Tuesday 14 July 2026
"Dagaalku waa nabad, xorriyaddu waa addoonsi, jahliguna waa awood."
"Walaalka Weyni wuu kula socdaa."
Weedho aan sinaba maankaaga uga go'i doonin marka aad sheekadan akhrido. Laakiin marka hore ku soo dhowoow caalamka Orwell, caalam uu fekerku dambi yahay, xaqiiqada oo la ogaadaa ay jariimo tahay, caalam ay beentu runta mar walba hal tallaabo ka horrayso, caalam uu madowgu caddaanyahay, caddaankuna uu madow yahay, waa marka ay danta Xisbigu ku jirto e.
Sheekada waxa inoo soo warinaya nin xusuusqor bilaabaya 1984kii, adigu sidaas ayuu u malaynayay, waayo xilligaas uu xusuusqorka bilaabayay cid taariikhda si sax ah u taqaannay ma ay jirin, cid awood u leh in ay ogaataana ma ay jirin. Ninka magaciisa waxa la yidhaa: Winston Smith, waa xubin shaqaale oo ka tirsan Xisbi ka taliya dawlad la yidhaahdo Osheeniya, oo ka talisa dhulka Ingiriiska, Waqooyiga Ameerika, Ustaraaliya iyo Koonfur Afrika oo ay magaalada Landhan caasimad u tahay, waa Xisbi Shuuci ah oo xilligaas afartan sano ka hor qaab kacaan ah xilka ugala wareegaya Xisbi ka horreeyay oo burjiwaasi ahaa.
Xisbigu waxa uu ku imanayaa qaab kacdoon ah, waa kacdoon ay dabaqadaha hoose ee bulshada oo ay dadka shaqaalaha ahi ugu horreeyaan sameeyeen, laakiin isla dadkii kacaanka sameeyay ee kursiga soo gaadhsiiyay ayuu lacnad ku noqonayaa, sida caadiga ahna dawladda Osheeniya iyo laba dawladood oo kale ayaa adduunka oo dhan kala qaybsanaya, waa qaabka ay sheekadu inoo sawirayso, mid kastaa been iyo khuraafaad iyo awood ayay dadkeeda ku haysataa, waa saddex dawladood oo sheegta in ay colyihiin, laakiin ilko abeeso ah oo hoosta ka xidhiidhsan, ujeeddadooda ugu weynina ay tahay in ay dadkooda nolosha ku suququliyaan, iyaguna ay kursiga joogaan. Sideedaba dad nolosha lagu suququliyay uun baa la haysan karaa oo sidii la doono laga yeeli karaa, oo marka qofka saddexda wakhti ee uu cuntada heli jiray laba laga jaro halganka u badan iyo tamartiisa oo dhan waxa uu ku bixinayaa sidii uu labadaas wakhti ee ka maqan usoo dhacsan lahaa, goor uu xorriyad ka fekero iyo tamar uu kaga fekeraba ma helayo.
Winston Smith waa xubin Xisbiga ka tirsan oo darajo hoose ah, Xisbigu laba qaybood ayuu u qaybsanyahay, qayb xubnaha hoose ama shaqaalaha Xisbiga loo yaqaan oo gacanta dawladda ah, iyo qayb sare oo xubnaha golaha dhexe loo yaqaan oo maskaxda dawladda ah, waa qaybtan dambe ta uu sharka oo dhami ka soo burqadaa. Walaalka Weyn oo ah shakhsiga Xisbiga u sarreeyaa labada qaybood ee Xisbigaba wuu ka sarreeyaa, waaba haddii uu yahay qof jira e. Labadaas qaybood ee Xisbiga waxa ku soo xiga dad loo yaqaan dadka caadiga ah, ama shacabka reer Osheeniya.
Winston Smith waxa uu ka shaqeeyaa Wasaaradda Xaqiiqada, oo ay shaqadeedu tahay in ay been abuurka iyo borobagaandada Xisbiga ka shaqayso. Isaguna waxa uu si gaar ah uga shaqeeyaa baddelidda beeno uu Xisbigu hore u sheegay, oo uu waafajiyo beenaha uu hadda Xisbigu sheegay, waxa kale oo uu ka shaqeeyaa xaqiiqooyin run ah oo hore u jiray oo ay taariikhdu ugu horreyso oo uu ku beddelo taariikh cusub oo uu hadda Xisbigu samaynayo, taas oo uu hadafka ugu weyn ee laga leeyahay yahay: in muwaaddinka reer Osheeniya laga jaro tagtadiisii si uu u waayo wax uu ku qiimeeyo noloshan adag ee uu ku jiro, oo imika adiga oo xaalad adag ku jira marka aad soo cabato ee aad tidhaa: waa maxay sababta uu dhibkani u dhacayaa? Lagu yidhaa adeer waad kibirsantahay ee shalay ayay ka darnayd iyo waxa laga soo doogay ma ogid, ee aanad adiguna waxaas laga soo doogay waxba ka ogayn taariikhdii aad ka akhriyi lahayd iyo marjici aad ku noqon lahaydna la tirtiray, waxa qudha ee kuu bannaani sow ma aha in aad candhuuftaada dib u liqdo?
Winston Smith waa uu fekerayaa, taas oo dabcan dambi weyn ah, been abuurkii uu sida maalinlaha ah u samayn jiray ee shaqadiisa aasaasiga ahayd ayuu ka biya diidayaa, taas oo iyana dambi kale ah, haddana buug yar oo uu xusuusqor ugu talagalay ayuu soo iibsanayaa, tan dambe ciqaabteedu waaba deldelaad.
Xisbigu waxa uu sameeyay qaab kasta oo uu dadka ku ilaalin karo, waxa uu ka xarrimay xorriyad nololeed iyo mid fekerkaba, meel walba shaashad iyo makarafoon baa ku xidhan, qof kasta saacad kasta iyo ilbidhiqsi kasta waa lala socdaa, xitaa inta uu hurdo waa la waardiyaynayaa. Ma jirto goor uu qofku xoryahay, umad dhan oo malaayiin qof ah ayaa sidaas laga dhigayaa oo nolosha lagu dhibayaa.
Winston Smith waxa uu degganyahay qol yar oo ka mid ah 'Dhismaha Guusha' oo ay shaqaalaha Xisbigu ku nool yihiin. Meel yar oo qolkiisa ka mid ah oo shaashadda ilaalada ah ka yara leexsan ayuu kursi iyo miis yar dhiganayaa, kaddibna waxa uu bilaabayaa xusuusqorkiisa. Wuu bilaabayaa waanu wadayaa, waxa uu iswaydiinayaa sababta uu Xisbigu waxan u samaynayo, marar badan ayuu su'aashaas ku soo celcelinayaa, laakiin jawaab waa uu u waayayaa!
Juuliya, waa gabadh yar oo ka shaqaysa isla Wasaaradda Xaqiiqada ee uu Winston ka shaqeeyo, laakiin iyadu waxa ay ka shaqaysaa qaybta sheeko-curinta iyo qisaska. Xisbiga ayay mucaarad ku tahay, laakiin sida uu Winston mucaaradka u yahay uma aha. Winston waxa uu doonayaa in uu Xisbigu dhaco oo uu baaba'o, laakiin iyadu waxaas dan kama laha, iyadu keliya waxa ay doonaysaa in ay raaxaysato, qabashada Xisbigana ka badbaaddo. Waxa ay si cad ugu odhanaysaa:" Anigu xeerarka yaryar ee Xisbiga ayaan ilaaliyaa, si aan kuwa waaweyn u jabiyo, haddii aad kuwa yaryar si wacan u ilaaliso oo aad maalinta uu muddaharaad jiro iyo maalinta uu buuq kale jiraba heesta dhinacaaga ka qabsatid oo aad jiibta iyo jaanta la heshid, waxa aad awood u yeelanaysaa inaad xeerarka waaweyn jabisid."
Xisbigu waxa uu xarrimay wax kasta oo dhadhan lahaa, nolosha ayuu si walba ugu suququlinayaa, waxa uu xarrimayaa jacaylkii lamaanaha is qaba dhex mari lahaa, kii ilmaha iyo waalidkii dhex mari lahaa, xitaa waxa uu xarrimayaa in galmada lagu raaxaysto, waana bartaas halka ay Xisbiga iyo Juuliya iska jiidheen mucaaradkana ay ugu noqotay, waayo iyadu waxa ay doonaysaa in ay raaxaysato, si cad ayaabu Winston ugu odhanayaa: "Juuliyaay, adigu intaas xundhurta ka hoosaysa uun baad mucaarad ka tahay."
Waa shakhsi ka tirsan Xisbiga, waa golaha dhexe iyo dadka ugu awoodda badan, qaab yar oo jaadgooni ah ayuu u dhaqmaa, taas ayaana Winston soo jiidanaysa. Dhaqamada Obarayn ayuu Winston u fiirsanayaa, waxaanu ka aaminayaa in uu sidiisa mucaarad yahay, ma wada hadlayaan oo maadama oo ay meel walba shaashadi ku xidhantahay taasi macquul ma aha ee indhaha ayay iska garanayaan, indhaha ayay dhawr mar ka wada hadlayaan, Winston waa daacad, laakiin Obarayn jilliin ayuu wadaa, muddo toddoba sano ah ayuu jilliinkaas wadayaa, oo ay ahaanayaan akhyaar indhaha iska taqaanna, aakhirkana ballan ayay yeelanayaan.
Ballanta Obarayn ayaa qabanaya, goobta lagu ballamayana gurigiisa ayuu ka dhigayaa, cinwaanka gurigiisa ayuu siinayaa. Sida caadiga ah ballantu waxa ay u dhexaysay Winston iyo Obarayn oo keli ah, laakiin Winston Juuliya ayuu soo kaxaysanayaa, waa ay isa soo raacayaan, xaafadaha ay xubnaha golaha dhexe degganyihiin ayay soo dhex marayaan, aad ayay ugu indha-daraandarayaan, nolol aanay weligood xitaa ku riyoon ayay indhahooda ku arkayaan, ugu dambaynna waxa ay soo galayaan guriga Obarayn, roogga ay soo dul marayaan iyo gidaarrada guriga ayay indhaha la raacraacayaan.
Isaga oo miis ag fadhiya ayay u imanayaan, miiskii ayay hareeraha ka soo fadhiisanayaan, wax uu khamri ugu sheegay oo aanay weligood arag ayuu laba koob ugu shubayaa, "waxan ma garanaysaan, khamri ayaa la yidhaa ee cabba" ayuu ku odhanayaa. Macaankiisa ayay la yaabayaan! Waxa uu u sheegayaa in uu mucaarad yahay, xitaa waxa uu u sheegayaa in uu adeegihiisu mucaaradyahay, muxaadarro dheer ayuu u jeedinayaa, aakhirkana buug uu hoggaamiyaha mucaaradka oo debadwareeg ahi qoray oo aan magac lahayn, laakiin si afgarasho ah:" BUUGGA" loogu magacaabo ayuu Winston u dhiibayaa, markaas uma dhiibayo ee ballan kale oo uu ugu dhiibo ayuu u qabanayaa. Waxa uu uga sheekaynayaa ururka ay dadka mucaaradka ahi ku midaysanyihiin oo magaciisa " Walaalaha" la yidhaa iyo sida uu u shaqeeyo.
Winston iyo Juuliya jacayl baa dhex maraya, laakiin ma jirto si ay jacaylka u wadaagaan, maalinba meel ayay si dhuumasho ah u tagayaan. Maalin ay miyiga Landhan u baxaan iyo maalin ay meel kale tagaanba, ugu dambayntana qol yar ayay suuq yar oo sabool ah ka dhex helayaan, waa ay kiraysanayaan, halkaas ayaanay marar badan ku kulmayaan. Danta Juuliya waa in ay raaxaysato, iyadu sideedaba intaas darteed ayay mucaarad u tahay, waxba kama galin waxa waddanka ka socda iyo sababta uu u socdo toona, laakiin Winston waxa uu ku raaxaystaa jabinta qawaaniinta Xisbiga, sida caadiga ahna wax qaanuun ahi kama jiro dhulka Osheeniya. Haddaa waa maxay waxan uu jabinayaa? Kolba wixii uu Xisbigu jeclaado ayaa qaanuun ah, waana waxaas waxa uu Winston jabintiisa ku raaxaystaa!
Juuliya iyo Winston qolkoodii ayay mar kasta oo ay wakhti helaan si dhuumasho ah u imanayeen, laakiin dee Xisbiga ma laga dhuuman karaa? Jawaabtu iyada oo kooban waa sidan: qolkan ay ku raaxaysanayaan ee ay Xisbiga kaga soo dhuunteen waxa ku xidhan shaashad qarsoon, xitaa odayga miskiinka ah ee ka kireeyay waa xubin sare oo Xisbiga, gaar ahaan booliska fekerka ka tirsan, laakiin iyagu waxaas oo dhan ma oga, kelmad kasta oo ay ku hadleen iyo ficil kasta oo ay qolkaas ku dhex sameeyeen waa la ogaa, laakiin iyagu waxba kama oga!
Ugu dambayn Winston iyo Juuliya waxa ay ku dhacayaan gacanta Xisbiga, maalin ayaa iyaga oo iska hurda qolkii loogu soo daadanayaa, waa la qaadanayaa, midba meel ayaa loo qaadayaa, Wasaaraddii Jacaylka ayaa la gaynayaa, Winston maalmo, toddobaaddo iyo bilo ayuu halkaas ciqaab ku dhex marayaa, waxa laga soo matajinayaa wax kasta oo laabtiisa ku jiray, waxa uu qiranayaa dambi kasta oo uu galay, waxa kale oo uu qirayaa dambiyo badan oo aanu weligii galin, xitaa waxa uu qiranayaa dambiyo aanu weligii maqal. Laakiin laba wax ayaa laabtiisa ku sii hadhaya: 1. Nacaybka uu Walaalka Weyn u hayo, iyo 2. Jacaylka uu Juuliya u hayo, haa, labadaasna waa in laga soo matajiyaa. Waayo Wasaaradda Jacaylka kama baxo qof Walaalka Weyn necebi, si ay taasi u dhacdana waa in loo wareejiyaa meeshii shaqadaas lagu qaban jiray, qolka 101.
Qolka 101, qolka dadka lagu nadiifiyo, qolka aanay wax caasinimo ah iyo wax geesinnimo ahi toona ka suuragalka ahayn, qolka ay qof walba ciqaabtiisa gaarka ahi taallo. Qolka nafsadda aadanaha lagu burburiyo, qolka daacadnimada dhabta ah lagala soo baxo, qolka dib-u-habaynta loogu sameeyo. Sida caadiga ah qofka Winston ciqaabtiisa qaabilsani waa Obarayn, isaga ayaa inta uu Wasaaradda Jacaylka joogo oo dhan ciqaabaya, qolka 101 marka loo wareejiyana isaga ayaa ku sugaya. Qof waliba waxa jira wax uu si gaar ah uga cabsado iyo meel uu si gaar ah uga damqado, wax aanu si kasta oo uu geesi u yahay u babacdhigi karin, Winston halkaas waxa ugu jira noolaha yar ee loo yaqaan jiirka, waana ciqaabta ku sugaysa qolka 101.
Isla marka sidaas qolka loo soo galiyaba waxa lagu xidhxidhayaa kursi aanu iska dhaqaajin karin, kaddibna waxa loo keenayaa qafis ay raxan jiirar ahi ku jiraan, markaas ayuu Winston dhulku ku soo yaraanayaa oo uu burburayaa, isla markaba waxa uu matagayaa jacaylkii uu Juuliya u hayay, " Aniga iga daaya oo Juuliya ciqaabtan ku wareejiya" ayuu ku qaylinayaa, waa uu khiyaamayaa, waxa uu tamanniyayaa in uu isku furto. Waa qofkii uu adduunka ugu jeclaa!
Sheekadu waxa ay inooga sheekaynaysaa wax loo yaqaan " Fekerka dhinacyaynta/ jirjirroolaynta" oo haddii aynu afka ciyaalka dambe ku sheegno odhanaya: haddii aad aragto Xisbigii oo luuq lagu hayo oo beenihiisii la soo qarxiyay waa inaad been kasta u sheegi kartid si aad Xisbiga u badbaadiso. Waa feker odhanaya: waa inaad odhan karto caddaanku waa madow, madowguna waa caddaan, laakiin waa marka ay danta Xisbigu ku jirto. Intaasi waaba iska sahaale ee arrinka yaabka lehi waa in uu Xisbigu kaa dalbanayo: marka aad Xisbiga dartii been u sheegayso waa inaad aamintaa inaad run sheegaysid. Macnaha, marka aad leedahay madowgu waa caddaan, waa in aanay afka uun kaa noqon ee waa in aad uurkana sidaas ka aaminsantahay. Waa inaad xaqiiqo ahaan u aaminsantahay in uu madowgu daqiiqaddaas caddaan ahaa!
Sheekadu waa ay dheertahay, waanay yaab badantahay, ma aha wax intan iyo wax u dhow toona lagaga gayoon karo, laakiin waa sheeko mudan in la akhriyo. Sheekadu waxa ay ku dhamaanaysaa Xisbigii oo Wisnton ka guulaystay oo nafsad ahaan, maan ahaan iyo muuq ahaanba u dilay, laakiin Orwell wuu guulaystay, oo sheekada 1984 kacaanno badan oo kii uu ka sheekaynayay u eeg ayay hurdada u diidday, ilaa maantana u diiddaa.