Skip to main content

Tuesday 19 May 2026

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Aragti

Sida Soomaaliya aan wax looga Qorin

26 April, 2026
Image
Sida Soomaaliya aan wax looga Qorin
Share

Aan ku bilaabo e wuu i xiisageliyay oo waan la dhacay curiska Safiya Caydiid ee "Sida Soomaaliya wax looga Qoro" oo nuxur ahaan cinwaankiisu noqon kari lahaa: "Sida ay tahay in aan Soomaaliya wax looga qorin”. Curiska waxa ka buuxa xogo mudnaan leh oo doodo dhalinaya, qaybtood waan ku raacsanahay (ama ku ma raacsani) kuwo kalana waxaan ka qabaa aragti teeda ka duwan. Waxa ay faaqidaaddu igu abuurtay khalkhal oo waxa ay miiska soo saartay su'aal gundhig ah oo daarran 'sida saxda ah ee aad wax uga qori kartid Soomaaliya'. Waa arrin daruuri ah in aad xustid in aanay Soomaaliya ahayn dal mid ah oo aan lagu soo koobi karin suuradaha "argaggax", "dagaal", "dhimasho", "xasuuq wadareed", ama "fowdo qabali ah", iyo kuwa kale ee la halmaala ee tirabbeelka ah, lana soo qaato kolka laga hadlayo Soomaaliya oo si aan caadi ahayn looga badbadiyo ama indho istishraaq loogu eego. Waana barta aanu qoraaga ku kala baydhayno oo waxaan qabaa in aynu u baahannahay aragti dheellitiran oo Soomaaliya ku saabsan.

Iyada oo aan la is diidsiin karayn in ay erayadaasi xoogaa saxsanaan karaan misena waxa ay dhalinayaan wayddiimo: Miyaa lagu soo ururin karaa waayaha Soomaaliya gebigoodaba luuqad taban, hoosaysiin ah, oo cunfi xanbaarsan? Sidee loogu qiimayn karaa Soomaaliya sawirka laga haysto ee ah in ay tahay dal mid ah, oo wax kala duwanaansho ahi aanu ka jirin? Miyeynaan arrinta ka eegi karayn meel ka durugsan warbixinnada degdegga ah ee warbaahinta ee Soomaaliya ku saabsan? Iyada oo weli ay taagan tahay oo ay jirto saamayntii eelka kelitaliskii Barre iyo dagaalkii sokeeye ee ku xigay, aan tibaaxo xaqiiqada ah: Soomaalidu in ay falanqayso labadaa arrimood ka ma baxsan: oo runtii ah kuwo loogu cudurdaari karo, balse aanay marnaba habboonayn dhayalsiga iyo iska indhatiridda in sawirradaas uun laga gudbiyo, iyaga oo Soomaalidu ka fekerayaan oo dedaal laxaad lehna ku bixinayaan sidii dhulkooda ay nabad uga hirgelin lahaayeen. 

Curiska waxa aan ku khilaafsanahay masalo muhiim ah oo asaasi ah oo la odhan karo waxa ay tahay naqdin ka dhan ah aqoonyahannada cilmibaadhista Soomaalida oo iyagu adeegsada "kelmado", "cinwaan hoosaadyo", "falal la samaystay", iyo isku dhafyo luuqadeed oo cayiman. In kasta oo maqaalku iska indhatirayo doorka ay Soomaalidu ku leeyihiin qudhoodu faafinta sawirradaa. Qoraalka oo lagu faafiyay themaandeeq.com markii aan akhrinayay faallooyinka laga dhiibtay waan la yaabay sida akhristayaashu u xoojinayaan fekraddaa ah in aanay aqoonyahannada iyo sheekofaneedyahannada Soomaalidu kaalin ku lahayn faafinta sawirradaas.

Sheekada Soomaalida ee Af Ingiriisi lagu qoro ayaynu xoogga saaraynaa, maxaa yeelay Af Ingiriisigu wuxuu door ka ciyaarayaa in sheekadaasi ay gaadho dadweyne ballaadhan oo aanay nasiib u heli lahayn haddii lagu qori lahaa Af Soomaali; dooddaydu ma aha in sheekada Ingiriisiga ku qoran ay soo gudbinayso sawirro nabad, horumar iyo xasillooni ah, iskaba daa e waxa ay xoojisaa oo soo bandhigtaa dhinacyada taban. 

Waxa intaa dheer, in aan qiro maaddaama oo aan ahay qof aqoonta Soomaaliya ku saabsan ka hela gacan labaad oo Soomaali iyo dad-aan-Soomaali ahaynba leh, in aan weli dhawrayo waxqabad suugaaneed qof Soomaali ahi qoray oo ka warramaya Soomaaliyada cusub ee dhanka nabadda si tartiib-tartiib ah ugu soconaysa. Balse ii oggolaada in aan Soomaalida xoogga saaro oo iska indhatiro dadka-aan-Soomaalida ahayn. Sheekada Soomaalida waxa si xad-ka-bax ah loo adeegsadaa oday macawis sita, wiil yar oo qori AK ah laalaadsanaya, iyo haween carmal ah oo dugul ah, natiijadii ka soo baxdayna ay noqotay in akhristayaashu ka aaminaan Soomaaliya in lagu soo ururin karo keliya dagaal, macluul, qabaa'il is haysta, iyo budhcad badeed. Tusaale aan u soo qaato Nuuraddiin Faarax, oo ah sheekoqorayaasha ugu saamaynta badan ee Ingiriisiga wax ku qora ee ka soo jeeda Soomaaliya; sheekooyinkiisa oo ka mid ah kuwa Ingriisiga ku qoran ee qof Soomaali ahi qoray kuwa loogu akhris badan yahay, waxa laga dheehanayaa in ay soo bandhigaan daabaqadayntaa iyo xukunnadaa ay xanbaarsan yihiin dadka-aan-Soomaalida ahayn, siiba Galbeediyiintu. 

Sheekooyinkiisa ku ma deeddifaynayo sawirka shaacsanaha ah ee Soomaalida ku saabsan; oo, metelan, sheekadiisa Crossbones (2011), arbuhu wuxuu si qayaxan u adeegsanayaa in Soomaalidu "wakhtigooda u wanaagsan ee ay ku jiraan yahay kolka ay dhiig daadinayaan." Waan la yaabay weedhaa oo ina siinaysa xaqiiqo jirta—si bilaa ogaal naqdi ahna Nuuraddiin ugu soo celinayo qaybaha danbe ee isla sheekada. Waan la amakaagay sawirkaa uu ka gudbinayo oo had iyo gooraale ah sawir ay ka faafiyaan dadka-aan-Soomaalida ahayn, si gaar ah sheekaqorayaasha reer Galbeedka oo qodobbadaa ku dul dhisa sheekooyinkooda Soomaaliya ama ku dhafa uun xoogaa Soomalinnimo ah, iyaga oo waxa ku saabsan dalka iyo dhaqankiisa ka hela uun buugagga oo aynu ka xusi karno Deadly Coast (2011) oo uu qoray R. E. McDermott, Delivery (2014) oo uu soo saaray Jonathan R. Miller, ama Forest Gate (2010) oo uu qoray Peter Akinti. 

Sidee aniga oo akhriste sheekooyinka Soomaalida ah uga anfariirayaa marka uu raacayo sheekaqoraha Soomaaliga ah ee macruufka ahi jidka diblumaasi Galbeedi ah oo si aad liidid u ah Soomaalida ugu sifeeyay: "In aad qof Soomaali ah u sheegtid in uu wax dilo waa sida ey in aad u tilmaantid in uu leefo xiniyihiisa si uu u nadiifiyo, mushkiladduna, dabadeed ay, ku aroorayso qaabkii looga joojin lahaa"? Haddii aynu soo qaadannaba xataa qoraayada Soomaalida ee aan waxaqabadkoodii u horreeyay Soomaaliya ka qorin, sida Safiya Cabdi ama Nadiifa Maxamed, waxa ay sheekooyinkooda labaad ku faafiyeen sawirrada kelitaliska, cunfiga, iyo dagaalka. Qoraaga Kanadiyaanka ah ee Xasan Geeddi Santuur wuxuu sheekadiisa u horraysay ee Something Remains (2010) bilawgaba ku muujinayaa daltabyada uu la daalaa-dhacayo Sakariye oo tifaftire ka ah warsidaha Soomaaliyeed. Waxana Santuur ku hawllan yahay hadda sheekadiisii labaad ee Things We Lost in the War oo sida cinwaankeeda ka muuqata uu si kala dhigdhigan ugaga hadlayo arrimaha qabiilka, dagaalka iyo dhiig daadinta. 

Aan mar kale tibaaxo e, aad baan ugu baraarugsanahay in tagtada oo la akhriyaa ay tahay jidka keli ah ee lagu horumarin karo; balse waa sidee Soomaaliyada casriga ah? Miyaanay habboonayn Soomaalida ku hawllan nabad-dhalinta in lagu xuso suugaanta Soomaaliyeed? Intaa waxa dheer, labada sheeko ee ay qortay Safiya Samatar ee A Stranger in Olondria (2013) iyo The Winged Histories (2016), in kasta oo loo qoray hannaanka fantaasiga, misena waxa la odhan karaa waxa si joogto ah looga dhex akhrisan karayaa Soomaaliya oo ay iskuna dhafan yihiin baadigoobidda xogta dal burbursan oo dagaallo la tacaalaya iyo haween ku dhex sugan dagallaadaa oo la tijaabinayo daacadnimad ay qabiilkooda u hayaan, qofkuna kala dhex baxayo sheekooyinkaa isaga oo aan marnaba Soomaaliya ku arkayn sadarrada dhexdooda.

Sidaas awgeed ciddee ayaan ka hor imanayn sawirradaa laga gudbinayo ee taban? Ciddee ayaan se ku tiiqtiiqsanayn saamaynta waxybahaa taban ee Soomaaliya laga gudbinayo? Waxaan qabaa in hawsha deeddifaynta fekradahaa khaldan ay u taallo Soomaalida keliya. Curiskan "Sida Soomaaliya wax looga Qoro" wuxuu si xeeldheer u tibaaxayaa mushkiladaha la xidhiidha waxyaalaha laga qoro Soomaaliya, balse waxaan rejaynayaa in aynu isla waafaqsannahay in eeddu si isku mid ah u saaran tahay dadka-aan-Soomaalida ahayn iyo kuwa Soomaalida ah oo una baahan in Soomaaliya ay ka dhigaan in ay tahay dal uu ka jiro kaladuwanaansho dhaqan. 

Qorma aan ku soo gunaanado oo aynu dib u milicsanno tusaalaheennii macawasita oo ah waxa u horreeya ee curiskaa lagu soo qaatay. Macawistu waa dhar dhaqameed soojireen ah oo ay ragga Soomaaliyeed xidhaan, oo u eg marada Sarong ee ay gashadaaan ragga Koonfur Aasiya ee Induniisiya iyo Malaysiya iyo marada kale ee Sulu ee ay guntadaan raggu sida Fiji, Kiribati, ama Samoa. Is ma lihi qoraa ka soo jeeda Induniisiya ama Kirabati ayaa ka dhacaya in uu tilmaamo raggaas oo gashan Sarong ama Sulu keliya in lebbiskaasi yahay mid ka mid ah sawirrada shaacsanaha ah ee dalalkaa. Isku soo wada xooriyoo, qofku wuxuu u baahan yahay dheellitirnaan u saamaxaysa in uu si dhabnimo leh uga warramo dalkiisa isla jeeerkaana indho naqdi ah ku eego.