Thursday 5 December 2024
Qoraalkan waxa Af Ingiriisi ka soo turjumay Cabdicasiis Guudcadde
Hordhaca Turjubaanka:
Qoraalkan oo 2015 lagu faafiyay degelkii themaandeeq.com wuxuu si duurxul lagu tilmaami karo u naqdinayaa siyaabaha ay dadka ku hubaysan caqliyadda gumaystuhu wax uga qoraan dalalka ay Soomaaliya ka mid tahay. Sida uu Helmi Ben Meriem ku qoray curiskiisa kan ka jawaabaya ee “How not to Write about Somalia,” qoraalkan Safiyi wuxuu soo gudbinayaa “Sida ay tahay in aan Soomaaliya wax looga qorin” laakiin, nasiibdarro, la caadaystay. Waxa curiskan qortay Safiya Cayddiid, oo ah taariikhyahanad ku takhasustay sooyaalka Afrika iminkana Kaaliye Barofaseer ka ah Qaybta Taariikhda ee Jaamacadda Toronto. Waa curis lala xidhiidhin karo baraarugga gumaysi-ka-bixista ee qoraayada Afrikaanku ay muddooyinkii danbe hoggaanka u hayeen. Tusaale ahaan, waxay isku khaanad gelayaan curis ay aad isugu eg yihiin oo uu qoraagii reer Kiiniya ee Binyavanga Wainaina uu majaladda Granta ku faafiyay 2005, “Sida Afrika wax looga Qoro – How to Write about Africa.” (Waxa Af Soomaali u turjumay Cabdicasiis Daahir, waxana lagu faafiyay isla Geeska).
***
Sida Soomaaliya wax looga Qoro
Cinwaanka qoraalka waxaad badanka ku adeegsataa erayada ay ka mid yihiin “masiibo,” “xasiloonidarro,” “khilaaf,” “fawdo,” ama “argagax.” Cinwaanhoosaadka waxaad ku darsan kartaa erayada “qaxooti,” “mooryaan,” “dagaalooge,” “fashil,” “burbur,” “qabiil,” “mintid,” “argagaxiso,” ama “budhcad-badeed.” Waxa sidoo kale ku anfacaya kelmadaha “reerguuraa,” “xoolaraacato,” “qabiili,” iyo sidoo kale falal aad samaysatay oo aad ku lammaaniso erayadaa kore midkood, sida adigoo dhaha “Soomaaliyoobidda masiibada.”
Waxaad isticmaashaa sawirka oday gashan koofiyad, macawis, bakooradna sita. Ama dhanka kale, waxaad heli kartaa sawir muujinaya wiil yar oo caato ah oo laalaadsanaya qori Aake ah. Doon ha saarnaado ama baabuur, waa tafaasiil aan muhiim ahayn. Laakiin ku dedaal in aad ku tiiqtiiqsatid sida uu qaadku u dilooday, ee uu garashadii uga qaaday, uguna riixay dhaqan gacankahadalnimo ah. Ilkihiisana ku yar dheerow.
Haddii aad u baahatid sawir gabdheed, labo jid baa kuu furan. Waxaad isticmaali kartaa sawir aad loogu soo dhaweeyay oo uu dhinac ka muuqdo cunug haweenaydu ay xanbaarsan tahay, si ay labadooduba kadarka uga wada muuqdaan; ama waxaad heshaa sawir meel durugsan laga qaaday oo ay ka muuqdaan koox dumar ah oo aan wejigooda la garan karin, lana moodo maryo tuulan oo aan la kala sooci karin. Qoraalkaaga waxaad ku sharraxdaa xijaabkooda iyo dharka hiddaha iyo dhaqanka ee ay gashadaan, adigoo tilmaamaya midabkooda widhwidhaya iyo sida ay anfariirka kuula noqotay in aanay wada madow ahayn. Wejiyadooda wax ka dheh, iyo sida iyagoo dad madow ah ay haddana kuula muuqdeen dad midab furan oo aan Afrikaanba ahayn.
Waxaad qalinka ku adkaysaa in dadkan noloshoodu ay iska sahlan tahay ee aan aadka u sii ridnayn uu waxa ugu muhiimsan ee qeexaa yahay qabiilka, iyo in wax kasta oo iyaga ku saabsan—min dagaalka sokeeye ilaa qofku heesta uu jecel gahay—lagu fahmi karo indhaha qabiilka. Waxaad soo dhufataa maahmaah aan la garanayn meel ay ka soo jeeddo oo laakiin arrintaa kuu xoojinaysa. Waxaad mar kasta si gaar ah u sheegtaa qofka qabiilkiisa, sida “ninka reer Hebel,” maxaa yeelay sidaas baa ka macruufsan magaciisa dhabta ah. Wuxu waa isku magac kolley oo Cabdi iyo Maxamed miidhan baa la dhahaa. Wuxuun baad qaacidadaa ka soo reebtaa naanaysaha, oo ay tahay in aad ku dheeraatid, maaddaama ay wax badan inooga sheegayaan sida ay dad qabiil u yihiin iyo tabta gacankahadalku abuurtooda ugu xididaysan yahay. Waxaad hoosta ka xarriiqdaa in Soomaalida aanu ka jirin wax shakhsi la dhaho, ee wadar la wada yahay. Sidaa darteed waxba kuu ma soo kordhinayso, oo waa uun gacmadaalis, in aad qoraalkaaga u ra’yi badsatid. Waa Cabdi-Aake iyo Maxamed-Kuruusow miidhan; bal eeg sida ay isugu eg yihiin.
Waxaad wax ka xustaa sida aad ugu qushuucday dadkan reerguuraaga ah, in kasta oo ay bidaa’i rejo beelay yihiin. Waxaad sharraxdaa sida ninka reerguuraaga ahi uu dheg iyo dhabaradaygba u leeyahay, walow uu ku nool yahay dhul qarfo ah, aano iyo dirir qabiil, iyo dhaqan dibusocod ah. Reerguuraagu had iyo jeer waa in uu lab noqdo, oo qab yeesho. Soo xigo Sir Richard Burton iyo in uu Soomaalida ku qeexay “umaddii gabayaaga,” dabadeed hoos ugu daadeg sida maansadooda soojireenka ahi ay hodanka u tahay. Geelooda sifee, akhristahaagana waxaad ogaysiisaa in aad beri isku dayday caano geel iyo, haddii aad indho adkayd, hilibkiisaba. Waa wax qallafsan, haddiiba aanu yar qadhaadhayn, tabta reerguuraaga. Waxaad la qiirootaa sida habnololeedkiisaa aan boqollaalka sannadood is dhalanrogin uu caalamka ka baxsani halista ugu yahay. Haweenka Soomaaliyeed waxba uga ma baahnid soohadalqaadkooda, waa haddii aanad sifaynayn xijaabkooda iyo xubnahooda taranka ee la jarjaray.
Waxaad ku dul hakataa burburka ka sii taagan dhismayaashii gumaystaha ee magaalooyinka ay Muqdisho ka mid tahay, kuwaas oo ay dumiyeen niman Soomaaliyeed oo hub looga tegay. Iska ilaali in aad taabatid wejigii madoobaa ee xukunkii gumaystaha, taa beddelkeedana waxaad diiradda saartaa dhinacyada wanwanaagsan ee lagu beerqaadmayo sida fillooyinka u eg qaab-dhismeedkii Fanka Qurxinta ee Deco, iyo jallaatada. Waxaad faallaysaa sidii cahdigii gumaystaha iyo sannadihii ugu horreeyay madaxbannaanidu ay ugu suntanaayeen xilli reermagaalnimo ah, iyo sida haweenku ay beryihii hore iyagoo nigisyo gashan ugu laydhsi tegi jireen xeebto Liido intii aanay baran dharkan waaweyn. Ka murugood casriyawga. Sidee bay Soomaalidu uga tegi karaan habkoodii qabiiliga ahaa ee abadiga ahaa, oo ay isugu deyi karaan in ay higsadaan dawlad-qarameed casri ah? Intaad waayaha ka dul booddid, waxaad is wayddiisaa tolow tijaabo kasta oo Soomaalidu u qaaddo dhanka siyaasadda ma waxa loo qoray in ay ku danbayso xaalad dawlad-la’aan ah, oo raggaa reerguuraaga ahi ay mayalka u hayaan.
Akhristahaaga waxaad xasuusisaa in, waxaas oo dhan kolka laga yimaaddo, ay jiraan waxyaabo caadi ah oo Soomaaliya ka jira, oo ay jirto Soomaaliya aanad weligaa indho ka qaadin: Ma dadka moobillada haysta!