Skip to main content

Tuesday 11 November 2025

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Fan

Sheeko-faneedyada: Daaqad laga daalacan karo dhabnimada nolosha

17 October, 2025
Image
Sheeko-faneedyada: Daaqad laga daalacan karo dhabnimada nolosha
Share

Goor wal oo aad is tidhaahdo akhriso sheeko-faneedyada ama aad is tidhaahdo soo qaado waxa laga yaabaa in ay maskaxdaada ku soo dhacdo is wayddiin. Waxa laga yaabaa in aad iswayddiiso su’aal ah maxay tahay sababta igu kallifaysa in aan akhriyo sheeko-faneed weliba aniga oo ka warqaba in qaar ka mid ah sheeko-faneedyadu yihiin mala-awaal qayxan, oo kasoo dhambalmay khayaaliga qoraaga? Maxaan ka faa’idayaa wax aan dhab ahayn oo aan jirin? Maxaan waqti ugu luminayaa sheeko-faneedda aniga oo akhrisan kara buuggag rasmi ah ujeedkooduna cadyahay sida buugta dhiirrigelinta amaba wax soo saarka aqooneed ee kasmo-nafeedda amaba laan kasta oo cilmiga ka mid ah.

Dhab ahaan, wayddiimahani waa kuwo waxgal ah ee fadlan ii ogolow in aan kuugu sacab tumo wax is wayddiintan. Wax iswayddiintu laf ahaan waa fan, waxaana la yidhaahdaa kasqabnimadu ama garaadku ma ahaan in aad hesho warcelin saxan, balse waa keenista su’aasha habboon ee awoodda u leh in ay dhanka kale kuu rogto, xitaa haddii aanad weligaa haleelin jawaab cad. Haddaba, ogow barnaamij walba oo tiknooloji ah maantana jira wuxuu kasoo askumay iswayddiinta su’aal fudud oo ku dhac leh, sida maxay tahay sababtu? Ama maxay sidani ku dhacday?

Sheekofaneedda, gaar ahaan kuwa loo yaqaan ‘Sheeko-faneedyada taabagalay’ ma ahaan sheekooyin loo tebiyo in laga helo madadaallo ama farxad kooban oo loo riyaaqo. Anigu, waxa aan u arkaa in ay yihiin agab lagu fahmo aadamaha. Dabcan, dhab ahaantii waa suuragal in buugta oo idil ay ka simanyihiin ujeeddadaas, waadna saxantahay, balse sheeko-faneedyadu waxa ay inna siiyaan daaqad aan ka ogaanno qoto dheerida ruuxda aadamaha, maaddaama ruuxda iinsaanku ay tahay mid aad u kakan, lehna dareenno isku dhafan, halganno gudeed, aragtiyo isku dhexyaacsan kuwaas oo ka dhex aloosan dhaqamo, bulshooyin iyo taariikhyo aad u kala daruufo iyo xaalado duwan. Ma jiro cilmi la taaban karo ama aragti sugan oo u muujin kara qoto dheerida faahfaahsan ee qaabaysa ahaanshiyaha aadamaha si la mid ah qaabka ay sheeko faneeddu u faahfaahin karto.

Sababta oo ah sheeko-faneeddu amaba xitaa riwaayaddu waa uun koboca ama isbeddelka ku dhacaya shaqsiyadda ama arbaha ay sheekadu ku socoto. Waxay badanaa ku bilaabmataa shaqsiyad, isla shaqsiyaddaas oo isgeddi ku dhacay ayayna ku dhammaataa, isbeddelkaas waxaa sabab u noqda la tacaamulka ka dhaxeeya shaqsiyadda iyo dunida, waana wax dhammaanteen inna qabsada. Waxa is rogrogaya ee doorsoomayaa waa sifaadka, adduun-aragga ama daahfurnaanta akhlaaqiga ah ee ay leeyihiin shaqsiyaadka sheekadu. Waxaynu dareennaa safar aan ku koobneyn dhacdooyin oo keliya, balse leh muuqaallo gudeed oo ay ka mid yihiin; gadgadoonka daahsoon ee aragtiyada, burinta dhalanteedyada, iyo dhisidda fekero cusub. Sidaa darteed, isbeddelkaasi waa mid qunyarsocod ah oo lakabyo kala duwan leh kana turjumaya nolosha dhabta ah si ka xeel dheer qoraal kasta oo wax jiheyn kara. Habkan, sheeko-faneedyadu kaliya innooma soo gudbiyaan in ay dadku isbeddel ku dhaco, balse waxay inna tusiyaan qaabka iyo sababta ay isu beddelaan iyo weliba waxa uu ugu fadhiyo qiimo ahaan isbeddelkaasi.

Sheeko faneedda macnaha leh, waxa ay curisaa duni u gaar ah iyada oo adeegsaneysa ereyo, dunidaas oo markale dib u qeexeysa dunidii dhabta ahayd si faahfaahsan oo qoto dheer. Goorta aan akhrinno jilaa khiyaali ah xanuunka uu maro, waxa aynu noqonnaa kuwo la dareen ah jilaayada oo weliba waxaan garwaaqsannaa waxyaabo ku saabsan nafaheenna oo aan hore ugu baraarugsaneen. Marka aan dhex maquuranno sheekooyinkooda jacaylka, waayitaanka, halganka iyo qalbi-jabka ah waxaynu dareennaa ugu dambeyntii shucuurtaas mid la mid ah, xitaa haddii aynnaan u dareemin si toos ah haddana si uun gudaha nafaheenna ugu reebaan saamayn dhab ah.

Sida la filayana, kasmonafeeddu waa mid aad ugu lammaanan suugaanta. Haddii aad mar uun akhriday wax qabadyada Fyodor Doosto, tusaale ahaan, waxaa suuragal ah in aad naftaada ka dhex aragtay sifaadka ay leeyihiin jilayaasha ku jira sheekooyinkiisa , dabciyadaas oo marmarka qaar qaybo kamid ah aad ka heshay iyo weliba qaybo kale oo aanad doorbiddeen in aad qirato. Fyodor Doosto, wuxuu si xeeldheeraysan innaga siiyaa aragti dhab ah oo ku aadan dhanka kasmonafeedka aadamaha, sida in la kala dhigdhiggo caqliga, loona furfuro fekradaha si gooni gooni ah. Taxliilka Fyodor Doosto keliya kuma saabsana waxa ay dadku sameynayaan, balse wuxuu daaranyahay sababta ay sidaas u sameynayaan, waxa ay ka baqanayaan, waxa ay qarinayaan, iyo sida tagtadooda ama culeyska nafsi ama damacooda ay u qaabeeyeen go’aannadooda, xita kuwa ku aadan mustaqbalka. Dhab ahaantii, keliya ma akhrinaysid jilayaasha sheekooyinka Fyodor Doosto, ee waxaad dareemeysaa sidii in aad ku dhex jirto maskaxdooda, weliba adiga oo arkaya sida ay ula tacaalayaan halgankooda nafsadeed. Waa halgan iyo loollan aad u daran, marmarka qaarna diiqad lagu dareemayo, balse waaba waxa ka dhiga sheekooyin jiritaankoodu xoogganyahay.

Fyodor Doosto, wuxu jijaabo geliyey kasmo-nafeedda ka hor inta aysan cullimada cilmigaasi u rogin aragtiyo dhab ah oo shaqaynaya, qaarkood na waxayba ku dambeeyeen in ay ka soo ergeystaan wixii la xiriira aqoonta kasmo-nafeedda. Inta uu Jilaa soo bandhiggo Fyodor Doosto ayuu mise na si fudud kuu leeyahay:” bal eeg oo u fiirso, sidee qof halmar u wada noqon karaa dilaa islamar ahaantaana qof wanaagsan. Xitaa dhibicda yar ee wanaagga ah ee qofka ku harsan waa laga itaal roonaan karaa.” Sheekooyinka Fyodor Doosto waxa ay tilmaamayaan in si kasta oo qofku ugu muuqdo mid lunsan haddana ay jirto fallaartaas yar ee toosnaanta ah taas oo wax kasta beddeli karta. Waana arrinta sababta u ah in jilaayaashiisu u muuqdaan kuwo dhab ah, waa xaqiiq in ay yihiin kuwo gefaf iyo daldaloollo badan leh, haddana waxa ay xambaarsanyihiin iftiin yar iyo yididdiilo.

Tani kuma koobna uun Fyodor Doosto ee sidoo kale suugaantu si guud waxa ay ina siisaa fursad aan ku ogaanno dhinacyada kala duwan ee nafaheenna innaga oo ka shidaal qaadanayna nolosha dadka kale. Sheekooyinku, waxa ay innaga caawiyaan in aynu wax badan ka fahanno shucuurta ay dareemayaan dadka kale. Haddii ay ahaan lahayd qoomamada, cabsida, jacaylka, qabka, rejada — waxayna innoo ogolaadaan inaynu ku dhex noolaanno shucuurtaas ay dareemayaan dadka kale. Waa arrinkaas waxa ka dhiga in akhrisku uu noqdo mid qofka si gaar ah u taabta ama u saameeya, keliya akhrisku ma quseeyo safarkaas ay ku jiraan jilaayaasha sheekadu ee waxa uu sidoo kale wax ka tilmaamaa adiga iyo geeddigaaga nololeed.

Sidoo kale, waxa xusid mudan abwaanaddii Sylvia Plath oo sabab u noqotay soo if bixii aragtida kasmo-nafeed ee loo yaqaan “Sylvia Plath Effect”. Kumannaan warqadood oo cilmi baarisyo ah ayaa la daabacay oo ka warramaya xiriirka ka dhaxeeya Isku buuqa/buufiska(PTSD), Qulubka, iyo xanuunnada kale ee dhimirka ku dhaca iyo wax qabadyada suugaaneed ee ay lahayd Sylvia. Hal sheeko-faneed oo ay qortay ayaa waxa ay muhiim iyo lagama maarmaan u noqotay dhaqdhaaqaaqa dhedigood-ka (Feminism) taas oo tilmaameysa saameynta ay yeelan karto hal sheeko oo qudha. Keliya intaas kuma koobna ee waxa ay sugtay oo si qumman usoo bandhigtay uguna sharraxday hal qaab oo keliya dhammaan arrimaha la xiriira aadamaha sida: Jacaylka, jinsiga, jirrada, qulubka, naxariista, firfircoonida iyo dhammaan waxyaabaha qarriban ee qofnimadeenna qaabeeya. Sylvia waxa ay si aan gabasho lahayn uga warrami jirtay isbitaallada dhimirka iyo xanuunnada dhimirka weliba si ay ku dheehantahay daacadnimo, ka hor inta aan xitaa loo aqoonsan mawaadiic caadi ah oo laga hadli karo. Waana sababta keentay in qoraalladeedu ay noqdaan hooy ay kusoo hirtaan dad fara badan.

Waxa Iyana waajib ah in aan la illaawin Joorji Orwell iyo sheeko-faneeddiisii 1984 iyo qaabka uu usii saadaaliyay mustaqabalka tiknoolojiyadeed sida xuuraansiga, daba galka dowladda iyo sida ay siyaasaddu u marin habaabin karto runta iyo xuriyadda. Haddana ka gadaal waxaaba soo baxday sheeko-faneeddii ‘there’s Snow Crash’ ee Neal Stephenson, taas oo noqotay mid sii oddorostay tiknoolojiyadda ka horta ayna soo ifbixin taleefanada casriga ah, deegaannada dhijitaalka ah iyo weliba awoodda iyo saameynta intarneedku ku yeelanayo bulshada. Sheeko-faneedyadaas keliya kama ayna warramin sheekooyin qudha ee waa ay inoo digeen, waxa ayna inoo sii tilmaameen inaan ka fekerno meesha ay tiknoolojiyaddu inoo waddo. Waa fajac iyo amakaag sida ay sheeko-faneedyadu qaarkood u noqdeen kuwo kasii horreeya taaganta, iyada oo aad u malaynayso inta ay timaaddada soo arkaan in ay innooga warbixinayaan.

Sheeko-faneedyadu marar badan kama dhacaan falsafadda, kasmo-nafeedda, iyo cilmiga bulshada. Waxay innaga caawiyaan inaan u aragno dunida qaab kale oo waxa ay fahan qotodheer innaga siiyaan sida nolosha aadanuhu ay u tahay mid aad u kakan oo aan fududeyn. Waana agab lagu fahmo dabeecadda aadamaha ee kakan.

Waxaa iyana xusid mudan sheeko-faneedda ‘Magaalooyin aan muuqan’ ee uu lahaa Italo Calvino iyo sida ay sheekadaasi u tahay mid ka gudo ballaadhan in ay magaalooyin uun ka hadasho — oo waxa ay warinaysaa sahminta malaawaalka, hal-abuurka, iyo waayo-aragnimada aadanaha. Calvino, wuxuu wada sheekeysiga u dhaxeeya Marco Polo iyo Kublai Khan innaga dhex tusayaa safarna innagu dhex geynayaa kumannaan magaalo oo cajiib ah, magaalooyinkaas oo mid walba ay u taagantahay aragtiyooyin kala duwan oo ku aadan habka aan u noolnahay, wax u mala awaalno ama u aragno dunida. Weli ma suuraysatay sida ay magaalo u noqon karto wax ka badan in ay tahay goob khariidada uun ka muuqata, balse taa beddelkeeda ay u ahaan karto mid ka turjumaysa rabitaannada,walbahaarrada, taariikhaha, iyo fursadaha?

Waxaad ka fekertaa buugga ‘A Portrait of The Artist As A Young Man’ ee James Joyce kaas oo inna dhex geynaya waayo nololeed oo amakaag ah kuna saabsan dunida gudeed ee jilaaga sheekada, halkaa oo arbaha sheekada ku dhex dawaqsanyahay rabitaankiisa ah in uu diinta si dhammaystiran niyad ahaan u wada qaato iyo in uu ka shakiyo wax walba oo ku hareereysan. Haba sheegin ‘Divine Comedy’-ga Dante iyo riwaayadaha Shakaspeare, mar hore ayaa iyaga laga qoray kumannaan maqaal oo ka hadlaya wax walba; laga soo bilaabo diinta , isbarbardhigga caqiidooyinka kala duwan, illaa kasmo-nafeedda dhaqaalaha, dagaaallada, wanaagga iyo xumaanta, iyo waxyaabo kale oo fara badan. Waxqabadyadan waxaa laga eegay dhan walba oo suuragal ah.

Arrimahaas ayaa ka dhigaya sheeko faneedda mid gaar ah, xitaa haddii ay giddigeed wada tahay khayaali. Waa in aad daba kacdaa geeddiga nololeed ee jilaaga oo aad aragtaa sida ay ahaaneyso falcelintaada iyo waxa aad samayn karto adiga oo iska soo qaadaya booska arbaha sheekada. Waxaad ogaan doontaa dafiraadda naftaada in ay ka dhalanayso saameyn taban oo horseedaysa hoobad waxaanad garwaaqsan doontaa in badi dhibaatooyinkeenna ay ka yimaadaan marka aan nafteenna xurmeyn wayno ee aan goor kasta dadka kale ka hormarinno. Inta badan kuma dhex arki doontid buugta aan sheeko faneedd ahayn qibraddan la xiriirta isku dhexyaacsanaanta iinsaanka, badankooda waxa ay xoogga saaraan hal aragti iyaga oo aan muujin sida ay aragtidaas uga muuqato nolosha dhabta ah. Sidoo kale, maaddaama sheeko-faneedyadu ay yihiin kuwo si qoto dheer u dersa aragtiyaha iyo shucuurta jilaaga, iyaga oo qudha ayaa awood u leh inay innaga caawiyaan oo inna fahamsiiyaan dhammaan isdiiddooyinka wareersan ee aynu leennaha — walbahaarada, rejada , qaladaadka iyo koboca nafaheenna. Waxay la mid tahay in aad safka hore fadhiisato si aad si dhab ugu aragto waxa ay ka dhigantahay iinsaannimadu —gefafkeeda iyo wax walba oo la xiriira.

Waxa ugu muhiimsan ee ay sheeko faneeddu u taagantahay waa in ay innagu dhaliso su’aallo waaweyn oo iska furan halka ay inna siin lahayd jawaabbo fudud. Wayddiimahaas waxaa kamid ah: yeynu nahay? Maxay ka dhigantahay in si macno leh loo noolaado? Sidee ayeynu ula falgalnaa dareemaheenna? Sidee ayaan u fahmi karnaa dadka innaga oo kale ah? Sheeko-faneedyadu waxa ay inoo horseedaan inaan fekerno, is milicsanno, oo ahaanno kuwa marwalba ku jira baaris joogta ah halka aan xaqiiqada iskaga qancin lahayn. Waana sababta aysan caddaalad u ahayn in sheeko-faneedyada laga soo qaado madadaallo kaliya ama wax xaqiiqada looga dhuumanayo. Haddiiba uu jiro waxa xaqiiqada inoo dhaweynayaa wax kale ma ahaan ee waa sheeko-faneedyada oo xaqiiqada inoo tusa qaab ay ku dheehantahay daacadnimo, naxariis iyo qalbi furnaan.

Qormadan waxa laga soo turjumay halkan, waxaana soo turjumay Yuusuf Absuge.