Thursday 15 May 2025
Buugga Ibram X. Kendi ee “how to be antiracist” waa mid ka mid ah buugagga iigu saamaynta badnaa—haddii aanu ka koowaadba ahayn. Waa xusuusqor aad u cajab badan, oo taabanaya sida takoorku bulshada uga dhex jiro uguna dhex faafo. Si ka duwan badanaa qoraayada kale ee arrimahan ka hadla Kendi wuxuu tilmaamayaa in salka iyo seeska ay dhibaatada takoorku ka soo askumantaa tahay siyaasadaha dawladaha iyo afkaarahooda abuura dabaqadaynta bulshada. Kendi wuxuu aad uga soo horjeedaa aragtiyaha qofeed ama bulsho ee ku dooda "anigu ma ahi cunsuri" wuxuuna inna leeyahay ma jirto wax u dhexeeya in aad takoore tahay ama takoordiide, dhammaan dadka sidaas ku doodayana waa munaafiqiin taageeriddooda takoorka caddaysan la' ayuu leeyahay qoraagu. Sidoo kalena waxa uu qoraagu leeyahay waa in qof kasta looga baahan in uu si waxku-ool uga soo horjeesto oo ula dagaalamo takoorka iyo cunsuriyadda.
Qoraagu isaga oo adeegsanaya sheekooyin shakhsi ah, falanqayn taariikheed iyo naqdin bulsheedba, waxa uu soo bandhigayaa dood adag oo ku saabsan; sababta ay tahay keliya in aanad takoorka ka fogaan balse, taas lidkeeda ay tahay inaad la dagaalanto.
Halkan hoosenna waxa aynu ku wadaagi doonnaa qodobadda uu qoraagu u cuskanayo kuna dhisayo doodaha uu buuggan innoogu soo gudbinayo:
Mid ka mid ah waxyabaha ugu waaweyn ee Kendi ku doodayo, kuna soo biiriyay doodaha arrintan ku saabsan ayaa ah, in cunsuriyaddu ay si qotodheer ugu ladhan tahay siyaasadaha kuwaas oo abuura kala sarraynta iyo sinnaan la'aanta bulsheed. Siyaasadaha ayaa saameeya afkaaraha iyo dhaqannada dadka, taas oo ka dhigan in la dagaalanka cunsuriyaddu ay u baahan tahay in isbeddel nidaamsan lagu sameeyo siyaasadaha cunsuriyad-abuurka lagu tilmaami karo, ee aanay keliya u baahnayn wacyigalin shaqsiyadeed ama bulsheed.
Kendi dooddiisan waxa uu dhisaya isaga oo adeegsanaya tusaalayaal taariikhi ah iyo qaar uu ka soo qaadanayo xaaladaha casrigan taagan. Waxa uu muujinayaa sida siyaasado kala duwani ay siyaabo kala duwan u xoojiyeen sinnaan la'aanta isireed ee dhinacyada waxbarashada, caafimaadka, guryaynta iyo caddaaladdaba.
Waxa uu si adag u deedafaynayaa aragtida sheegaysa in cunsuriyaddu ay la xidhiidho keliya anshaxa shaqsiyadeed. Isagu tan beddelkeeda waxa uu tilmaamaya in siyaasadaha cunsuriga ahi ay barbaariyaan aragtiyo cunsuri ah, ee aysan ahayn in aragtiyahaasi inay abuuraan siyaasado cunsuriyadda garab u noqda. Tusaale ahaan kala soocidda bulsheed {social segregation} waxa lagu sharciyeey iyada oo la fulinayo fikirka ah in in dadka madow ay ka hooseeyaan kuwa kale, halka isla fikirkan laftiisu uu ahaa cudurdaar loo samaynayay siyaasadahaa kala sooca ku dhisnaa uun.
Doodaha ugu muranka badan ee Kendi soo bandhigayo ayaa ah in aanay jirin wax la yidhaahdo “anigu ma ihi cunsuri”. Wuxuu ku adkaysanayaa in dadku laba uun mid yihiin, kuwo cunsuriyadda kabaha u sida iyo kuwo isku dayaya inay hilfaha u laabaan, ciddii intaas dhexdooda istaagtaana ay yihiin boodh isku qariyayaal diiddan dabargoynta cunsuriyadda. Qeexitaankani waxa biyadhaciisu yahay in la fahmo in aan la la dagaalamin cunsuriyaddu inay ka dhigan tahay in la taageeray cunsuriyadda lafteeda. Isla marka qofku ku dhawaaqo “anigu ma ihi cunsuri” isaga oo aan la dagaalamayn cunsuriyadda waxa uu taageero u muujiyay sii jiridda nidaamyada iyo afkaaraha cunsuriga ah, cudurdaarkaasna ma aha wax la aqbali karo.
Dadku waa laba uun; kuwo cunsuriyadda kabaha u sida iyo kuwo isku dayaya inay hilfaha u laabaan, ciddii intaas dhexdooda istaagtaana ay yihiin boodh isku qariyayaal diiddan dabargoynta cunsuriyadda. Qeexitaankani waxa biyadhaciisu yahay in la fahmo in aan la la dagaalamin cunsuriyaddu inay ka dhigan tahay in la taageeray cunsuriyadda lafteeda. Isla marka qofku ku dhawaaqo “anigu ma ihi cunsuri” isaga oo aan la dagaalamayn cunsuriyadda waxa uu taageero u muujiyay sii jiridda nidaamyada iyo afkaaraha cunsuriga ah, cudurdaarkaasna ma aha wax la aqbali karo.
Dooddan waxay ay waxba kama jiraan ku tilmaamaysaa fikrad uu Kendi ku tilmaamay in ay qaldan tahay, taas oo ah in cunsuriyaddu ay ku kooban tahay keliya nacayb muuqda. Waxa uu iftiminaya sida dad badan oo damiirkoodu nool yahay oo uu ku jiro isagu markii uu yaraa, ay u haystaan ama u taageeraan afkaaro cunsuri ah, iyaga oo aan garanayn, meesha ay ka soo raaceen, waxna iska waydiin. Waxaanu dhiirrinayaa in la aqoonsado oo la la dagaallamo fikradahani ay tahay tallaabada ugu muhiimsan intaan loo gudbin shaqada dhabta ah ee ah in cunsuriyadda xididdada loo siibo.
Kendi kama dhigayo cunsuriyadda arrin keligii meel taagan, se waxaaba uu u arkaa inay arrimo kale badhi taareen, dhidibadana u sii aaseen. Waxa uu si qotodheer innoogu sheegayaa in cunsuriyadda ay caawiyaan dulmiyo kale sida; kala sarraynta dabaqadeed{(classism), takoorka jinsi (sexism), iyo takoorka ka dhanka ah naafada(ableism).
Wuxuu ku doodayaa in la dagaalanka dhabta ah ee cunsuriyaddu aanu noqon karin mid gaarkiisa u taagan, balse la tixgeliyo dulmiyada kale ee aynu kor ku soo sheegnay. Tusaale ahaan wuxuu falanqaynayaa sida cunsuriyad iyo takoor jinsi isla hal mar ay ugu dhici karaan gabadha madow, si ka duwan ragga madowga ah oo iyagu cunsuriyad uun la kulma, ama sida gabadha naafada madowga ahi ay ula kulanto takoorro iyo tacaddiyo kala sarreeya oo mid walba ay kala siman tahay koox bulshada ka mid ah.
Kendi isla halkan waxa uu dhaliil weyn u hayaa gaashaankana u daruurayaa fikradda ah in horumarka dhaqaale ay si toos ah u baabiin doonto cunsuriyadda, waxa uuna inoo sheegayaa inay abuuri doonto kala sarrayn dabaqadeed taasina ay dhiirrigalinayso oo dhidibbada u sii aasayso cunsuriyaddii hore u jirtay. Kendi mar kale waxa uu innoo sheegayaa in kasta oo dadka qaar qodobkan danbe ee dhaqaalaha ay sal uga dhigaan cunsuriyadda in aanay keliya kaas ku koobnayn ee ay tahay nidaam madax bannaan oo ay tahay in sidiisa loola dagaalaamo.
Waxyaabaha buuggan “how to be antiracist” ka dhigaya mid aad u xiise badan ayaa ah in uu Kendi taariikhdiisa isaga oo innaga tusaya, weliba si geesinnimo leh innoogu sheegaya sidii uu mararka qaar taageeray afkaaro cunsuri ah. Wuxuu dib u xasuusanaya sida waqtiyo dhallinyaranimadiisii ka mid ah uu u rumaysnaa afkaaro cunsuri ah, sidoo kalena u xukumi jiray dadka isaga oo ay dabada ka riixayaan xukunkiisaas aaminaado cunsuriyaysan oo dhanka isirka u badan. Isaga oo adeegsanaya xasuusahaas waxa uu muujinaya siyaabaha ugu fudud ee qofku iskaga dhaqi karo arrimahaas isagu yaraantiisii uu khibradda ka helay.
Sidoo kalena waxa uu buugga ka dhigay mid u qoran hab aad u fudud oo qof walbaa fahmi karo, maadaama aanu isu dhigayn mid aqristaha ka sarreeya balse, uu isu muujinayo mid la mid ah oo laakiin isagu safar dheer oo wax iswaydiin iyo isbeddel ah soo maray. Habkan wuxuu buugga ka dhigay casuumad furan oo loo fidiyay aqristayaasha halkii uu noqon lahaa eedayn toos ah oo ku socota aqristaha. Tani waxa ay ku dhiirrigalinaysaa in aqristayaashu ay dib u eegaan waxna iska waydiiyaan aaminaadahooda, kadibna qaadaan tallaaboyin ay si firfircoon uga mid noqonayaan kuwa la dagaalama cunsuriyadda qaybaheeda kala duwan.
Ibram wuxuu ku doodayaa in qofka madowga ahi uu si la mid ah dadka kale noqon karo cunsuri, kaas oo naftiisa iyo bulshadiisaba cunsuriyayn kara. Wuxuu tilmaamayaa dhawr qodob inay ka qayb qaataan in ay dadka madowgu laftoodu is cunsiriyeeyaan, waxaana ka mid ah qodobadaas.
Cunsuriyadda madowgu la jaalka noqdeen:
Kendi waxa uu sharraxayaa in dadka madow iyaga oo la nool bulsho cunsuriyiin ah, in laga dhaadhicin karo ama qaadan karaan fikrado taban oo ku saabsan naftooda iyo bulshadoodaba. Taas oo u muuqata in qofku aaminay cunsuriyadda lagu la kacayaa inay ka dhalatay dhimmaal dhaqan ama cillado shaqsiyadeed oo madowga u gaar ah, halka ay ahaan lahayd inuu u fahmo inay tahay caddaalad-darro nidaamsan oo lagu la kacay.
Halkan waxa uu ku dhaliilayaa falal ay ku kacaan qaybo bulshada madow, taas oo ah in ay ka fogaadaan dadkooda iyaga oo isu arkaya in ay qaateen siyaasad anshaxwanaag ah {respectability politics} taasoo ah in qofku aamino inay tahay inuu si gaar ah u dhaqmo si uu uga badbaado cunsuriyadda. Waxaanu sheegaya Kendi in habdhaqankani uu xoojinayo sheekada beenabuurka ah ee ah in dadka madow bulshada kale ka hooseeyaan.
Doorka ay madowgu ku leeyihiin taageeridda nidaamyada cunsuriga ah.
Ibram waxa uu ku doodayaa in ay cunsuriyaddu tahay nidaam awood iyo sharciyo leh, ayna tahay in dadka madow ka fogaadaan taageero loo fidiyo nidaamkaas. Dadka madowna mararka qaar waxa ay taageeri karaan siyaasaddo iyaga halis ku ah oo cunsuriyiin ah. Tusaale hoggaamiyayaal madow ahaa oo taariikhda soo maray ayaa ahaa kuwo taageeray siyaasadaha cunsuriyiintu keeneen ee dhigaysa in dadka madow naftooda hagaajiyaan si cunsuriyaddu meesha uga baxdo, taas oo si dadban u tilmaamaysa sidii oo aan markahoreba madow wanaag lagu ogayn.
Buuggani waxa uu ku amaanan yahay, sida uu u yahay mid aqristaha fahanka u soo dhoweynaya, wuxuu si xirfad dheeraad ahi weheliso isugu ladhayaa waaya-aragnimadiisa shaqsiyadeed iyo falanqayn cilmiyeed, taas oo ka dhigan in fikradaha qotada dheer ee buuggu falanqaynayaa fahankoodu soo dhowaado, doodihiisana si qumman oo banyaal ah loo dheehan karo.
Ammaanta kale ee uu leeyahay ayaa ah in ay tahay inuu inna farayo oo uu awooddiisa isugu gaynayo sidii ay dadku ay falka la dagaalanka cunsuriyada ugu dhaqaaqi lahaayeen, halka badanka buugaagta kale ee cunsuriyadda ka hadashaa ay xoogga saaraan baraarujin keliya. Waxaanu boorrinayaa inn si isku mid ah looga soo horjeesto shaqsiyaadka cunsuriyiinta ah iyo nidaamyada siyaasadahoodu cunsruiyadda ku dhisan yihiin.
Buuggan “how to be antiracist” waxa uu qoraagu si maskax furnaan leh uga hadlayaa fahamka cunsuriyadda, waana buug lagama maarmaan u ah cid kasta oo doonaysa inay wax ka ogaato cunsuriyadda. Farriinta u weyn ee Kendi innoogu soo gudbinayaana waa inay cunsuriyaddu tahay wax nidaamsan, lagana guulaysan Karin illaa nidaamsanaan taas hore u dhiganta lagu waajaho mooyi’e.