Skip to main content

Sunday 16 November 2025

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Aragti

Sayid Qudbi: Qalinkii Dunida Gilgilay

7 September, 2025
Image
Sayid Qudbi: Qalinkii Dunida Gilgilay
Share

Dalka Masar waxa, 29-kii Ogos, 1966-kii, xukun daldalaad ah lagu fuliyay Sayid Qudbi Ibraahiim (1906 – 1966) oo ahaa fekeryahan, suugaanyahan, qoraa iyo kacaanyahan Islaami ah oo ka tirsanaa ururka Ikhwaanu Muslimiinka. Dilkiisa ka dib, waxa uu ka tagay raad tirtirmi waayay oo dunida Muslimka, iyo guud ahaan dunidaba, saameyn xooggan ku yeeshay, illaa haddana waxa uu ka mid yahay shakhsiyaadka abuura doodaha ugu badan, iyada oo dilkiisii laga joogo 59 sannadood. Waqtiga uu ku soo beegmay in uu kaalin ku yeesho ururka Ikhwaanu Muslimiinka, waxa lagu tilmaamaa waqti uu ururku u socday dhanka dabacsanaanta iyo hufidda aragtiyaha xagjirka ah ee cunfiga iyo dagaalka. Waa waqtigii uu hoggaanka u hayay wadaadkii la odhan jiray Xasan al-Hudeybi oo lagu tilmaamo in uu ahaa islaaxi qunyar-socod ah. In kaste oo uu Xasan al-Hudeybi ahaa qunyar socod, haddana labo arrimood oo mug leh ayaa qariyay dhabbihiisii feker, sida la tilmaamo — waa dagaalkii uu kooxda ku qaaday kelitaliyihii Masar ee xilligaas, Jamaal Cabdinaasir, iyo fekerkii Sayid Qudbi oo si faalal ah u jeexay jidka kooxda ee mitidnimada iyo hilowga diiniga ah. Dabkii uu huriyay Sayid Qudbi waxa uu keenay in ururkii Ikhwaanka ay ka kacaan dhambiilo ay qaarkood gaadhi doonaan meelo badan oo dunida ah, iyaga oo holcaya, kana tagay dood aan damin.

Haddaba, waxa cajiib ah shakhsiyadda Sayid Qudbi iyo xidhiidhkiisa diiniga. Waxa la isku raacsan yahay in uu ku biiray ururka Ikhwaanka, sannadkii 1950-kii, sannad ka dib dilkii Xasan al-Bannaa oo ahaa aasaasihii ururka. Intii u dhexeysay 1950-kii illaa 1966-kii oo la dilay ayaa uu ururka ku jiray, waxana uu muddadaas xidhnaa 11 sannadood oo ka mid ah, inta aan la dilin, taas oo ka dhigan in uu 5 sannadood oo qudha xor u ahaa xubinnimada kooxda. Sidaas oo ay tahay, ma uu lahayn aqoon diineed oo xooggan, ama, si kale, waxa lagu doodi karaa in Sayid Qudbi aanu dhab ahaan ahayn wadaad. Inta aanu ku biirin ururka Ikhwaanka, waxa uu ahaa qoraa suugaanyahan ah oo u janjeedha kooxaha bidixda, waxa uu marar ka mid noqday xisbigii al-Wafdi oo ahaa xisbi u hiiliya aragtiyaha liberaalka ah. Waxa kale oo uu aad ula dhacsanaan jiray, waxna ka qoray, mufakeriin Masaari ah, sida Cabbaas Caqaad, oo ay ku xidhayeen aragtiyaha siyaasiga ah iyo aqoonta suugaantu. Waxii ka horreeyay 1949-kii, oo la dilay Sheekh Xasan al-Bannaa, waxa uu Sayid Qudbi ahaa qoraa, abwaan iyo suugaanyahan ka shaqeeya Wasaaradda Waxbarashada, oo aan lahayn hayb aragtiyeed oo Islaami ah oo muuqata, marka laga tago qoraallo kooban oo aragti ahaan aad ugu dhaw kuwii Caqaad, in badanna uu ka galay dhinacyada caddaaladda iyo suugaanta; waxa ka mid ah kitaabkiisa la yidhaahdo al-Taswiir al-Fanni fil-Qur’aan – Masawirka Faneed ee Qur’aanfka’ iyo ‘al-Namaadij al-Insaaniya fil-Qur’aan – Muunadaha Bani-aadannimo ee Qur’aanka oo labadooduba ka eegaya mawduuca dhinacyada suugaanta iyo bani-aadannimada oo ahaa fekrado ay bidixdu ku ololeyn jireen. Waxa kale oo uu xilliyadaa qoray buuggiisa kale ‘al-Caddaalah al-Ijtimaaciyah fil-Islaam – Xaqsoorka Bulsho ee Islaamka’ oo uu ku soo gudbiyay xaqsoorka bulshada iyo halka ay ku leeyihiin Islaamka. In kaste oo qoraalladiisan laga dheehanayo janjeedh Islaami ah, haddana waxa uu, inta badan, kaga jiray heerka aqoonyahanka aragtiyeed ee isbarbardhigaya nidaamyada dunida ka jira iyo waxa ay ku kala roon yihiin, oo uu isagu difaacayo midda laga heli karo diinta Islaamka. Dhab ahaan, waxa la odhan karaa waxa uu sii horumarinayay fekerkii Cabbaas Caqaad, amaba waxa uu ahaa ardaygii Caqaad. Waa Caqaadkii in kaste oo uu in badan, aragtiyihiisa bidixeysan salka u dhigi jiray diinta, hadda na aad u naqdin jiray kooxaha Islaamiyiinta ee ay ka mid yihiin Ikhwaanu Muslimiinku.

Waxa la odhan karaa Sayid Qudbi, intii ka horreysay 1949-kii, waxa uu sii horumarinayay fekerkii Cabbaas Caqaad, amaba waxa uu ahaa ardaygii Caqaad. Waa Caqaad oo, in badan, naqdin jiray kooxaha Islaamiyiinta ee ay ka mid yihiin Ikhwaanu Muslimiinku.

Haddaba, sannadkii 1949-kii, waxa dil dhagareed lagu dilay Xasan al-Bannaa, hoggaamiyihii iyo aasaasihii ururka Ikhwaanka. Sannadkaas waxa uu Caqaad ku eedeeyay al-Bannaa in uu yahay nin, isir ahaan, Yuhuudi oo markanna ka shaqeynayay fitno ay Israa’iil ka waddo Masar gudaheeda. Ha se ahaato e, Sayid Qudbi waxa uu ka eegayay dhan kale; waxa uu ahaa caaddifi aad u dareen nugul oo qiiro badan. Waxa uu ku fekeray in Xasan al-Bannaa oo la isugu tagay uu yahay ‘nin xaq ku taagan’ oo mudan in la raaco. In uu qofku u ficiloodo qofka laga itaalka roon yahay waa dareen nafsadeed oo dabiici ah kuna xooggan dadka kasha nugul ama caaddifadda badan. Amintaas ayaa uu abwaan Sayid Qudbi ku biiray ururka waxanu si degdeg ah u koray jaranjarta maamul ee ururka; waxa uu madax ka noqday Xafiiska Dacwadda iyo Baahinta, waxa kale oo uu madax ka noqday Joornaalka ururka.

Xilligan, ayaa ay bilaabantay shakhsiyadda Sayid Qudbi ee aan hadda ka hadlaynnaa, fekerkiisii, suugaantiisii, aftahannimadiisii iyo caaddifaddiisiiba waxa uu ku shubay aragtida Islaamiga ah ee Ikhwaanka oo uu u raray heer kacaaneed. Buuggiisa la yidhaahdo Macaalim fid-Dariiq – Tilmaamaha Jidka’ ayaa soo koobaya Sayidka cusub iyo jidka uu jeexay ee uu u yeelay bidhaamo lagu tilmaansado, si aan loogu lumin waxa uu ugu yeedhay ‘Jaahiliyadda ku habsatay dhulka oo dhan’ ee ay dhex qaadayso kooxda yar ee ‘Foolaadka’ u ah fufka Islaamka. Buuggiisan, waxa uu Sayid Qudbi, si suugaaneysan, ugu saafay in Ummaddii Islaamku ay u baahan tahay in ay dib u dhalato, ka dib qarniyo ay ka baxday jiraalka.

Macaalim fid-Dariiq ayaa soo koobaya Sayidka cusub iyo jidka uu jeexay ee uu u yeelay bidhaamo lagu tilmaansado, si aanay kooxda yar ee foolaadka u ah fufka Islaamku ugu lumin waxa uu ugu yeedhay ‘Jaahiliyadda ku habsatay dhulka oo dhan’.

Isaga oo ka hadlaya dunida maanta, waxa uu ku yidhi buuggiisa: “… Ha se ahaato e, Islaamku ma gudan karo kaalintiisa, haddii aanay metalin bulsho, waa in ay metasho ummadi, oo basharku, weliba casrigan, ma dhegeystaan caqiido keligeed meel taagan oo aan wax u maragfuraya laga arkayn nolosha waaqiciga ah. ‘Jiritaanka’ ummad Muslim ahina waxa uu ka dhigan yahay mid kala go’ay qarniyo badan ka hor. Ummadda Muslimka ahi ma aha ‘dhul’ uu ku noolaan jiray Islaamku, mana ah ‘qoomiyad’ ay awoowyaashood, xilli ka mid ah xilliyadii taariikhda, ku noolaan jir een ‘hannaan Islaami ah’. Ummad Muslim ahi waa koox ka mid ah basharka oo nolosheeda, sawirashadeeda, xaaladaheeda, nidaamyadeeda, qiyamkeeda iyo halbeegyadeeduba ay ka soo wada dhanbalmaan manhajka islaamiga ah ... Ummaddanna, midda tilmaamahan leh, waxa uu jiritaankeedii go’ay tan iyo markii uu go’ay xukunkii Shareecada Alle ee dhulka guudkiisu.” (Macaalim fid-Dariiq, Bogga 6aad). Waxa uu Sayid Qudbi sidaa ku qaraariyay in aanay jirin ‘ummad Muslim ahi’ oo dunida maanta ay ka jirto keliya ‘jaahiliyad’ ka daran middii uu dunida ugu yimid Suubbane Nabi Muxammed. Waxa uu uga gudbay in loo baahan yahay in ummaddaas dib loo ‘jirsiiyo’ iyada oo laga bilaabayo ‘fuf’ cusub oo foolaad u noqda. Waxa uu yidhi: “Foolaadkaas la rejeynayo ayaa aan u qoray ‘Tilmaamaha Jidka’ (Macaalim fid-Dariiq, Bogga 10aad).

Ibafurkaas ayaa uu ku galayaa aragtiyaha waaweyn ee dunida gilgili doona. Waxa uu ku tusaaleeyay ‘Jiilkii Qur’aanka ee Mar Lar-aragga ahaa’ oo uu ku sheegay in ay ku guuleysteen markii ay tuureen dhammaan dhaqannadii, ilbaxnimooyinkii iyo aragtiyihii dunida yaallay waqtigaas, isaga oo uga socda in ilbaxnimooyinka iyo afkaarta dunida taalla oo dhan la tuuro si loo helo aragtiyo Islaami ah oo badhax la’. Waxa uu sheegay in uu Nabigu ka cadhooday Cumar Binu Khaddaab, markii uu arkay isaga oo meelo kale wax ka baadhanaya. Aragtidan, waxa uu Sayid Qudbi ku boorrinaya ‘Jamaaco’ Muslim ah oo ka go’an waxa fekrado iyo aragtiyo yaalla dunida ee aan ahayn midda Qur’aanka, si ay u yeelato caqli iyo dareen badhaxtiran oo, iyada oo tilmaamahan raacaysa, kaga dhex hawlgasha adduunyo ay “jaahiliyaddu’ rarka dhigatay.

Sayid Qudbi waxa uu ahaa ‘fannaan’ marka ay tahay adeegsiga erayga iyo sawiridda fekradda. Sidaa awgeed, waxa uu sawiray ‘Ummad Muslim’ oo mitaali ah (ideal) oo uu ka soo qaadayo in ay ‘beri jirtay’ haddana loo baahan yahay in dib loo soo celiyo, inta ay dabargo’day ka dib, waxana uu qoray habraacii lagu soo celin lahaa. Waxa uu aragtidaas iyo ummadeeda u sawiray si aanu u sawireen mufakir kale oo islaami ah oo aan, dabcan, sidiisa ahayn suugaanyahan. Sawirkaas hilowga leh ee uu ka bixiyay ‘Ummadda Islaamka’ iyo dareenka qadhaadh ee uu ku ladhay waayaheeda hadda waxa ay ku baaheen dunida Muslimka, gaar ahaan dhalinyaradii ay laabqaadeen baaqyadii aragtiyaha Islaamiga ahaa ee diimeysnaa. Waxa ay qoraalladiisu noqdeen ‘tilaamaha’ jidka ee kooxo iyo aragtiyo aad u bulaalay qaybtii dambe ee qarnigii 20aad illaa horraanta qarniga 21aad, waxana sii caawiyay dilkiisii. Haddii uu isagu ugu biiray Ikhwaanka qiiro uu ka qaaday dilkii Sheekh Xasan al-Bannaa, isagana dilkiisu waxa uu nolol dheeri ah ku afuufay erayadiisii oo kooxo dhan u soo jiitay sida uu dabku u soo jiito cayayaanka duula habeenkii.

Haddii uu Sayid Qudbi ugu biiray Ikhwaanka qiiro uu ka qaaday dilkii Xasan al-Bannaa, isagana dilkiisu waxa uu u soo jiiday kooxo dhan, sida uu dabku u soo jiito cayayaanka duula habeenkii.

Kooxaha Islaamiga ah, intooda badan; kuwo jihaadaya oo u baahan nafhur, kuwo siyaasadda ku jira oo raba erayo u nooleeya mashruucooda siyaasiga ah, iyo kuwo takfiiri ah oo ummadda gooni isaga soocay isla markaana raba erayo ay ku macaansadaan is-go’doomintooda, dhammaantood waxa ay baahidooda ka helayaan erayada Sayid Qudbi, gaar ahaanna ‘Macaalim fid-Dariiq’. Waxa uu fekerkii guud ee Ikhwaanka u rarary heer xagjirnimo ah oo dildillaac xooggan ku keenay kooxda iyo, guud ahaan, fekerka Islaamiga ah; waxa aragtiyahaas oo qaabeeyay ka soo baxay kooxo ay ka mid yihiin ‘Jamaacat al-Muslimiin – al-Hijra wat-Takfiir’ oo dunida ku faaftay, Jamaacat al-Jihaad oo, iyaduna, dhali doonta ururka al-Qaacida, iyo koox aragtiyeedka ballaadhan ee Salafiyah-Ikhwaaniyah oo ay ku abtirsadaan Salafiyiinta leh dhaqdhaqaaqa siyaasadeed (as-Salafiyah al-Xarakiyah). Ururrada Soomaalida ee ay ka mid yihiin Takfiirka, al-Shabaab/Daacish, iyo al-Ictisaam waa muunadaha Soomaalida ee dhaqdhaqaaqyadaas aan kor ku xusnay, sida ay isugu xigaan. Dhanka kale, buugaagta Sayid Qudbi waxa ay waxtar ballaadhan u yeesheen loollannadii dunida ka socday qarnigii tagay. Sucuudiga oo Maraykanka gacan ka siinayay la dagaallanka Shuuciyadda ayaa waxa uu si mug leh u daabici jiray buugaagta Sayid Qudbi oo uu ku jiro Macaalim fid-Dariiq, arrintaas oo suuragalisay kacdoon Islaami ah iyo dhaqdhaqaaqii Baraarugga ee lagu wajahay Midowgii Soofiyetka ee qabsaday Afgaanistaan sannadkii 1979-kii, iyo kacaankii Iiraan ee horumarinayay baraarugga Shiicada.

Waxa ay aragtiyaha Sayid Qudbi dhaleen kooxo ay ka mid yihiin ‘Jamaacat al-Muslimiin – al-Hijra wat-Takfiir’, Jamaacat al-Jihaad oo, iyaduna, dhali doonta ururka al-Qaacida, iyo koox aragtiyeedka ballaadhan ee ay ku abtirsadaan Salafiyiinta leh dhaqdhaqaaqa siyaasadeed (as-Salafiyah al-Xarakiyah)

Sidaas, waxa uu Sayid Qudbi ku curiyay, oo uu qalin ku xardhay, erayo iyo aragtiyo isu beddelay dhinbiilo gubay in badan oo dunida ka mid ah, welina u baahan in la furdaamiyo. Waxa uu mudhbixiyay jinsiyad cusub oo ay yeelanayso ‘Ummadda Islaamku’ oo waxa uu yidhi; “Jinsiyadda Muslimku waa Caqiidadiisa” waxanu ku soo afmeeray buuggiisa ‘Tilmaamaha Jidka’ in duullaannadii Macatableydu (Crusades) “ay ku burbureen sallaxa weyn ee caqiidada oo ay hoggaaminayeen Muslimiin ka kooban isirro kala duwan oo ay ku jiraan Salaaxuddiin oo Kurdi ah iyo Tooraan Shaah oo Mamluuki ah, waana isirro illaaway haybtoodii qoomiyadeed oo xusuustay caqiidadooda kuna guuleystay calanka caqiidadaas” (bogga 186aad). Fekraddaasi waxa ay si weyn u dhidibtay ‘jihaadka caalamiga ah’ waxana dunida oo dhan ay dhex qaaday Muslimiin jihaad-doon ah oo ay jinsiyaddoodu tahay ‘caqiidadooda’ oo isa soo buuxiya meel kaste oo jihaad lagaga dhawaaqo, waana shaacsane aan dunida Muslimka laga aqoonin waxii ka horreeyay Baraaruggii Islaamiga siyaasiga ahaa ee ay cumdaha u ahaayeen buugaagta Sayid Qudbi.

Qoraallada kale ee qoraaga