Monday 24 March 2025
In kasta oo mowqifka Shiinaha ee ku saabsan xidhiidhka Soomaalilaan iyo Taywan uu yahay mid soo taxnaa, haddana waxa uu noqday mid sii xoogsysanaya oo ka dhan ah Hargeysa. Dhanka kale, Soomaalilaan iyo Taywan waxay xoojiyeen xidhiidhkooda, iyaga oo aan dheg u dhigin diidmada Soomaaliya iyo Shiinaha. Taywan ayaa ku dhawaaqday dhismaha xarun caafimaad oo ku kacaysa adduun dhan $22 milyan oo doollar oo laga dhisayo Hargeysa, waxayna sidoo kale siisay deeqo waxbarasho saraakiisha milatariga si ay u casriyeeyaan awoodaha ciidamada Soomaalilaan. Sannadkii 2022, Soomaalilaan iyo Taywan waxay kala saxiixdeen heshiis iskaashi oo ku saabsan khayraadka tamarta iyo macdanta, taas oo suurto gelinaysa sahaminta iyo qodista khayraadka.
Haddaba, sidee loo sharraxayaa xaaladdan iyadoo la tixgelinayo isbeddelka ku yimid isgaashaanbuuraysiga siyaasadda gobolka, maamulka cusub ee Trump ee Maraykanka, iyo saadaasha tilmaamaysa istaraatiijiyadda Maraykanka ee ay ku xoojinayaan wadashaqaynta ay la leeyihiin Soomaalilaan, taas oo qayb ka ah istaraatiijiyadda guud ee lagu la loollamaya Shiinaha?
Tan iyo markii ay Soomaalilaan iyo Taywan aasaaseen xidhiidh diblomaasiyadeed sannadkii 2020, Shiinaha ayaa si xooggan uga hor yimid xidhiidhkan cusub, isaga oo ku tilmaamay in uu yahay mid xadgudub ku ah midnimada dhuleed iyo madax-bannaanida Shiinaha. Beijing waxay si weyn u xoojisay xidhiidhka ay la leedahay xukuumadda federaalka Soomaaliya, taas oo iyaduna dhankeeda ka soo horjeedda gooni-isu-taagga Soomaalilaan. Tani waxay keentay iskaashi diblomaasiyadeed oo kordhay iyo heshiisyo badan oo ujeeddadoodu tahay xoojinta xidhiidhka u dhexeeya Beijing iyo Muqdisho. Iskaashigan waxa uu sidoo kale bartilmaameedsanayaa in uu ka hortago Soomaalilaan iyo Taywan.
Shiinaha ayaa tan iyo markii uu xidhiidhka Taywan bilawday ku taageerayey Soomaaliya fadhiyada caalamiga ah, oo ay ku jirto ansixinta qaraarka Qaramada Midoobay ee lagaga qaaday cunaqabateynta hubka Soomaaliya. Waxa kale oo uu siiyay Muqdisho qalab milatari si ay ula dagaallamaan kooxaha argagixisada una dhisaan ciidankooda. Shiinuhu wuxuu sidoo kale ka soo horjeedsaday isafgaradkii dhexmaray Itoobbiya iyo Soomaalilaan ee ku saabsanaa gaadhista badda. Kadib kulan uu la yeeshay Xi Jinping oo ka dhacay shir-madaxeedka iskaashiga Shiinaha iyo Afrika sannadkan, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu helay deeq dhan $28 milyan. Sidoo kale, Shiinuhu waxa uu ugu deeqay 1,300 tan oo gargaar raashineed ah si uu Soomaaliya taageero ugu muujiyo.
Si guud, siyaasadda “Midnimada Soomaaliya” waa mid ay isdhamaystirayaan oo istaageerayaan istaraatijiyadda “Midnimada Shiinaha,” taasoo muddo dheer jaangoyn jirtay oo qaabaynaysay xidhiidhka caalamiga ah ee labada dal, iyadoo ay dedaal joogto ah ugu jireen labada dal inay ilaashadaan xuduudaha ay ku andacoonayaan. "Soomaaliya waxay u hoggaansantahay siyaasadda ‘Midnimada Shiinaha’ iyadoo Beijing dhankeeda taageersan tahay midnimada Soomaaliya" ayuu yidhii David Kiwuwa,oo ah khabiir ku takhasusay xidhiidhka Afrika iyo Shiinaha, kaas oo sidoo kalena ah bare sare oo ka tirsan jaamacadda Nottingham, oo wareysi siiyay The New Arab.
Si guud, siyaasadda “Midnimada Soomaaliya” waa mid ay isdhamaystirayaan oo istaageerayaan istaraatijiyadda “Midnimada Shiinaha,” taasoo muddo dheer jaangoyn jirtay oo qaabaynaysay xidhiidhka caalamiga ah ee labada dal, iyadoo ay dedaal joogto ah ugu jireen labada dal inay ilaashadaan xuduudaha ay ku andacoonayaan.
Soomaaliya hore ayey xidhiidhka diblomaasiyadeed ugu jartay dalalka si cad u doonay inay Soomaalilaan ula xidhiidhaan sidii dal madax-bannaan si ay ugu qasbaan inay raacaan aragtida Soomaaliya ee masaladan. Tan iyo 2020, Soomaaliya waxay jartay xidhiidhkii ay la lahayd Kiiniya, Gini, iyo Isutagga Imaraadka Carabta kadib markii ay xidhiidh dhaw la samaysteen Soomaalilaan. Dhawaan, Muqdisho ayaa ugu hanjabtay shirkadaha ganacsiga inay dalka ka caydhin doonto, hadday magaca Soomaalilaan ka saari waayaan bogaggooda internetka iyo agabka xayaysiinta. "Khilaafka ka dhex taagan Soomaaliya iyo Soomaalilaan wuxuu galay marxalad aan caadi ahayn," ayuu qoray Suhayb Maxamuud.
Sidoo kale, Shiinaha ayaa kala kulmay dhibaatooyin diblomaasiyadeed dalalka Hindiya, Estoniya, iyo dalal kale sababo ku qotoma xidhiidhkooda Taywan, waxaana uu ka dhigtay beddelidda aragtidan mudnaanta kowaad ah ee diblomaasiyadda Shiinaha. Nauru, oo ah dal jasiirad ku yaal Micronesia, ayaa ahayd tan ugu dambeysay ee goysay xidhiidhkii ay la lahayd Taipei iyadoo ka falcelinaysa cadaadiska Beijing, waxayna ku biiray 10 dal oo xidhiidhkii kala noqday Taywan tan iyo 2016, dalalkan waxa ka mid ah Burkina Faso oo 2018 xidhiidhka u jartay Taywan. Xaalad kale oo dhowaan ka dhacday Taywan ayaa ahayd markii Koonfur Afrika ay codsatay in Taipei ay ka wareejiso safaaraddeeda caasimadda siyaasadeed ee Pretoria una guurto caasimadda ganacsi ee Johannesburg bishii Oktoobar. Koonfur Afrika ayaa tidhi "Beddelidda goobta waxa lagu magac daray Xafiisyada Ganacsiga ee Taipei iyo Johannesburg... waxay noqon doontaa mid ka turjunta xaalada dhabta ah ee xidhiidhka aan siyaasiga iyo diblomaasiga ahayn ee u dhexeeya Jamhuuriyadda Koonfur Afrika iyo Taywan."
Labada dhinac ee Hargeysa iyo Taipei waxay go’aan ku gaadheen inay jabiyaan go’doonka diblomaasiyadeed. Tan iyo markii xisbiga Kulmiye uu xukunka la wareegay sannadkii 2010, Soomaalilaan waxay hirgelisay laba istiraatiijiyad oo diblomaasiyadeed. Midda koowaad waxay ahayd in ay dhisto oo ilaaliso xidhiidho laba geesood ah oo ay la yeelato dawladaha Afrika, Aasiya, iyo Reer Galbeedka iyada oo loo marayo iskaashiga dhinaca ammaanka, ganacsiga, iyo hawlo kale oo la mid ah. Qodobka labaad waa wadahadal la la yeesho Soomaaliya, iyada oo lagu doodayo in wada-hadal la la yeesho Soomaaliya uu muhiim u yahay gaadhista aqoonsi caalami ah. Aragtidan, oo ay sababeen cadaadiska reer galbeedka—gaar ahaan midka ka yimid Boqortooyada Ingiriiska—ayaa burburiyay xeerkii iyo siyaasaddii lagama gudbaanka ahayd ee Soomaalilaan ka qaadatay wadahadal la la sameeyo Soomaaliya, taasoo ay dhaqan-galiyeen madaxweynayaashii hore ee Maxamed I. Egal (1993-2002) iyo Dahir Rayaale Kahin (2003-2010). Madaxweyne Rayaale oo ka hadlaya munaasibaddii caleemosaarka Madaxweyne Cirro ayaa ka digay in wadahadal dambe la la yeesho Soomaaliya
Iyada oo ka xun fashilka ka dhashay dadaalladii diblomaasiyadeed iyo guuldarrada wareegyo wada-hadallo oo la la galay Soomaaliya, Soomaalilaan waxay go'aansatay in ay xidhiidh diblomaasiyadeed la samayso Taywan. Taywan (oo sida rasmiga ah loo yaqaan Jamhuuriyadda Shiinaha) waxay doonaysay inay xoojiso xidhiidhkeeda Soomaalilaan iyadoo ah qayb ka mid ah istaraatijiyadda isku ballaadhinta Afrika. Taywan waxay xidhiidh diblomaasiyadeed la lahayd qaaradda Afrika tan iyo horraantii 1950-meeyadii, ka hor inta aan Jamhuuriyadda Dadweynaha Shiinuhu (PRC) qaadan jagada Shiinaha ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay 1971 isla markaana ay muujisay inay tahay wakiilka kaliya ee Shiinaha ee golayaasha caalamiga. Dalalka Afrika guud ahaan ayaa kaalin muhiim ah ka qaatay beddelidda wakiilada Taywan ee Qaramada Midoobay oo ay ku beddeleen mas'uuliyiin ka tirsan xisbiga Shuuciga ee Beijing (CCP). Tusaale ahaan, Global Times, oo uu maamulo wargeyska xisbiga CCP ee People’s Daily, ayaa daabacday maqaal ka hadlaya dedaallada mas'uuliyiinta Soomaaliya, laga soo bilaabo Maxamed Ibraahim Egal ilaa Cabdullaahi Ciise, ee ku aaddanaa sidii loo heli lahaa in Beijing loo oggolaado xubinnimo ka mid ah Qaramada Midoobay.
Taywan waxay xidhiidh diblomaasiyadeed la lahayd qaaradda Afrika tan iyo horraantii 1950-meeyadii, ka hor inta aan Jamhuuriyadda Dadweynaha Shiinuhu (PRC) qaadan jagada Shiinaha ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay 1971 isla markaana ay muujisay inay tahay wakiilka kaliya ee Shiinaha ee golayaasha caalamiga.
Taywan waxay ka heshay Soomaalilaan is bahaysi, ay wadaagaan duruufo siyaasadeed, iyo nidaamka dimuqraadiga ah ee labadooda xukuumadood ku hawlgalaan, iyo waa ta ugu muhiimsane in labaduba dedaal ugu jiraan xidhiidh dhow oo ay la yeeshan Maraykanka. Taywan waxay u aragtaa Soomaalilaan inay tahay meel ku habboon oo ay ku muujiso tusaale kale oo horumarineed oo ku saleysan wada shaqeyn iyo dimuqraadiyad, halkii ay ka dooran lahayd waxa ay u aragto "Maamul xumada Shiinaha ee Afrika". Sidaas awgeed, waxay doonaysaa inay ka hortagto saameynta sii kordheysa ee Shiinaha ee Afrika iyadoo raadinaysa iskaashi wadajir ah halkii ay ka raadin lahayd xiriir aan sinnayn oo abuura ku tiirsanaan. "Waxaan halkan u joognaa inaan dadka barno sida loo kalluumaysto, ee kalluun bixin mayno," ayuu yidhi wakiilka Taywan ee Soomaalilaan, Allen Lou.
Luuqad adag iyo mowqifyo kala fog ayaa tan iyo markaa astaan u noqday xidhiidhka u dhexeeya dhammaan dhinacyadan. Tusaale ahaan, Soomaalilaan waxay isticmaashay luuqad u xaglinaysa reer galbeedka si ay u diiddo saameynta Shiinaha ee gobolka. Madaxweyne Biixi ayaa la sheegay inuu diiday mashaariic horumarineed ee Shiinaha oo shardi looga dhigay in Soomaalilaan ka tanaasusho xidhiidhka Taywan. Wafdiyo meeqaam sarreeya ayay is dhaafsadeen Soomaalilaan iyo Taywan, sida booqashada wafdi Soomaalilaan ka socdaa uu ku tegay Taipei sannadkii 2022, kaas oo si xooggan u muujiyey diidmada ay u hayaan hadallada kasoo baxaya Shiinaha iyo Soomaaliya ee ku saabsan inay ka tanaasulaan iskaashigooda. Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda ee Soomaalilaan, Dr. Ciise Kayd, markii la wayddiiyey xidhiidhka u dhexeeya labada dal waxa uu yidhi: "Waxaanu dhalannay annaga oo xor ah, Shiinuhuna nooma yeedhin karo xidhiidhada aanu leenahay’’.
Geeska Afrika wuxuu noqon doonaa goob ay ka taagan tahay tartan istiraatiiji ah oo sii kordha mustaqbalka dhow. Soomaalilaan iyo Taywan waxay sii wadi doonaan xidhiidhkooda, halka Shiinaha iyo Soomaaliya ay u badan tahay inay xoojiyaan siyaasadahooda arrimaha dibadda si ay uga hortagaan. Bishii Nofeembar, Soomaalilaan waxay dooratay madaxweyne cusub, Cabdiraxmaan Cirro, kaas oo ballan qaaday inuu xoojin doono xidhiidhka diblomaasiyadeed ee Taywan. In kasta oo uu markii hore su’aal geliyay xidhiidhkan, uuna ku baaqay xidhiidh dhaw oo la la yeesho Shiinaha, haddana wuxuu markii dambe beddelay mowqifkiisaas.
Maraykanka ayaa sidoo kale door weyn ka ciyaaraya xidhiidhka labada dhinac. Muddo-xileedkii maamulkii hore ee Trump, Golaha Amniga Qaranka ee Aqalka Cad ayaa si furan u aqoonsaday una bogaadiyay xidhiidhka cusub ee Soomaalilaan iyo Taywan. Soomaalilaan waxay u aragtay xidhiidhka Taywan mid fursad siinaya oo lagu xoojin karo xidhiidhka ay la leedahay Maraykanka, taas oo aragtidayda noqotay qorshe ay ku guulaysatay. Xildhibaanno Jamhuuriga ah oo ka tirsan Kongareeska iyo Senat-ka ayaa u ololeeyay in xidhiidhka Soomaalilaan la xoojiyo, iyaga oo ku sababaynaya muhiimadda istiraatiijiga ah, dimuqraadiyadda, iyo xidhiidhka ay la leedahay Taywan.
Waxaa jira tilmaamo muujinaya in Maraykanku uu qiimeeyo xidhiidhka Soomaalilaan iyo Taywan, isla markaana u badan yahay inuu ku dhiirrigeliyo muddoxileedka labaad ee Trump. Bishii Diseembar, safiirka Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya ayaa laba jeer booqday Soomaalilaan si uu u xoojiyo xidhiidhka uu la leeyahay madaxweynaha cusub. Dhanka kale, Shiinaha ayaa kordhiyay cadaadiska uu ku hayo Soomaalilaan, isaga oo xoojinaya iskaashiga dhinaca ammaanka ee Afrika iyadoo uu jiro loolanka caalamiga ah ee Maraykanka iyo Shiinaha, halka Geeska Afrika uu u noqday meel muhiim ah oo diiradda la saaro. Bishii Janaayo 2022, Shiinuhu wuxuu magacaabay ergay gaar ah oo u qaabilsan Geeska Afrika si uu kor ugu qaado danihiisa gobolka, gaar ahaan mashruuca Belt and Road Initiative (BRI), oo Soomaaliya ay saxeexday. Dhawaan, Shiinuhu wuxuu martigeliyay waxa safaaradda Shiinuhu ku sheegtay "saaxiibbo" ka yimid gobolka Laascaanood, oo ah aag ka soo horjeestay xukunka Hargeysa kana baxay gacanteeda tan iyo bishii Ogos 2023. Tani waxay u muuqatay tallaabo cadaadis ah oo lagu bartilmaameedsanayo Soomaalilaan, xilli xidhiidhka ay la la leedahay Taywan uu sii qoto dheeraanayay. Xiisadaha sii xoogeysanaya ayaa loo badinayaa inay gobolka u horseedi doonaan xasillooni darro hor leh.
Shiinuhu wuxuu ku taamayaa in uu xidhiidh xooggan la yeesho gobol aan laftiisu xidhiidh fiicani ka wada dhaxayn.Tani waxay tijaabinaysaa awoodda dawladaha shisheeye ee ku aaddan inay ilaaliyaan siyaasad xasilloon oo saldhigta marka ay la macaamilayaan dawladdo mar muujinaya saaxiibtinimo, marna muujinaya colaad, isla markaana doonaya inay taageero ka helaan awooddo kale. Tusaale ahaan, heshiiska is-afgaradka (MoU) ee Itoobbiya iyo Soomaalilaan wuxuu khilaaf ka dhex abuuray Soomaaliya iyo Itoobbiya, oo horey u ahaa saaxiibbo dhow, halka heshiiska Pretoria ee lagu soo afjaray dagaalkii Tigray uu Itoobbiya ka galaaftay saaxiibtinamadii Asmara. Sidaas darteed, sii adkeynta xidhiidhka diblomaasiyadeed ee gobolku waxay u baahan tahay taxadar dheeri ah iyo feker la jaanqaadaya xaaladaha taagan, iyadoo isbeddelada istiraatiijiga ah uu halis ku yahay in uu burburiyo isu dheellitirnaanta nugul ee gobolka. Si kastaba ha ahaatee, iyada oo ay hoggaamineyso fikradda cusub ee "ammaan qaran oo dhameystiran" (总体国家安全) ee Shiinaha ee ku wajahan xidhiidhkeeda caalamiga ah, Beijing ayaa qaadatay habka ka firfircoon kana hami weyn sidii hore, iyadoo isku dayaysa inay qaabeyso duruufaha degel-siyaasadeed halkii ay muddooyinkii hore ay kaliya bixin jirtay deeqo iyo maalgashiyo dhaqaale. Beijing ayaa martigelisay hindisaha nabadda Geeska Afrika oo lagu doonayay in lagu dhiirrigeliyo nabadda, dawlad wanaagga, iyo horumarinta gobolka, in kasta oo aan wax dood ah laga yeelan khilaafaadka hadheeyey gobolka.
Arrintani waxay ka tarjumaysaa, sida dadka qaar ku doodeen, caqabadaha adag ee ku hor gudban sidii xasillooni waarta looga heli lahaa Geeska Afrika. Si kastaba ha ahaatee, waxa kale oo ay muujinaysaa xaddidnaanta diblomaasiyadda Shiinaha ee gobolka, maadaama ay inta badan taageero siiso madaxda talada haysa ama dawladaha ku lugta leh colaadaha gobolka. Tusaale ahaan, Shiinuhu wuxuu taageeray dawladda dhexe ee Itoobbiya dagaalkii Tigreega, sidoo kalena waxa uu mowqifyo la mid ah ka qaatay colaadaha Suudaan iyo Koonfurta Suudaan. Sidaas darteed, kooxaha aan dawliga ahayn ama kuwa mucaaradka ahi waxay u arkaan Shiinaha mid aan dhexdhexaad ahayn oo ka mid ah dhinacyada gobolka ku lugta leh.