Wednesday 19 November 2025
Doodaha la xidhiidha ‘sharka’ iyo ‘khayrka’ ama, guud ahaan, xumaanta iyo samaantu waa kuwo soojireen ah, dhab ahaanna waxa ay ka mid yihiin waxyaabaha daaliyay garaadka bani aadanka; falsafad ahaan iyo diin ahaanba. Maxaa ay dhibtu ugu dhacaysaa nooleyaasha? Ma yihiin wax la muteystay? Iyo, ugu horreynba, waa maxay sharku? Wayddiinta ugu badan waxa ay ka timaaddaa ‘sharka’ oo waa tii la yidhi; khayr wax kuuma dhimo e, shar u toog hay. Marka laga yimaaddo doodaha falsafiga ah iyo kuwa diiniga ah, waxa ay basharku ugu dhaqmaan bulsho ahaan oo xeerarka iyo nidaamyada la dejiyo ee lagu dhaqmo waxa ugu weyn oo loogu tooghaynayaa waa ‘sharka’ iyo xakameyntiisa. Dhibaatooyinka ay geystaan, hadda, cid aan bashar ahayn ama aan xilkas ahayn sidee ayaa ay u arkayaan xeerarka, falsafadda iyo diintuba? Isku-lammaaniga macne-yeelashada sharka iyo masuuliyaddu waa arrin garasho ahaan soojireen ah, laakiin inta badan lagu fekero, keliya, markii laga falcelinayo ama la isku ciqaabayo, se aan looga fekerin hab cilmiyeed ama feker.
Erayga ‘macne-darrada sharka’ waxa suuqa fekerka si weyn u soo galisay faylasuufad Yahuudiyad ah oo lagu magacaabi jiray Hannah Arendt, taasi oo macne-darro ku tilmaantay in lala xisaabtamo nin ka mid ahaa Naasiyiintii xasuuqay Yuhuudda, Dagaalkii Labaad ee Dunida, oo ay ku difaacday in uu ahaa qof caadi ah oo la maandooriyay, lana askareeyay, heer uu waayey awooddii fekerka ama ay fulinta hawsha loo xilsaaray noqotay waxa qudha ee uu ku fekeri karo. Natiijada xaaladdiisaasi waxa ay noqotay, sida ay ku doodayso Arendt, in uu waayo dadnimadiisii, arrintaas oo xisaabinta falalkiisii ka dhigaysa wax macne-darro ah oo aan wax ka-soo-qaad lahayn.
Marwo Hannah Arendt si xun ayaa loogu weeraray dooddeeda, gaar ahaan dhanka Yuhuudda dhexdeeda iyo xarumaha ay saameeyaan oo ku tilmaamay in ay ka mid tahay ‘Yuhuudda naftooda neceb’ kol haddii ay tahay Yuhuudiyad u doodaysa qof Naatsi ah. Waxa ay u arkeen in ay fududeysanayso waxii uu qofkan oo kale sameeyay, laakiin dhab ahaan waxa ay fekerkeedu ku qotomay meel ka xeel dheer halka ay eegayaan kuwa aargoosiga ku fekerayaa. Dhacdooyin baan oo si joogto ah u dhaca ayaa mudan in dhankaas laga eego, iyada oo la isku eegayo ‘sharka’ iyo xidhiidhka uu la leeyahay ‘masuuliyadda’ taas oo toos ugu xidhmaysa isla-xisaabtanka. Dhab ahaan, Hannah Arendt waxa ay dallacaysay heerka isla-xisaabtanka oo ah cidda masuuliyadda dhab ah lehi in ay mar kaste muuqato, isla sababtaas ayaana keentayba in ay arrintan ka dhiibato aragti.
Sharku waa wax aan iskiisa u lahayn macne iyo qiime toona, khayrkuna waa la mid. Labadoodaba, waxa qiime iyo macne u yeela dareenkeenna oo, tusaale ahaan, haddii uu qarax fulkaane ka dhaco meeraha lagu magacaabo Mariikh ee madhan ama aanay cidna ku nooleyn, qaraxaas fulkaane shar ma aha, sababta oo ah cid dareemaysaa ma jirto. Sidoo kale, wax kaste oo dhulka khayr inoogu ahi, haddii ay halkaa ka dhacaan ma noqonayaan khayr. Haddiiba ay cidi diiwaangaliso ama la socoto, waxa ay noqonayaan, oo keliya, dhacdo, aan ahayn wax tilmaan ah oo kale oo muujinaysa xumaan ama samaan; waxba ma aha, waa dhacdooyin bilaa qiime ah. dhacdooyinka noocaas ahi waa ay badan yihiin oo waxa ay ka socdaan kawnka oo dhan. Metalan, holoca qorraxda guudkeeda ee ka dhashay isku-duxa atamyada Haydarojiintu waxa uu in ka badan shan jeer ka kulul yahay milanka ka dhasha qaraxa folkaane ee dhulka guudkiisa, kaas oo haddii uu ka dhaco dhul la deggan yahay keena dhibaato aad u weyn. Laakiin marka qorraxda la joogo, dhib iyo dheef midna ma leh, haddii aynnaan ka eegin dhulka guudkiisa oo uu iftiinkiisu u noo yahay wax suubban oo ay dartii noloshu ku suubbantay. Arrintani waxa ay qayb ka tahay dood weyn oo ku qotonta in ay, asal ahaanba, jireen wax macne leh oo dareenkeenna iyo dhugashadeenna ka baxsani.
Sharka iyo khayrku iskood mance uma laha, labadaba waxa macne u yeela dareenkeenna iyo danteenna, waxana xisaabtankiisa macne u yeela masuuliyadda
Marka dareenka laga yimaaddo, waxa iyana qiimaha sharka iyo khayrka macneysa masuuliyadda. Metalan, sharka uu libaax kula kaco deero duurka joogta oo uu cuno, ka dibna uu ilmaheedii oo isaga ka badbaaday, lagana yaabo in uu naaskeeda ku noolaa, silic iyo gaajo u dhinto waa shar aan dareemi karno sharnimadiisa. Haddana se, ma aha wax macne buuran inooma sameeya oo innaga dadka ah ayaaba, marar, isla taasi ku sameynna. Dareenkeenna marka aan ku eegaynno, labo wax ayaa hoos u dhiga qiimaha iyo macneha sharka; cidda sameysay iyo cidda lagu sameeyay. Haddii uu waraabe innaga cuno qof ama uu daad innaga qaado, aad uguma raagno tiiraanyadiisa sababtuna waa in aynaan sababta dishay ku tuhmayn dareen ay ku garan karto inta uu leeg yahay gefka ay innaga gashay. Taasi lidkeeda, haddii ay cid caqli lehi, waa dad e, ay innaga disho waxa aynnu ka fekernaa, ugu yaraan, in aan aargudanno; si toos ah iyo si dadbanba (xukun maxkamadeed) waxana aan ka qaadnaa utun muddo dheer ah. Waa sababta aan sharka, intiisa badan, ugu reebno maqaadiirta isuna sabirsiino, halka aynnu badhkiisna isku boorrino in aynnaan ka aamusin ee aan ka aargudano.
Mid waa in aynnaan waxba ka ma qaban karin ama aanu macne ku lahayn, midna cid garaad leh ayaa innaga gashay oo garaadkooda awgeed ayaa aan uga aargudanaynaa. Waa halka ay ka timid odhaahda caanka ah ee doqonniimada lagu tusaaleeyo oo ah ‘Eey qaniinyo lagagama qoon goosto’. Waxa uu nuxurka faqradahaas sare ku soo ururayaa in aanu sharku macne lahayn haddii uu ka dhaco meel aanay joogin cid dareen lehi, xisaabtankiisuna aanu macne lahayn haddii uu ka dhaco cid aan dareen garasho lahayn.
Sharku macne ma leh haddii uu ka dhaco meel aanay joogin cid dareensani, xisaabtankiisuna macne ma leh haddii ay ku kacdo cid aan dareen garasho lahayni
Haddaba, qofka haddii lagu sameeyo dareen-dil ama maandoorin, sida in la askareeyo maskax ahaan iyo muruq ahaanba, waxa uu noqdaa sida qalabka oo kale waxaanu waayaa awooddii fekerka iyo qiimeynta ee iskii ahayd, ka dibna waxa uu ku shaqeeyaa amarrada cidda maamusha oo qudha, isaga oo u ah addoon aan doorasho lahayn. Waxa uu qofku gaadhi karaa heer garaadka laga addoonsado oo uu u carbismo sida xayawaanka waxaana ugu badan oo qofka sidaasi u carbiya aragtiyaha caqiideysan (ideologies) sida aragtiyihii Naasiga, Shuuciga iyo kuwa diineed sida midda al-Shabaab ama Daacish IWM. Dadka lumiyay awooddii fekerka, ka dib markii ay galeen ama la galiyey duruuf aanay ku fekeri karin wax ka baxsan xayndaabka lagu meeray ee ah “fuli waxii lagu faro oo qudha, waxaasi ayuun baa qumman oo sax ah e” waxa ay lumiyeen dadnimadii. Marka ay sidaa tahayna, iyaga ayaa ah dhibbaneyaal u baahan hiil dadnimo, haddii aanay sidaa ahaynna, ugu yaraan in khasaareha ay geystaan lagu la xisaabtamaa waa macne-darro weyn! Kama duwana adiga oo waraabe maxkamad u soo taagay qof uu cunay amaba eed u miisay. Waa halka ay salka ku hayso doodda Hannah Arendt.
Sideedaba, falalka sharka ah si fudud ayaa looga dhigi karaa wax caadi ah amaba, mararka qaar, looga dhigi karaa khayr. Sidii aan hore u sheegnay, sharku waxa uu shar ku yahay hal qodob oo ah in cidda laga galayaa tahay cid leh dareen dadnimo, waxaanu xisaabtan ku yeeshaa hal qodob oo ah in cidda galaysaa leedahay dareen dadnimo. Haddaba, haddii aad rabto in aad fal shar ah ka dhigto caadi, waxa aad dareenka dadnimo ka qaadaysaa uun cidda lala beegsanayo; sida in aad ka dhigto xayawaan ama wax dadnimada ka hooseeya (dehumanization – dadnimo-kasaar). Si aad falka sharka ah ugu rogto khayrna, waxa aad cidda lala beegsanayo huwinaysaa uun maro shar ah; sida in aad gaaleysiiso, adiga oo dhex jooga duruuf midda Soomaaliya oo kale ah ama aad cadow ku sheegto adiga oo dhex joogo dad gadoodsan.
Marka ay jiraan dad barnaamijeysan oo cabiidsan sida dhallinyar badan oo ka tirsan kooxaha mayalka adag iyo qabiillo wayraxsan, oo in falalkooda lagu la xisaabtamo ama lagu cambaareeyaa ay tahay macne-darro, waxa muhiim ah in la cambaareeyo afkaarta lagu shubay, lafteeda, iyo cidda afkaartaa martigalisa, iyada oo ka baxsan duruufta cabiidsiga ee askareynta. Afkaarta lafteeda waxa ay tahay in loo naqdiyo si looga badbaado in timaaddada lagu barnaamijeeyo dad hor leh. Haddii ay dad noocaas ahi geystaan fal shar ah waxa ay tahay in sharkaa laga la xisaabtamo ciddii aan duruuftaa cabiidsan ku jirin ee falkaa sharka ah u rogtay khayr; waa ciddii cidda falka lala beegsaday huwisay marada sharka ah ama cidda fulisay ku shubtay in ay barnaamijka ama ka qaadday agabka fekerka.