Skip to main content

Tuesday 11 November 2025

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Buug

Sheekofaneedda Xumbo Madaw iyo Xirfadaha Tebinta ee Xaji Jaabir

4 October, 2025
Image
Sheekofaneedda Xumbo Madaw iyo Xirfadaha Tebinta ee Xaji Jaabir
Share

Qoraaga Eretariyaanka ah ee Xaji Jaabir waxa uu sheekofaneeddiisa “Xumbo Madow” isku dayayaa wax ka barashada dunida qaxootiga, siiba qaxootiga ku barakacay kelitalisnimada Eretariya ee ku filiqsan daafaha dunida. Waxa uu sheekada dadka ku barayaa shakhsiyad qaxooti ah oo meeliba meel u dhiibtay, magacyo cusub la baxay, diimo kala duwan qaatay, markastana isku dayaya gaadhidda jannada dunida ee uu ku nasan lahaa, walow aanu ka gun gaadhayn.

Waa sheeko ku bilaabmaysa tebinta qisada nin dhallinyaro ah oo Eretariyaan ah, magaciisuna yahay Daawit. Hore uma ahayn Yuhuudi, se wuxuu abuurtay shakhsiyad cusub, isagoo beddelay magaciisa iyo sooyaalkiisa, si ay ugu suuragasho in uu raaco Yuhuudda Falaasha ee loo daad guraynayey Israa’iil. Israa’iil ayaa uu silic kale uga bilaabmayaa, kolka uu arko sida loola dhaqmay muhaajiriinta madow ee halkaas uga horreeyey. Qoraagu waxa uu inoo kala dhigdhigayaa silica iyo saxariirka dadkaas u socdaalay dhulkii ballanqaadka, ee watay riyada ah in ay badhaadhe nololeed halkaas ka heli doonaan.

Daawit judhii uu gaadhay “dhulka ballanqaadka”, waxa kala daatay mala’awaalkiisii jannada dhulka. Hungada qabsatay awgeed, mar kale ayuu beddelayaa magaciisa, si uu nolol kale u raadsado, se tanina kama samata bixin cabsidii uu waajahayey iyo qoqobka uu la daalaadhacayey, midabkiisa dartii ama in uu socoto yahay awgeed.

Sheekadu waxa ay ina dhex gaynaysaa goosannada gudeed ee Daawit ka dhex aloosan, waxaanay inoo sawiraysaa madhnaanta gudeed ee uu waajahayey iyo shakiga ka galay dhabnimada kusii socoshada jidka uu jiho cusub ku heli lahaa. Ma kala garanayo meel uu u socdo; ma Masjid Aqsaa? Ma Kaniisadda al-Qiyaama baa? Mise waa Gidaarka Yuhuudda? Isagu ma Daa’uud baa, mise waa Dheyfidh mise waa Daawit? “Waxa kaliya ee uu garanayey waa in uu gude ahaan madhanyahay, oo uu raadinayo wax uu ku tiirsado” (bogga 233). Imaatinkiisa Israa’iil waxa uu si la yaab leh ugu egyahay silicii Eretariya, safarka uu halkan ku yimina waa mid la mid ah safarkii uu kaga baxsaday, “sidii oo loo qoray in uu dalalka isaga gudbo, jidkuna aanu waddan u noqon”.

Sheekadiisa Xumbo Madow, waxa uu Xaji Jaabir innagu barayaa shakhsiyadda Daawit; wiil Eretariyaan ah oo in uu nolol helo isugu biimeynaya qax. Waxa uu beddelaya aqoonsigiisa si uu isaga dhigo qof Falaasha ah oo uu Israa’iil u tago. Ka dib, inta uu waayay hiigsigiisii, ayaa ay iskaga murgayaan ujeeddooyinkii, aragtidii, iyo magacii, iyada oo waxa qudha ee uu isku hubaa yahay ‘madhnaan gudeed’

Xirfadda Tebinta

Waxqabadkan sheekofaneed ee “Xumbo Madow” waa mid ku suntan habdhac farshaxamaysan, ku qoran luuqad giigsan sidii muruq, hal-abuurkiisa tebintuna sarreeyo, amaba, si ka habboon, ay sheeko abuuriddiisu bilantahay. Sida sheekofaneeddu leedahay, “hal-abuurnimaduba waa qaab abuurka, waxii kasoo hadhaana waa sida boosto-hayaha tebiya isla farriintii uun”.

Tebintiisaas hal-abuurka leh iyo kala dhigdhigidda tafaasiisha ayaa ay sheekofaneedda Jaabir u maraysaa abuuridda sheekooyinka iyo dhacdooyinka. Tusaaleha arrinkan waxa aynnu ka arki karnaa qaabka uu qoraagu u muujinayo awoodda uu Daawit ku hindisayo tobannaan sheeko, isagoo isku dayaya in uu shaqaalaha xafiiska qaxootiga Qaramada Midoobay ku qanciyo in dal Yurubiyaan ah dib-u-dejin laga siiyo. Waa tebin dib inoo xusuusinaysa Shahrasaadkii sheekada Kun Habeen iyo Habeen, sheekadanina kaalintaa lafteeda ayey halkan ku leedahay, oo ah in ay Daawit siiso xadhiga badbaadada, kuna helo jid uu ku qanciyo masuulka Yurubiyaanka ah ee xafiiska qaxootiga jooga, si uu fursad ugu siiyo magangelyada Yurub, kala dhinnaanta ugu yar ee laga dareemo qisadiisuna galaafan karto codsigiisa.

Qoraagu, waxa kale oo uu hal-abuur u leeyahay in uu xiddiga sheekada u kala gudbiyo laba wakhti iyo goobo kala duwan, isagoo adeegsanaya xirfadaha tebinta. Waxa uu u kala gudbayaa tagtadii Daawit iyo wakhtiga uu joogo kolkaas, isagoo u dhex maraya beddelidda magaca xiddiga, una baahan dib usoo celinta taariikh cayiman. Akhristuhu waxa uu judhaba garanayaa in Daawit yahay xiddiga ka dib markuu Addis Ababa kasoo socdaalay ee uu Israa’iil yimi, wixii ka horreeyeyna waxa uu marar sitaa magaca Dayfidh, mararna magaca Daa’uud. Goob ahaanna waxa uu isu marayaa xeryaha qaxoonti ee Indabaguna iyo Gondar ee ku kala yaalla Eretariya iyo Itoobiya, isagoo sita darxumo kasta oo uu meelahan kala kulmay.

Hab qoraalka sheekadu waa mid leh qaab tebineed oo sarreeya. Habkaas ayaa uu u taxayaa sheekada Daawit oo u kala gudbeysa waayo iyo goobo kala duwan oo uu mid kaste ka sito darxumadeeda, iyada oo sheekadu u eekeysiinaysa Daawit shakhsiyaddii shahrasaad, oo ah in ay siinayso xadhigga badbaadada.

Ka Dhambalashada Waaqaca

Sheekofaneeddani waxa ay ku tiirsan tahay dhacdooyin sooyaal ahaan si dhab ah u dhacay, sida fikradda socdaalka Yuhuuddii Falaasha ku tageen Israa’iil, bilawgii sagaashanaadkii, iyo in dad Afrikaan ahi degganaayeen Qudus, oo ahaa dad sababo kala duwan ku yimi Qudus – sida shakhsiyadda Maaril oo ganacsade tukaan ahi sharraxayo. “Afrikaankaas badhkood waxa ay Qudus u yimaaddeen la jaaridda Qudus, oo ah dad loo bixiyey deris, badhkood waxa ay u yimaaddeen la dagaallanka Israa’iil kolkii ay dawladnimadeeda ay shaacisay 1948-kii, waxa kale oo jira Afrikaan kasii horreeyey oo uu Ingiriisku u keenay dhisidda waddo tareen, kolkii ay ku laabteen dalalkoodana, dadka ku indho sarcaadiyey sheekooyinka Qudus” (bogga 240).

Se dadkaasi ma Falasdiiniyiin baa? Ma aha arrin la go’aamin karo, ha se ahaato e, sida shakhsiyadda Maaril ee sheekadu xusayo, waa dad cadaw u ah Israa’iil, haddana ku khasban adeegsiga aqoonsiga buluugga ah ee Israa’iil, waxa uu leeyahay Maaril: “Waxa wax lagu qoslo ah, in Israa’iil khaanadda jinsiyadda dadkan ku qorto Urduni, kol haddii Qudusta Bari kolkaas Urdun raacsanayd ka hor intaanay qabsan. Ha se yeesho e, Urdun lafteedu dadkan waxay u diidday dhukumantiyadeeda, iyadoo u aragtay socoto doolaal ah. Kol haddii Heshiiskii Ooslo uu maamulka u diidayey in uu dadka ku dhaqan Qudus siiyo aqoonsiga Falasdiini, dadkaas waxa lamahuraan ku noqotay qaadashada aqoonsiga cadawgooda” (bogga 240).

Kala tagsanaantani waa midda wareerka kusii ridaysa xaaladdii uu Daawit la tacaalayey; Israa’iiliyiintu waxa ay madawga ku colaadinayaan mawqifka ay dhulboobkooda ka istaageen awgii, qaar ka mid ah Falasdiiniyiintuna may aqbalin midabka maqaarkooda, sidaas darteed waa xumbo madow oo korka heehaabaysa, si kasta oo ay isugu dayaan in ay dadka dhex galaan, halkan ayaanu ku jiraa hal-abuurka magaca sheekofaneeddu.

Sheekadan Xumbo Madow waxa ay ku qotontaa waaqic dhab ah oo uu Daawit kula kulmayo Qudus. Waxa halkaas deggan dad badan oo madow ah oo ujeeddooyin kala duwan u yimid; diini, dagaal iyo xoogsiba, laakiin midabkooda iyo mawqifkooda darteed, Carab iyo Yuhuud tooni ma ay aqbalin – sidaas ayay ku noqdeen xumbo madow oo heehaabaysa

Awoodda Tebinta

Qiimaha sheekofaneeddani waxa uu ka muuqdaa qaab tebinta silica Daawit oo laba dhinac ah; waa mid e, waa qaabka suugaamaysan, isla jeerkaasna damqashada aadame leh, dhitaynayana dhacdo bani’aadamnimo oo si waafi ah u sharraxaysa xaaladaha qaxootiga Eretariyaanka iyo cabudhinta dalkooda ka eryanaysa. Waa qaab hore loogu bartay qoraagan iyo sheekooyinkiisii horeba. Qaabka labaad, tebinta sheekooyin u dhow qiraal, oo muujinaya sida qoraagu xariif ugu yahay tebinta sheekooyinka dadka kale iyo dhitayntooda, si aan illawgu raadkooda u tirin.

Dhammaadka sheekada waxa aynnu ku ogaanaynaa in in Xaji Jaabir uu sheekadan u hibeeyey ruuxda wiilkii dhallinyarada Eretariyaanka ah ahaa ee Hibtom Makaa’iil, oo u qudhbaxay rasaas ay booliska Israa’iil si kama’ ah ugu dhufteen, oo kolkii ay ogaadeen in si kama’ ah rasaastu ugu dhacday nafisay, cudurdaar in aan loo baahnayna is tusay; illeen qaxooti barlaawe ah baa la dilay, oo dalkaba sharci aan ku joogin e, halka Falasdiiniyiintiina ku mashquuleen isweydiinta sababta qof Eretariyaan ahi kasoo doonay dalkooda.

Awoodda tebinta ee Xaji Jaabir waxa ay ku jirtaa qaabka suugaaneysan ee haddana damqashada aadane leh ee uu u soo bandhigayo xaaladda qaxoontiga Eretariyaanka uga cararaya dalkooda cabbudhinta taliska, waxa kale oo uu isla qaabkaas suugaaneysan ku soo bandhigayaa gumeysiga Israa’iil iyo foolxumooyinkeeda xukun

Halkan ayaa ay ka caddahay sida hal-abuurnimada leh ee Xaji Jaabir uga badbaaday anaaniyada tebinta ee inta badan sheekooyinka dhitaynta ah ee la midka ahi ku suntanyihiin, iyadoo saxariirka dhibbanaha uun loo tixgaliyo saxariirka keliya ee dunida jira, se qoraagu sheekadan waxa uu kaalinta koowaad geliyey fadeexaynta nidaamka gumaysiga ah ee ugu casrisan dunida, gumaysiga Israa’iil, takoorkeeda iyo xasuuqa ay ku hayso dadkii dhulka lahaa iyo isla kuwa ay ku dagtay ku celinta dhulkii ballanqaadka.

  • Qormadan waxa laga soo turjumey halkan

Qoraallada kale ee qoraaga