Tuesday 14 July 2026
"Araweelo dumar oo dhan bay, u aqli roonayd
Iyaduna awoowgeed la naar, ma arrin fiicnayne
Goortii ugaas laga dhiguu, ololay suurkiiye" — Faarax Xuseen Sharma'arke
Sheeko-xariiradu waa mid kamid ah arrimaha dhifka ah ee bulshooyinka caalamku ka simanyihiin lahaanshaheeda. Bulsho kasta waxay u dhigtaa sida ay doonayso iyada oo ku salaynaysa aaminaadeheeda iyo qaab nololeedkeeda. Waa halkii qoraagii reer Hindiya ee Devdutt Pattanaik ka lahaa, "Sheeko-xariiradu waa run aan geed-ka-go'an ahayn, oo bulsho walba u dhigto qaab adduunaraggeeda".
Sheeko-xariiradu ma ahan xaqiiqo geed-ka-go'an ah, balse waa tusaale muujiya aaminaadaha iyo hab-fikirka bulshada ee soo jireenka ah.
Soomaalidu waxay ka mid tahay bulshooyinka hodanka ku ah sheeko-xariirada, oo haddii aad u fiirsato, waxaad arkaysaa in lakab kasta oo noolaha la xiriira noloshooda ay ka sameeyeen Sheeko-xariiro. Haddii aad u dhaqaaqdo dhanka xayawaanka duula, waxaad ugu tagaysaa Sheeko-xariirada shinbiraha oo malahayga ah waaxda ugu cajiibsan sheeko-xariirada Soomaalida. Haddii aad aaddid dhanka meesiyada xoolaha waxaad ugu tagaysaa kuwo aad ka anfariirto. Haddii aad jalleecdid dhanka cayayaanka kama gayoonaysid, wadba!
Balse, tan aan maanta u soconnaa waa tan dadkee, marka aad u fiirsato sheeko-xariirada dadka ee Soomaalida, waxaa kaaga soo baxaysa in ragga oo malaha iyagu ahaa sameeyayaasha sheeko-xariiradu, ay uga faa'iidaysteen dacaayadda dumarka ee ku salaysan aaminaaddooda ah; in gabadhu aysan wax door ah ka qaadan karin qaddiyadaha waawayn ee nolosha. Haddii ay taasi dhacdo oo ay soo faragalisana, laga dhaxli doono hoog iyo halaag aysan jirin cid sawiran karta.
Tusaale ahaan, mid kamid ah sheeko-xariirooyinka fikraddaasi aadka uga dhex muuqato, waa sheekada Carraweelo oo ka mid ah kuwa ugu caansan sheekooyinka Soomaalida. Waa sheeko dulucda guud ee lagala bixi karaa tahay in xukunka iyo talada oo haweenka loo dhiibo laga dhaxlayo burbur bulsho oo baahsan. Waxa ay sawiraysaa, in markii ay xukunka qabsatay Carraweelo ay dikreetadeedii u horraysay ka dhigtay la dirirka tiirarka jiritaanka dunida—waa dhalmadee—maadaama ay bilowday in ay raggii qooraha ka gurto, iyada oo ilaashanaysa xukunkeeda. Sidoo kalana ay dhalanrogtay abtirka oo muhiim ka ah bulshada Soomaalida dhexdeeda, una wareejisay dhanka habartirsiga. Halkaas ugama ay harine, waxay falkiyeen hadallo loo tiiriyo oo ay sheegeen in ay iyadu kula talisay marray kasta oo dunida guudkeeda timid, sida tan tiraahda, "Gardaro ogaada, oohin ku darra, xukunsan aad heshaane" iyo tan la midka ah ee tiraahda "Waxaad doonaysaanna diida, waxaad diidaysaanna doona." oo dhammaantood muujinaya maroor iyo talaxumo. Waa isla macnaha ay ku qotonto maahmaahda Soomaaliyeed ee tiraahda "Duul marray u talisay, murrugmaarrug baa u danbaysa". Sheeko-xariiradaasi waxay noqotay dayr weyn oo ganboolayda xukunka looga geesgaraaco, iyada oo markii la arko gabar damac ku jiraba loo daliishado gabaygii Faarax Xuseen Sharma'arke ee oranayay:
"Araweelo dumar oo dhan bay, u aqli rooneyde
Ayaduna awoowgeed la naar, ma arin fiicnayne
Goortii ugaas laga dhiguu, ololay suurkii e
Nimankii amiirka u xukumay, qoorihii eber e
Waxay tiri hadaan laga idlayn, waa i ajalayaane
Aqli naaqusyaashii boqraday, ooye dabadeed..."
Sidoo kale sheekooyinka muujinaya sida raggu dacaayaddooda u dhex marsaday fanka sheeko-xariirada waxaa ka mid ah; Sheeko-xariirada wadaaddii Muuniso (ka eeg buugga Sitaad ee uu qoray Axmed Ibraahim Cawaale). Waa sheeko-xariiro xusta jiritaanka wadaad heersare oo la mid ah kan Carraweelo ka gaartay xukunka, iyaduna ka gaartay dhanka diinta, ilaa heer ay gaartay in ay tujiso ragga. Waxay xustaa sheekadu, in subax iyada oo u socota in ay salaadda ka soo bixiso dadkii ay wadaadda u ahayd uu shaydaan ka caqli badiyay oo waddadii ay maraysay kasoo dhex saaray xubinkii taranka ragga, kaddibna ay u hunguriyootay oo dhaafi wayday, sidaasna ay ku dhaaftay salaaddii intii ay ku mashquulsanayd. War meel fog buu ku dhacaa warranna meel dhaw e, warkeedii uu gaaray carro-edeg. Sheekadan meerisyo tilmaamayana waxay ku jiraan heesta ay Xaliimo Khaliif Magool AUNe ku luuqayso ee tiraahda;
"Aamin dumar ma yeeshoo
MUUNISOO aqoon laa
Shaydaan afuufoo
Islaamnimo ka durugtoo
Faralkii illowdee..."
Sheekadan, waxaan ka dhadhansan karnaa nuxurkeeda, in ay muujinayso in dumarku aysan u xanbaari karin diinta sida ragga oo haddiiba ay qaadaan shaydaan ka caqli badinayo, kaddibna sida Muuniso ay waddada bahal yaal isaga hunguriyoonayaan! Waa dacaayad lamid ah tan Carraweelo, oo haweenka looga geesgaraacayo isha labaad ee marka boqortooyada laga yimaado, ay taal awoodda ugu xooggan ee bulshadu. Waa isla nuxurka ay gudbinayso murtida Soomaaliyeed ee tiraahda "dumarku saddex bay kulansadeen; Tab gaabni, tala xumo iyo tabardarro." Waa dhaqan kaligii-talisnimo oo ninku ku xalaalaysanayo kaligiitalisnimadiisa. Yaabkuse waa in aan dumarku dhaadin oo ay ka qayb qaateen faafinta dacaayaddaas, iyada oo mid kastaa ku faanayso jiritaankeeda. Inkasta oo loogu cudurdaari karo in isha kaliya ee ay xogta ka heli jireen ahayd ragga, oo aysan jirin sabab ay u beensadaan tabinta ragga, haddana nuxurkaasi waa mid si fiican sheekada looga dhex akhrisan karo.
Akhriste, haddii aad ka shakisan tahay dacaayadnimada sheeko-xariirooyinkaas, waxaad iswaydiisaa sababta saddexda dumar ah ee ku xusan Sheeko-xariirada Soomaalida(Carraweelo, Dhagdheer, iyo Muuniso) xumaanta ku wada sifaysay oo looga heli waayay sida ragga xumaan iyo samaanba? Iswaydii sababta aan uga waynay sooyaalka naag aan dadqalato ahayn, hoggaamiso aan talo-maroorsanayn iyo wadaadad aan hoosta ka falnayn, caqligeeduna ku filanyahay?
Gabagabadii, labadan sheeko ee aan soo qaadanay oo kaliya ma ahee, dhan kasta oo aad ka eegto sheeko-xariirada Soomaalida, waxaad arkaysaa in jilayaasha dhaddiga jilayaa yihiin kuwo liita oo ku sifaysan sumcadxumo iyo maroor. Adiga kan akhrista ahaanna, masuuliyadda ku saarani waa in aadan u fakarin sida awoowgaagii sheekadan sameeyay u fakarayay; waayo uma noolid sida awoowgaa u noolaa, waaqaca aad joogtaana ma ahan kii awoowgaa. Waa in aad aamintaa oo liqdaa in dumarku hoggaamin karaan bulshada, diinta u baran karaan sida ninka, isla markaana aysan waxba ka jirin aragtida ah in ay ka samaysanyihiin feer qalloocan oo in ay wax marooriyaan maahee aan wax toosin. Waa in aad aragtida noocaas ah u daysid kaliya in ay tahay Sheeko-xariiro, sida Sheeko-xariirooyinka kale aan lahayn macne dhaafsiisan in ay muujinayso sida bulshadaasi u noolayd iyo aaminaadeheedii hore.
***
¹. Ka eeg buugga Sitaad ee uu qoray Axmed Ibraahim Cawaale.