Skip to main content

Saturday 7 March 2026

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Wacaal

Shirka Midawga Afrika oo Addisababa ka Furmay xilli ay Kacsanyihiin Xiisado Siyaasadeed

14 February, 2026
Image
بين طموحات التكامل وصراعات الداخل.. القمة الأفريقية تبحث عن دور قاري جديد
Share

Magaalo madaxeedka Itoobiya ee Addis Ababa waxa ka furmay shirkii 39-aad ee Midawga Afrika. Shir-madaxeedkan ayaa ku soo beegmaya xilli meelo badan oo qaaradda ka mid ah ay ka jiraan isku dhacyo hubeysan, dagaallo sokeeye, islamarkaana ay sii kordhayaan dhibaatooyinka bani’aadannimo iyo barakaca dadweynaha ee ka dhashay duruufahan. Intaas uun ma aha ee sidoo kale, dalalka qaar ayaa wajahaya kala-guur siyaasadeed iyo xiisado gudahaha ah. Waxa intaas dheer caqabadaha dhaqaale ee caalamiga ah oo cirka ku sii shareeray sicir bararka.

Sababtan awgeed, shirku wuxuu martigeliyay dood wax ku ool ah oo cinwaankeedu ahaa “Doorka ay waaxda gaarka loo leeyahay ka qaadan karto Hirgelinta Ajandaha Afrika ee 2063,” waxaana dooddan dhexdeeda lagu lafo guray caqabadaha jira iyo sidii loogu rogi lahaa fursado iyo horumar waara oo la xidhiidha dhinacyada warshadaha iyo is dhexgalka dhaqaale ee waddamada Qaaradda.

Intii lagu guda jiray shirka Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Maxamuud Cali Yuusuf ayaa caddeeyay in Qaaraddu ayna ku sii jiri karin xaaladda dhaqaale ee ay hadda ku sugantahay taas oo ah dhoofinta khayraadka qaydhin iyo soo dajinta badeecadaha, waxaanu xusay in Afrika oo ay ku nool yihiin ku dhawaad 1.4 bilyan oo qof, isla markaana leh qiyaastii 30% macdanta muhiimka ah ee dunida, ay tahli karto xaqiijinta isbeddel warshadeed oo dhab ah, haddii la helo rabitaan siyaasadeed iyo iskaashi wax ku ool ah oo lala yeesho ganacsatada gaarka loo leeyahay.

Dhanka kale, waxa jira ballan qaadyo uu jeediyey Midawgu kuwaas oo la xidhiidha dhaqaalaha sida hoos u dhigista cashuuraha dabarka ku noqda ganacsiga, waxaanu carrabka ku adkeeyey in uu bilaabi doono qorshe Istaraatiijiyadeed oo wada hadal lagu la galayo Ganacsata waaweyn ee Qaaradda.

Ugu danbeyn Shirkan ayaa furmay xilli ay qaaradda ka jiraan duruufo iyo xiisado siyaasadeed oo isbeddel badan, kuwaas oo Midawga ku ah hal xidhaale isla markaas na uga baahan furdaamin.