Wednesday 9 July 2025
Billihii u dambeeyey, ururka al-Shabaab ayaa weerarro ku ekeeyey gobollada dhexe iyo deegaannada u dhow Muqdisho ee ay Xukuumadda Federaalku maamusho. Ururku waxa uu weerar cusub soo qaaday bishii Feebarweri, isagoo wada hawlgal uu u bixiyey Hawgalka Ramadaanta, oo bartilmaameedsanaya deegaannadii xukuumaddu la wareegtay muddadii ka dambay 2022-kii, oo uu kolkaas Xasan Sheekh Maxamuud xilka qabtay. Bartilmaameedku waxa uu ahaa Shabeellaha Dhexe, Hiiraan iyo Galgaduud, iyada oo uu ujeedku yahay dib u qabsashada waxii hore xukuumaddu u qabsatay 2022.
Weerarradan cusub ee al-Shabaab waxa uu kusoo beegmayaa xilli ururku ka baaraandagay, oo ku beegan xilli AUSOM (Hawlgalka Midawga Afrika ee Nabad Ilaalinta Soomaaliya) uu wajahayo caqabado badan, oo ah in la dhimay maalgelintii hawgalka iyo in ciidamo badani ka baxayaan Soomaaliya.
Ilaa hadda oo bishii May ah, weli ma cadda halka laga maalgelin doono Hawlgalka Nabad Ilaalinta, waxaana su’aali ka taagnatahay maalgelintii Qaramada Midoobay bixin jirtay, sababta oo ah maamulka Trump ayaa far ku goday maalgelintii ay siinayeen Qaramada Midoobay, una arkay wax aan waafaqsanayn aragtida siyaasadda arrimaha dibadda ee Maraykanka. Qaramada Midoobay waxa ay qayb ahaan maalgelisay nabad ilaalin hore oo Midawga Afrika ah oo kasoo shaqeeyey Soomaaliya, sida the Economist lagu xusayna, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres “ayaa ka digay in miisaaniyadda nabad ilaalinta ee ay tahay in la siiyo ciidamadu go’do sannadka badhtamihiisa.”
“Tallaabada xigta ee la qaadayaa waa muhiim” ayaa ay tidhi Samiira Gaydh, oo ah Agaasimaha iyo Aasaasaha Balqiis Insights and a security analyst. Waxa kale oo ay tidhi: “Waa in ay go’aansadaan in Hawlgalka Midawga Afrika ee Nabad Ilaalintu istaago xilli aan habboonayn, oo halis nabadgalyo jirto, iyo in ay tallaabo kale oo degdeg ah qaadaan, oo aan weli la ogayn”.
Ka bixitaanka ciidamadii Burundi, oo looga dan lahaa dhimidda tirada ciidamada nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya iyo in ciidamada Soomaaliya shaqada kala wareegaan, oo aad looga baaraan dagay, ayaa haddana sababay korodhka khasaaraha xukuumadda. Xilligaas, Maxadka Deraasadaha Dagaalka ayaa saadaaliyey in “bixitaanka ciidamada Burundi ay abuuri doonaan galdaloollo ay al-Shabaab ka faa’idaystaan”.
Go’aanka dhimidda tartiibta ah ee ciidamada Burundi, ilaa ay gebi ahaan baxaan xagaagan soo socda, waxa loo gaadhay sababo siyaasadeed. Waxa la go’aansaday tirada ciidan ee looga baahanyahay nabad ilaalinta Soomaaliya, meeshana waxaan ka madhnayn isku dayga ah in la raalligeliyo Qaahira iyo Addis Ababa, oo ah laba dal oo ku dedaalaya in ay qayb ka noqdaan nabad ilaalinta, waana sababaha madaxda Soomaalidu u go’aamisay in meesha laga saaro ciidamada Burundi, se ilaa hadda booskoodii uu bannaanyahay. Ciidamada Burundi waxa ay u diyaargaroobayaan bixitaan iyo in ay shaqadoodii ku wareejiyaan ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Masar. Se, Masar oo aan weli ciidamadeedii keenin iyo kala daadashadii ka soo gaadhay ciidamada Soomaaliya Shabeellaha Dhexe, waxa ay sababayaan wayddiimo dhab ah, oo ku saabsan in ay ciidamada Soomaaliya u diyaarsanyihiin la wareegidda masuuliyadda amni.
Bishii Apriil, waxa caasimadda Yugaandha ee Kaambaala ku kulmay madaxda dalalka qaybta ka ah ciidamada nabad ilaalinta, waxaanay ku jireen shir toddobaad socday. Waxa ay ku baaqeen in loo baahanyahay siddeed kun oo ciidamo dheeraada ah, si loo taageero ciidamada Yugaandha, ee nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya, iyaga oo ka digaya “in al-Shabaab dib ula wareegto dhulkii xukuumaddu hoBalre ula wareegtay”.
Hadal jeedin uu shirka Kaambaala ka jeediyey John Mugerwa, oo ahaa ninka shirka ku metelayey Yugaandha, waxa uu xusay in dhimidda ciidamada nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya uu yahay qorshe aan xilligiisii joogin, oo al-Shabaab u sahlaya in ay weerarro qaaddo, dhul cusubna qabsato. Mugerwa waxa uu leeyahay “guusha Aussom waxa ay ku tiirsantahay in ciidamada la keeno xilli munaasib ah, in la habeeyo ciidamada Soomaaliya, lana qiimeeyo in xarumihii furinta ahaa ee la wareejiyey kala guurkii AMISOM/ATMIS ay diyaar yihiin”.
Ku guuldarraysiga qiimaynta diyaargarawga ciidamada Soomaaliya, oo ay ku lammaantahay hoos u dhaca dardartii ciidamadu, waxa ay keeneen in ciidamada meelo dhowr ah dib looga qabsado. Dhammaadkii Febraayo, al-Shabaab waxa ay ku guulaysatay in ay muddo kooban ku qabsato Balcad, oo ah magaalo 35 km u jirta caasimadda. Waxa kale oo ay qabsadeen Aadan Yabaal, oo ah deegaan ay xukuumaddu hore uga faro-maroojisay al-Shabaab, xukuumadduna doonaysay in ay muwaaddiniinta tusaale uga dhigto adeegyada dawladi u qaban karto, sida dhisidda dugsiyo iyo cisbitaallo.
Horumarrada ay al-Shabaab samaysay ma ahayn kuwo aan dhiig ku daadan, ee waxa ku naf waayay ciidamo ka mid ah dawladda, shacab iyo dagaalyahanno al-Shabaab ahba. Maxadka Balqiis Insights waxa uu xusay in weerarrada al-Shabaab ee saddexdii bilood ee u horreeyey ee sannadkan 2025 “sababeen dhimasho shan jeer ka badan oo shacab iyo ciidamaba leh marka la barbar dhigo weerarradii 2024...marka la eego Shabeellaha Dhexe oo keliya, khasaaraha nafeed ee dagaalka ka dhashay ee bishii Maarso ayaa kusoo labanlaabmaya gebi ahaan khasaarihii sannadkii 2024”.
Weriyayaal Soomaali ah oo caan ah, sida Jamaal Cusmaan, ayaa su’aal geliyey in uu dagaalku dhab ka yahay Xukuumadda Federaalka. Hadal uu ku qoray barta X, ayaa uu isku wayddiiyey: “Ma waxa la joogaa bilawga in ay al-Shabaab qabsato Muqdisho?” Samiira Gaydh waxa ay aaminsantahay in aan walwalkaas xilligiisii la joogin, oo aanay caasimaddu hadda halis ku jirin, se halis ku jiraan deegaannada ku hareeraysan. Waxa ay se ku doodday “in aanay ahayn in ay xukuumaddu xoojiso uun ilaalinta Muqdisho, sababtoo ah waxa lagu noqonayaa xaaladdii 2011-kii”.
Samiira Gaydh waa khabiir falanqeeye ah. Waxa ay la taliye u ahayd Raysalwasaaraha xukuumaddii Farmaajo, waxaanay la taliye iyo hoggaan ka ahayd qaybta dib u habaynta amniga. Markii dambe waxa ay khibraddeeda kula shaqaynaysay Wasaaradda Arrimaha Dibadda, ka hor intaan sannadkii 2024 shaqada laga saarin, kaddib markii ay kasoo horjeedsatay wax-ka-beddelka distuurka ee uu Xasan Sheekh wado. Isbeddellada Soomaaliya ka socdaa waa kuwo sii kala fogaynaya madaxda Soomaalida, oo wiiqaya iskaashigii amni. Samiiri waxa ay la hadashay Geeska, oo ay uga warrantay xaaladaha hadda ka taagan furimaha dagaalka ee Soomaaliya, iyadoo ka jawaabaysa in cabsida la qabaa tahay mid lagu talaxtagayo, iyo waxa ay tahay in la sameeyo si loo daweeyo gaabiska ciidanka ku jira.
Samiira Gaydh: Waxa jira dhawr caqabadood oo ina gaadhsiiyey xaaladdan, se haddii aad rabtid sababta ugu weyn, waa arrimaha siyaasadeed ee aan loo jidbixin, sida degdegga ahna loogu beddelay istiraatiijiyado milatari, weliba aanay aanay u beddelin khubaro millatari, se hoggaanka madaniga ahi qaatay. Hawlgalladii al-Shabaab ka dhanka ahaa ee 2022-kii, ee sida habqanka ah loo bilaabay, waxa bilawgii qaaday shacabka deegaannadaas ku dhaqan, se waxa la filayey in hawlgalladaasi si tartiib ah ugu soo wareegaan hoggaanka millatariga. Nasiibdarro, arrinkaasi ma dhicin, oo kaalintii ciidamada hoos baa loo dhigay, dedaalladii dagaal oo heerkii u sarreeyey ahna, waxa sii waday siyaasiyiin leh ujeeddooyin siyaasadeed, iyada oo aanay jirin qorshe cad iyo istiraatiijiyad ciidan.
Waxa sidoo kale jira caqabado kale oo dhawr ah, sida caqabadaha isgaadhsiin, isbeddellada hoggaanka nabadgalyada xilliyo xaaladdu xuntahay, adeegsiga ciidamo dhawaan tababarka kasoo baxay iyadoo lagu beddelayo kuwo ka khibrad badnaa, iyo caqabado kaleba.
SG: Istiraatiijiyaddooda waxa ay soo bandhigeen bishii Ramadaan, waxa aannu ka aragnayna waxa ay ahaayeen dhaqdhaqaaq taatiko oo aad loo darsay, kooxduna istiraatiijiyadda ka baaraandegtay. Waxa ay beddeleen qaabkii ay ula dhaqmayeen shacabka deegaanka, marka ay dhul qabsadaan. Waxa ay u muuqdaan in ay sidii hore ka degganyihiin, marka la eego sida ay ula dhaqmi jireen dadka xukuumadda la shaqaysta, marka laga reebo Aadan Yabaal. Warbixinbo ayaa xusaya in ay tanaasul badan muujiyeen, sida ay in ay beelaha u oggolaadeen in ay hubkooda haystaan, sakawaadkana badh ka dhaafaan.
Isbeddelkani waxa uu u muuqdaa in ay uga dan leeyihiin inay soo celiyaan kalsoonidii bulshada deegaanka, amaba ugu yaraan ay dhimaan iska caabbintooda. Sidoo kale, sawirro iyo muuqaallo kumaynaan arag dad ay madaxa ka jarayaan, oo ay berigii hore baahin jireen. Si guudna, waxa muuqata in ay beddeleen habdhaqankoodii siyaasadeed, oo ay dadka wax ka qaybgeliyeen, si ay dhulkii hore looga qaaday u qabsadaan.
SG: Ciidamada Qaranku waxa ay qayb ka yihiin uun bulshada, isbeddelka bulshana waa mid aad u saamaynaya ciidanka. Waxa aynnu u jeednaa khalkhal ku yimi ciidamada, waxaana sabab u ah gaabiska istiraatiijiyadeed ee goobaha dagaalka iyo maamul xumida siyaasadeed ee xukuumadda.
Mid ka mid ah isbeddelladii jihada u rogay dardartii waa guuldarrada hawlgalkii Galcad, oo aynnu ku weynay taliyihii la wada jeclaa ee Xasan Tuure, bishii koowaad ee 2023-kii. Waxa ku xigay Caws-Weyn oo gacanta ka baxday dhammaadkii isla sannadkaas. Dhacdooyinkani waxa ay ahaayeen kuwo bannaanka keenay istiraatiijiyad xumida xukuumadda hadda joogta. Ciidamada waxa la abaabulay iyada oo la leeyahay yoolal aan maangal ahayn, oo aanay taakulo ku filanna jirin, sidoo kalena aanay jirin qorshe dib u gurasho lagu samayn karo, ama gargaar degdeg ah loo fidin karo. Qodobkani waxa uu tilmaamayaa in aan mudnaanta la siin badbaadada ciidanka, dad ciidamada ka mid ahina waxa ay sheegeen in loola dhaqmayo sidii xaabo dabka lagu gurayo.
Arrinku waxa uu sii xumaaday kaddib markii isbeddelo degdeg ah lagu sameeyey hoggaanka nabadgalyada, sida in la magacaabay taliye si guud loogu ogyahay musuq iyo qaraabikiilka. Qodobkani waxa uu meesha ka saaray horumarkii marka horeba gaabiska ahaa ee socday, kalsoonidiina meesha way ka baxday. Waxa ku xigay dhul boobkii Muqdisho lagu sameeyey, weliba ah dhul intiisa badan ay degganaayeen qoysaska ciidamada furinta ka dagaallamayaa, waana dhaqan niyadjabiyey dad badan.
Arrimahan waxa garab socday in hoggaanka siyaasaddu ka jeestay weerarrada iyo cabsida amni ee jirta, dedaalna ku bixiyey wax ka beddel dastuur oo doodi ka taagantahay, oo haddii si guud loo eego, ah isku day maamul maroorsasho, loogana dan leeyahay in lagu ciyaaro doorashada soo socota.
Niyadjabka ciidanka waxa kale oo keeni kara guuldarradii Raaskaambooni, oo ciidamo aan taakulo ku filan haysan halkaas loo diray, ugu dambaynna lagu khasbay in xuduudda Kiiniya iska dhiibaan. Arrinkani waxa uu ahaa natiijo ciidamada hoos u dhigtay sumcaddooda, laga baaqsan karayey, weliba marka la eego in isla kolkaasba, caqabado amni ka jireen Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan, oo u baahnaa in halkaas dedaalka lagu bixiyo, se laga gaabiyey. Si kooban, waxa aan jecelahay in aan idhaa gaabis dhinac walba leh, khaladaad siyaasadeed iyo isdabamarin haayadeed ayaa si aad ah hoos ugu dhigay niyaddii wanaagsanayd iyo kartidii ciidamada.
SG: Sideedaba maalgelinta hawlgalladii nabad ilaalineed waxa ay ahayd caqabad, laga soo bilaabo AMISOM, ATMIS iyo hadda oo ah Aussom. Dhammaan hawlgalladani waxa ay waajaheen gaabis maaliyadeed oo joogto ahaa, iyo baaqyo ahaa inay ciidamadu baxaan.
Hadda se caqabadda u weyni waxa ay ka taagan tahay go’aanka Midawga Yurub ku sheegay in uu joojiyey mushaharkii uu siinayey ciidamada hawlgalka, dhimis hore u soo socotay kaddib. Arrinkani waxa uu sababay in maalgelin kale oo beddesha la helo. Habka xukuumadda Soomaaliya iyo Midawga Afrika isku waafaqeen, markii dambena Qaramada Midoobay la qaadatay, waa adeegsiga go’aanka Golaha Ammaanka ee Lambar 2719. Go’aankan Golaha Ammaanka, ee markii dambe la isla qaatay, ujeedkiisu waxa uu ahaa in la oggolaado in ka qaybqaadashada Qaramada Midoobay noqdo 75%, oo kharashaadka Hawgalka ay bixiyaan. Se Maraykanka ayaa ka cagajiiday inuu oggolaado go’aankan, laba sababood dartood: marka koowaad, Maraykanku waxa uu ku doodayaa in hawlgalka Soomaaliya la gaynayaa aanu metelin doorashada habboon ee xaaladdan cusub. Mar labaadka, marka horeba Qaramada Midoobay waxa ay dabooshaa isgaadhsiinta taakulo ee hawlgalka, markaa in ay boqolkiiba 75% ka qayb qaadataa waxa ay ka dhigantahay wax ka badan 90%
Waxa aynnu ognahay in go’aanka Golaha Ammaanka ee Lambar 2719 aan weli la dhaqan gelin. Arrinkani waxa uu ka dhiganyahay in bilo kaddib kolkii la hawgaliyey ciidamada nabad ilaalintu, ay ku shaqaynayaan maalgellin aan dhammayn. Tallaabooyinka xigaa waa kuwo adag, oo kala saari doona: in hawlgalku dhammaado xilli aan habboonayn, oo xaalado amni oo halis ahi jiraan, iyo in si kale wax loo maarayn doono.
SG: Waxa aan aaminsanahay in rejadaasi yartahay, se waxa cad in aynnu arrinkaa ka habsaannay. Waxa dhacay khaladdo waaweyn, sida hadalkii xukuumadda ee ahaa hadal aan wakhtigiisii taagnayn, oo ay ku sheegtay in ay dagaalka ku guulaysteen, hawlgalkii Midawga Afrikana dhammaaday. Si loo qanciyo dhinac kasta oo ay ka suurawdo inuu maalgaliyo hawlgalka, xukuumadda Soomaaliya iyo Midawga Afrikaba waxa la gudboon in ay diyaariyaan qorshe lagu kalsoonaan karo, oo soo jiidasho leh, mudnaanta koowaadna siinaya xaaladdan kalaguurka ah, dib u dhiska ciidamada Soomaaliya iyo ka faa’idaysashada awoodaha ciidan ee dalalka xubnaha ka ah hawlgalka, intaasbana waxa kasii muhiimsan, midaynta siyaasadda gudaha inta macquulka ah.
SG: Arrinka la xidhiidha Ciidamada Masaaridu waa khilaaf kale. Waxa la filayaa in ciidamada Burundi si tartiib ah uga baxaan hawlgalka, mana bixi karaan ilaa ciidamo beddela la helo. Ciidamada Masar waxa ay rabaan inay helaan dammaanad maalgelintooda ah, oo la qorshaynayey weliba in qaybta cirkuna maalgelinta qayb ka noqoto, se hadda aan diyaar ahayn. Sidaas darteed, arrinkaasi waxa uu innooga baahanyahay in aynnu si dhow ula soconno.
SG: Si dhab ah ugama jawaabi karo, sababta oo ah waxa uu u baahanyahay qiimayn dhammaystiran oo lagu sameeyo xaaladda ay ku jiraan hadda ciidamadu; awooddooda, tamartooda iyo taakulada u diyaarsan. Waxa kale oo arrinkani u baahanyahay fahanka dedaallada kale ee raadka yeelan doona. Aragtidayda, sannadkii 2021-kii, waxa aan qiyaasayey in loo baahanyahay ilaa toban sanno ugu yaraan, si ciidamadu gebi ahaan masuuliyadda ula wareegaan, oo si dhammaystiran dib loogu dhiso ciidamada. Haddana, arrinkaa kuma kalsooni marka la eego kala daadashada awooddii ciidamada ee dhawrkii sanno ee lasoo dhaafay. Se marka go’aanka la xidhiidha in hawlgalkani noqdo kii u dambeeyey, waa doorasho iyo go’aan awooddeenna ka baxsanba, marka la eego dhibta maalgelineed ee haddaba jirta. Hadda warku waa uun aynnu sugno, oo eegno.