Skip to main content

Thursday 22 January 2026

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Faaqidaad

Saylac Waa Mindi Labo Af Leh

7 December, 2025
Image
Saylac Waa Mindi Laba Afleh
Share
Hordhac

Saylac waa magaalo taariikheed aad qaddiimi u ah iyo deked hore. Waa cidhifka ugu shisheeya ee ay Somaliland ka cidhiidhsato marinka Baab Al-Mandab ee isku xidha Gacanka Cadmeed iyo Badda Cas. Waa meel ay dawladihii hore ee Soomaalida, Muslinka, Cusmaaniyiinta, Carabta iyo Yurubiyaankuba ay ku lahaayeen joogitaan macno leh. Waxa ay ahayd goob ay iska soo gaadhaan dawlado dano kala duwan leh, awoodaha duniduna ay isha ku hayaan, ilaa haddana muhiimaddeedii hore isma beddelin oo waa cidhif istaraatiijiyadeed oo kulmiya dalal dhawra.

Sibtember 2010, waxa xeebta Saylac dhuumasho kaga soo degay dagaalyahanno 200 lagu qiyaasay oo ka tirsanaa jabhaddii ONLF oo u gudbay xadka Itoobiya, tani waxa ay ka turjumaysay nugeyl Istaraatiijiyadeed oo saameynaya saddex dawladood. Sidoo kale, saamaynta ay isku leeyihiin Saylac iyo Boorama waa mid ballaadhan oo wejiyo badan leh muddo dheerna soo taxnayd.

Rabshadihii magaalada Laascaanood ee isu rogay dagaalka ee bilaabmay dabayaaqadii 2022, waxay ahaayeen dhaqdhaqaaq istaraatiijiyadeed oo dhinacyo kala duwan oo gobolka ah iyo kuwo caalami ahiba ay ku lug lahaayeen, natiijadii ka soo baxdayna waxa ay ibafur u noqotay in la raadiyo gol-jilicyo kale oo Somaliland ay leedahay; amaba waxa aynnu odhan karnaa wuxuu hordhac u ahaa tijaabinta ‘testing the water’ qorshayaal Somaliland ka dhan ah.

Badanaa cidhifyada xudduuduhu waa meelo aad uga xasaasisan gobollada kale ee dhaca badhtamaha ama badhtamaxigeennada dal leeyahay, maaddaama oo ay iska soo gaadhaan dalal jaar ah oo sida ay u heshiin karaan si la mid ah u collaytami kara.

Sida ay Bariga Sool iyo Sanaag u ahaayeen goobo loollan intii ay jirteyba Somaliland, xataa xilliyadii Maxmiyaddii Ingiriiska ayaa ay sidoo kalena Saylac iyo xudduudda Lowyacaddana u tahay goob loollan sooyaaleed fog oo qarniyo soo taxnaa, si gaara loollankii buuralayda Kiristaanka iyo Muslinka dhulalka joogga hoose iyo xeebaha ku noolaa. Gumaysiga dabadiina, waxa beddelay is riixriix qabiileed iyo ku dawlado casri ah ku sal leh tagtadii hore.

Xiisadda Saylac iyo Xeer-Ciise

Diisembar 2024, waxa ay hay’adda UNESCO u aqoonsatay xeerka qabiilka Ciisaha in uu yahay dhaxal-dhaqameedyada mudan in la ilaaliyo, waxaana xigay in xaflado loogu qabto Jabbuuti iyo Diridhaba, sida oo kalena waxa la asteeyay in Saylac lagu qabto tobanka Noofiimbar ee 2025. Laakiin horraantii Oktoobar 2025, waxa magaalada Saylac ka abuuray iskudhac iyo qalalaase dhallinyaro abaabulan oo midba uu kuwa kale ka sheeganayo magaalada, qaarkood ay taageersanyihiin xafladda, qaar kalena ay diiddanyihiin. Taasina waxa ay keentay in dawladda Somaliland ay xaaladda farageliso, dadkii iskudhaca abuurayna ay qaar xidho, siiba kuwii Boorama ka tegay. Weftigii xukuumadda Somaliland ee xaaladda fargeliyey waxa kale oo ay shirar kala duwan la yeesheen dadka ku dhaqan gobollada Awdal iyo Selel, waxaana guddidii xafladda qabanqaabinaysay ay isla meel dhigeen in qabashada xafladda dib loo dhigo.

Laakiin muddo ka dib, oo ku began 13-kii Noofiimber, 2025 xukuumadda Somaliland waxa ay soo saartay go’aan ay gebi ahaanba ku joojinayso qabashada xafladdaas. Wasiirka amniga JSL oo go’aankaas ka hor ka hadlayay xiisaddan ka taagan Saylac, wuxuu tilmaamay in colaadda laga aloosayo Awdal iyo Selel ay ka sal ballaadhantahay xaflad oo ay ku jirto ‘gacan shisheeye’, haddana ma uu faah faahin gacantaas!

Kadib shir ay odayaasha Gandaha ee Ciise ku qabsadeen magaalada Ayshaca (DDS, Itoobiya), warsaxaafadeed ay sooreen 19-kii Noofiimber, 2025, waxa ay ku xuseen in aan waxba iska beddeli doonin ballantii hore ee dib loogu dhigay maalinta xafladda xuska Xeer-Ciise oo ku astaysneyd Diisembar 5, 2025. Dhinaca kale, qodobbada warsaxaafadeedka waxa ku jirtey in ay ‘digniin’ u dirayaan cid kasta oo isku dayda in ay xafladdaas carqaladeeyaan!Balse odayada dhaqanka ee Awdal (Boorama) gebi ahaantoodba waa ay diideen in xafladdaas lagu dhigo Saylac. Dhinaca kale, isla odayada ayidsan xafladda ee beesha Ciise, sidan oo kale ayay ugu baaqayaan in xoog ay ku qaban doonaan munaasibaddaas.

Abaabulka iyo Farriin-abuurka

Muddo ku dhow saddex bilood ee la soo dhaafay oo ay ku jiraan qalalaasihii Oktoobar ka dhacay Saylac, waxa baraha bulshada la isu marinayay hadallo kulul, abaabul dhallinyaro, kicin, ku baaqid gacankahadal, gooddi iyo hanjabaado kala duwan oo khuseeya in xafladdaas la qaban doono iyo in aan la qaban doonin; qaarkood oo ah dhinaca diiddan xafladdu waxa ay eedaynayeen badhasaabka gobolka Selel, Siciid Cabdi Faahiye, waxana ay maalintii rabshaddu dhacday ku baaqayeen si badheedh ah in halka uu joogo loogu tago oo lagu gubo! Badhasaabka laftiisu uma muuqan mid dhex ka ah hawshan oo waxa uu la dareenyahay dhinaca xafladda qabanqaabinaya.

Waxa kale farriimo hanjabaad iyo gooddi leh iswaydaarsaday dad kala duwan oo labada dhinac kala taageersan oo ay ka mid yihiin dad ka soo hadlay Diridhaba, Harawo iyo Cali Sabiix. Xataa waxa ka mid ah xubno kale oo qurbajoog ah oo u dhalatay Ismaamulka Soomaalida ee Itoobiya oo Saylac ku soo wajahan, kuwaas oo loogu sii dhigey xafladdo gooddiya magaalada Diridhaba.

Dhinaca kale, isla go’aankii wasiirka waxa ka hadlay dadyow kala duwan oo da’yar iyo duqeytiba leh oo abaabulan, qaarkood waxa ayba si badheedh ah ugu baaqeen in aanay jirinba wax Somaliland la yidhaahdo, iyaga oo ugu hanjabay wasiirka amniga JSL in ay dagaallamayaan, haddii aannu ka noqon go’aankaas. Dhallinyaro qudha hawshan ma waddo laba dhinacba, balse gadhcase iyo odayaal baa sidoo kale ku baaqaya wax-iska-celin iyo colaad qabiil.

Labada dhinac ee farriimaha siyaasadeed ku dhexqarinaya xuska xafladdan waxa ay ku hanjabayaan in saddexda dal ee Itoobiya, Jabbuuti iyo Somalilandba ay colaado ballaadhan ka qarxi doonaan, haddii la qabto iyo haddii la qaban waayaba. Sow arrin yaab leh maaha?! Haddii xafladda la qabto qabiil baa dagaallamaya, haddii la baajiyana, qabiil kale ayaa dagaallamaya! Labadaran weeye.

Kadib go’aankii Somaliland ay ku joojisay xafladda, waxa dhinacii xafladda abaabulayay taageerayaashoodu ay bilaabeen weerarro iyo mudaharaadyo isdabajoog ah oo ka dhacay Xariirad, Jidhi, Ceelgaal, Saylac iyo deegaanno kale. Waxa soo baxay warar sheegaya in jidgooyo loo galay iskusocodka iyo gaadiidka deegaannadaas dhexmara, oo ay u raacdo burburinta gawaadhida iyo afduubyo. Xataa sida muuqaallada qaar muujinayaan waxa ay weerareen weftigii iyo ilaaladii wasiirka amniga oo mar ku sugnaa deegaanka Ceelgaal.

Dhinaca kale, horraantii bisha September ee sannadkan 2025 waxa safiir kuxigeenka JSL ee Jabbuuti, Cabdifataax Cilmi Muxumed lagu weeraray xilli habeennimo ah jidka u dhexeeya Dila iyo Kalabaydh, dhaawaciisana waxa la keenay Boorama oo lagu daweeyay. Isla kolkii uu dhaawacii hore ka soo kacayba, 17 September 2025, waxa goor habeennimo ah mar kale lagu weeraray gurigiisa Boorama, isaga oo canka xabbadi ka dhaawacday. Haddaba laanta baadhsita ee gobolka Awdal oo September 22 warbixin ka soo saartay dhacdadan waxa ay sheegtay natiijo ah in safiirkuxigeenku isagu uu isku dhuftay xabbadda oo ayna jirin cid bannaanka ka soo weerartay.

Laakiin, safiirkuxigeenku, mar laga wareystay warbixinta booliska wuxuu tilmaamay in aan la marin habraacii baadhisaha la marin jirey, la siyaasadeeyay kiiskiisa, sidoo kalena aan wax tixgelin ah la siinin weerarkii hore ee jidka loo galey, laakiin keli ah warbixinta boolisku ay si marinhabaabsan isaga loogu eedeeyay in uu is dhaawacay. Safiirkuxigeenku wuxuu aad u durey kalsoonida uu ku qabo maamulka gobolka Awdal iyo in ayna daacad ka ahayn in si sax ah loo baadho weerarkiisa.

Jabbuuti iyo Saylac

Tan iyo kolkii ay Somaliland la soo noqotay madaxbannaanideeda, Saylac waxa ay noqotay goob ku suntan xiisad muran oo u dhaxeysa Jabbuuti iyo Somaliland. Jabhaddii United Somali Front (USF) oo ahayd jabhad ay Jabbuuti dhabar u ahayd oo uu hoggaaminayay Cabdiraxmaan Ducaale Cali oo hore SNM uga tirsanaa, si gaar ahna uu u sameeyay Ismaaciil C. Geelle xilligii uu sirdoonka madaxda ka ahaa, waxa ay laba jeer isku dayeen in ay xoog ku qabsadaan deegaannada saddexgalka ah ee Lowyacaddo-Saylac-Geerisa illaa Lughaya, ayna ku daraan dalka Jabbuuti (annexation), labadii jeerba Somaliland iyo SNM waa ay dhicisiyeen damacaas.

Mar waa xilligii xukuumaddii Cabdiraxmaan-Tuur (1991-1993) oo ay USF iyo hadhaagii ciidamadii Soomaaliya (SNA) ay qabsadeen magaalada Saylac. Kadib kulano wadahadal oo Tuur iyo xukuumadda Jabbuuti ay isku isku afgaran waayeen, Somaliland dagaal xooggan bay la gashay jabhadda, xoogna way kaga saartay xuduudda. Mar kale, xilligii uu socday dagaalkii sokeeye ee Somaliland oo ku beegnayd horraantii iyo badhtamihii 1995 waxa ay maleeshiyaad iyo ciidamo USF ah ka taageen magaalada Saylac calanka Jabbuuti, iyaga oo ku andacooday in dhulkaasi uu ka mid yahay Jabbuuti. Laakiin, dagaallo goosgoos ah oo muddo socday kadib, damacaasi ma hirgelin oo waa laga adkaaday isku daygii USF.

M. I. Cigaal iyo Jabbuuti xidhiidhkoodu ma wanaagsanyn, waxana khilaafkooda loo sababeeyaa in uu dhinacyo dhawra salka ku hayay, sida isku dayada Jabbuuti ee qabsashada Saylac, mowqifka Jabbuuti ee ku aaddan Somaliland, mowqifka Jabbuuti ee Soomaaliya, kaalinta Jabbuuti ee degmada Saylac, shirarkii Carta ee Jabbuuti, iqk. Geeridii Cigaal kadib, IHUN, siyaasadda Somaliland iyo xukuumadahii kala dambeeyayba waxa ay noqden kuwo u janjeedha oo u nugul saameynta xukunka Jabbuuti.

Jabbuuti waxa in mudda ahba lagu tuhmayay in ay doonayso faragelinta gobolka Awdal iyo Saylac; si la mid ah sida cidhifyada Somaliland ka socota maanta amaba ay Kismaayo iyo Gedo u farogeliyeen Ethiopia iyo Kenya. Muddoxileedkii hore ee madaxweynaha Soomaaliya ee Xasan Shiikh (2012-2016), waxa soo baxayay warar tilmaamaya in maaddaama Jabbuuti ay ciidamdo ka joogaan Soomaaliya oo loo yaqaan ‘Hiil Walaal’ ay suuragal tahay in faragelinta Saylacna sharciyad looga dhigo mid la mid ah kuwa ciidamada hiil walaal. Marar bandanna xeebaha Saylac, isku dhac dhimasho keenay ayaaba dhexmarey ciidamada badda ee Jabbuuti iyo kuwa ilaalada xeebaha ee Somaliland.

Xasan Sheer oo ka mid ah mucaaradka Jabbuuti ayaa wareysi uu bixiyay bishan Noofenbar dhexdeedii waxa uu tilmamaay in ay Jabbuuti aad ugu lug leedahay dhaqdhaqaaqa xiisadda Saylac. Waxa kale oo uu xusay in xukuumadda Jabbuuti ay ka haysato wax uu ugu yeedhay ‘oggolaansho’ dhinaca Soomaaliya si ay farageliso Saylac. Xasan isaga oo xiganaya il kale waxa uu xusay in xukuumadda Jabbuuti ay ka heshay Shiinaha lacag gaadhaysa $14 bilyan oo la isku dhaafsay deked Jabbuuti iyo mashaariic shakhsiyadeed ah, beddelkeedana laga wada shaqeeyo gacankudhigista Geeska Afrika iyo Baddacas illaa Somaliland, Soomaaliya oo hodan ku ah macdano kala duwan.

Dr. Ismaaciil Qodax oo ah falanqeeye fadhigiisu yahay USA ayaa wareysi uu bixiyay carrabaabay si la mid ah in xiisadda Saylac ay ku lug leedahay gacanta Jabbuuti. Dr. I. Qodax wuxuu yidhi: “Ismaaciil Cumar Geelle wuxuu rabaa sida uu waddankan yar ee Jabbuuti u maamulo in uu mandaqadda Geeska oo dhanna u maamulo. Si loo joojiyo dhaqdhaqaaqyada aqoonsiga ee Somaliland iyo isticmaalka dekedda Berbera, si la mid ah sidii Sool loogu joojiyay dhaqdhaqaaqyadii Pentagonka Maraykanka ka socday.”

Jabbuuti in kasta oo ay dagaalkii Laascaanood u muuqatay jile aan la tuhmin, haddana kolkii maamulka magaalada Laascaanood la dhisay ‘Khaatumo’ waxa uu sannadkii hore ee 2024 dhexdiisa kulan rasmi ah ku dhexmarey Jabbuuti, Cabdiqaadir Firdhiye iyo madaxweynaha Jabbuuti ee I. C. Geelle. Tan in kasta oo loo arkayay jawaab ka dhalatay diidmada Jabbuuti ee heshiiskii isafgaradka ‘MoU’ ee dhexmarey Hargeysa iyo Addis Ababa horraantii 2024, laakiin waxa ay dhab ahaan u muuqatay in ku luglahaanshaha Jabbuuti ee arrimaha gudaha Somaliland uu mar walba ahaa fayl diyaar ah oo miiska saaran.

Intaa waxa dheer, xukuumaddii hore ee Somaliland waxa ay ku eedaysay in ay Jabbuuti martigelisay dhaqdhaqaaqa Awdal State ee ka dhanka ah Somaliland, iyada oo soo bandhigtay caddeymo muujinaya hawshaas. Sida oo kale waxa warbaahinta lagu arkay Juun 2024 iyada oo hoggaamiyaha dhaqdhaqaaqaas ee Cali Baxar lagu soo dhaweeyay isla safaaradda Soomaaliya ee Jabbuuti. Isla muuqaallo kale ayaa muujiyay Cali Baxar iyo kuxigeenkiisa, Maxamed Obsiiye oo Jabbuuti gudaheeda lagu soo dhaweeyay oo fantasiyooyin loogu dhigay.

Waxa kale oo sannadkan horraantiisii la ansixiyay dhismaha jidka ee wejiga koowaad ee Nagad-Lowyacaddo iyo Lowyacaddo-Saylac-Boorama oo uu maalgelinayo Baanka Horumarinta Afrika. Tani sida oo kale waxa ay u muuqataa mid xoojinaysa iskufuranka dhaqaale iyo fududeynta kaabayaasha dhaqaale ee isku xidhi doona Somaliland iyo Jabbuuti, sidoo kalena, waa mudis Istaraatiijiyadeed ‘strategic projection’ oo ay Jabbuuti si fudud ku saamayn karto dhaqaale ahaan, siyaasad ahaan iyo dad ahaanba Galbeedka JSL ee Awdal iyo Selel.

Xukuumadda Jabbuuti ee muddada dheer soo talinaysay ixtimaallada suuragalka ah ee khuseeya xuduudka Somaliland waxa ka mid ah cabsi jiritaan ‘regime security’ iyo aag saameyneed oo ka dhan ah Somaliland. waxa loo aaneyn karaa; (1) In mucaaradka Jabbuuti uu heli karo magangelyo dawladaha jaarka ah oo uu si fudud oo dhow uga saameyn karo Jabbuuti, (2) In dadka Selel iyo Awdal ay mar walba noqdaan dad u dhow oo dano ku leh xukunka Jabbuuti lana saameeyo dimograafi ahaan, (3) In Saylac iyo deegaannada xadku ay ahaadaan meel xukunka Hargeysa laga saameeyo; khilaaf iyo heshiisba, (4) In jilayaashii iyo dhaqdhaqaaqyadii ka dhanka ahaa isafgaradkii Hargeysa iyo Addis Ababa ay soo laba kacleeyeen, iyo (5) In culaysyada gudaha iyo dibadda ee khuseeya soo noqnoqoshada doorashooyinka IOG lagu yarayn karo furin laga furo xadka Saylac.

Isku Dayada Dawladda Muqdisho

Dawladda Soomaaliya illaa kolkii ay Addis Ababa iyo Hargeysa ay kala saxeexdeen isafgaradkii horraantii 2024, waxa ay dedaal xooggan gelisay in la farageliyo gudaha JSL, xilli kolkaas uun ay dhawr bilood ka soo wareegeen dagaalkii Goojacadde. Waxay aad isugu hawshay in ay jilayaal kala duwan shukaamiso, iyada oo Feebarweri 2024 la kulantay Cabdisamad Ibraahin Nageeye oo sheegta hoggaamiyaha maamulka Awdal State iyo Cali Baxarba.

Wasiirka arrimaha gudaha ee Muqdisho oo la kulmay xildhibaannada la sheego in ay metelaan gobolka Awdal iyo xubno kale oo bulshadaas ka tirsanba, waxa uu ka mid ahaa dhaqdhaqaaqyadii ay Muqdisho ku wiiqaysay ee ay ku cadaadinaysay isafgaradkaas. Sidoo kale, odayaasha degmada Lughaya ayaa shir ay qabteen horraantii 2024 ku diiday isafgaradkaas, xilli uu lataliyaha amniga qaranka ee Abiy Axmed uu carrabaabay suuragalnimada in Lughaya ay tahay halka Itoobiya loo ballanqaaday in ay ka gelayso badda.

Laba caaqil oo Saylac u dhashay oo hadda ku suntan abaabulka xafladda Xeer-Ciise, kuwaas oo lagu kala magacaabo Caaqil Cismaan Cali Ducaale iyo Caaqil Xasan Cige waa laba shakhsi oo ku suntanaa sannad ka hor dhaqdhaqaaqyo liddi ku ah Somaliland oo ka socday caasimadda Muqdisho, kuwaas oo ka dhan ahaa isafgaradkii Addis Ababa iyo Hargeysa. Caaqil Cismaan shirar saxaafadeedyada uu jeediyay wuxuu ku baaqayaa in maamul cusub iyo aayakatashi lagu minjaxaabinayo ‘Soomaalidiidka Somaliland’ ay tahay in laga fuliyo Galbeedka Somaliland ee Saylac iyo guud ahaan Awdal.

Isla bilo ka hor uun isafgaradka, labada caaqil waxa ay joogeen oo ay taagnaayeen madal warmurtiyeedka laga akhrinayay ee shirkii beeshoodu ku qabsatay magaalada Jidhi ee gobolkaas, taas oo ay Somaliland kaga dalbanayeen arrimo la xidhiidho saami-qeybsi, inkasta oo dadka qaar aaminsanyihiin in shirku uu ahaa qorshe dibadda laga soo abaabulay oo daarnaa shaqaaqo laga abuuro Saylac. Maanta, balse labada caaqilba waa shakshiyaad kale oo muujisanaya in ay ‘aaminsansanyihiin’ Somaliland.

Somaliland Gudaheeda

Badhasaabka Selel, Cabdi Siciid Faahiye waxa lagu eedaynayaa in uu xiisadda labada dhinac ka dhex aloosan uu garabka xafladda qabsanaya oo uu beel ahaan xigo uu dhinaca saaray. Dawladda Somaliland lafteedu hawshan waa ay ka maragkacday iyada oo 9-kii, Noofiimbar, 2025, si muuqata oo aad u baalmarsan wadaxidhiidhka dawladnimo ay warqad digniin ah soo dhigtay baraha bulshada oo ku socota badhasaabka, laguna wargelinayo in aannu wax shir ah oo dawladda dhexe ogeyn ku qaban karin Saylac. Tani waxa ay u muuqataa in si buuxda oo kalsooni leh oo miisaaman aanay u wada socon xukuumadda iyo maamulka gobolka Selel.

Somaliland waxay iyada oo aan xaaladda ka fiirsan kana baaraandegin ay soo saartay go’aan degdeg ah, xilli ay beesha xafladda ku dhawaaqdayna ay go’aan dib-u-dhigis ah isla gaadheen. Labada godba waa seegeen! Waa mar kale e, waxa ay si aan la dhaadin ugu qanciyeen ra’yulcaamka dadkii diidddanaa xafladdaas in ay xukuumaddu (iyaga) ajiibtay codsigoodii iyo doonistoodii, taas oo aan maantana muuqan oo kala shaki keentay, markeeda horebana aan labada dhinac iyo Soomaalilana midna dan u ahayn.

Waxa kale oo ay ku khaldaneyd in kooxihii kala duwanaa ee labada dhinacba fadqalallada ka abaabulay ee Saylac isku farasaaray in kooxna la xidhey, kooxna la iska dhaafay. Muddo kadibna ay isla kooxdii Boorama iska soo daysay, welina labadii kooxoodba ay halkii ka sii wadaan abaabulkii, colaad afuufkii iyo kicinta shacabkaba.

Somaliland halis ayay ugu jirtaa dagaal si fudud ku qarxa, haddiiba aanay maamulka labada gobol isku shaandheyn ku samayn, kooxaha abaabulan ee labada dhinacba leh ee kicinta iyo iskahorkeenka weli ilaa maanta sii wadana aan gacan lagu qaban. Waxa la gudboon in ay u dhaqanto si istaraatiiji ah oo ay hagayso baadhis amni, go’aamo la shiilay, qorshe siyaasadeed iyo qiimeyn joogto ah oo xaaladda labada gobol khuseysa. Maanta xaaladdu maba taagna xafladdaas in ay dhici karto iyo in kale ee waxa ayba u gudubtay marxalad kale oo dagaallo qabiileysan oo Somaliland lagaga soo horjeedo ajende ahaan, laba darantanina waa jid lagu banneysanayo doonistaas hore uun.

Qoraallada kale ee qoraaga