Saturday 6 December 2025
Awoodda dabacsan waxa lagu tilmaamaa in si doqoni ma garatay ah loo kasbado cid kaa baxsan, adiga oo adeegsanaya farsamooyin sahlan sida gargaarka bani-daannimo, kaalmaynta dhaqaale, taageerada waxbarasho, iyo xiriirada ganacsi. Ujeedku waa in bulshada ama dawladda la beegsanayo lagu faafiyo mabaadii'daada, dhaqankaaga iyo afkaartaada. Waxbarashada iyo fanka noocyadiisa kala duwan, sida heesaha iyo filimaantu, waa jidadka la isku mariyo samaynta awooda dabacsan/jilicsan.
Turkigu waa mid ka mida dawladaha soo koroya dhaqaale ahaan iyo guud ahaanba ee uu isa soo tarayo karaankiisa dawladnimo ee dhinacyada siyaasada, dhaqaalaha, milatariga iyo farsamadaba. Koritaankan cusub waa mid ay dardartiisu ka soo bilaabantay sanadkii 2000, ayna hormuud ka yihiin Madaxweynaha Turkiga, Rajab Dayib Ordogaan, iyo xisbigiisa Cadaalada iyo Horumarka. Ujeedku waa in dib loo soo celiyo saameyntii iyo awooddii imbiraadooriyaddii awoodda badnayd ee Turkida (Cismaaniyiintii), taas oo mar ka talinaysay inta badan Dunida Muslimka, ahaydna awoodda ugu weyn ee calanwalaysa bad iyo berri inta ka dhaxaysa dhulwaynaha Yurubta Galbeed, galbeedka iyo bariga Africa iyo ilaa iyo Eeshiya.
Dib u soo laba-kaclaynta saamaynta Turkigu waxa ay imanaysaa hal qarni ka dib burburkii imbiraadooriyaddii Turkiga iyo asaaskii Jamhuuriyadda Turkiya ee 1923-kii. Turkigu, maadama uu ahaa dawlad soo xukumaysay dhulka Muslimiinta muddo dheer, waxa uu taariikhda Islaamka ku leeyahay kaalin mug leh. Si uu hadaba u muujiyo dib u dhalashada cusub ee Turkiga, waa in uu dib u soo nooleeyaa taariikhdii iyo xiriirkii kala dhaxeeyay dunida Islaamka, isaga oo isticmaalaya awoodaha dabacsan ee galaangalka.
Haddaba, waxyaabaha uu Turkigu u adeegsaday kasbashada tixgalinta iyo taageerada shucuubka dawladaha Islaamka waxaa ka mida taageerada ay dawladda Turkidu u miijiso qadiyadda Shacabka Reer Falastiin iyo Masjidka Aqsa ee barakaysan. Waxa aan aragnaa marar badan in Madaxweynaha Turkigu uu weerar afka ah ku qaado Dawlada Israa’iil, iyaga oo mararka qaarna gargaar gaarsiiyay dhowr jeer. Ha se ahaato e, arrinta ugu weyn ee uu Turkigu ku dhisayo dib u soo celinta xiriirkiisii Dunida Muslimku waa soo bandhigida filimaanta taxanaha ah ee ka hadlaya sooyaalka iyo taariikhda dawladihii kala duwanaa ee Turkidii Cismaaniyiinta.
Sidii aan hore u soo sheegnay, jilidda filimaantu waa hab ka mida awoodaha dabacsan ee lagu faafiyo dhaqannada, afkaarta iyo aragtidaha ay umadi leedahay laguna soo bandhigo dhankeeda tolmoon, si loogu abuuro saameyn ama galaangal. Turkiga oo fahamsan ahmiyada filimaanta ama shaneemada ayaa haddaba waxa uu bilaabay kacdoon ku saabsan sameynta taxanayaal filimo ah oo ka hadlaya sooyaalka dawladihii Islaamka ee uu isirka Turkigu hormuudka u ahaa kuwaas oo hanaqaaday qarniyadii dhexe. Haddaba, waxa aan qoraalkan ku dul-istaagaynnaa sida taxanayaasha filimada taariikhiga ah uu Turkigu ugu isticmaalay fidinta awooddiisa dabacsan, isaga oo ku faafinaya dunida, gaar ahaan midda Muslimka, taariikhdiisa iyo dhaqanka Turkiga.
Jilidu waa qayb ka mida dhaqanka bulshada Turkida, waxaana la rumaysan yahay in samaynta filimadu ay ka hanaqaadday Turkiga waqti aad u fog. In kasta oo aan la ogayn waqtiga filimkii u horeeyay la soo saaray, hadana, waxaa ay taariikhyaqaannadu sheegaan in samaynta filimadu ay caanbaxday waqtiyadii dawladdii Cusmaaniyada. Filimkii u horreeyay waxaa la duubay sannadkii 1914, taas oo ka dhigaysa in sooyaalka shaneemad Turkigu uu jiro wax ka badan hal qarni. Sannaddadii 1960 ilaa 1980 ayaa lagu tilmaamaa xilligii dahabiga ahaa ee shaneemada Turkiga iyada oo sanadkii 300 oo filim laga soo saari jiray Turkiga.
Ha se ahaato e, sannadkii 2000 ayaa ay shaneemada Turkigu gaartay heerkeedii u sarreeyay, ka dib markii ay heshay maalgalinta iyo taageerada dawladda, iyada oo filimo badan oo Turki ah ay ku guulaysteen abaalmarinno badan oo caalamiya. Sannadkii 2013-kii, waxa ay shaneemada Turkigu noqotay midda ugu weyn Qaarada Yurub, iyada oo wax-soo-saarkeeda sannadkaas lagu sheegay in ay soo saartay in ka badan 2240 oo filim. Sanadkii 2022-kii, waxa ay shaneemada Turkigu noqotay midda labaad ee ugu weyn aduunka, ka dib midda Maraykanka. Filim samaynta shaneemada Turkiga oo marxalado kala duwan soo martay ayaa ku guulaystay in ay soo saarto filimo iyo taxanayaal caalamiya, sida taxanaha Toggii Yeeyaha.
Sanadkii 2014, waxa ay shaneemada Turkigu daahqaaday dadaal cusub oo miradhalay, kaas oo dawladda Turkiga u soo jiiday sumcad iyo qadarin ummadeed oo caalami ah, ka dib markii ay jilayaasha iyo filim sameeyeyaasha Turkigu u qalabqaateen jilidda taxanayaal soo bandhigaya sooyaalka dawladihii Islaamka ee qoomiyadda Turkigu ay hormuudka ka ahayd sida dawladdii Cusmaaniyiinta iyo dawladii Salaajiqada.
Sannadkii 2014 waxa uu ahaa ibafurka kacdoonka filimada taariikheed, waxaana la jilay filimka Soo Bixitaankii Artuqral (Diriliș Ertuğrul), kaas oo ahaa musalsal ka koobnaa 5 taxane (season) oo ka hadlayay taariikhda qabiilka Kaayi iyo hoggaamiyahoodii Artugral Suleiman Shaah oo ah aabbaha dhalay Cusmaankii 1aad, Aasaasihii Dawladii Cusmaaniyiinta. Filimku waxa uu ka hadlayay sidii ay qabaa'ilka Turkidu ula falgaleen loollankii dhinacyada badan lahaa ee ka socday mandaqadda Anadool, qarnigii 13aad.
Sidoo kale, waxaa sannadkii 2020-kii uu iskaashi dhexmaray Turkiga iyo dawladda Usbaakistaan, kaas oo lagu soo saaray filim taxane ah oo la magac-baxay Mendirman Jaloliddin kaas oo ah filim, isna, ka hadlayaa boqorkii ugu danbeeyay ee xukumayay Dawladdii Khawaarismada iyo loollankii dhexmaray dawladdii Mangooliyanka (Maquulka).
Sannadkii 2019-kii, waxa halkii laga sii anbaqaaday taxane kale oo dhammeystiraya taxanihii Artugral, kaas oo la dhaho Asaase:Cusman (Kuruluș: Osman). Waa taxanaha ka hadlaya sooyaalka Cusmaankii 1aad iyo sidii ay ku aasaasantay imbiraadooriyaddii Cusmaaniyiinta, loollankii dhexmaray imbiraadooriyaddii Biisanda ee ay caasimaddeedu ahayd Istanbuul (Constantlobe). Sidoo kale, waxa uu taxanahani si fiican u falanqaynayaa sidii ay bulshada Turkida, oo ahayd xoolo dhaqato guurguurtaa, ay u hirgalisay boqortooyo sal muggeed u fadhiisatay.
Sanadkii 2020-kii, waxaa, sidoo kale, la soo bandhigay taxane kale oo la dhaho Dawladdii Saljuuq ee Weynayd( Uyaniș: Büyük Selçuklu), kaas oo ka hadlayay sooyaalkii Aasaasihii Dawladii Salaajiqada, Duqral Bak, iyo sidii ay dawladdaas uga hanaaqadday dhulka Khuraasaan.
Sannadkii 2021-kii, waxaa lasoo bandhigay taxane kale oo la magac baxay (Alparslan: Büyük Selçuklu) kaas oo ka hadlayay hoggaamiyihii Dawlada Salaajiqada, Maxamed Alparslan iyo isballaarintii uu ku qabsaday dhulka Armeeniya iyo qaybo ka mid ah Joorjiya, loollankii dhexmaray Dawladii Salaajiqada iyo middii Roomadii Galbeed, Ruushka iyo dawlado kale.
Sannadkii 2024-kii, waxaa la soo bandhigay taxane kale oo la magac-baxay Maxamed: Suldaankii Bishaarada (Mohamed: Fetihler Sultan). Taxanahan waxa uu ka hadlayay furashadii Dawladda Cusmaaniyadu ay ku qabsatay caasimaddii imbiraadooriyaddii Biisanda ee Istanbuul, iyo taariikhda Suldaan Maxamedkii 2aad. Sida ay Muslimiintu aaminsan yihiin, Suldaankani waa ninkii uu Nabigu ku bishaareeyay in uu furanayo Istanbuul.
Mar kale, isla sannadkii 2024-kii, waxaa la soo bandhigay taxane kale oo la dhaho Furtihii Qudus; Salaaxudiin Ayuubi (Kudüs Fatihi; Selahaddin Eyyubi). Taxanahan oo qaybtiisa labaad ay hadda socoto waxa uu ka hadlayaa sooyaalka aasaasihii Dawladii Ayuubiyiinta iyo ninkii xoreeyay Qudus, ka dib qabsashadii Isbahaysigii Kiristanka ee sannadkii 1187-kii.
Sannadkii 2021-kii, waxaa la soo bandhigay taxane kale oo la magac-baxay Barbaroosa; Seeftii Badda (Barbaroslar: Akdeniz'in Kılıcı) kaas oo ka hadlaya sidii ay ciidamada badda ee Dawladii Cusmaaniyadu u qabsadeen dhaqdhaqaaqii Badda Dhexe (Medetrenian), iyo sooyaalkii walaalihii saddexda ahaa; Waa sooyaalka saddex walaalo ah oo hoggaaminayay ciidamada badda ee Dawladdii Cusmaaniyiinta, waqtigii Boqor Saliimkii 1aad, iyo loollankii uu la galay dawladihii Isbaanishka iyo Bortaqiiska.
Dhammaan taxaneyaasha aan kor ku soo xusnay, oo ka hadlaya marxalado iyo shaqsiyado kala duwan, waxa ay ka mideysan yihiin farriinta iyo nuxurka ay gudbinayaan oo aan ku soo koobi karno saddex-xagalka: diinta, dawladda iyo qoomiyadda.
Waxa dhextaalka farriinta ugu weyn laga dhigay in filimadan lagu soo bandhigo taariikhda iyo sooyaalka bulshada Turkida. Waxaa si weyn loogu soo bandhigay dhaqamada iyo caadooyinka Turkida sida qaab labbiskooda, cuntooyinkooda, sheeko caruureedyadooda ay ilmaha ku barbaariyaan, sooyaalkoodii hore ee xoola-dhaqashada iyo, guud ahaan, halgankii kala duwanaa ee ay soo mareen ummadaha Turkidu (waxa muhiim ah in aad xusuusnaatid kala duwanaanshaha qoomiyadda Turkida iyo in bulshada Turkidu ay ku nooshahay ilaa 6 dal oo kala duwan). Waxaa taxanayaashaan si xooggan loogu muujiyay nolosha barbaarka Turkiga ah ee qarniyadii hore kaas oo ah dagaalyahan (alp), kaalinta dumarka ee bulshada Turkida iyo hannaan dhaqameedka hoggaamineed ee bulshada Turkigu ka dhexleen awoowayaashood (Ooguus).
Dhanka kale, waxaa lagu soo bandhigay filimadan sida ay bulshada Turkidu u dhiseen dawlado kala duwan, iyaga oo muujinaya in aan bulshada Turkidu, weligood, noqon dawlad la'aan, duullaan walba oo lagu soo qaaday oo la isugu dayayo in dawladdooda iyo ismaamulkooda lagu burburiyana ay uga guulaysteen. Waxaa si xooggan loo muujiyay midnimada iyo isku-xirnaanta dadka Turkida ah, adkaysigooda iyo feejignaantooda.
"Qofka Turkiga ahi waalid la'aan waa uu noqon karaa, balse dawlad la'aan ma noqon karo." "Wax walba faraca Oogoos ku dhacaa, waxa ay ku dhacaan iyaga oo hurda. Sidaas awgeed, waa in aan feejignaanaa"
Waa halhaysyada bulshada Turkida ee tusaya heerka ay dawladnimadu ka joogto dhexdooda. Filimadu waxa ay soo bandhigeen taariikhda dawladihii kala duwanaa ee Turkidu aasaaseen sida middii Salaajiqada, middii Cusmaaniyiyiinta, iyo dawladda Turkiga ee aan, maanta, naqaan.
Farriinta saddexaad, uguna muhiimsan, ee dhammaan filimadan lagu soo bandhigay waa kaalinta weyn ee diinta Islaamku ku leedahay bulshada Islaamka, iyo sida ay Turkidu u yihiin hormuudka bulshooyinka Islaamka. Waa sheegasho la beenin karo, balse waxa ay filimadu soo bandhigeen sida dawladihii kala duwanaa ee Cusmaaniyada, Salaajiqadu iyo Ayuubidu ay muddo dheer u difaaceen Dunida Islaamka, iyaga oo ka hortagay isku-dayadii Reer Yurub ku doonayeen in ay ku soo ceshadaan dhulkii laga qabsaday sida Qudus. Waxa ay, sidoo kale, aad u soo bandhigeen Mad-habka Suniga ee Suufiyada ah kaas oo ay haystaan Turkidu.
Waxaa si wacan loogu xusay kaalinta wadaadka Turkiga ah ee u taagan toosinta iyo dhisidda ruuxda bulshada Turkida. Waxa taxanayaashaan lagu soo bandhigay halgannadii ay dawladahaasi la galeen kooxaha Shiicada sida Xashaashiinta iyo Dawladdii Faadimiyiinta.
Gudaha Turkiga: Soo bandhigidda taxanayaashani waxa ay ku guulaysteen in ay dawladda Turkiga ka dhigtay mid ay ku mideysan yihiin bulshada Turkidu, jiilasha cusubna lagu barayo sooyaalkii iyo halgankii awoowayaashood ay u soo mareen difaacidda sharafka iyo dhulka Turkida. Waxa jiilashan cusub ee ku hanaqaaday edegowga dunida iyo horumarka tignoolajiyada lagu barayaa dhaqamadii iyo caadooyinkii bulshadooda. Soo bandhigidda taxanayaashani waxa ay bulshada Turkida dib u xusuusinayaan qiyamkii iyo dhaqamadii wanaagsanaa ee Islaamka, kuwaas oo ay lahaayeen bulshada Turkidu. Tani waxa ay imaanaysaa ka dib hal qarni iyo dheeraad oo ay bulshada ku dhex faafaysay calmaaniyaddu, ka dib aasaaskii Jamhuuriyada Turkiga. Taxanayaashu waxa ay qaaraan xooggan ku darsanayaan dib-u-islaameynta Turkida.
Awoodda dabacsan ee dibedda: Taxanayaasha taariikheed ee Turkigu waxa ay taageero iyo soodhaweyn ka helaan waddamada dibedda, iyaga oo noqday kuwa loogu daawashada badan yahay Dunida Islaamka. Taas waxa ay dhalisay in bulshooyinka kale ay si sahlan u bartaan dhaqanka iyo luuqadda Turkiga, waxana ay dib u soo noolaysay saamayntii taariikheed ee Turkigu ku lahaa Dunida Islaamka. Waxa ay qaabeysay fahamka dadyowga kale ka haystaan Turkida, iyada oo u sawirtay bulshada Turkida dad aan laga adkaan karin, hormuud kaalingal ah iyo ilaaliyeyaasha Islaamka, horreyso iyo dambeysaba.
Waxa filimadan dhammaantood loo turjumay wax ka baadan 100 luuqadood, iyada oo laga daawaday in ka badan 70 waddan oo dunida ah kuwaas oo ay ku jiraan inta badan dawladaha Muslimku. Dawladda Turkiga oo, iyadu taageero weyn ku bixasay jilifda filimadan, ayaa ku kasbatay taageero ballaaran oo looga hayo Dunida Islaamka, waxana sannadihii danbe caan noqday in shucuubta dawladaha Islaamka, qaarkood, ugu yeeraan Rajab Dayib Hoggaamiyaha Islaamka, iyaga oo qaarkoodna si dhab ah u janteen soo noqoshada Imbiraadooriyaddii Cusmaaniyada. Sidoo kale, waxa ay taxanayaashani ku faafeen waddamada Islaamka aan ahayn sida waddamada Yurub iyo Laatiin Ameerika. Maxamed Bosdaag waa filim soo-saare iyo maskaxda ka danbaysay kacdoonka taxanayaasha taariikhda ee Turkiga, waa mulkiilaha shirkadda filimada Bosdaag, waxa uu waraysi uu siiyay Telefishinka Aljasiira u sheegay in taxanayaashooda, sidoo kale, lagu soo bandhigo oo laga gatay dalka Israa’iil.
Xukuumadda uu Ordugaan hoggaamiyo ayaa u isticmaashay filimadan in ay ku iibgeyso siyaasaddeeda arrimaha dibedda ee Dunida Islaamka, iyada oo maalgalisay faafinta filimadan. Tusaale ahaan, Ordugaan ayaa qaar ka mid ah jilayaasha filimadan ku casuumay in ay u raacaan qaar ka mid ah safarradiisa dibedda, isaga oo, sidoo kale, booqday goobaha ay ka socotay jilidda filimadani, sida taaxanaha Artugral.