Friday 12 December 2025
Shiiriin waxa uu Geesku ka waraystay buuggeeda “Far from Mogadishu” oo ah xusuusqor ay kaga hadlayso waayihii Muqdisho ee dahabiga ahaa, socdaalkii ay Talyaaniga ku tagtay iyo weliba burburkii iyo qaran jabkii Soomaaliya. Qoraa Nuuraddiin Faarax wuxuu ku doodayaa in buuggani tusaale fiican u noqday qaabka Soomaalida qurbaha ku nool gaar ahaan Shiiriin ay u dhaliyeen dood caalami ah oo muujineysa sida warbaahinta dunida ay u hilmaameen oo aysan u soo bandhigin wararkii ku saabsanaa burburkii Soomaaliya, taariikh ahaanna uga tageen in ay wax ka qoraan wixii dhacay xilligii 1993-kii, iyo hawlgalkii rejo-soo-celinta Soomaaliya. Waxa uu sidoo kale Nuuraddiin u qiray in ay Shiiriin tahay qoraagii ugu horreeyay ee wax ka qora dagaalkii sokeeye ee Soomaaliya iyada oo ku eegeysa indho Soomaaliyeed.
Waraysigan waxay Shiiriin kaga hadashay waxa ku kallifay in ay qorto buuggan, xusuusteeda ku aaddan waayihii Xamar ee wacnaa, qaran jabkii iyo burburkii dawladdii dhexe, nolosha dibadmeernimada ah iyo raadka ay kaga tagtay soomaalidii qaxday. Sidoo kale waxay ka warrantay rejadeeda ku aaddan mustaqbalka iyo dib u soo kabashada Soomaaliya.
Shiiriin Ramzanali: Sannadkii 1991-kii markii uu bilaabmay dagaalkii sokeeye ee Soomaaliya, ma rumeysan karin waxa warbaahinta laga soo werinayay oo dagaal iyo burbur ah xitaa sidaas si la mid ah dadkii magaalada ku noolaa waqtigaas laf ahaantooda waxa ay filayeen in dagaalka iyo colaaddii socotay aysan ka badnaan doonin muddo laba asbuuc ah kaddibna wax walba ay qaabkoodii hore ku soo noqon doonaan, balse dagaalkii waa uu sii kordhay mana joogsan burburkii dalka ka socday. Inkasta oo Talyaanigu yahay gumeyste saameyn fog ku leh Soomaaliya wax badanna ka og, haddana dedaal badan ma uu san gelinin in uu warbixin waafi ah oo dhamaystiran dhabna ah dhinac kastana leh ka soo tebiyo waxa magaalada Muqdisho ka socda iyo si guud dalkii Soomaaliyeed. Warbaahinta iyo qoraayada caalamiga ahna waxa ay ka faafinayeen Soomaaliya sawirkaas burburka iyo qaxarka ah oo keliya, sidaasna waxaa lagu illaaway Soomaaliyadii nabadda, wada noolaanshiyaha iyo wanaagga lagu yaqiinnay. Aniga, ma rabin wayna igu adkayd in maskaxdeydu aqbasho magaaladeydii oo sawirka taban ee dagaalka ah oo keliya laga faafinayo oo tusaale ahaan loogu soo qaato keliya qaxa, boobka, kufsiga iyo dilalka, maxaa yeelay magaaladii aan ka soo tagay weji kale oo arrimahaas liddi ku ah ayay lahaan jirtay oo waxa ay ahayd magaalo dadkeedu is jeclaa, is ixtiraamayeen oo nabad ku wadanoolaa ; sidaas awgeed maadaama aanan siyaasi ahayn ama aanan lahayn awood aan ku joojiyo waxa dalkayga ka socda ayaan go’aansaday inaan waraaq ku qoro oohinteyda qalinkana u qaato oo aan soo tebiyo xusuusihii iyo waayihii wacnaa ee dalka soo maray, sababtaas ayuuna buuggan ku dhashay.
SR: Muqdisho waxa ay ahayd waqtigaas magaalo ay wada degganaayeen oo ay ku wada noolaayeen dadyow fara badan oo kala isir ah sida Soomaali, Carab, Yamani, Talyaani, Hindi, Bakistaani iyo weliba tiro kooban oo Yuhuud ah.
Annaga qabiil iyo reero hoose iskuma kala sooci jirin, qabiilkeenna waxa uu ku salaysnaa derisnimada oo dadku waxa ay isku aqoonsan jireen xaafadahaas kala duwan ay degganaayeen oo kuwaas ayaa booskii reeraha ku jiray oo waxaan isku magacaabi jirnay; reer Shangaani, reer Bilaajo,reer Boondheere, reer Ansalooti, reer Xamar weyne. Luqadaha Soomaaliga iyo Talyaanigana waa la isla adeegsanayay oo wax walba caadi ayay ahaayeen waana la isku ixtiraamayey. Dadka waaweynna tixgelin iyo qadarin gaar ah ayaa la siin jiray oo qof walba waalidkiisa oo kale ayuu ka soo qaadayay. Deriskana wax wadaag guud ayaa ka dhaxeeyay oo arooska, tacsida iyo munaasabadaha kaleba waa la iskugu yeeri jiray. Nacayb, faquuq iyo fogeyn intaba ma jirin oo adduunyo kale ayey ahayd. Islaamnimadana keliya ma ahayn mid afka uun laga sheegto dadkana laga xukmiyo muuqaalkooda kore oo hooyooyinkeenna waxa ay iska qaadan jireen garayska iyo garabsaarahooda; waxa ayna ahayd islaamnnimadu mid ku salaysan
iskaalmeysi, ixtiraam, naxariis, iska warqab iyo jacayl. Noloshaas ayaan si fiican u xasuustaa, Soomaaliyana in ay sidaas ku soo noqoto ayaan jeclaan lahaa.
SR: Wararkii iga soo gaarayey colaaddii ka jirtay dalka , waxa ay ii ahaayeen fursad aan ku bartay ama ku ogaaday munaafaqadda iyo laba wajiileynta reer Galbeedku ay ku dhaqmayeen, waayo dowladihii Yurub wax gurmad iyo gargaar ah ma aysan u fidinin shacabkii iyo dadkii ku go’doonsanaa colaaddii dalka ka jirtay, kuwii ka soo qaxay dagaallada na waxa ay ku dhammaanayeen badaha oo waxaa lagu xujeenayay shuruudo adag si ay u helaan magangelyo, hoos ayaana loo dhigayey oo lama kala jecleyn sheekooyinka ku saabsanaa burburkii Soomaaliya, waxaana iska cad in tallaabadaas mid ka duwan ay qaadi lahaayeen haddii Soomaaliya isir ahaan ay Yurub kasoo jeedi lahayd ama dowlad ka tirsan ay ahaan lahayd. Waxa uuna arrinkaas caddayn u noqday in qaayasoorrada reer Galbeedku sheegtaan ee dimuqraaddiyadda iyo insaannimadaba ay yihiin wax nisbi ah oo u adeega iyaga iyo dadyowga taageersan.
SR: Arrinta ugu weyn ee keenaysa xaaladdaas ayaa ah; in qofku qalbi ahaan uu isagu sheekeynayo dalkaaga ayaad u noqoneysaa muddo kaddib marka ay colaaddu dhammaato. Balse xaaladdu sidaas waa ay ka duwanaataa, qofkii oo naawilaya dib u laabashada ayaa waxaa dhacda in toban illaa konton sanno uu sii joogo dalka uu u soo qaxay. Caqabadda labaad ee arrinkaas xoojineysa waa in qofkaas loo arko amaba isaga laftiisa isu arko in uu yahay mid aan ka tirsaneen dalka uu u soo hayaamay oo keliya lagu qeexo muuqaalka kore sida midabka xijaabka, iyada oo aanan la tixgelinayn aqoonsiyada iyo dal-ku-joogga uu dalkaas cusub ka heysto. Arrinka saddexaad ayaa ah in dhaqammada bulsho ee uu qofka asal ahaan u watay aysan ka dhaqan geli karin dalalka uu yimid sida barbaarinta ubadka oo kale oo waxaa adkaata in waalidku xiriir wanaagsan oo nabadaysan la yeesho carruurtiisa amaba si caadi ah u canaanto haddii uu qalad galo ; taa oo ugu danbeyntii sababta burbur qoys iyo la-qabsixumo soo wajahda jaalliyadaha qaxay. Inkasta oo shaqsiga iyo ahaanshiyahiisa isaga cid uga ogaal roon aysan jirin, waxaa habboon in qofku marba haddii uu weynaado fahmo oo garto ahaanshiyihiisa dhabta ah, waxna iska wayddiiyaa isirkiisa amaba dadka uu asal ahaan ka soo jeedo. Anigu, waxaan xalka u arkaa in qofku soo dhaweeyo oo si wadajir ah kula noolaado dadyowga iyo dalkaas cusub ee uu u soo hayaamay kana qaato wixii wanaaga isagana tago wixii xumaan ah, taas ayaa xal u noqon karta in qofka ka digtoonaado dhallanrogga ku dhaca dadka intooda badan.
SR: Doorka hooyada iyo dumarka si guud waxaa laga arki karaa sida ay laf dhabar iyo sees ugu ahaayeen korinta, barbaarinta iyo weliba taageeridda qoysaskii Soomaaliyeed ee ka soo qaxay dagaalladii sokeeye ee dalka ka qarxay oo waxaan ka ahay marqaati oo indhahayga ayaan ku soo arkay dedaalkooda joogtada ah. Waxaana taas ka marag kacaysa in dumarku ay kaalin laxaad leh ka qaateen sida loo soo saari lahaa jiilkan dhibaatooyinka badan la daala dhacaya ee ku nool dalka dibaddiisa loona ilaalin lahaa afkooda, dhaqankooda iyo diintooda. Waxaaa kusoo koobayaa Hooyooyinku iyaga ayaa wax kasta gacanta ku haaya oo waa iyaga dhaqanka la sheegaba, waayo aniga inaan dhaqankeyga iyo ahaahnshiyaheyga soomaalinnimo ku taagnaado hooyadeey ayaa sabab u ahayd.
SR: Haa, rejo badan ayaan ka filayaa xaaladda Soomaaliya oo waxaan ku soo bandhigay buuggan mid ka dambeeyay oo la yiraahdo “The Scent of Uunsi: Between Somalia and Italy.” buuggaas ayaan dhammaan rejadeyda iyo isbedelka togan ee soomaaliya ka socda kaga hadlay. Sidaas darteed ma filayo soomaaliya in ay dib ugu noqoneyso waxa dhib ay soo martay oo waxa aan aaminsanahay in burburkii dhammaaday, Soomaaliyana hore ayay u soconeysa mooyee marnaba gedaal uma laaban doonto.