Skip to main content

Monday 17 March 2025

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
Feker

Sida Naag Soomaaliyeed Loo Noqdo

22 February, 2025
Image
Getty Images
Share

Hagaag, waxa aan ku tusayaa waxa ay ka dhigan tahay in aad naag ahaato. Kabahan xidho, iska fur suunka, miiskan ku dhinac yaal saar. Soo soco, ha degdegin, aayar cagta qaad, toban talaabbo ayaynu soconaynaa. Halkan, bartan istaag, maryaha dhig! Haa, ha yaabin ee iska dhig. Surwaalka, nigiska, shaadhka iyo fiinadaba iska bixi. Hoo diracan, tanna qabo, googarrad baa la dhahaa, fooddadan wejiga illaa garbaha ku qari, keeshaliggana xidho, ha baqan: naagaha oo dhani ma laha naaso ay keeshali ku xidhaan, waa se xeer u yaala naagnnimada: Raggu kama helo naagta maddow, waa in aad iscaddaysaa, kama helo gabadha dhuuban waa in aad isnaaxisaa; kub, badhi weyn, cuddudo buuxa iyo dhex yar baa lagaa rabaa, meeshaad doonto ka keen! Muhiim ma aha sida qaabka jidhkaagu uga duwan yahay dumarka kale, isbeddelka hoormoonadaadda ee ka qayb qaadanaya isbeddelka muuqa jidhkaaga, xaaladahaaga nafeed ee aad la hirdamayso, iyo kuwa caafimaad ee kuu gaarka ah. Muhiim ma aha waxa dhibka kugu ahi, waxa culayska kugu ah ee aadan qaban karin, muhiimadu waa in sidii la rabo aad yeesho oo waxa lagaa rabo lagaa helo. Wejigaagu finnan ma yeelan karo, gamcahaaga maddow laguma arki karo, tintaadu tukhul waa in ay ahaataa, bishmahaaga rooseeto casi kama maqnaan karto, gurigaagu waa in uu sidii muraayad u widhwidhaa. Darajada ugu sarraysa ee naagnimadu waa "gaarinnimo" heerkaa waa in aad gaadhaa, hankaagu waa kaas.

Ogsoonow, waxaad cabsi u taqaaney, waa xishood oo waa kuu muhiim; agnaannimadii ceebta ahayd, waa afgaabni lagama-maarmaan ah. Naagnimadu maaha basharnimo buuxda, cidna uma baahna garashada naagta, caqligaagu eddag buu kuugu jirayaa. Haddii si shil ah falsani kaaga dhaco, markaa naagaha waxbaad dheertahay oo raggaad la QIIMO tahay! Maxaa yeelay, in aad naag ahaato iyo in aad wax hagaagsan fashaa isma qaadan karto, waa in aad midkood lumisaa. Oo sidee? Naagaha su'aal looma ogala!

Dedaalkaagu wuxuu hanjabaad ku yahay qabka ninka, sidaas darteed, waa in aan seetadaaddu dheeraan. Muhiim ma aha in aad wax akhrido iyo in kale, waxa muhimka ahi waa in aad mar walba koox rag ah hoos joogto oo fikirkooda ka shiidaal qaadato. Maanka ku hay, waa dhif iyo naadir in nin kaala hadlo wax candho dhaafsiisan; biyo meel godan bay isugu aruurraan, naagnimanna galmo!

Maanka ku hay, waa dhif iyo naadir in nin kaala hadlo wax candho dhaafsiisan; biyo meel godan bay isugu aruurraan, naagnimanna galmo!

Dibnahaaga labo qayd u tol, haddii walaalkaa ku dilo wuu ku basrinayay, haddii ninka aad shaqo u doonatay uu xubintaada ku xidho shaqada, diid amma yeel oo kaad fashaba afkaaga ka adkow. Haddii dhaxalkii aabbahaa aan midh lagaa siin, adigaa inan ah ee iska illow. Haddii ninkaagu ku khiyaamo oo naag kale guursado, xaq buu u leeyahay ee ku samir. Haddii si walba laguu dulmiyo, adigu aamus uun, afkaaga ilaasho oo Ilaahay iska talo saaro.

Sidee ninku kuula dhaqmayaa? Marka horeba, hantida ninka ayaad tahay; ninkuna hantidiisa isagaa maamula oo siduu doono ka yeela. Go'aan ma lihid, markuu doonuu ku bixinayaa, ninkuu doonuu kuu diidayaa, hadalba kuma lihid halkaas. Hereeraha day, imisaa inan la iska bixiyay ubad la silcaysa? Imisaa gabadh loo diiday in ay waxdhigato oo maanta tuugsanaysa? Imisaa gabadh layska dilay oo aan ciddiba is waydiin? Imisaa la la guursaday oo waashay oo kii waalay aan midh laga waydiin? Imisaa inan la kufsaday oo is daldashay? Imisaa ciil iyo cadho la oyda oo aan dibnaha furi karin? Waxaad u silcaysaa cawaaqib xumada go'aanka ninka, xaq se uma lihid in aad go'aankaas wax ku yeelato. Xaglaha nolosha talo kuma lihid, maxaa yeelay, in ay saalo tahay iyo in maskax tahay waxa madaxaaga ku jira, muu caddayn cilmiga ka jira duniddan aad ku nooshahay. Ma qof baad tahay? Haddaad tahay, ma qof dhammays ah baad tahay? Miyaad leedahay xaq dadnimo? Maya, waxaad leedahay wuxuu ninku kuu garto. Hadduu diido in aad shaqayso ma shaqan kartid. Hadduu diido in aad waxbarato ma baran kartid, hadduu diido in aad noolaato ma noolaan kartid! Oo adigu yaad tahay? Xoolihii ninka!

Khaladkaagu maaha cashar aad wax-ka-barato iyo khibrad nololeed, waa sharaf dhaca ninka, isaga ayaana xaq u leh wax uu sharaf-dhacaas kaga jawaabayo, hadduu ku dilaya; hadduu ku bixinayo; hadduu ku dayrinayo iyo, hadduu ku cafinayo ba. Gurigga waxa aad ku barataa sida ninka loogu rarnaado, milcaamaddana sida loo adeeco. Noloshaadu giraanta dulmiga ayay ku wareegtaa, laguma baro in la tabco oo naftaada iyo aayahaaga loo shaqaysto, dareenkaaga ayaa lagu tuntaa, aflagaaddo iyo cay baa laguu miisaa, markaas baa lagaaga gar hellaa; haddaan ku biiliyo, maxaad iga rabtaa?! Baahidu waa dhenged dadnimadaadda la la dhaco, xaqna uma lihid in aad ka cabato.

Baahidu waa dhenged dadnimadaadda la la dhaco, xaqna uma lihid in aad ka cabato.

Maxaad ii waydiinaysaa, sababta aan u cadhaysanahay? Ma wax lagu farxo ayaa kuu muuqda? Oo maxay yihiin? Waxba ha gabgablaynin, qaado maryahaaga oo ku noqo xero nimeedkiinnii, waxa inoo ballan ah; in farahayga yar yari sidii caleen qalashay u daadiyaan dhalanteedkaaga, oo aan ku baro waxa naagnimada dhabta ahi tahay: maaha naagtaad samayseen!

Qoraallada kale ee qoraaga

Sheeko

Dhanbaal Dibjir