Skip to main content

Sunday 14 December 2025

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Fan

Sida aan ku noqday fannaan

21 August, 2025
Image
Sida aan ku noqday fannaan
Share
Hiigsigaygu, marnaba ma ahayn in aan noqdo fannaan. Waayo, waxa aan u haysatay in fannaanimadu tahay sidii adiga oo noqda hoggaamiye. Waxa aan u haystay wax loo dhasho. Waxa aan u haystay in fannaanimadu tahay wax aadan is ka noqon karin galin gudihii, oo marnaba ma aan hawaysan.

In kaste oo fanku sida u dhabsan u suurayneyn dhabnimada noloshii aan ku soo qaatay yaraantaydii Soomaaliya, gaar ahaan Muqdhisho, haddana runtii hammigaygu waxa uu ahaa in aan noqdo dhakhtar indho. Qoyskaygu ma lahayn cid dhakhtar ah. Sida qoyskaygu ii ga warramayna, aabbahay waxa uu ahaa shaqaale xukuumadeed, waxaanu u soo guuray Niyuu Yook. Sababta ku riixday in uu soo guuro magaaladan waa arrin ay ku guul darraysteen in ay ii sharraxaan abwaannada soo maray noloshayda. Hooyaday, waxa hooyannimada u dheerayd: in  ay dhalan ahaan u ahayd abwaanad. Aabbaheedna sidoo kale waxa uu ahaa abwaan buunni ah, oo dadka oo dhammi wada jeclaayeen, oo waxa ay ku naanaysi jireen ‘Axyaa Waddani,’ oo micne ahaan noqonaysa “ruuxda waddanka,” ama “hiraalka waddanka,” ama “jawharadda waddanka.”

Ma aqaan, xoogaa waxa aad yara mooddaa kolka aad Soomaali u beddelayso Ingiriisi, sidii adiga oo qof qaraweyn dhar ka yar ku jufaya. Waa in aad eray kasta sii ballaadhiso macnihiisa, si loo fahmo.

Aniga oo toddaba jir ah, ayaa aannu u raacnay ayeeyo dhakhtar indho oo ay ballan la lahayd anigu iyo hooyaday. Araggeedu sida dalkii ayaa uu soo daciifayay muddadiiba.

Si wacan ayaa aan u xasuustaa kolkii uu soo galay dhakhtarku. Ma illaawo koodhkii caddaa, qalinkii dhegaha dabadooda u saarnaa ee afkiisu ku soo mudhayay dhakada waayo timuhu cufnaayeen se iminka sii bidaaroobaysa. Dushiisa iyo dheehisa waxaa ka muuqday karaamo aan dheelliyin weligeed. In ay hooyo u aragto dhakhtarka sida uu ii la muuqdo, ayaa aan laabta ka jeclaaday. Waayo, hammigaygu waxa uu noqday jeertaas, in aan noqdo isaga oo kale.

Si dhibirsan ayaa uu u shaybaadhay indhaha tabarta daran ee ayeeyaday—isaga oo adeegsanaya toosh yar oo iftiin ka bidhiiqayo. Dabadeeto waa uu yara sarajoogsaday, oo uu cod quus ah u gu sheegay qof indhihiisu wax walba shaahid u soo ahaayeen:  “Waa ka xumahay, waxba ka ma qaban karo. Waa gabow iyo caadadiis.”

Waa aan xasuustaa sidii uu hadalkaasi filanwaaga ii gu noqday. Waxa aan moodayay, haddii aan sidiisa oo kale aan noqdo, dhakhtar ku jeenaqaaran koodhkaas cad, in aan lee yahay awoodda aan wax u ga qaban karo indhaha ayeeyaday. Halmar ayaa uu i mirtay dareen KHASAB ii ga dhigaya in aan sidiisa oo kale aan noqdo. Waxa aan yaqiinsaday jeertaas, in fanku uu san waxba u ga duwanayn dhakhtarnimada. Fannaanimaduna ma ahayn wax aan u baahnaa ee  waxa ay ahayd WAX AY TAHAY in aan noqdo. 

Fanku inta uu yahay wax lagu raaxaysto waxaa ka badan inta uu yahay daawo.

Kuray reer Toronto ah ayaa aan ahaa kolkii u horraysay ee dareenkaasi i mirtay: buufis daran oo aan ka qabo in aan waasho. Horta, ma og tahay, in Soomaalidu aanay aqoon sida loo ga faa’idaysto fankan la yidhaa ‘kasmanafeedda,’ oo ay ka dhaxayso in aad waalato ama aad bedqabto.  Sidaas daraaddeed, iyo maaddaama oo aanan lahayn saaxiibbo Kanadiis ah, ma haysan cid ii sharraxda buufiskan kadisada ah, qulubkan iyo hurdaxumada aan la ildaranahay waxa ii sababay.

Waa aan xasuustaa wixii aan isugu sheekayn jiray kolkaas oo kale. Dabcan waxa aan ka soo qaxay dagaal, oo dhaawac ka ma bedqabo. Dabcan, waxa aan imid dal cusub, oo xataa haddii aadan waxba ka dhex qabsan aadan ku dhex qadayn. Dabcan, ku ma dhexnoolaanaysid dal sidan oo kale ah adiga oo aan si uun la guu cashuurin. Dabcan, waa in ay masiibo ku gu dhacdo, si aad u dareento barwaaqadan aad dhex joogto.

Ilaahow inna astur. Iminka ma waxa aan ka la doortaa waalli iyo nabad.

Waa aan xasuustaa sidii aan waxaas uga fekeri jiray inta aan qolka fadhiga kaduudsado; ee belo cirkaas ila gasho, marna i gaafwareejiso qolka, oo i gu masabiddo furitaanka daaqadaha qolka, kolka aan qabow nafta u ga yaabona, i garansiisa xidhista daaqadaha.

Se galab aniga oo boodka qubayska dhex jiifa oo feedhaqaawan, ayaa aan go’aansaday in aan cid la wadaago dhibaatadan i haysata. Hooyo waxa ay i tiri waxa aad goobayso Qur’aanka ayaa kuu haya. Halcelintaydu waxa ay ahayd “Qur’aanku saw inna ma odhan caawimo wayddiista ciddii garasho u leh furdaamintiinna?”

Sidii ayaa aannu yeelnay. Dhakhtarba dhakhtar kale, ayaa aannu uga gudubnay. Shaybaadhba shaybaadhka kale ayaa uu innoo sii takhaantukhiyay. Dhakhtar kastaa iyo shaybaadh kastaa waxa uu sheegaa uun in aan caafimaadqabo. Mararka qaar aniga ayaaba is ku yaxyaxaa kolka ay dhakhaatiirtu ii sharraxayaan sida wanaagsan ee aan u caafimaadqabo.

Hal mid se is ma beddelin; illintayda is ka qulqulaysa iyo codadka madaxayga ka guuxaya ee i ga ba  codkarsan isma beddelin. Waxa aad mooddaa in jiraalku ii awoodsheeganayo. Waxa aad mooddaa in qorraxdu keligay i hayso.

Dabadeed dantu waxa ay kalliftay in aan afkayga haysto, oo aan juuqba odhan. Kolkaas ayaa ay haddana noloshii noqon weyday nolol la noolaan karo.

Muddadaas waxa aan  isu haystay in aan lee yahay hibo faneed. Xoogaa yar oo gabay ah waa aan is ka gororin jiray kolka aan u baahdo. Ciyaalka xaafaddu waxa ay ii haysteen in aan raab tirin karo. Kolka aannu saaxiibbaday u tamashle-tagno mool, anigu waqtigayga inta badan waxa aan ku qaadan jiray Raadyow Shaak, oo sida aan u tumayo agabyadooda muusigga ee iibka u yaal  ayaa ay i soo caydhin jireen—maaddaama oo aanan iibsan karin.

Heestaydii koowaad waxa aan qoray aniga oo xaaladdaas ku jira. Waa aan xasuustaa magacii heestaas, oo waxa aan u baxshay “Codadka Ka Guuxaya Madaxayga.” Waxa aan qoray aniga oo ku jira xaalad daran oo walbahaar ah. Kolkaas waxaa i soo gaadhay war sheegaya: yar Soomaali ah oo saaxiibbadayda Toronto ah, in uu is ka tuuray dhisme dheer oo aan degganaan jirnay. Goortaas Waxa uu ahaa labaataneeyo jir. Hees kale ayaa aan qoray, oo aan duubay intii aan u sii socday qaybta la gu la tacaalo xaaladaha degdegga ah, oo heestaas waxa aan u baxshay “Barbilowgii.”   Waxa ay ahayd dhacdo weyn oo aan ku mergaday.

Runtii, noloshayda oo dhammi waxa ay ahayd hees laxankeedu la gunuusayo murugo. 

Laakiin, keenadiidnimo ayaa ay i ga tahay in aan beddelo laxankaas, si noloshaydu u yeelato habdhac abuuraya niyaayiro.

Hadda halkee wax ii marayaan? Waxa aan filayaa in ay ku saxan yihiin sida ay ii qeexaan iminka, ee ah: in aan hawada heehaabayo. Sababta oo ah dhawaan ayaa ay ahayd kolkii heesahayga qulubku hagaasiyay la gu sharfay laba billadood oo ka dhan ah Juuno Awaadhis.   Qoraalkanna waxa aan qorayaa aniga oo saaran diyaarad ka soo cagadhiganaysa Shiinaha—halkaas oo aan ka soo qaybgalay bandhigga caalamiga ah ee Ekesboo. Se waxa ay u muuqataa in uu soo foollee yahay isu dheellitirkii barwaaqada iyo masiibada. Sababta oo ah Soomaaliya maanta waxa ay ku sugan tahay marxaladdeedii u xumayd ee ay abid ku sugnaato. Marxalad ka liidata tii i ga soo qixisay. In kasta oo dhabbada noloshaydu iminka ay dayactiran tahay, oo aan gaadhay guulo xusid mudan, haddana caaddifad ahaan guushaas waxaa ii gu lammaan murugo. Taasina, malaha, waxa ay ka dhigan tahay: heeso kale oo badan oo aan curiyo.

Yaraantaydii waxa aan jeclaa in aan noqdo dhakhtar indho, ma ayse dhicin. Se mar kasta waxa aan rajaynayaa, in muusiggaygu dabiibo il ama indho. Kolley waxa aan ahay waddan is ku dedaya muuq qof.

Waxaa laga soo tarjumay halkan, waxaana soo turjumay Maxamed Shariif.