Skip to main content

Saturday 8 August 2026

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Feker

Sheeko Diineedka Ibraahiimiyada iyo Sharciyaynta Addoonsiga Madowga

5 August, 2026
Image
Sheeko Diineedka Ibraahiimiyada iyo Sharciyaynta Addoonsiga Madowga
Share

Ugu horrayn, maadaama oo saddexda diimood ee Islaamka, Masiixiyadda iyo Yahuudiyaddu ay asal ahaan ka soo unkameen diintii nabi Ibraahin (CS), isla markaana ay nuxur ahaan diintaas iskugu biyashubanayaan waxa aan iskuqaadka saddexdooda suugaanoodba soo wada hoosgaliyay cinwaanka Sheeko Diineedka Ibraahiimiyada, taas oo ka dhigan in uu mawduucu ka wada warramayo suugaanta diineed ee saddexdaas diimood. Dhanka kale, micnaha suugaan ee halkan soo galaya loogama jeedo macnaheedii xarfiga ahaa ama akaademiga ahaa, waxa looga jeedaa dhammaan sharraxaadaha iyo fahannada ay dadku kala soo baxeen saddexdaas diimood, mararka qaarkoodna waxaaba soo gali kara naskooda qoran.

Sida caadiga ah, dadku waxa ku cusub ee aanay hiddahooda ku aqoonin layaab iyo iswaydiin ayay ka keenaan, walibana way sharaystaan, inkasta oo waxa aan hore loo aqoonini uu shar iyo khayrba wadan karo, haddana dadka dhalan ahaan dhanka sharka ayaa u soo jeedda. Sidaa awgeed, maadaama oo ay dadka qaarna madow yihiin qaarna cad yihiin qolo waliba dhankeeda ayay ula yaabanayd waxa dadka qaar caddaan ka dhigay ama madow ka dhigay. Laakiin nasiib-darro, maadaama oo intii danbe ay dadka cadi madowga shiiqiyeen waxa ay lumiyeen sheeko xariirooyinkii iyo taariikhihii ay dadka madoobi midabka caddaanka ah wax iska ga waydiinayeen, dhanka kale waxa ay soo ifbixiyeen oo muush ah sheeko xariirooyinka iyo taariikhaha dadka caddaanka ahi ay dadka madow wax iska ga waydiinayeen. 

Sida aan xagga horaba ku soo xusay, dadku xilliyadii hore waxa sidii ay arki jireen ka duwan waa ay sharaysan jireen, sidaa daraadeed dhammaan sheexo-xariirooyinka ay dadka caddaanka ahi madawga ka sameeyeen waxa ay hoosta ku wadataa sharaysi ama dhalleeco. Tusaale ahaan, sheeko xariiro Giriig ah ayaa odhanaysa “Ilaaha cadceedda dirawalinaya ee gaadhiyoonaha ku wada ayaa maalin inankiisii oo barbarad ah u dhiibay, dabadeed markii uu dul marinayay meel dadka madoobaan doona ku beegan ayuu biriigii ka waayay, markaas ayay cadceedii dadkii ku soo dhawaatay oo ay oogadoodii sare cugtay sidaas ayayna dadka madoobi ku bilawdeen.”Mar kale, waxa ay odhanaysaa “Ilaahii Zeus ayaa maalin midabka beddeshay oo madow noqday intii uu madawga ahaa ayuu u hammooday amiiraddii Io, dabadeed iskadhalka labadooda ayuu dadka madoobi ka tafiirmay.”

Iyaduna waxa jirta sheeko xariiro kale oo laga wariyo dadkii asalka ahaa ee Maraykanka ku noolaa {Muscogee}, sheekadu waxa ay leedahay: saddex nin ayaa dhijaan ku wada maydhay, kii u horreeyay ee biyaha oo xareed ah ku maydhay waxa uu soo baxay nin cad waana ninka ay dadka cadi ka tafiirmeen; kii labaad ee biyaha oo yara dhooqoobay ku maydhayna waxa uu soo baxay caddaan khafiif ah waana ninka ay ka tafiirmeen dadka Maraykanku; kii saddexaad ee soo gaadhay biyihii oo lidiqoobay oo ku maydhayna waxa uu soo baxay madow waana ninka ay dadka madoobi ka tafiirmeen. Sheekooyinkan waxa aad ka fahmi kartaa sida ay u gacan-bidixaynayaan dadka madow.

Dhanka diinta haddaan u dhaadhaco, diintu waxa ay taxday abtirsiinta dadka, haddaba waxa yaabka lihi waxa weeyi diintu abtirsiinta madowga waxa ay galisaa qof nacdalan! Kaba sii daran ee midabka madowga laftiisu nacdashaa ayuu ka dhashay bay leedahay. Si aad naska u fahanto, marka hore qisada u abtirinta isirka ee kitaabka Qudduuska {Bible} ahi wariyo iyo sida ay dadka madoobi laankaabka ugu eegyihiin aan kuu mariyo, waxa ay odhanaysaa: 

“Dadku waxa ay ka soo wada tafiirmeen Nabi Nuux (CS) Nuuxna waxa uu dhalay saddex wiil oo kala ahaa Xaam, Saam iyo Yaafis. Waxa dhacday in maalin maalmaha ka mid ah Xaam arkay aabihii Nuux oo cabsan oo maryaha dhigtay, dabadeed inta uu ku qoslay ayuu tusay labadiisii walaal ee kale, Saam iyo Yaafis. Saam iyo Yaafis aabahood si ixtiraam leh ayay marada u saareen. Waxoogaa ka dib, Markii Nuux soo miyirsaday ee warkii loo sheegay ayuu Xaam habaaray oo uu ku yidhi Alle ku doori oo wajigaa gubay, dabadeed isla markiiba Xaam habaarkii baa ku dhacay oo inta uu doorsoomay ayuu madow noqday. Xaamkaas ayayna dadka madoobi ka soo farcameen. Sida oo kale Nuux waxa uu Xaam ubadkiisa ku nacdalay in ay addoomo u ahaadaan tafiirta Saam iyo Yaafis."

Sida uu Axmed Baabaa ku soo aroorinayo buugiisa “Micraaj al-Sacuud: Ajwabatu Axmed Baabaa fii al-Riqi” Saxaabigii Ibnu Mascuud ayaa isna sheegaya qisadan, halka ta kitaabka Qudduuska ahi ay leedahay Nuux wuu cabsanaa oo sidaas ayay cawradiisu ku muuqatay, Ibnu Mascuud waxa uu leeyahay muu cabsanayn ee wuu maydhanayay, qisada inta kale waa iskaga mid. 

Dariiqada culimada Yahuudda qaarkood ku midaysanyhiin ee Rabbaaniyaduna waxa ay warisaa, sida ku xusan buugga tafsiirka Talmuudka Baabuloon {Babylonian Talmud} qaybtiisa Sanahaderiin {Sanhedrin} boggiisa 108, in markii Nuux iyo ciddii la socotay ay doontii duufaanka ka fuuleen, Eebe waxa uu ka mamnuucay in ay wax kulan jinsi ah sameeyaan, dabadeed Xaam oo inankii Nuux ah iyo dhawr xayawaan oo kale ayaa amarkii jabiyay oo lamaanahoodii kulan jinsi iskala sameeyay, dabadeed, cadhadii Eebe ayaa Xaam ku dhacday oo madoobaysay midabkiisii. 

Ibnu Kasiir ayaa isna buugiisa al-Bidaaya Wa al-Nihaaya hormadiisa 1aad ku xusaya qisadan lafteeda. Addoonsi diidkiii Frederick Douglass waxa uu dadkii Maraykanka ahaa ee addoomaha lahaa ku eedaynayaa in ay addoonsiga ku xalaalaystaan sheegmada kitaabka qudduuska ah ku taalla ee odhanaysa “Xaamkii Nacdalnaa” {Cursed Ham}, laakiin waxa uu sheegayaa in weedhaasi ay samays kitaabka lagu darsaday tahay. Sida aqoonyahannada qaar ay ku doodaan qisooyinka Nuux iyo durriyadiisa ka warramaya, waxa kitaabka Quduuska ah ka sugan uun ta ku soo aroortay buugga Genesiska, kutubta tawraadda kiisa koowaad, cutubkiisa 9aad aayadaha 20aad ilaa 27aad. Qisada halkan ku soo aroortay waxa ay kaga duwantahay kuwa kale, iyadu waxa ay leedahay ka la nacdalay Xaam maaha ee waa Kancaan, mid ka mid ah inamadii Xaam. Ta kale, Nuux waxa uu Kancaan ku habaaray in uu addoomaha ka ugu addoonsan u noqon doono Saam iyo Yaafis. Naska aayaduhu waxa ay u dhiganyihiin sidan:

“Nuux waxa uu noqday xaasle, dabadeeed waxa uu beertay Cinab.

Waxa uu cabbay khamri, dabadeedna wuu sakhraamay, dabadeed maryaha ayuu dhigtay.

Dabadeed Xaam, aabaha Kancaan, ayaa arkay qaawanaanta aabihii, dabadeed waxa uu tusay walaaladii……..

Dabadeed Nuux markii ay khamraddii ka baxday, ee uu ogaaday waxa wiilkiisii yaraa ku sameeyay.

Waxa uu yidhi, "nacdal korkiisa ha ahaato Kancaan; hana u ahaado addoonka ugu liita walaaladii.” Ka eeg aayadahan oo dhammaystiran tixraaca aan xagga sare ku xusay. Sida aayadaha ku cad, qofka danbiga galay waa Xaam ee maaha Kancaan, haddanna nacdasha iyo habaarku Kancaan bay ku dhaceen, waayo? Waa su'aal jawaabteedu ku adkaatay wadaaddada diinta iyo cid kasta oo aayadahan saxnimada siisay. 

Sida taariikhda ku xusan dadka Yahuudda iyo Kancaaniyiintii Shaam degganaa xifaale weyn baa ka dhexeeyay, haddaba aqoonyahannada qaarkood, sida Nahum M. Sarna oo ku takhasusay Baybalka Yahuudda, ayaa qaba in ay Yahuuddu aayaddan halkii Xaam ahayd ay Kancaan ku beddeshay si ay iskaga sarraysiiyaan Kancaaniyiintii ay ishayeen isla markaana iyagana ay u nafsad jabiyaan. 

Qur’aanka aayadihiisa 20 ilaa 23 ee Suuratul Maa'ida waxa ay tilmaamayaan in Yahuuddii Shaam soo galaysay ay ka fadli badnaayeen dadkii halkaa degganaa oo in ay Kancaaniyiin ahaayeen lagu wado. Waxa uu Muuse (CS) Yahuudda ku canaananayaa sababta ay u gali la'ayihiin dhulkan iyaga Ilaahay siiyay islamarkaana ay meesha uga saari la'yihiin dadka degaanka ku ah. 

Isku soo duub oo, dadka diintaas ku barbaaray waxa ka dhaadhacsanayd in wiilka la nacdalay uu yahay Xaamka dadka madaw dhalay ama guud ahaan dadka madoobi qof nacdalan bay ka tafiirmeen. Tusaale ahaan, Fidel Castro waxa uu ku leeyahay buugiisa uu ku ururiyay xasuusihiisii yaraantiisii: “Nuux waxa uu beertay Cinab uu khamri ka samaysto, dabadeed maalin ayuu khamrigii iska tandhaafiyay oo uu maryaha tuuray, dabadeed waxa arkay wiilkiisii oo ku qoslay cawradiisii. Nuux ayaa markii danbe nacdalay wiilkiisii waxana uu ku habaaray in wajigiisa alle dooriyo oo uu madaw noqdo. Tani waxa ay ka mid tahay waxyaabaha aan mar uun jeclaan lahaa in ay Kaniisaddu beddesho, sababta oo ah, waxa ay qabtaa in madowgu yahay calaamad Eebe qofka ka muujiyay” {Casro, 75- 76.} Gabyaa aan magiciisa la aqoon oo Jarmal ahaa ayaa isna gabay ku daray fikrad odhanaysa danbigii Qaabiil ayaa dusha uga soo baxay tafiirtiisii, danbigaas oo ka hoodhiyay midabkoodii quruxda badnaa islamarkaana u dhalanrogay madow. {Goldenberg, Black and Slaves, 33}.

Haddii aynu isla soo aragnay sida sheeko baralayda caddaanku ay madowga u liiddo iyo sida Suugaanta diinta Ibrahiimiyadu ay u nacdasho nasabka madowga, waxa aan iswaydiin karnaa sidee ayay iskugu xidhmeen dadka Afrikaanka ah iyo Xaam, nasab ahaan? Buugga Genesis cutubkiisa 10 aayadiisa 6aad waxa ku qoran in uu Xaam dhalay Kuush, Masar, But iyo Kancaan. Taariikh ahaan Kuush, Masar iyo But waxa ay ahaayeen deegaannada waqooyiga Afrika dhaca, gaar ahaan waddamada maanta loo yaqaan Masar, Suudaan, Liibiya iyo deegaannada ku hareeraysan. Inkasta oo magaca Kuush ay suugaanta Giriigga ugu jirto Itoobiya, Haddii la isku soo wada qaado deegaannada Afrikada Waqooyi ayaa magacyadaa loo yaqaaannay. 

Iyada oo magacyadaa laga duulayo, waxa la sheegaa in saddexdaas wiil ee uu Xaam dhalay ay u hayaameen deegaanadaa Afrika, iyaga oo ka soo kicitimay deegaannada Shaam. Xadiis Abuu Xaafid Al- Bisaari nabiga (NNKH) ka warrinayo ayaa odhanaya “Nuux waxa uu dhalay Xaam, Saam iyo Yaafis. Saam waxa uu sii dhalay Faarisyiinta, Carabta iyo Roomaanka waana dad khayr leh, Yaafis waxa uu dhalay Ya'juuj iyo Ma'juuj, Saqaaliyiinta iyo Turkida waana khayrlaawayaal; Xaamna waxa uu dhalay, Qibdida, Berbariyiinta iyo Suudaanta”. 

Waxa jira isna Xaddiis kale oo xasan ah oo sheegaya in Xaam yahay aabaha Xabashida. Dhamaan suugaanta iyo dhaqamada dadka diintan haysta, waxa aad ka dhex arkaysaa in ay dadka madow ee Afrika ugu abtiriyaan Xaam Bin Nuux. Ilaa heer bay gaadhay ay aamineenba in uu Xaam laftiisu nin Madow oo kuwa kale ka duwan uu ahaa. Daraasaad uu Thomas Peterson xilligii addoonsigu taagnaa ka qaaday Koonfurta Maraykanka, waxa uu ku sheegay aaminaadda qabta Xaam baa dadka madow dhalay in ay tahay aaminaad ummadda ku dhex xididaysatay, sida oo kale kaniisadda Koonfureed ee caddaanka waxa ka dhex guuxaya in Xaam laftiisu uu nin Madow ahaa. {Peterson,42, 45-47.}

Cilmiga dadyawga iyo dhaqamadooda lagu darso ee Anthropology-gu, horraantii, isaga oo daba socda sheeko xariirooyinkii iyo diinta, dadka waxa uu ka eegay dhanka muuqaalka, waxa uu u muuqday mid dadka wixii iskumuuq ahba iskuhidde ka dhigaya. Cilmigan oo ay dad caddaan ahi wateeeni waxa uu dadka u kala saaray saddex kooxood oo uu yidhi way isku muuqaal dhowyihiin: Negroid, oo ah dadka madawga ah; Caucasoid, oo ah dadka caddaanka ah iyo Mongoloid, oo ah dadka indhayarta ah. Kala qaybintaas waxa dhex socday sarraysiinta caddaanka, qaar badan oo culimadii Anthropology ga ah ayaaba qabtay in aan dadnimada loo sinnayn oo ay caddaanku ka dadnimaysanyihiin madowga, tusaale ahaan Arthur de Gobineau {1816- 1882} waxa uu kaga faaloonayaa buugiisa “Dhanbbaal ku saabsan kala Sarraynta Isirrada dadka” {An Essay on the Inequality of the Human Races}, in aanay dabci ahaanba isirrada dadku sinnayn, isirka caddaanka ah ayuu fadli dheeraad ah siinayaa halka uu madowgana hoosaysiinayo. 

Ashley Montagu {1905- 1999} oo arrintaa naqdinayaa waxa uu ku doodayaa in horta marka horaba dadka aan si cilmi ah loo qaybinin ee isirro aan islahayn hiddahooda meel la wada mariyay, waa marka labaad ee waxa uu sheegayaa in fikraddaas beenta ahi ay dhashay siyaasadihii midabtakoorka ahaa ee dunida qabsaday. Buugiisa la yidhaa Man's Most Dangerous Myth: The Fallacy of Race, ayaad ugu tagi kartaa doodihiisa oo faahfaahsan. Inkasta oo Anthropologygaa hore laga waynaaday oo uu cilmibeelay, haddana, nasiib-darro manhajyada waxbarashada dugsiyada Soomaalida qaarkood, sida ka Soomaalilaan, ayuu ku jiraa.

Waxa aan ku soo xidhayaa, iyada oo marka horaba caddaanku ay tagoorsanaayeen madowga, sida sheeko xariirooyinka ka muuqata, ayay haddan diintu u sii sharciyaysay. Sida aan soo aragnayba, diintu waxa ay si badheedh ah u tidhi in madowgu uu addoon u joog yahay, oo Nabi Nuux ayaa madowga ku dulleeyay addoonimada. Sida, Fredcrick Douglass-na uu qabo, Addoonsigii madowga waxa gacanta midig ku lahaa suugaanta diinta. Xilliyadii boqortooyooyinkii Islaamku ay Afrika soo galeen, waxa cirka isku shareeray addoonsiga madawga, Jihaadyo badan oo deegaannada Afrika lagu soo qaaday waxa shidaalinayay addoon-raadis.

Waxa la sheegaa, khaliifkii Cabbaasiyiinta ee Haaruun al-Rashiid in uu ka fajacay waxa addoomo madow oo tiro-beel ah joogeen caasimaddii uu fadhiyay ee Baqdaad. Waxa kale oo la ogyahay in addoomadii madowga ahaa ee galbeedka Afrika laga rartay, Sanji, ay buux dhaafiyeen Ciraaq, dabadeed markii danbe ay kacdoon hubaysan kala horyimaadeen boqortooyadii Cabbaasiyiinta.

Qoraallada kale ee qoraaga

Dhaqan

Indheergaradnimada maansayahanka