Tuesday 15 September 2026
Roob yar oo tumay ah ayaa goor dhawayd arlada ka dul qaaday, caadkii uu ka tagayna samada ayuu ku sii kala lumayay, markaas bay cadceeddii oo la moodo in uu roobka yari kulaylkeedii badnaa rusheeyayna falaadhaheedii ka soo dhex dusinaysay qarrida dhibcihii ka dhammaadeen ee moodda ku samaysay duleedka godka ay cadceeeddu ku sii quluulanaysay. Falaadhaha cadceeddu xagal 170 digrii ah ayay kaga soo dhacayeen nabaadka iyo dhirta kale ee ay caleentoodu la sayaxday shuucii roobka yar, mararka qaarkood waxa aad isha ku joojinaysay oo ku cawirayay dhalaalka dhibcaha biyaha ee ka dul baxaya caleemaha dhagahooda. Dabaysha ayaa jag tidhi naflayduna shanqadha ayay joojisay, geedaha dhaadheer ayaa iyaga oo aan laan dhaqaaqda lahayn cirka ku yuubnaa, salaan digtooniya ayay u saareen roobka yar ee ciidda u qooyay iyo qorraxda kulaylkii darnaa ee rayska ka fuuqsanayay kala dul dhaqaaqday.
Mid ka mid ah geedaha jirridooda waxa ku dhagsanayd xabad jinac ah oo ugxaantii ay tobanka sannadood ee soo socda ay dhali lahayd mar kaliya dhabarkeeda yar u ridatay. Waxa ay u halgamaysay sidii ay u faqan lahayd guri ay ubadkeeda ku noolaysiiso iyada lafteeduna ay culayska iskaga dhigto, waa ugub oo haba yaraato eh wax khibrad ah uma laha hayaankan qoys dhiska ah ee ay kabaha u illatay, deegaanka ay dhexjibaaxaysayna cadaawad mooyaane, miciin kama ay sugayn.
Qurratooyinka iyo xammaaratada kale ee laga yaabo in ay geedka jirridiisa soo sululuxdaan baa mar kaliya afka u dhigan karayay oo gaajadii jirka yar iskaga reebi karayay. God qudhaanjada gashaa qoob dad waa u halis e, kuwa u soo badheedha ee quud ka raadsada waxa kaga darnaaba kuwa si kama’ ah lugta ama jirjirka u marin karayay. Balaayadu waxa ay leedahay waji foolxun iyo daba qurux badan, oo noolayaasha laga yaabo in jinacaantu ay cagtooda ku baxaan iyaga maankooda kuma soo dhacdaba in ay naf gooyeen iyo in kale, laakiin maalinta ay iyagana balaayadu wajiga siiso ayuun bay dareemaan balaayada geerida iyo xanuunka luminta jiraalku uu leeyahay. Jinacaas balaayadeeda ugu weyn oo qudhbax ahi haddii ay caawa ku timaaddo, noloshu tabi mayso, hanqaraarac lug uma dhutiyo eh iyada oo aanay farta cidideedu ka go’in ayay taayirka hore iskaga sii rogi doontaa, waxa kaliya ee tabi karaa waxa laga yaabaa in uu noqdo hunguriga xayawaankii cuni lahaa.
Dhibicdii roobka ee u danbaysay sidii ay u qaadayba Kumannaan jinac ah oo lab iyo dhedig iskugu jira oo baalasha ku duulaya ayaa si raxan-raxan ah guryaha uga soo boodayay. Da’yar badan oo malaha roobku tamartii jinsiga ku kiciyay islamarkaana doonayay in jiritaankoodu baaqi sii ahaado ayaa fagaagga isroorsanayay oo hawada iskula gadhoodhay.
Shinbiro ka waaweyn oo malaha wadka jinacda ah baa kolba jinac qabsanayay oo laamaha geedaha kula deggayay, waad ka yaabaysay shinbirahaas cawdhadhnimadooda iyo sida bahalnimada leh ee ay u hiigayeen jinacda ka itaalka yar. Markaad aragto sida kumannaanka ah ee ay godadka uga soo dareerayeen, jinacda difaacoodu waa farahooda, oo kollayba shinbiruhu ma wada dhamayn karaan e, qaar baa badbaadi doona oo sii wadi doona dirka jinacda.
Intii hanbbada shinbirihii hallaloobsanayay ka soo hadhay ee bacrimintuna u hagaagtay ayuu jinac waliba meel uu ugxaantiisa dhigto raadsanayay. Sidaadii ay gudashada bacrimintu u dhammaatay ayay jinacii labna saacaddu ka dhammaatay, calool galkii ubadkiisa ayuu isna godka aakhiro galay, sidaas ayayna hooyadan geedka jirridiisa ku yugani ku wayday garabkeedii kale ee u miciimi lahaa.
Wakhti badan oo lug iyo daal ah ka dib, waxa ay iyada oo nabad qabta ka soo wada dhaadhacday geedkii ay ku nabnayd, ciiddii oo qoyday baa isku dumisay jeexjeexyadii dhulka ee inta ay dhexgasho ay boqortooyada cusub ka unki lahayd...
Dhulkii baa wareegay oo xagga kale iska soo rogay, dabadeed cadceeddii iyo uunkii baa mar kale is arkay. Uunku isku wada dan, duruuf iyo doonis midna maaha, qaar uu jinacani ka mid yahay ayay cadceeddu noloshooda sidday, qaar kalana wadkooda ayay la soo ordaysay. Iyadba rafaadkii xalay haystay uunku uuma ogayn e, maantana waa yeelkeed cidda rafaadka mudan doonta. Qoraxdii oo malaha ka cadhootay roobkii yaraa ee shalay baa falaadho tamar kulayl badan wata dhulka ku soo liishaamasay, durba dharabkii iyo sayaxii arlada dulsaarnaa bay liqday, oo ciiddii oo karfaftay ayay ka tagtay, dhulkiina qaraadho yaryar baa ku samaysnaa.
Xabaddii jinaca ahayd wali way halgamaysay oo dadaal iyo nasiib wada jira ayay kaga nooshahay khatarihii badnaa ee xalay giddii ku meersanaa. Jidh ahaan ha u daalanaato, laakiin maanku wuu u fayoobaa, waayo, wax ogaal ahi muu soo gelin, ayaan darrada iyo nasiib xumada jiraalkeeda ku gadaaman hadduu maankeedu ogaan lahaa isagaaba cadawga koowaad ku noqon lahaa, cid kalaba inta aanay soo gaadhina suntiisa ayaa aakhiro u diri lahayd!
Cadowga nolosha qasab maaha in aad mar kasta kulantaan e, marar badan baad iswaayi kartaan oo nasiibku wacnaan karaa, laakiin mushkiladdu waxa ay tahay sideed isku biimayn kartaa adiga oo og suuragalnimada in cadowgu ku qaban doono? Si mushkiladaas dhiirasho la’aanta ahi aanay meesha u iman, marka horaba ha yeelan ogaalka suurtagalmimada in cadowgu ku qaban doono. Mooganaanta awgeed ayay midhkan jinaca ahi u soo jiidhay kumannaan halisood oo ilbidhiqsi kasta qudha ka jari karayay, haddii ay ogaan lahaydna may soo dhiirateen e, geedka jirridiisa ayay ku hoos bakhtiyi lahayd...
Qaraadh yar oo agteeda ka dillaacay ayay walam isku siisay, nasasho waa wali eh, waxa ay hore ka bilowday dhalidda iyo daadihinta ubad cusub... Imika waa taabagal karti dardar wadata iyo dadaal hore leh oo markiiba shaqadii boqortooyada ku fillaaday la soo kacay. Qaraadhkii yaraa ee ay ku dhasheen inta ay ka digarogteen ayay god dheer oo boqollaal jinac isku dhaafi karayaan qoteen, camuudda ay godka ka soo qodeen ee ay isku wareejiyeen sheedda ayaa laga soo arkayay tuulimaadkeeda.
Markii loo quudhi waayay guriga iyo boqortooyada ay tabcadeen ayayba noolayaasha qaarkood u maleeyeen in qolo hoose ay waxan dhistay e, aanu jinacan yar ee itaalka darani dhisin. Inkasta oo kartidiisa la duudsiiyay, haddana khuraafkaasi waxa uu ka ilaaliyay in raaska boqortooyadooda cagta lagu qaato, oo in mitir ah loogama soo dhawaan jirin. Waxa laga aaminayo waxba kama ay galin kol haddii ay nabadgelyo ku helayaan.
Dhawr fac ka dib, facan boqortooyada u soo kacaya waxa ka mid ahaa lix jinac oo meel ku wada dhigta tababbarka hawlaha boqortooyada, oo wakhtigooda badankiisana halkaas ayay ku bixinayeen. Marka hawlaha farsamo laga yimaad, waxa xoog loo baraa qiimaha adeecidda boqoradda iyo boqortooyadan. Guushana waxa lagu dhisay danta boqoradda iyo boqortooyada oo wixii boqoradda u dan ah uun baa guul ah, wixii kalana waa fashil iyo guul darro.
Arday waliba waxa uu dhagaha u raaricinayay waanooyinka guusha u tilmaamaya ee ay macalimiintu qubayeen. Isaga oo niyaddana ka tabanniyayay in uu mar uun guulahaas gaadhi doono, billado iyo hadiyado qaali ah baa la guddoonsiin jiray ardaygii muujiya in uu si wacan u hayo jidka ay macallimiintu u bidhaamiyeen, jinacii ka baydhana waxa lagu dhuftaa shaanbadda saaqidnimada markaas oo jinacada kalana ay dhab u wada aqoonsadaan in kaasi uu mustaqbalka ku khasaarayo.
Muddo uu tabbabarkoodii sooba idlaanayay, ayuu jinac ka mid ahi helay warqad uu qoray mid ka mid ah jinacaanta dhawaan boqortooyada ka bixi doonaa. Warqadda inteeda hore waxa ku qornayd sirta taariikhda boqortooyada iyo qaybaha ay u kala baxdo sida qaybta shaqaalaha, amiirada iyo boqoradda oo ah ta ugu sarraysa, intii uu qaybtan hore akhriyayay waxa uu xog qadhiidh ah se aanu hore u ogayn xitaa u suuraysan ka helay taariikhda iyo masiirka jinacda, sida oo kale qaabka boqortooyadan uu ka tirsan yahay ay u bilaabantay iyo sida ay u sii farcami doonto ayay wax yari uga baxeen. Tani waxa ay ku abuurtay xanuun xognimo doon oo darran, maxaa yeelay mooganaantiisiina way ka kicisay oo wacyigiisii ayay toosisay, haddana xog ku filan oo xitaa una dhow oo wacyigiisii kacay dajisana kama uu helin, nasiib xumo ogaalka iyo xogta ka maqan waxa kaliya ee uu ka raadraaci lahaa waa warqaddan iyadna wataas bogageedii iska soo ildlaadeen.
Dhanka kale waxa uu ogaaday in isaga iyo saaxiibadiiba ay ka tirsanyihiin qaybta shaqaalaha ee boqortooyada, markan waxa uu dareemay in la quudhsaday oo iyada oo aan lagala tashan halkaas lagu tuuray, waxa uu isku arkay jinac gabigiisaba lagu soo ururiyay u shaqaynta boqortooyada.
Warqadda qaybteeda danbana waxa uu jinaca amiirka ahi kaga hadlayay macne-darrada nolosha, isaga oo si xun uga sii warwarayay wadka caasha soo saaray, una qaadan la’aa in nimacadii boqortooyadu ay sidaas yar ee fudud kaga kala dhici doonto. Mararka qaarkood waxa uu isleeyahay ma iskaba daysaa tarankan baas ee dhimashada kuu soo sida, haddana waxa ka awood weyn caadada soo jireenka ah ee jinacda, haddii, geerina ha ka sokoysee, uu xeerarka ay jinacdu ku waajibisay raaci waayo waxa ku dhacaya takoor abadi ah oo dhimashadaba kaga daran. Si wacan buu ugu dhacay waxa amiirku ka calaacalayay, maadaama oo qaabka ay jinacdu u farcanto uu warqadda inteeda hore ku akhriyay.
Dhawr maalmood oo nuuqiisa la waayay ka dib, maanta ayuu goobtii tababarka dib ugu soo noqday. Afka ayaa cuncunaya oo sidii jirkaan la buux dhaafiyay ayuu xogta haysan kari la’aa, si dhakhso ah ayuu u rabaa in uu saaxiibbadii ula wadaago xogta yaabka leh ee ay ka mooganyihiin, laakiin hadda cashar baa socda oo si fiican uguma warrami karo. Isaga oo sugi kari la’aa dhammaadka xiisadda, dhanka kale waxa uu aad u saluugsanaa garashada macalimiinta, dad juhalo ah oo aan geeridii nabiga ogayn ayuu u arkayay. Mararka qaarkood waxa uu ku siganayay in uu kor u boodo oo uu ku yidhaa waxa aad noo akhridaan wax boqortooyadu si ab ka soo gaadh ah idiinku shubtay, idinkuna waxa aad tihiin dhaanraacayaal addoonsigayaga ka shaqaynaya, laakiin kuma dhaco oo baqashadaa xididka dhiirashada kala baxday.
War inta uu afkaaga ku jiraad leedahay e, xogtii uu sheegay ardaydii tabbabarka oo dhan ayay ku dhex fidday, inkasta oo uu isagu saaxiibadiisii dhawaa uun uu la wadaagay intii kalana dayblaha baf leh ayaa u geeyay. Xogtu si kasta oo ay run u tahay haddaanay maan runta garan kara helin waa iska been uun, tiimkii ay tababarka wada qaadanayeen oo dhami way la yaabanaayeen waxa jinacani ku hadlay ee laga sheegayo. Waxa ka sii darnayd macallimiintii oo u qaatay in uu boqortooyadooda caayayo, maxaa yeelay waxay ku ogaayeen wax ka duwan ayuu ku sheegayay. Arday iyo macallimiinba waxa hoosta laga xariiqay in jinacani caasi tubta hoogga ku dhacay uu yahay, waxana la isku waaniyay in laga fogaado si aanu danbigiisu u soo gaadhin, lana takooro si loo dareensiiyo xumaha uu faraha kula jiro.
Ibliisba wax raaca ma waayin e, lixdii arday ee ay isku fadhiga ahaayeen iyagu ardayda kale way ka duwanaayeen, inkasta oo aanay la qaadan warka uu sheegayo haddana iniintii shakiga oo ay hubanti tahay in ay dhawaan laabahooda ku xididaysan doonto ayuu qalbiyadooda ku tuuray.
Dabci ahaan, ogaalka jinacdu hadba dhan ayuu ka raran yahay oo kolba xogta ay badankeeda hayaan ayaa hafisa iyaga oo aan xisaabtaba ku darsan inta ka maqan. Haddii ay ahayd “asalkaba garshada/ha ka dhigin ogaalka” iyagu garashadaba waxa ay ka dhigeen inta ogaalkooda ah.
Sidaa awgeed, markii jinacii sumoobay iyo shantii kale ay dood wadaag noqdeen sida oo kalana waraaqo wixii la heli karayay la isla akhriyay, waxa ay is arkeen uun iyaga isku meel jooga, haddii uu shalay jinac kali ahi sumaysnaa inta kalana ay fayoobaayeen iyaga oo dhiillo ka muujinaya kan sumoobay, maanta waa kuwaa wada sumaysan.
Nolosha jinacda waxa wada xeerarka aan asalkooda la garanayn ee fac ka fac la soo kala dhaxlayay, maadaama oo uu jinucu aanu jinacda kale ka maarmi karin waa in uu xeerarkaas la isla yaqaan kula shaqeeyaa. Lixdan jinaca iyagu bulshada jinacda dhan bay uga goosmeen iyaga oo ka faanaya oo iska waynaysiinaya, waxaba ay isku arkaan jinac heeryadii jahliga iyo addoonsiga iska tuurtay, jinac iftiin heshay oo dhawaan ka soo baxday godadkii mugdiga.
Macallimiintan iyo guud ahaan tabbarka iyo nolosha boqortooyadaba kuma ay qanacsanayn, maaddooyinkana sidii la rabay ugama ay soo bixi jirin. Wakhtigooda ugu badan waxa ay ku bixin jireen ka doodista asalka boqortooyadooda.
Maalin baa la iswaydiiyay horta boqortooyadu in ay qaybta shaqaalaha innaga dhigtaa ma caddaalad baa? “May” buu midi yidhi, “waayo in jinacda qaarna amiiro noqdaan oo raaxaystaan qaarna ay duud xamaal noqdaani, wax haba yaraatee caddaalad lagu sheegi karo maaha” mid kalaa hadalka qaatay “ laakiin dee kuwa amiirada ahi tarankooda koowaad ayay ku dhimanayaan oo inyar bayba raaxaysanayaan, markaa maan la odhan karin xaggaas uun baa lagaga jaray”? “ may lama odhan karo” ayuu mid kale yidhi “ nolol yar oo kooban oo raaxo miidhan ah ayaa dhaanta nolol dheer oo wada rafaad ah” mid kale “ ta kale, waxaba iigu daran hantidaada amiiradu ha ku raaxaystaan adna shaqaale dulman iyo wax mahayste noqo!”
Mid kale “ oo ma hanti baad u dhiibatay saw iyagu iskama laha” mid kale “ xaggay ka keeneen markaa hantida ma hooyadood baa siisay? Wixii jinacda oo dhan bay cuneen jinacyahow”, mid kale “bal maxaan ku qabnaa boqortooyada iyo taliskeedaba wakaas e”?, mid kale “ horta maxay ka shaqeeyaan ee ay inna taraan”? Mid kale “ shilin ma qabtaan haddii laga tagi waayo waxa ay ku fooganyihiin sidii ay khayraadka jinacda oo dhan ay kaligood afka ugu dhigan lahaayeen”, mid kale “ oo horta saw kuwa afyar wuxu, sidee ayuu khayraadka jinacda oo dhami afkooda u maraa nacdali kortayda? Ta kale wuxu maanay cuqubo iyo wax ka baqan”, mid kale “ hadday afkooda oo kaliya noogu daynayaan ma ciil baan qabi lahayn saw hanbbada noogama ay tageen, jinacda ay awoowga afaraad u noqonayaan afkooda ayay ka sii fikraan iimaan la’aantooda, qaarna waxaba laga sheegaa in ay kaydad ka samaysteen boqortooyooyin kale. Cuqubo ku lahaa, kkk, wali maad tallaabin, cuqubadu waa usgada dareenka aargoosiga lagu dilo, oo si aanad u aargoosan bay ku odhanayaan cuqubo nagu daa iyadaa nooga kaa aargudi e, ‘”, mid kale “ oo imika ma waxa aad leedahay hantidan badan ee ay qayrkeen ku naaloonayaani waa tii awoyadeen laga dhiig miirtay”?
Mid kale “ sidaasuun bay noqonaysaa”, mid kale, “ta kale, jinacyahay jinacda talisa innagaa si walba u dhaanna, jinac hadalkooda matag kugu qabanayo ayaa meesha joogta”, mid kale “ waa runtaa, anigu waxaba aan qabaa jinacdu sida ay u kala caqli badanyihiin ha iskugu taliyaan”, mid kale “ laakiin sidee lagu ogaanayaa kuwa caqliga badan, ma idinka uun baa isboqoraya”, mid kale “ waa su’aal, laakiin horta kuwan oo kale wax talis u qalma xitaa u dhowna maaha, waan ku dhaaran karaa in ay yihiin jinacda kuwii ugu liitay”, mid kale “ naftaa loo hantaaqaa waxaad hiigso leedahaye, waa in aan ku kacnaa waxan oo aan taajka ka siibnaa, nolosha waxa ugu liita jinaca dullinimada ku samara, xitaa waan hubaa haddii ay nolol kale jirto in maxaad dullinimada iskaga eeganaysay lagugu qabsan doono” mid kale, “haa wallaahi waa in lagu kaco”, mid kale, “oo maxaad ku kici adigii baa taadii qaadi kari la e”.
Doodaha noocaas ah oo miidhan intii ay wadeen ayuu tababarkii soo idlaaday, ardaydii oo dhanna waxa ay u tafaxayteen sidii ay hawlaha boqortooyada uga shaqayn lahaayeen si naftooda iyo ta boqortooyadaba ay u anfaacaan. Wali iyagu lixdii jinac sidii ayay laba geeddi ugu jiraan hawlaha boqortooyada.
Haddaad iimaanka boqortooyada weydo, shaqooyinkeedana kama soo dhalaali kartid, lixdan Jinacna karti darrada hadhaysay awgeed hawlihii boqortooyada oo dhan inta ay ka fallaagoobeen ayay meelahaas jeexjeexyada iska hadhsan jireen. Jinacda kale ee quudka dibadda kala timid ee godka ku sii walwaalaya ayay dhexda u gali jireen oo kolba qurus yar u soo fidin jiray. Ujeeddada hawlaha nolosha, boqortooyada xeerarka soo jireenka ah ku dhisan baa macnaynaysay, xeerarkani run iyo been wax la yidhaa ma aqoonsana sida Lixda Jinac oo kale, qaladka iyo saxdana waxa kala miisaama dannaha boqortooyada, inkasta oo xididka ugu weyn dantaasi uu waraabiyo taliska boqortooyada haddana xididada yar ee ka soo farcama ayaa inta kalana soo gala, mararka qaarkoodood xidadaa yaryar laftooda ay boqortooyadu ka daba timaad oo ay soo leexsataa, kolkaas oo ay jinac badani dhankii loo badnaa u iishaan.
Xitaa deegaanka boqortooyadu deggantahay dhirtiibaa ka suushay, maxaa yeelay nafaqadii ay jinacda dhintay ka heli lahayd dunidaa dubaaxdoodii lagu sii fuuqsaday, muddo badan oo uu jinacu gaajo, xanuun iyo silic la ildarnaado ka dib buu isaga oo lafo kaliya ah ciixda hoosteeda maraa. Macnahaas ayay jinacdu ku tamarin jirtay oo idaan ugu noqon jiray culaysyada adduunyada iyo mashaqadeeda.
Lixdan Jinac iyagu macnaha nolosha ee ay boqortooyadu bixisayna waa kuwan been ku sheegay, mid iyagu ay leeyihiinna lama ay iman, dabadeed waxa ay noqdeen fadhiidyo aan koob sii jeeda soo jeedin jirin, caajiska iyo wahsiga ifka uga soo baxay waxa aad moodaa jinacyo gaboobay oo muruqyadu talaxgabeen.
Maaweelada, sida ciyaaraha kala duwan ayay kaga dhuuman jireen waayaha cadaabta ah ee seefta la dul jooga. Lixdooda oo kaliya ayaa yeeshay xayndaab nololeed oo u gaar ah, mid wal oo ka mid ahina marka uu jinacda kale dhexgalo waxa uu ku dareemaa qalo iyo qariibnimo saa’id ah, waxa uu iskula muuqanayay uun loox jinacaanta la dhextaagay, jinacaanta kale laftoodu way la yaabi jireen jinacan wax ka si yihiin. Taas ayaa keen Lixdu marka ay kala maqanyihiin in ay isku soo jeelaan.
Muddo dheer ayaa ka soo wareegtay kolkii ay dhammaysteen tabbabarkii hawlaha boqortooyada, lixdoodii oo farsamadii yarayd ee tabbabarka lagu barayna ilaaway ka dib markii ay ku shaqayn waayeen, ayaa habeenkaas is hor fadhiyay. Waxa ay isla soo hadal qaadeen jinacdii kale ee ay tabbabarka wada joogi jireen? Midi qadhaabka boqoradda ayuu soo ururiyaa, mid kale fudadka godka ku soo dhaca ayuu ka guraa, mid kale dhaqaalaynta amiirada ayuu u xilsaaranyahay, laba kale ugaxaanta ayay qudhunka ka ilaaliyaan. Intii ay ka xasuusteenba midba meel ayay ku sheegeen.
Halkaas markii ay botorinaysay, ayuu midi hadal la soo booday “ innagu toos baynu u fashilanay, bal maxaan haynnaa wakaas e,” mid kale “ inta aad gumoobi lahayd adiga oo gob ah oo gaajoonayaa dhaanta” mid kale “ gobannimada iyo waxaasi waa dhalanteed, gunnimada ugu weyni waa in aad gaajoonayso oo aad diiday in aad boqortooyadaada la shaqaysato” mid kale “ horta adiga oo la shaqaysanaya miyaanad gobanimadaana ilaashan garan”? Mid kale “ may may, waxa u shardi ah in aad mabda’aaga ka tanaasusho oo aad munaafaqad kula shaqayso” mid kale “ gobannimo gobannimo ayay idinkaga dhagtay waa maxay gobannimadu horta, ta kale waa maxay mabda’aagu”?
Mid kale “ gobannimadu waa in aad xor ahaato, wixii run ahna aanad la gabban ee aad sheegi karto, mabda’ayguna waa in jinacda loo sameeyo xeerar caddaalad ku dhisan oo aan inna boqoro ka dhigayn inna shaqaale ama aan inna madax abadiya u qorayn inna mijo abadiya”, mid kale “ oo haddii ay gobannimadu xornnimada tahay, ma adigaa xorba ah imika”?, mid kale “ sideen u ahayn? waxa aan doono ayaan sheegi karaaye”, mid kale “ hadalku muxuu kuu tarayaa kolba haddii aanad wixii aad u baahnayd helayn, xornnimada dhabta ahi waa ta ficil ahaan aad ku helayso waxa aad u baahantahay, hadal iyo cay boqortooyada meel daloosha ka geli maayaan adiga uun baa daali.”
Mid kale “ taasna waan gaadhi doonaa mustaqbalka” mid kale “waxaasi waa iska dhalanteed adiga oo halkan afka cadeedinaya uun buu wakhtigu kaa dhici doonaa”, mid kale “ jinacyahay, anigu waxa aan odhan lahaa aan meeshaba afganbino”, mid kale “ oo afganbiga ma carrabkaad wax ku leefi hub iyo dhaqaale toonna ma haysid e”?, mid kale “ horta boqortooyadu maanay abaal innagu lahayn oo aanay ina soo korin”?, Mid kale “ waxba nooma ay tarin e, way na dullaysay uun” mid kale, “ ma in ay ku soo korisay baan waxtar ahayn”?
Mid kale “ hadday na korisay qasdiga ay noo korinaysay in ay nagu shaqaysato bay ahayd e, kolnaba dantayada may wadin”, mid kale “ haa waa runtaa, maxay noo keenayeenba ifka hadday sidaa tahay, in ay iska kaaya daayaan baa la qaatay.” Mid kale “ bal imika waa innagii faani jirnay eh maxaa aynu kaga duwanahay jinacaantii kale ee aynu wax soo wada qaadanay, iyagaaba boqol jeer inaga fiican baan odhan karaa”, mid kale “ may, taa lama odhan karo, in aad runta ogtahay oo aad ka wacyi sarrayso miyaanay guul ahayn”?, mid kale “ wacyi wacyi bay ku waalataye, wacyigu wakaas e, nolosha wax ha kaaga gooyo”, mid kale “ jinacaa waa runtii e, armuu waxani yahay waxa nolosheenna baabiiyay”, mid kale “ sidee u baabiiyay markaa, horta ujeedada ogaalku qasab ma aha in uu nolol fiican kuu gooyo, marar badan waa hollac xammilaad dheeraad ah kaaga baahan”, mid kale “ nolol fiican ku siiyo maaha ku lahaa! Haddaa maan caabudnaa markaa? ujeedada dhabta ah ee loo nool yahay waa in nolol fiican la gaadho wixii nolol fiican kuu dhawaynaya ayaa sax ah, xaqiiqo iyo run iyo.. waxaasi waa iska dhalanteed jinaceey”, mid kale “ dee adigu aqoontaba waxa aad ku soo ururisay hunguri, fiicnidana waxa ku xidhaysaa shilinka. Shilinku sina uma qeexi karo fiicnida”, mid kale “ waa maxay waayahee fiicnidu aan kugu soo celiyo e,”?
Mid kale “ taas ma garan karo laakiin waxa aan kuu sheegayaa uun in shilinka iyo fiicnidu ay bari iyo galbeed kala yihiin”, mid kale “ isku soo ururi oo wixii fiicani nolol fiican ba ku siiyo uun”, mid kale “waa run dee, wuxu hadduu qiimo leeyahay wax la taaban karo ha kuu gooyo, jinacdaan wax dheerahay aan la garanayn wax uu yahay, maad la timaadid haddii waxaasi run yahay.” Guntii iyo gabagabadii nolosha maxaad ka leedihiin “ noloshu waa iska macne-darradaa aan qeexidda lahayn e, dhankaad jeceshahay u qaado adigu”, mid kale “ macno darro maaha e, innaga ayaan macnaheed garanayn. Hana is dhiibina e, macnaheeda daba gura”, “ hortaa jiraba wuu ku daalay e, ma adigaa heli, waxba dhayda ha iska lisin jinacoow ee iska noolow”, mid kale “ markaa adigu ma hortaa jiraad tahay, mid kaa horreeyay iyo ka kaa danbeeya waxba kaama galin e, adigu taada ku go’aan gaadh”, mid kale “ ta kale, saw lama odhan karo jinacdii hore in bay soo sheegeen e, inteennii baa dhiman”. Iyaga oo halkaas marinaya ayuu wakhtigii ka dhacay oo ay kala yaaceen, masiirkooda iyo waxa ay mudan doonaanba wakhtigaa soo sida.