Skip to main content

Friday 12 December 2025

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Aragti

Shukri Baandare “ Qoriga dhig oo qalinka qaado”

19 August, 2025
Image
Shukri Baandare “ Qoriga dhig oo qalinka qaado”
Share

Waxbarashadu waa meelaha ugu muhiimsan ee ummad laga dhiso, sidoo kalena laga baabi’iyo. Kolkii ay duntay dawladdii dhexe ee Soomaaliya, bilowdeenna dagaalladii sokeeyo ee dalku, waxa uu burbur baaxad leh soo gaaray nidaamkii waxbarashada dalka. Sidoo kale, waxaa mustaqbalkoodu mugdi galay carruurtii soo kacaamaysay xilliyadaa. Xaaladdaa adag iyada oo lagu jiro, ayaa ay dad fara-ku-tiris ahi u kaceen sidii ay wax uga qaban lahaayeen dhibta jirta, gacanna uga gaysan lahaayeen dib u soo celinta waxbarashada, caafimaadka iyo deegaanka.

Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, oo ka mid ah dadkaasi, waxa ay ku dhalatay oo ku kortay magaalada Hargaysa. Waxaa la dhashay hablo toddoba ah oo dhammantood ah hablo waxbartay, waxaana suuraglisay, Alle ka sokow, in uu dhalay Xaaji Ismaaciil Baandare oo ahaa nin waxbartay, sidoo kalena aad u aaminsanaa in dumarka wax la baro, xaaskiisana kula dardaarmay in aan waxbarasho laga joojin gabar uu dhalay. Waxbarashadeeda hoose, waxa ay Shukri ka bilowday isla magaalada Hargaysa, kolkii ay dhammaysayna waxa ay uga gudubtay Iskuulka Hablaha ee Burco, iyada oo ka mid noqotay hablaha fursadda u helay in ay ku biiraan iskuulkaas kuna baasay imtixaanka galitaanka. Iskuulka Hablaha ee Burco waxa uu ahaa xerays (jiif leh) ay dhigtaan hablaha oo kaliya, waxaana Burco ka hirgaliyay gumeystihii Ingiriiska, ardayda dhigatana waxa ay ka kala iman jireen gobolladii uu markaa u qaybsanaa Biritish Soomaalilaan. Shukri, oo ka warraymaysa iskuulkan, waxa ay tidhi: “Waxaan ka mid ahaa hablihii laga soo kexeeyay Hargaysa ee la keenay Iskuulka Burco, waxa uu iskuulku ahaa xerays aad iyo aad u qiima badan oo hablaha la iskaga keenayay gobollada. Waxa ay ahayd meel wanaagsan oo aad wax ku baran karto, daryeelkeeduna aad ayaa uu u qiima sarreeyay oo dadka ka shaqeynayay ayaa hooyooyin noo ahaa.”

Kolkii ay Shukri dhammaysatay waxbarashada dugsiga ee Burco, sannadku markii uu ahaa 1964-tii, waxa ay u wareegtay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, halkaas ayaa ay ka bilowday barashada aqoonta Kalkaalisanimada, waxa ayna ka mid ahayd arday ay ha’ayadda UNICEF siisay fursad waxbarasho. Saddex sanno ayaa ay diyaarinaysay maaddadan, waxaana macalimiinteeda ka mid ahayd Dr. Edna Aadan oo qayb ka noqotay in Shukri iyo hablo badan, oo caafimaadka baranayay, ay dhammaystaan. Ka sokow kalkaalisanimada, waxa ay Shukri ku qaadatay Xamar xirfadda umulisanimada oo ku lammaanayd kalkaalisanimada. Markii ay ka qalinjabisay waxbarashada kalkaalisanimo, hore ayaa ay ka shaqa gashay, waxaana shaqo ahaan loogu diray magaalada Burco. Dabadeed, waxa ay isu martay xannaanooyin lagu daryeelo Hooyada iyo dhallaanka oo  ku yaalla Hargaysa iyo cisbitaalka Digfeer ee Muqdisho. Muddo iyada oo caasimadda ka shaqaysa ayaa ay qaar ka mid ah qoyskeeda oo soo xajinayay u raacday dalka Sucuudiga. Halkaas kolkii ay tageen ayaa mid ka mid ah adeeradeed ku taliyay in aanay noqon ee ay Sucuudiga ka shaqo bilowdo.

Sucuudiga ayaa ay degtay oo ka shaqa bilowday, sidoo kalena ku aqalgashay. Shukri waxa ay nolosha la wadaagtay diblomaasi Xuseen Axmed Nuur, taas oo keentay in ay u guurguuraan, hadba meeshii loo beddelo Xuseen Axmed Nuur. Dalalka ay mareenna waxaa ka mid ahaa Yaman, Hindiya iyo Sucuudiga oo dhawr jeer lagu celceliyay, waxa ayna ku danbeeyeen dalka Imaaraatka Carabta. 1981-dii ayaa uu Xuseen ka mid noqday diblumaasiyiin badan oo dalka dib loogu soo celiyay, isla waqtigaas ayaanu iscasilay oo ay isaga iyo Shukri dib ugu laabteen dalka Imaaraatka Carabta, labadoodubana dalkaas ayaa ay shaqo ka bilaabeen.

Sannadkii1988-dii, markii ay dagaalladu ka bilowdeen Waqooyiga Soomaaliya oo uu soo dhawaaday burburkii dawladdii dhexe ee Soomaaliya, waxa ay Shukri ka mid noqotay dadkii qaxootiga ahaa ee u qaxay dalka Maraykanka, waxa ayna dhibaatooyin iyo cadaadis kala kulmeen, iyada iyo qoyskeedu, Imaaraatka oo ay ku sugnayd, cadaadiskaas oo la socday illaa Maraykanka oo ah meesha ay u qaxday. Cadaadisyadaa waxaa u waynaa in safaaradaha Soomaaliya ay ku eedayn jireen in ay dhaqaale siiyaan jabhaddii SNM.

Xilli ay dawladnimadii burburtay, jabhadihii ka dagaalamayey dalkuna ay gacanta ku dhigeen maamulkii. Xilli ay bilaabmeen dagaalladii sokeeye iyo abaaro, dadka ku sugan gudaha Soomaaliyana ay sinmeen, darajo kasta oo ay lahaayeen, kolka laga reebo qofka hubaysan oo, isagu, haystay awood uu cid walba ku dili karo, balse nolosha rafaadka ah kula jira ummadda. Xilli uu qof walba oo Soomaali ah oo dalka jooga ku fekerayo in uu dalka ka baxo, badankoodna aanay doonis ka ahayn, se ay u ahayd jidka keliya ee u furan. Waqtigaas ayaa ay Shukri dib ugu soo noqotay Hargaysa. Go’aanka soo-guryo-noqodkeena waxaa riixaysay hooyadeed oo ku sugnayd Kanada, boholyowna u qabtay dalka, iyada oo filanaysay in ay wax badan isbeddeleen, kaddib gooni isutaaggii ay ku dhawaaqeen SNM ee Soomaalilaan.

Sannadkii1993 ayaa ay ka soo degtay Kalabaydh, iyada oo wadda hooyadeed, kuna soo hoyatay Hargaysa oo aan ahayn meeshii ay taqaanay. Waxa ay la kulantay guryohoodii oo burburay iyo beerihii ay taqaanay oo tirtirmay.

Sida aynu ku aragnay sooyaalka waxbarasho ee Shukri, waxa ay ahayd qof ku dhex jirta caafimaadka, kolkii ay soo noqotayna waxa ay bilowday in ay ka shaqayso arrimaha waxbarashada ee Soomaalilaan. Iyada oo ka waramaysa sida ay ku timi, waxa ay tidhi: “Ra’yi ayaa ay ku timi arrinta waxbarashadu, inan aan walaalo nahay, Alle ha u naxatiisto e,  oo macallimad ahayd, ayuunbaa waqti kasta i oran jirtay, ka hor inta aanan waddanka iman ani iyo hooyo: ‘Shukriyeey waddankii waa uu isbeddelay, waatan dagaallada laga soo noqday, goonina la isu taagay, waxbarashadiina dhaawac badan baa gaadhay, bal marka aad tagto warbixin iiga keen aan eegno sidii waxbarashada loo soo celin lahaa e.’ Markaa Faadimo Baandare, walaashay, ayaa ra’yigaa lahayd, aniguna waxa aan idhi hagaag, sababta oo ah anigu ma aanan ahayn dhanka waxbarasha oo caafimaad ayaan ka soo baxay, kolkaas ayaan aragtideedii ku daray caafimaadka.”

Safarkii koowaad ee 1993-kii ayaa ay Shukri ku timi Hargaysa. Waxa ay samaysay qiimayn guud oo ku saabsan xaaladda dalka iyo saamaynta ay keeneen dagaalladii soo bilaabmay 1988-kii, si gaar ahna waxa ay xoogga saaraysay arrimaha waxbarashada iyo caafimaadka. Iyada oo aan weli u guda galin wax ka qabadka dhibta ay aragtay ayaa ay bilaabmeen dagaallo sokeeye oo Soomaalilaan ka qarxay 1994-kii, taas oo dedaalkooda dib u sii ridday wax ku dhow laba sanno.

Dhammaadkii 1995-kii ayaa la yagleelay ha’ayadda Candlelight, waxaana aasaaskeeda lahaa samafalayaal ay u horrayso Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare oo doonaysa in ay qabyatirto dareenkeedii isbeddelka ee ka soo bilaabmay safarkeedii 1993-kii ay kaga timi Maraykanka. “Magacyo dhawr ah ayaa lagu taliyay, aakhirkiina waxa aan qaadannay Candlelight. Maxay ka dhigan tahay? Marka aad meel madow soo gasho sow laydh [iftiin] uma baahanaysid? Aqoontuna waa laydh, waa iftiin. Markaa, iftiinkaa in aynu dib u soo celino ayaynu u baahan nahay.” Ayaa ay tidhi Shukri oo ka warramaysa aasaaska Candlelight. “Soomaalilaandaris aan garanayo oo illaa labaataneeyo qof ah ayaan lacag ka soo ururiyay, dalal dhawr ah oo Qadar ku jirto ayaan tagay. Lacag ururintaa yar oo aan samaynay ayaan shaqada ku bilownay.” Hawshaa markii ay soo qabatay Shukri, ayaa ay dalka dib ugu soo laabatay, waxa ay ahayd xilli kale oo xun oo dagaallo sokeeye dheceen, dadkuna ay u kala qaxeen deegaannadooda hoose. Hargaysa, iyada, waxaa gacanta ku haysay dawladda oo xogaa iskuullo ah ayaa ka jiray, laakiin, deegaannadii ay dadku ku qaxeen ayaa sagxadda ahaa, waxaana ka mid ahayd Oodwayne oo ay, markaa, Shukri u fududayd tagisteedu, halkaas ayaa ay shaqadii koowaad ee soocelinta rejada waxbarashada ka bilaabeen, iyada oo shaqadaa xusaysa ayaa ay Shukri tidhi, “Halkaas ayaannu laydhkii u horreeyay ka shidnay.”

Caqabado dhawr ah ayaa soo wajahay, inta ay shaqadan ku jireen Shukri iyo kooxdeeduba, iyada oo ka warramaysa baaxadda shaqada iyo caqabadaha jiray waxa ay tidhi, “Horta arrimaha bulshada rayidka ahi ma hawl yara, dadku waxa ay moodayaan wax fudud. Marka ugu horraysa, waxa aad beddelaysa hab-fekerka dadka, dad caqligoodii iyo waxoodii oo dhan baad beddelaysaa oo aad doonaysaa in aad dhahdo, habkaa iyo habkaasi ma hagaagsanaa ee kan iyo kaas qaata. Markaa halkudhigayagu annaga waxa uu ahaa “qoriga dhiga oo qalinka qaata”  kolka aad qofka ku lee dahay qoriga dhig oo qalinkan qaado wuu kula yaabayaa oo aad hadalka ugu darayso, waxba aduu ha bixin ee kaliya qalinka qaado oo waxbaro, naftaada uun keen, haddii aadan keenayna ilmahaaga keen.” Sida ay Shukri sheegtay, waa la la yaabay bilowgii, odayaashiina waxa ay la amakaageen gabadha la timi qalinka iyada oo lagu jiro dagaal sokeeyo, dadka qaarna ayba ku lahaayeen, ma shaqo kale ayay wayday gabadhani.

Sidoo kale, waxaa jiray weeraro ay la kulantay Sukri intii ay wadday shaqada furitaanka iskuulka Oodwayne, oo ay iyadu dammaanad qaadday wax walba oo ku baxaya iskuulka, bilowga shaqadanna dhaqaalaha ay hawlaha ku wadeen waxa bixinayey muwaadiniin reer Soomaalilaan ah, markii danbena waxa ay barteen ha’ayado arrimahan ka shaqeeya oo ka caawiyay. Ha’ayadahaa waxaa ka mid ahayd UNICEF oo iyadu haysay qalab badan oo loogu talagalay waxbarashada kuwaas oo wayday meel ay mariyaan, kooxda Shukrina ay u noqotay waddo ay gargaarka ku gaarsiiyaan cidda mudan.

Laga soo bilaabo iskuulka Oodwayne, waxa ay Candlelight hirgalisay iskuullo aad u badan oo ku kala yaalla Sanaag illaa Awdal, waxa kale oo mid ah kuwo ku yaalla Ceerigaabo iyo Burco oo iyagu ku shaqeeya magaca ha’ayadda. Iskuullo badan ayay dhiseen iyaga oo kaashanaya deeqbixiyayaasha gudaha iyo kuwa caalamka, waxa ayna dayactireen kuwa aad u tirabadan. Inta ay shaqadaa hayeenna waxaa dhinac socday shaqooyin badan oo ay ka mid tahay caafimaadka iyo deegaanka.

1997-kii oo ahayd xilli ay soo noqotay nabaddu ayay ha’ayadda Candlelight qorshayaasheeda ku soo dartay arrimaha deegaanka. Waxaa hormuud u ahaa Axmed Ibraahin Cawaale oo juhdi badan galiyay arrimaha deegaanka. Shurki oo ka waramaysa dedaalka Axmed ayaa tidhi, “Axmed, bilawgii waa uu iga dhaadhicin kari waayay deegaanka aan lacag ku bixinno iyo deegaanka ayaynu ilaalinaynaa”. Marar ka danbaysay ayaan dhawr jeer wax ka wayddiiyay dhir la jaray, kolkaas ayuu iigu jawaabaa ‘waa wixii aan ku idhi waan ilaalinaynaa’. Hadalkan waxa uu tusinayaa heerka dedaal ee ay wadagaliyeen in dadka laga dhaadhiciyo ilaalinta deegaanka ayna aqbalaan in ay wax ku bixiyaan. Iyada oo Shukri ka sheekaynaysa meesha ay aadka ugu baraarugtay in deegaanku ilaalin u baahan yahay ayaa tilmaamtay shir lagu qabtay magaalada Buraan ee gobolka Sanaag oo ay ku kulmeen dad ka kala socda dalal badan ayna u mudanaayeen shabakad Soomaali ah oo ay Candlelight iyo ha’ayadda ADESO oo iyadu martigalisay shirka ka wada tirsanaayeen, shirkaasna looga hadlayay arrimaha deegaanka.

Kolkii danbe, Shukri waxa ay ka mid noqotay dadka aadka ugu fara dhuudhuuban u doodistta iyo ilaalinta deegaanka, waxaana sababay in ay bilowgiiba qoyskoodu ahaayeen beeralay, iyaduna ay ku soo barbaartay beertooda ayna dareemi karto qiimaha uu u lee yahay ilaalinteeda. Shaqooyin badan ayaa ay ka qabteen deegaanka oo ay u waynayd wacyigalintu oo aan ahayn wax la dhayalsan karo, sidoo kale, waxa aan ka xusi karnaa shaqada ay ka qabteen buurta Gacan Libaax oo ay dib u dayactireen. Shukri, kaliya kuma aysan koobnayn Soomaalilaan, waxa ayna ka mid ahayd shabakado dhawr ah oo ay ka mid ahayd RMSN (Resource Management Somali Network) oo ay Soomaalida kale kula wadaagi jireen khibradohooda, iyaguna ka heli jireen, waxa ay marar kala duwanna martigaliyeen shirar ka dhacay Hargaysa. Sidoo kale, waxaa xusid mudan in haayadda Candlelight oo bilowgii xooga saaraysay arrimaha waxbarashada iyo caafimaadka ay markii danbe deegaanka ka dhigeen muhiimaddooda koowaad, maadaama uu yaraa haayadaha kale ee dedaalka ku bixiya arrimaha deegaanka.

Arrimaha bulshada marka laga yimaado waxa ay mar danbe Shukri ku biirtay dhanka siyaasadda. Waxa ay qayb ka ahayd ururro ay samaysteen haween, taas oo loogu doodayay sidii ay haweenku ooga soo muuqan lahaayeen siyaasadda iyo meelaha go’aanka lagu gaaro. Muddo ka dib, waxaa loo magcaabay xubin ka mid ah Guddiga Doorashooyinka Soomaalilaan. Waxa quruxda badan ayaa ah in Shukri ay bilowgii diiday xilkaa loo magcaabay iyada oo ku salaynaysa in aanay wax khibrad ah u lahayn, iyada oo ka waramaysana waxa ay tidhi, “Cabdiqaadir Jirde ayaan ka diiday in aan komishanka galo anoo ku andocoonaya in aanan khibrad u lahayn, Cabdiqaadirna waxa uu igu yidhi, ‘kursigaa aad diidayso waa kursi dumar, haddii aad ka tagto ragbaa ku fadhiisanaya’ markaas ayaan ku fadhiistay oo ogolaaday anoo haweenka matalaya.” Waxa ay ina tusinaysaa sida ay uga fekeraysay masuuliyadda ay qaadayso, markii danbe ee loo sheegay in ay haweenka wax ka dayacaysona ay masuuliyaadaas u xejisay. Kolka xilkaa laga yimaado, waxaa Shukri loo magcaabay wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Soomaalilaan, waxa ayna ahayd qof garanaya waxa ay qabandoonto, maaddaama ay muddo ku soo jirtay shaqadan. Waxa ay hirgalisay awoodo lagu ilaalinayo deegaanka, waxa ayna sii laballaabtay wacyigelinta ku aadan ilaalinta deegaanka, sidoo kalena waxa ay hirgalisay fududaynta iyo helidda wax lagu beddelan karo dhuxusha oo uu ka mid tahay helitaaka gaas jaban. Wasaaraddan Deegaanka waxa loo magcaabay sannadkii 2013-kii oo ahayd xilligii uu Soomaalilaan madaxweynaha ka ahaa Axmed Maxammed Maxamuud Siilaanyo, waa ayna la dhammaysatay muddo xileedkiisii, waxaana markale magcaabay madaxweynihii Siilaanyo ku xigay, Muuse Biixi Cabdi, oo ay isagana la dhammaysatay muddo xileedkiisii

Shukri waa u dhaqdhaqaaqe bulsho oo wax badan ka qabatay arrimaha bini’aadantinimada, waxbarashada iyo caafimaadka, sidoo kale waa hooyo, deegaanjire iyo siyaasi. Waxa ay marar badan wax ka qortay arrimaha deegaanka, waxa ayna hadda gacanta ku haysaa buug ay ka qorayso waayihii nolosheeda.

FG: Maqaalkan waxaa tixraac u ah waraysi aan la yeeshay Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare taariikhdu markay ahayd Abriil 6, 2025. Waxa aan waraysiga kaga qaaday xafiiska Candlelight ee ku yaalla magaalada Hargaysa.