yahay wax ku yimi horumarka xadaaradda aadamaha, kuwo kalaa se ku dooda in isbeddel ku dhacay jiinka maskaxda oo suurogaliyey horumarka afka. Xilligani waa boqol kun oo sano ka hor ilaa konton kun oo sano ka hor, waana xilliyada ay bilaabmeen waxsoosaarrada xaddaaradeed, sida farshaxanka iyo cibaadooyinku.

Beryihii dambe waxa cilmibaadhis lagu ogaaday in khalkhal ku yimaadda jiinka hadalka xakameeya ee FOXP2 uu keeni karo hadalka oo qofka ka istaaga. Jiinkan oo mid u dhow daanyeerrada leeyihiin, waxa la aaminsanyahay in qaabka uu hadda yahay uu isu beddelay muddo laga joogo laba boqol oo kun ilaa boqol kun oo sano ka hor. Lama hubo in dadka uu ka khalkhalo jiinkani keliya aanay awoodin hadalka iyo in ay gebi ahaanba aanay lahayn awoodda luuqadeed ee aadamuhu la gaarka yahay.

 

Maqaalkan waxa laga soo turjumay halkan.