Monday 7 September 2026
Waxaa laga hayaa Sayid Qutb sannadihii ugu dambeeyay noloshiisa, marka la weydiiyo isbeddelka fikir ee ku yimi, laga soo bilaabo shaqooyinkiisii hore ee naqdinta suugaanta, ee la daabacay afartamaadkii, ilaa qoraalladiisii Islaamiga xagjirka ahaa ee la daabacay dabayaaqadii kontomaadkii iyo lixdamaadkii, uu ku jawaabi jiray in wax kasta oo uu qoray ka hor labadiisa buug ee “Fii Dilaali Al Qur’aan” iyo “Macaalim Fii Al-Dariiq” aysan indhihiisa wax qiimo ah ku lahayn; oo uu inkiri jiray, dhinac kasta ha ahaatee, qaab iyo nuxurba.
Haddii Qutb uu diiday midhihii afartan sano ee uu ku qaatay kasbashada aqoon kala duwan, taas oo u saamaxday boos gaar ah oo uu kaga jiro dunida fikirka iyo qoraalka, akhristaha iyo naaqidka suugaaneed waxay xaq u leeyihiin inay qoraalladii sannadahaas tixgeliyaan si ay u fahmaan xaqiiqada fikirka ninkan. Ma habboona, si kastaba ha ahaatee, in sannadihiisii qalalaasaha lagu beddelo sannadihiisii kale ee degganaanshaha. Sannadahaas qalalaasuhu kama badnayn lix iyo toban sano oo ka mid ah cimrigiisa, muddadaas oo uu la xanuunsanaa cudurro jidheed oo kala duwan, oo ay ka mid ahaayeen xanuunnada caloosha, kelyaha iyo sambabada, kuwaas oo abuuray xaalad nafsadeed oo qallafsan; xaaladdaas ayaana ahayd deegaanka uu fikirkiisa ku qaabeeyay. Halka muddada labaad lagu qiyaaso afartan sano oo uu haystay caafimaad nafsadeed, maskaxeed iyo jidheedba, kuwaas oo soo saaray qoraallo ku kala gadisan luqadda, caqliyadda iyo saamayntaba.
Maqaalkan, waxaan isku dayaynaa inaan iftiiminno qaar ka mid ah wax-soo-saarka fikir ee ninkan intii uu ku jiray muddadii caafimaadka maskaxeed iyo nafsadeed, innagoo soo qaadanayna qaybo ka mid ah qoraallo wax badan iftiiminaya, kuwaas oo aan ka doorannay maqaallo la daabacay intii u dhexaysay 1940-kii iyo 1946-kii; taas oo ahayd xilli Sayid Qutb uu dhaafay badhtamihii tobankiisii saddexaad ee cimrigiisa, waana marxalad inta badan lagu garto bisayl iyo degganaansho, kuwaas oo si cad uga muuqda dhismaha ruuxeed iyo maskaxeed ee Qutb.
Nolosha ninkani waxay u muuqataa daraama bini’aadamnimo oo dhammaystiran. Ninkii la daldalay konton sano ka hor ayaa weli awood u leh inuu fikirkiisa iyo noloshiisaba si xoog leh u hor keeno dunideenna, taas oo ay ku matalayaan kuwa raacay jidkiisa iyo fikirkiisa. In kasta oo ay kala duwan yihiin aragtiyaha laga qabo fikirkiisa, haddana waxaa jira Ikhwaanka doonaya inay qurxiyaan fikirkiisa oo ay ka saxar tiraan inuu ku baaqay takfiir iyo kala-go’id, iyagoo taas ku sababeeya inuu ahaa qoraa leh luqad u gaar ah, isla markaana ay qalad fahmeen dadka qaar micnaha qoraalladiisa. Dhanka kale, dadka raacsan Salafiyadda Jihaadiga ah waxay sheegaan in uu fikirkiisu ahaa aasaaska fikradeed ee ay u baahnaayeen dhaqdhaqaaqyada jihaadiga ah ee hubaysan, si ay u helaan aragti ay ku guuraan; gaar ahaan maadaama fikradihii Ibnu Taymiyah iyo Ibnu Al-Qayim ay duqoobeen, ayna awoodi waayeen inay ka jawaabaan su’aalaha waaqica cusub. Su’aalahaas ayuu Qutb kaga jawaabay dhowr fikradood oo noqday saldhigga aragtida jihaadka hubaysan, sida jaahiliyadda, go’doonka dareen, xaakimiyaddaa, kooxda mu’miniinta, khilaafada, adeecidda iyo iska-bari-yeelka, xukunnada riddada iyo takfiirka. Waa fikradihii aasaaska u noqday ururradan, jidkoodana u xaadhay.
U jeedka maqaalkani waa inaan soo bandhigno laba tusaale oo ka mid ah fikirkii Qutb xilligii uu isku dayay inuu inkiro, inkasta oo ay ka turjumayeen bisayl iyo dhammaystir ku yimid xaalado dabiici ah, marka loo eego fikirkiisii xilliga qalalaasaha.
Markaan dib u eegayay marxaladihii kala duwanaa ee nolosha Qutb, waxaa maskaxdayda kusoo dhacday taariikh-nololeedkii Imaam Maxamed Cabdo, kaas oo ku bilaabay nolol dib-u-habayn ah ka hor intii uusan saamayn ku yeelanin Al-Afgaani oo uu isu beddelay kacaan-doon; dabadeedna ugu dambayntii wuxuu dib ugu soo noqday halkii uu ka soo bilaabay, isagoo mar kale noqday nin dib-u-habayn ah oo rumaysan in basarka iyo is-daahirintu ay yihiin jidka isbeddelka.
Waxaan u malaynayay in sidaas ay ku dambayn lahayd nolosha Qutb, haddii aysan noloshiisa dhexda u geli lahayn waayo-aragnimadii dhaqdhaqaaqa Ikhwaanka, kuwaas oo tan iyo markii uu Xasan Al-Banna qarsoomay galay marxalad jahawareer fikradeed iyo mid nafsadeed, Qutbna galaafteen. Waxaa laga yaabaa in haddii Qutb uu sii odoroosi lahaa halka ay waayo-aragnimadani ku dambayn doonto, isla markaana uu si ay ku dheehantahay ruux naqdineed ku dhugan lahaa, isaga oo aan noloshiisa ku soo afjarin deldelka, laga yaabaa inuu yeelan lahaa door iyo dadaal-fikradeed kale. Arrintaasna waxaa laga dheehan karaa qoraalladan aan halkan ku soo xulnay:
Qoraalka koowaad, Sayid Qutb wuxuu ku adkaysanayaa muhiimadda ay leedahay in lagu faano taariikhdeenna qaran, gaar ahaan taariikhda fircooniga, isagoo tilmaamaya micnayaal laga yaabo in qof kale uusan ku baraarugin, qoraalkan uu isku dayayo inuu ku xoojiyo ruuxda qarannimada Masar, isagoo ka hor imanaya fikradihii caalaminnimada ee soo jiitay xilligii uu ku biiray Ikhwaanka: “Ruuxda dhabta ah ee Masaarinimadu waa inay ka soo burqataa dhiiggeenna, fikirkeenna iyo taariikhdeenna.
Ma jirto ummad dunida ka mid ah oo carrabkeedu sida Masaarida ugu badan yahay ku celcelinta faanka awoowayaashood, ku faanka waayihii hore iyo ku baanidda sharaftii qadiimiga ahayd, gaar ahaan kaddib dib-u-soo-nooleyntii casriga ahayd ee Masar iyo dareenka jiilka cusub ee ah inay u baahan yihiin meel ay ka dab qaataan si ay u gaadhaan guulo hor leh. Sidoo kale ma jirto ummad dunida ka mid ah oo sida Masaarida uga go’an waayaheedii hore, xidhiidhkeeda ruuxeedna uga go’ay taariikhdeedii hore, isla markaana agnaan ka ah xaqiiqada taariikhdeeda; Masaarida maanta waxa waayahoodii hore ee weynaa ku xidha oo keliya aqoon mugdi ah iyo xog aan dhammaystirnayn ama maroorta.”
Wuxuu dhaliilayaa habka taariikhda loo baro Masaarida, In kasta oo raadadka taariikhiga ahi meel kasta oo dhulka Masar ka mid ah ay indhaha, maskaxda iyo qalbiyada dadka soo jiidanayaan. Wuxuu leeyahay: “Meel kasta oo uu Masaarigu maanta maro, wuxuu Masartii hore ku arkaa iyadoo ku xardhan raadadka qadiimiga ah, taallooyinka, qoraallada taariikhiga ah iyo caadooyin, dhaqammo iyo ereyo badan oo wakhtigu ka badbaadiyay illowshaha, una soo gudbiyay jiilashan. Hase yeeshee, qalbigiisa uma furo inuu maqlo baaqa muuqaaladaas ku dhex socda meelaha aan dhammaadka lahayn ee wakhtiga. Wuxuu is hor taagaa raadadkii awoowayaashiis isagoo nacas ah, iyadoo ruuxdooda nooli dhawaaqayso, isaga oo dhegaha ka furay baaqooda... Wakhtiga Masar ula dhaqmay deeqsinimada yaabka leh, isaga oo u dhowray raadadkeeda iyo taariikhdeeda, si uu mucjisadan uga dhigo arrin fudud. Masartii Fircooniga ahayd waxay inna hor taallaa iyadoo la arki karo lana maqli karo; waxa keliya ee la innooga baahanyahay waa inaan fiiro u yeelanno, markaasna mucjisadu waxay ku rumoobi doontaa jidka ugu fudud.”
U fiirso sida qoraalkani ugu badan yahay weedho lagu ammaanayo oo lagu xoojinayo qarannimada Masar, iyo sida uu Masaarida ugu boorrinayo inay dalkooda ka tirsan yihiin, isla markaana ay sii xoojiyaan xidhiidhka ay la leeyihiin dalkooda iyagoo ah geed weyn oo gunta ka midaysan. Tan marka la barbar dhigo waxa fikirkiisa markii dambe ka soo daahiray ee ahaa takfiirka iyo yasidda taariikhdan, iyo inuu ku tirinayey sheekooyinkii hore jaahiliyad ku teedsan gunta taariikhda oo u baahan in laga bari noqdo, gebi ahaanna la tirtiro qoraallo kale oo ay ku farxeen madaxda Islaamka dhaqdhaqaaqa ku dhisan ee dhalanteedka ah. Waxa inoo hadhay in aynu sheegno: In Qutb qoraalkan ku qoray maqaal lagu daabacay majaladda “Arrimaha Bulshada” bishii Maarj 1942. Muhiimaddiisuna kama yara maqaal uu cinwaan uga dhigay “Wacdinta diintu marka hore waa shaqo bulsheed”.
Maqaalkani wuxuu taabanayaa arrin maanta si weyn diiradda loogu hayo: halka ay gaadheen khudbadaha masaajidda, iyagoo qayb ka ah ereybixinta hadalka diineed. Wuxuu leeyahay: “Waxaa laga yaabaa in Islaamku yahay diinta ugu badan ee daryeesha dhisidda bulsho wanaagsan, isla markaana danaysa dejinta aasaaska sharciyeed ee lagu dhisayo dunida wanaagsan. Ujeeddadeedu ma ahayn oo keliya diyaarinta nafo aakhiro; balse waxay ka horreysiinaysaa diyaarinta nafaha noloshan adduunyo, waxayna adduunkan ka dhigayaa dariiq loo maro tan dambe. Qur’aankuna wuxuu si joogto ah ugu celceliyaa sifada dadka Jannada, inay yihiin kuwa ‘rumaystay oo camal wanaagsan falay’.
Qofka diinta haystana wuxuu odhan karaa, isaga oo aan ka baqayn in ay iimaankiisa waxyeello soo gaadho: haddii diinta Islaamku adduunka ka dhigtay dariiq loo maro aakhiro, waxay sidoo kale aakhiro, abaalkeeda iyo ciqaabteeda, ka dhigtay dariiq lagu hagaajiyo adduunka iyo arrimihiisa, laguna sugo in camalka wanaagsan lagu dhaqmo.” Dabeeto wuxuu sii leeyahay: “Diintan waynu ku gabood falaynaa, ujeeddadeeda weynna waan qalloocinaynaa marka aynu ka dhigno diin ku kooban aakhiro oo keliya, oo ujeeddadeeda aynu ku soo koobno diyaarinta dadka aakhiro, isla markaana ka dhigno hawlaheeda inay tahay yaraynta qiimaha nolosha adduunyo, taas oo loola jeedo xaqiriddeeda, dayaceeda iyo ka tegidda shaqada loogu qabanayo.”
Ma akhriyey hadalkan mid ka mid ah kuwa quudhsada adduunka oo geerida ku farxa? Iyagoo u malaynaya inay sidaas ku difaacayaan diinta, taas oo difaaceedu, sida Qutb hadalkan ku sheegay, aanay ka maarmin difaaca nolosha adduunka.
Wuxuu maqaalkiisa ku bilaabayaa: “Hordhacan waxaa igu kallifay waxa aan inta badan maqlo oo ka mid ah khudbadaha minbarrada laga jeediyo maalmaha Jimcaha ee masaajidda: in dadka lagu boorriyo inay quudhsadaan nolosha, hoos u dhigaan qiimaheeda, kana fogaadaan farxaddeeda iyo wanaaggeeda; xitaa in la inkiray wanaagga iyo farxadahaas, iyadoo la moodayo in diintu ku boorrinayso khudbadaha noocaas ah.”
Wuxuu khudbadahaas ku tilmaamay kuwo: “Ka leexday fahamka ruuxda saxda ah ee diinta.” Wuxuuna sii leeyahay: “Haddii ay nasiib wanaag tahay in shacabka Masaaridu yihiin dad diinta haysta, nasiib wanaag ma aha in wacdinta diintu qaaddo jidkan dadka ka fogeynaya nolosha iyo wanaaggeeda. Haddaba, haddii wacdintu ku koobnaato baaq mugdi ah oo loogu yeedhayo aakhiro iyo guud ahaan hoos-u-dhigidda qiimaha adduunka, maxay tani ka tari kartaa hagaajinta nafaha? Waxa ugu badan ee baaq noocan ahi riixo, sida aan u arko, waa inuu nagu abuuro murugo iyo niyad-jab, isla markaana naga qariyo raaxada nolosha wanaagsan iyo quruxdeeda aan waxba galabsan.” U fiirso qoraalkan iyo ruuxda dib-u-habaynta bulshada ee ku jirta, iyo xidhiidhka dhow ee uu la leeyahay waaqica. Is barbar dhig taas iyo waxa ninkani markii dambe ugu baaqay kala-go’id dareen, iyo go’doon bulsheed oo ka dhan ah bulshada, taas oo ka soo unkamaysa quudhsigeeda, halkii ay ka ahaan lahayd naxariis uu u qabo xubnaheeda oo ah laan ka tirsan geed ballaadhan oo hoos leh, kana quutaan hal xidid.
Farqi aad u weyn ayaa u dhexeeya ruuxdaas hufan ee dadka u damqanaysa, iyo ruuxda qallafsan ee sidata dhengad canaan iyo takfiir, isla markaana adduunka u quudhsata aakhiro darteed. Labadan tusaale waxay muujinayaan in ninkani fikirkiisa ka leexday oo jidkii uu inta badan noloshiisa ku socday ah, gaar ahaan muddadii aan ugu yeedhnay muddadii caafimaadka nafsadeed iyo fikradeed. Waxay sidoo kale muujinayaan in ka hortagga fikirradiisa mugdiga ah ee qalalaasaha ku dhisan aanu suurtagal ahayn iyada oo aan la iftiimin dhinacan aan la aqoon, inkasta oo uu dhab ka ahaa shakhsiyaddiisa. Dhinacan waxaa lagu qariyay burburka fikrado badan oo aakhirka dabar-go’aya; sababtoo ah, xaqiiqada marka la eego, waxay colaad la yihiin adduunka iyo aakhiro labadaba.
Qormadan waxa laga soo tujumay halkan.