Friday 17 April 2026
Guushii qoraaga reer Kuuriyada Koonfureed Han Kang ee Noobasha Suugaanta sannadkii 2024 waxay noqotay tusaalihii ugu dambeeyay ee muujinaya sida dhaqanka dalkaasi u noqday awood caalami ah. Guushan ma aha dhacdo kedis ah; waa mid ka dhalatay siyaasad dhaqan oo muddo dheer si qorshaysan loo dhisay. Mas’uuliyiin hore oo ka tirsanaa Wasaaradda Dhaqanka ee Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegay in guulaha maanta la arkayo ay yihiin midho ka dhashay maalgashi joogto ah oo la samaynayay muddo ku dhow soddon sano. Dowladda ayaa si isdaba joog ah u kordhinaysay miisaaniyadda dhaqanka iyadoo la jaanqaadaysa koboca dhaqaalaha dalka. Natiijadu waxa ay noqotay in dhaqanka Kuuriyada Koonfureed uu ka gudbo xuduudaha dalka oo uu gaaro dhagaystayaal caalami ah.
Mid ka mid ah istaraatiijiyadaha muhiimka ah ayaa ahaa furitaanka xarumo dhaqameed oo ku kala yaal magaalooyinka waawayn ee dunida. Dowladda Kuuriyada Koonfureed waxa ay furtay in ka badan 40 xarumood oo ku fidsan ku dhowaad 30 dal, kuwaas oo door wayn ka ciyaara soo bandhigista suugaanta, farshaxanka, cuntada iyo muusiga dalkaasi. Xarun dhaqan oo laga furay Manhattan ee magaalada Niyuu Yook ayaa tusaale u noqotay sida ay dowladdu u aragto dhaqanku in uu yahay aalad diblomaasiyadeed oo muhiim ah.
Sidoo kale, Kuuriyada Koonfureed waxa ay maalgalisay turjumaadda suugaanta si ay buugaagta qoraayaasheedu u gaadhaan akhristayaal caalami ah. Taas ayaa sababtay in qoraallada Han Kang laga akhristo dunida oo dhan. Markii ay hore ugu guulaysatay International Booker Prize, mas’uuliyiin dhaqameed ayaa sheegay in ay markaas fahmeen in sheekooyinka ay dadka Kuuriyaanku akhristaan ay sidoo kale macno iyo xiiso u yeelan karaan akhristayaasha caalamka.
Horumarka dhaqanka Kuuriyada Koonfureed waxa sidoo kale taageeray haayado dowladeed oo si toos ah u maalgelinaya hal-abuurka. Sannadkii 1998-kii waxaa la aasaasay Korea Creative Content Agency, oo ah haayad dowladeed oo taageerta wax-soo-saarka dhaqanka sida filimada, muusiga, ciyaaraha elektarooniga ah (TV games) iyo suugaanta. Miisaaniyadda haayaddan ayaa ka korodhay qiyaastii 50 milyan oo Doollar ilaa 400 milyan oo Doollarka Maraykanka ah. Markii la aasaasayay, madaxweynihii waqtigaas ee Kim Dae-jung ayaa sheegay in hadafka ugu wayn uu yahay “in la caalamiyeeyo dhaqanka Kuuriyada.”
Bilowgii sanadihii 2000-meeyadii, muusiga Kuuriyada Koonfureed – gaar ahaan waxa loo yaqaan K-pop – iyo filimada dalkaasi ayaa bilaabay inay ku fidaan dalalka Aasiya. Laakiin tobankii sano ee u dambeeyay, dhaqanka Kuuriyada ayaa si xooggan ugu fiday Yurub iyo Waqooyiga Ameerika. Filimada, musalsallada, suugaanta, naqshadaha dhismaha iyo xitaa cuntada dalkaasi ayaa noqday kuwo si wayn looga xiiseeyo dunida. Tusaalayaasha ugu cadcad waxa ka mid ah filinka Parasite, oo noqday filinkii ugu horreeyay ee aan Maraykan ahayn ee ku guulaysta abaal-marinta ugu sarreysa ee loo yaqaanno Oscar-ka ee filinkii ugu wanaagsanaa. Sidoo kale, musalsalka Squid Game ayaa muddo dheer ahaa filinka ugu daawashada badan ee barta Netflix. Dhanka muusiga, kooxaha caanka ah sida BTS iyo Blackpink ayaa noqday astaamo caalami ah oo matala dhaqanka Kuuriyada iyo kuwa muusigooda loogu iibsi badanyahay.
Waxa xiiso gaar ah leh in suugaanta iyo filimada dalkaasi ay inta badan si adag u dhalliilaan bulshada iyo taariikhda dalka. Qoraallada Han Kang waxa ay ka warramaan dhacdooyin taariikheed oo xanuun badan sida xasuuqii ardayda ee Gwangju Uprising (1980) iyo xasuuqii Jeju Uprising (1948 – 1949). Muddo dheer arrimahan lagama hadli karin xilligii taliskii milatariga ee dalka ka jiray. Filimada sida Parasite iyo musalsallada sida Squid Game ayaa sidoo kale si qoto dheer uga hadlay farqiga dhaqaale iyo kala sarreynta bulshada. Inkastoo ay dhalliilayaan dhibaatooyinka bulshada, dowladdu haddana waxay door firfircoon ka qaadataa suuq-gayntooda caalamiga ah, iyadoo jilayaasha iyo hal-abuurkana ka dhigta safiirro dhaqan.
Mas’uuliyiinta dhaqanka ee dalkaasi waxay ku doodaan in xorriyadda hal-abuurku ay tahay furaha guusha. Dowladda ayaa bixisa taageero dhaqaale iyo fursado, laakiin ma farageliso waxa hal-abuurku ku muujinayo shaqadiisa. Falsafaddan ayaa abuuraysa jawi uu hal-abuurku ku noqon karo mid xor ah, taas oo dhalisa wax-soo-saar dhaqan oo dunidu si wayn u xiiseyso.
Maanta, dhoofinta dhaqanka Kuuriyada Koonfureed waxa ay soo saartaa 12 bilyan oo Doollar sannadkii, iyadoo korodhkeedu u dhexeeyo 10 ilaa 15 boqolkiiba sanad kasta. Si kastaba ha ahaatee, sida ay mas’uuliyiintu sheegaan, faa’iidada ugu weyn ma aha lacagta la helo. Qiimaha dhabta ahi waa in sheekooyinka Kuuriyadani ay gaadhaan dunida oo dhan, taas oo dadka kale ka caawisa inay fahmaan bulshada iyo taariikhda dalka. Ugu dambayn, dhaqanka Kuuriyada Koonfureed ma aha mid ku kooban gees ka mid ah dunida. Waa dhaqan si buuxda ugu dhex jira suuqyada iyo maskaxda caalamka – mid noqday qayb muhiim ah oo ka mid ah dhaqanka caalamiga ah ee qarnigan.