Skip to main content

Monday 7 September 2026

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Waraysi

Salmaan Rushdi: Suugaantu way sii jiri doontaa, se qorayaashu way itaal yar yihiin

13 August, 2026
Image
Salmaan Rushdi: Suugaantu way sii jiri doontaa, se qorayaashu way itaal yar yihiin
Share
Hordhac

Laba sano oo buuxa kaddib markii la daabacay buuggiisii “Knife” (2024), kaas oo uu qoray kaddib markii uu si mucjiso ah uga badbaaday isku daygii dil ee caanka noqday isagoo ku sugan magaalada New York sannadkii 2022, qoraaga Biritish-ka ah ee asal ahaan Hindiya ka soo jeeda, Salmaan Rushdi, ayaa mar kale ku soo noqday saaxadda qoraalka hal-abuurka ah. Dhawaan ayay ururintiisa cusub ee sheekooyinka gaagaaban, “The Eleventh Hour”, ku soo baxday tiro luqadood Yurub ah, oo ay ka mid yihiin Faransiis, Jarmal iyo Holandays. Rushdi ayaa ka soo muuqday warbaahinno Yurub ah oo dhowr ah si uu u xayaysiiyo buuggiisa cusub.

Ururintan cusub ee qoraaga 78 jirka ah ayaa noqonaysa buuggiisii ugu horreeyay ee hal-abuur ah ee uu qoro afar sano kaddib weerarkii mindida ee lagu qaaday, kaas oo sababay inuu waayo mid ka mid ah labadiisa indhood, isla markaana uu qaato bilo badan oo soo-kabasho ah. Ururinta cusub waxay ka kooban tahay shan sheeko oo gaagaaban oo ka hadlaya rooxaan iyo xidhiidho saaxiibtinimo ku fidsan laga bilaabo Bombay ilaa xarunta Jaamacadda Oxford. Rushdi wuxuu wareysigiisa idaacadeed ku sharraxayaa: “Waxaad ka heli doontaan sheekooyin Hindi ah, Ingiriisi ah iyo Maraykan ah, iyagoo aad moodid sawir yar oo ka turjumaya noloshayda qoraanimo.” Cinwaanka ururintu wuxuu tilmaamayaa odhaah macnaheedu yahay “waxa la qaban karo ka hor inta aan la gaadhin daqiiqadaha ugu dambeeya.” Mawduucyada ay ku wareegayaan sheekooyinkan gaagaaban waxaa ka mid ah waayo-aragnimada gabowga iyo dhimashada. Rushdi wuxuu Idaacadda France Inter ka sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu ku soo noqday qoraalka, isagoo yidhi: “Mar kale waxaan noqday sheeko-yahankii aan ahaan jiray.”

Sidoo kale, Salmaan Rushdi wuxuu sheegay in geeridii dhowaan ku timid Cali Khaaminaa’i aysan ahayn wax dhibaato ah. Hase yeeshee, wuxuu dhinaca kale qabaa in: “Waxa Maraykanku sannado badan samaynayay ay tahay dhibaatada ugu weyn, sababtoo ah hadda waxaan ku jirnaa xaalad is dhex-yaac ah oo aan si cad looga fiirsan.”

Rushdi waxaa isku day lagu khaarajinayay oo mindi loo adeegsaday ku qaaday 12-kii Ogost 2022-kii Hadi Madar oo Maraykan-Lubnaani ah, xilli uu isu diyaarinayay inuu khudbad ka jeediyo shir ka dhacayey gobolka New York. Weerarkaas waxa Rushdi ka soo gaadhay 17 dhaawac oo ka gaadhay laabta, qoorta iyo isha. Maxkamad Maraykan ku taalla ayaa ninkii weerarka geystay ku xukuntay 25 sano oo xabsi ah, taas oo ahayd ciqaabta ugu weyn, kaddib markii lagu helay dambiyada isku dayga dilka iyo weerarka.

Qoraaga iyo naaqidka reer Biljam ee Filip Rogiers ayaa jariiradda De Standaard, oo ka mid ah wargeysyada ugu waaweyn Biljam, ku maamuusay qoraaga isaga oo la yeeshay wareysigan dheer.

Filip Rogiers: “Waxay qaadatay lix bilood weerarkii kaddib ka hor intii aanan dareemin rabitaan aan mar kale miiskan gadaashiisa u fadhiisto.”

Salmaan Rushdi: Halkan waxa ku yaal qolkii gaarka ahaa ee qoraalka ee qoraaga Biritish-ka ah ee asal ahaan Hindiya ka soo jeeda, Salmaan Rushdi, oo ku yaal magaalada New York. Wuxuu qolka igu daawadsiiyey shaashadda Zoom, si aan meesha aan joogo ee Brussels uga qiyaasi karo waxa ku jira. Wuxuu u muuqdaa mid yar, raaxo leh oo mugdi ah; wax daaqado ah ma arko. Dhowr kabadh buugeed ayaa gadaashiisa ka muuqda, mana aha kuwo aad u yar ama aad u badan. Waxay u muuqataa in marka qorayaashu wax qorayaan, aysan ku qanacsanayn wax aan ahayn in buugaagta ugu wanaagsan ay agtooda yaallaan.

Qoraalka! Ma sidaas ayay u fududayd?

Uma malaynayo sidaas. Kaddib isku daygii dilka ee uu Rushdi si mucjiso dhab ah uga badbaaday, wuxuu ku wareeray mashaariicdii uu ka shaqaynayay ka hor dhacdada. Wuxuu leeyahay: “Markii ugu horreysay muddo konton sano ah ayaan isku arkay inaan ka wareersanahay arrinta qoraalka. Waxaan is weydiiyay: Sideen u sii wadi karaa ka shaqaynta mashaariicdaydii hore anigoo iska indhatiraya isku daygii dilka, sidii inuusan dhicin ba? Buuggaygii ugu dambeeyay wuxuu ahaa ‘Victory City’ (oo la daabacay bartamihii 2023, lix bilood kaddib isku daygii dilka ee New York), waxaana kombiyuutarkayga ku jiray qoraallo badan iyo qaybo aan weli la dhammaystirin oo buugaag kale ah iyo mashaariic suuragal ah. Se wax macno ah iimay samaynayn inaan wax cusub bilaabo anigoon ka hadlin isku daygaas dilka ah ee inkaaranaa. Haddii aan wax kale qoro anigoo iska indhatiraya, dadku waxay u malayn lahaayeen inaan waalanahay. Hagaag, haddaba isku daygii dilka! Laakiin sideen uga qori karaa dhacdo noocaas ah oo aan anigu dhexda ugu jiray nolol iyo geeri? Taasi waa su’aasha ugu adag ee qoraa kasta hortaalla. Marka aad su’aashaas ka gudubto, markaas ayaad bilaabaysaa qoraalka. Waxaan buuxin kari lahaa toban bog, laga yaabee soddon bog, haddii aan ka sheekayn lahaa muddadii soo-kabashada ee ka dambaysay badbaadadayda. Se su’aashii ugu muhiimsanayd weli way taagnayd: dabadeed maxaa xiga?”

Ugu dambayntii Salmaan Rushdi mar kale ayuu fadhiistay. Isagoo kaftan tilmaamaya gacantiisa bidix ayuu yidhi: “Ma aragtaa? Hadda ayaan naftayda khiyaamay, waxaan is idhi: qor!” Dabadeed kor ayuu u qoslay.

Taasi waa run! Sababtu waxay tahay in Rushdi, kaddib markii uu ka badbaaday isku daygii dilka subaxnimadii 12-kii Ogos 2022-kii, uu lumiyay xakamaynta faraha gacantiisa bidix. Intii uu weerarku socday, oo qaadatay 27 ilbiriqsi, waxa mindida laga taagay 17 jeer oo ay ka gaadhay feedhaha laabta, wejiga iyo qoorta, ilaa ay laabtiisu, sida uu ku kaftan-dhableeyey, “u ekaatay khariidadda metro-ga.” Dabadeed dhoolla-caddayntiisii degganayd ayaa dib ugu soo laabatay bushimihiisa, iyadoo muujinaysa inuu sidoo kale qayb ka mid ah xakamayntii ka lumiyay daanka midig ee wejigiisa, isla markaana uu waayay ishiisa midig.

Rushdi hadalkiisa ayuu sii watay: “Dabadeed, kaddib laba-labayn dheer, waxaan bilaabay inaan qoro wax u eg warqad aan naftayda u dirayo. Waxaan rabay inaan qoro dareenkaygii dhabta ahaa intii weerarku igu socday, daqiiqadahaas degdegga ah ee aan u dhexeeyay nolosha iyo dhimashada.”

Filip Rogiers: Waxaan u malaynayaa in shaqadaada “Knife” ay tahay tan ugu dhow qofnimadaada, isla jeerkaana ugu daruurisan, sax miyaa?

Salmaan Rushdi: Runtii buuggan waan u baahnaa si aan nolosha ugu soo laabto. Waxay ahayd inaan dib ula wareego xakamaynta sheekadii ku xeeranayd dhacdada, taas oo bilihii u danbeeyey oo dhan an u adkaysan kari waayay. I rumayso marka aan leeyahay, waan nafisay kaddib markii aan qoray.

Filip Rogiers: Ma waxaad ula jeeddaa inaad dareentay xornimo? Ereygaasi weli ma kuu leeyahay isla macnihii uu lahaa ka hor weerarka?

Salmaan Rushdi: Waa su’aal wanaagsan, laakiin taasi macnaheedu ma aha inaanan xor ahayn ka hor intaan la i weerarin. Waxaan London uga soo guuray New York sannadkii 2000, taas oo hadda ka badan rubuc qarni. Halkaas waxaan ku noolaa nolol ilaa xad caadi ah, ilaa xadna caajis ah; nolol isku mid ah oo u dhexaysay shaqo iyo saaxiibbo. Waxaan jeediyay muxaadarooyin, buugaagna waan daabacay, xafladaha suugaantana waan ka qaybgalay. Ma jirin wax digniin ah oo muujinayay in wax khatar ahi i soo food saari doonto. Kaliya markii aan u maleeyay inaan ugu dambayn khatartii ka badbaaday ayay dhacday isku daygii dilka ee nasiib-darrada lahaa! Mararka qaarkood waxaan dhahaa: haddii xitaa heerka ugu yar ee ammaanka uu ka jiri lahaa hoolka Machadka Chautauqua, halkaas oo maalintaas la igu weeraray, waxba may dhaceen. Weli waxa i hor yaalla sawirka isagoo ii soo dhowaanaya tallaabooyinkaas degdegga ah, afar ama shan tallaabo, isagoo dhankayga u soo socda meesha keliya ee qof doonaya inuu wax i yeeleeyo uu hoolka ka soo geli karo. Haddii ay jiri lahayd ilaalo noocay doonto ha ahaatee, xitaa xariijin ima soo gaadhsheen!

Filip Rogiers: “Knife” waxay ku bilaabmaysaa odhaah uu leeyahay Samuel Beckett: “waynu kala duwan nahay, mar dambe ma nihin sidii aynu ahayn ka hor masiibadii shalay.” Dhacdada kaddib ma ku qabtaa rajo-wanaag dabeecadda aadanaha mise waa lidkeeda?

Salmaan Rushdi: Dhibaatooyinka i haystay waxaa ka mid ah inaan mar walba ahaa qof rajo wanaagsan. Saaxiibbadayba way igaga toocsan jireen rajo-wanaaggayga. Xaaladda aan maanta ku noolnahay waxay dhab ahaantii noqon kartaa mid rajo la’aan ah, erayga “rajo-la’aan” ayaana laga yaabaa inuu yahay erayga ugu yar ee lagu tilmaami karo xaaladda siyaasadeed ee dunida maanta. Se mar walba waxaan rajayn doonaa waxa ugu wanaagsan, waxaan aaminsanahayna in rumaysadkaygani uu hubaal qayb ka qaatay inaan noolaado.

Filip Rogiers: Rajadaas wanaagsan ee aad ka hadlaysaa ma tahay sirta ka dambaysa sida weyn ee kaftanka iyo jees-jeesku uga dhex muuqdaan shaqadaada ugu dambaysa “Knife”, oo si dhakhsiyo ah isugu rogaysa majaajilo madow inkastoo ay ka hadlayso masiibo, iyo sidoo kale sheekooyinka ku jira ururintaada cusub “The Eleventh Hour”?

Salmaan Rushdi: Jees-jeesku waa codkayga qoraa ahaan. Kaftanku wuu u booga-dhayaa oo dadka isku xidhaa, sababtoo ah wuxuu ka dhigaa inay qosolka wadaagaan, sax ma tahay? Dadka ayuu isu soo dhaweeyaa. Awooddan weyn ee jees-jeeska kama heli doontid dadka xagjirka ah; gabi ahaanba way ka maqan tahay. Ma garanayo sida qof xagjir ahi u noqon karo qof madadaalo leh. Ma ugu yeedhi karnaa “xagjir xaraabe ah”? Taasi waa iska hor-imaad erayada dhexdooda ah!

Filip Rogiers: Haddaba, sidee ayaad maanta ula falgashaa barnaamijyada taleefannada casriga ah, baraha bulshada iyo garaad-gacmeedka?

Salmaan Rushdi: Waxaan u dhaqmaa sidii in garaad-gacmeedku aanu dhab ahaan jirin. Barnaamijyadaas kuma haysto taleefankayga, mana isticmaalo ChatGPT, mana haysto wax la mid ah. Ma dareemayo in tiknoolojiyadaha cusub ee wax-soo-saarka ahi ay ii yihiin khatar. Marka hore, sababtoo ah garaad-gacmeedku ma laha dareenka kaftanka; marka labaadna, wuxuu ka maqan yahay asalnimada, sababtoo ah wuxuu nuugaa xog aad u tiro badan dabadeedna wuxuu dib u soo saaraa nuqul ka mid ah.

Filip Rogiers: Miyaadan u arag in ay wax walbaana indhahaaga hortooda si ka sii cad sidii hore u yaallaan kaddib isku daygii dilka? Waa kan adigoo “Knife” leh: “Waxaa jira laba nooc oo dadka ah: kuwa duq shisheeye dila marka la faro, iyo kuwa odaygaas ka caawiya in uu mar kale cagihiisa ku istaago, iyadoon la farin.”

Salmaan Rushdi: Miyaanay dabeecadda aadanuhu asal ahaan ahayn udub-dhexaadka dhammaan fanka sheeko-qorista? Haddii noloshaada oo dhan aad taas u hibayso, waxaad heli doontaa wakhti aad arrintaas kaga fekerto. Daqiiqaddii masiiriga ahayd, anigoo jiifa oo dhiiggu iga qulqulayo, waxaan arkay waxa ugu wanaagsan iyo waxa ugu xun ee aadanaha, iyo isla jeerkaa waxa ugu sharka iyo nacaybka badan. Waxay ahayd waayo-aragnimo aad u qoto dheer, waxa aan ka bartayna waa waxa aan isku dayay inaan ku qoro “Knife”. Waxa kale ee aan ogaaday kaddib isku daygii dilka ayaa ahaa in eray sida “rabitaanka xorta ah” uu aniga ii yeeshay micne gebi ahaanba ka duwan kii uu hore ii lahaa. Sababtu waa mid fudud: marka noloshaadu khatar gasho, ma sii jirto wax gaar ahaansho ama madax-bannaani ah oo aad adiga ama jidhkaaga u leedahay. Waayo-aragnimadan waxaan naftayda iyo jidhkayga u dhiibay dadka kale. Wakhti kasta oo maalinta ama habeenka ah waxaan arkayay dad soo galaya oo ka baxaya qolkayga; qaar waxay iga qaadanayeen dhiig, qaar waxay cabbirayeen cadaadiska dhiigga, kuwo kalena waxay la socdeen waxa ay ugu yeedhaan “calaamadaha muhiimka ah” ee jidhka, qaarna waxay igula talinayeen inaan nidaamiyo oo habeeyo mindhicirradayda! Waxay ahayd silsilad dheer oo bahdilooyin yaryar ah. Waxaan jidhkeenna u aragnaa qayb naga mid ah, haddaynu caafimaad qabno ama jirran nahay. Laakiin isbitaalka, jidhkaaga adiga ma lihid; wuxuu noqdaa mid ay leeyihiin dad kale, adiguna waxa keliya ee lagaa rabo waa inaad uga abaal garato, sababtoo ah waxay u shaqaynayaan inay ku nooleeyaan.

Filip Rogiers: Muddo sannado badan ah, shaqooyinkaaga suugaaneed waxay ahaayeen sixni weyn oo ay ka buuxaan male-awaal iyo hal-abuur. Intaas oo dhan waxaad wax ka qortay awoodda weyn ee gabayga, quruxda iyo fanka ee ka soo horjeeda xoogagga mugdiga iyo xagjirnimada diimeed iyo siyaasadeed. Se ururintaada cusub waxaan ka dhex helaynaa muujinta jilicsanaanteenna marka ay dhimashadu ina soo wajahdo, iyo sidoo kale itaalkeenna mark aynu wajahno. Ku soo noqoshada qoraalka hal-abuurka ah kaddib “Knife” ma kuu fududayd?

Salmaan Rushdi: Safarkaygii aan qoraalka ugu soo laabtay wuxuu qaatay ku dhowaad shan bilood oo wada-hadal gudaha ah oo aan kala go’ lahayn. Sida aan bilowgii kuugu sheegay, miiskan waan ka maqnaa muddadaas oo dhan, ilaa ay mar uun naftaydu hortayda joogsatay oo aan is arkay anigoo ka fikiraya inay runtii tahay wax lala yaabo in muddo 50 sano ah aan ka qorayay waxyaabaha yaabka leh iyo mucjisooyinka, isla markaana aan aaminsanahay inaan ahay nin caqli badan. (Wuu qoslay.)

Filip Rogiers: Weli miyaadan rumaysnayn mucjisooyinka, inkastoo badbaadadaada lafteedu mucjiso ahayd?

Salmaan Rushdi: Dhab ahaantii waxay ahayd mucjiso, laakiin waxay ahayd mucjiso ka timid cilmiga caafimaadka, waana arrin iga buuxisay mahadnaq iyo qadarin. Waxba kama aqaan caafimaadka, laakiin waxaa la ii sheegay in qaar ka mid ah farsamooyinkii nolosheyda badbaadiyay aan la heli jirin shan ama toban sano ka hor. Haddaba, taasina waa mucjiso! (Wuu fekerayaa.) Wax badan ayaa dhacay oo aanan u malaynayn inay suurtagal noqon karaan xaaladaha caadiga ah. Laba maalmood ka hor weerarka waxaan dareemayay in wax dhici doonaan. Hagaag, waxaan u malaynayaa inaan ku qasbanaan doono inaan waxyaabaha qaar dhugto! (Wuu qoslay.)

Filip Rogiers: Intii aad soo-kabashada ku jirtay, maskaxdaada ma ku soo dhacday su’aashii uu Haaruun naftiisa ku weydiinayay buuggaaga “Haroun and the Sea of Stories”, markuu yidhi: “Maxay faa’iido leeyihiin sheekooyinka mala-awaalka ahi?”

Salmaan Rushdi: Waxaan u malaynayaa inay tani tahay mid ka mid ah weedhihii ugu qotada dheeraa ee aan qoray nus qarni gudihiis. Shakhsiyad ku jirta “Victory City” waxay sidoo kale leedahay in waxa inaga hadhi doonaa ay yihiin sheekooyinka oo keliya. Dawladuhu way yimaadaan wayna tagaan, boqortooyooyinkuna way dhashaan dabadeedna way burburaan, laakiin ugu dambayn, habka dhacdooyinka loo diiwaangeliyo ayaa go’aamiya inay sii jiraan iyo inay dabar go’aan. Tusaale ahaan, marka aan dhaho “Duullaankii Napoleon ee Ruushka”, maxaa maskaxdaada ku soo dhacaya?

Filip Rogiers: Buugga “War and Peace” ee Tolstoy?

Salmaan Rushdi: Waad asiibtay. Tolstoy wuxuu lahaa awood uu taariikhdaas ku waarayn karo xoogga sheekadiisa. Markii aan ahaa madaxa Ururka Qalinka Caalamiga ah, mar walba waxaan odhan jiray: Suugaantu way xoog badan tahay, laga yaabee inay weligeed sii jirto, laakiin qorayaashu way jilicsan yihiin; sidaas darteed waxay u baahan yihiin ilaalin. García Lorca ma haysan wax ka difaaca falaangistayaashii u yimid si ay u dilaan, laakiin gabayadiisii waxay ka badbaadeen faashiistihii Faranko. Ama ka fikir dhammaan qorayaashii uu Midowgii Soofiyeeti isku dayay inuu aamusiyo intii uu jiray muddadiisa dheer. Buugga Mikhail Bulgakov ee “The Master and Margarita” (1966) suurtagal ma ahayn in la daabaco xilligiisii, maanta se buuggaasi weli waa nool yahay, halka Midowgii Soofiyeeti aanu noolayn.

Filip Rogiers: “Knife” mid ka mid ah carruurtaada ayaa sidoo kale doonaya inuu ka hadlo Donald Trump, adiguna waxaad qortaa: “Muddo dheer ayaan Trump ka hadleynay, haddana saskii wuu soo laabtay!” Ma laga yaabaa inaad hadda, marka loo eego sidii hore, bilowday inaad waxyaabaha gaarka ah ka hormariso arrimaha guud?

Salmaan Rushdi: Si uun, haa. Waligay ma awoodin inaan qoro buug ka hadlaya oo keliya nolosha gaarka ah ee jilayaashayda. Sheekooyinkaas mar walba waxaa dhex gala dhacdooyinka dhabta ah iyo kuwa taariikhiga ah ee aynu ku noolnahay, ama si kale haddii loo dhaho: taariikhda. Laakiin tani waa dunida aynu ku noolnahay. Jane Austen dhammaan buugaagteeda waxay qortay xilligii dagaalladii Napoleonic-ka, laakiin shaqadeeda kama heli doontid raad dagaalladaasi kaga yeesheen. Sheekadeeda “Pride and Prejudice” waxaa la daabacay 1812, haddana wax tixraac ah kama bixin dagaalkii weynaa ee dalkoodu ku lug lahaa! Sababtu waxay ahayd in xilligaas aad dhab ahaan noloshaada gaarka ah u noolaan kartay adigoon ku dhex milmin colaadaha dunida ee kugu xeeran. Taasi maanta suurtagal ma aha. Dunidu waxay qolalkayaga fadhiga ugu soo qulqulaysaa si aan kala go’ lahayn, iyada oo loo marayo telefishinnada iyo taleefannada. Horumarkan tiknoolajiyadeed mar walba wuxuu iila muuqday mid aan dhab ahayn, been-abuur ah, sida inaan dunida dibadda ka fogeeyo qoraalkayga! Maanta ma dareemaysaa rabitaan aad ku akhrido buug ka hadlaya lamaane is jecel oo laafyoonaya hareeraha webi, iyadoo dunidu holcayso? Aniga waxay ila tahay sida waaqica sarcaadka leh!

Filip Rogiers: Waa run. Sidaas darteed ayaan hadda kuu sheegay in “Knife” aanu ahayn oo keliya xusuus-qor ama warbixin, balse uu yahay sheeko jacayl iyo naxariis ka buuxdo.

Salmaan Rushdi: Waxaan rajaynayaa sidaas. Se sheekada buuggani waxay jirtay ka hor weerarka. Waxaan bilaabay inaan ka fikiro qaabka buuggan toddoba sano ka hor ama ka badan. Ilaa daqiiqaddii isku dayga dilku uu ku dhowaaday inuu gooyo duntaas. Laakiin waa kan anigoo hortaada fadhiya; sida aad aragto weli ma dhiman... weligayna si buuxda uma soo kaban doono, sida aad adiguba dareemayso. Sidaas darteed waxaan tamar u yeeshay in aan mar kale qabto duntii sheekada, inkastoo ay dhammaan caqabaduhu jireen.

Filip Rogiers: Waxaynu wada hadalnay muddo saacad ah, maynu xisinna “The Satanic Verses” ama mawduuca diinta. Ma doonaysaa inaad halkan wax ka dhahdid?

Salmaan Rushdi: Waxaan ila tahay inaynu sidaas ku dayno. Mar walba waxaan dhahaa dadka aan weli wax ka akhrin buugaagtayda: “Fadlan buuggan ha akhrinina, sababtoo ah buuq badan ayaa ku xeeran. Akhriya ‘Haroun and the Sea of Stories’, ama ‘Midnight’s Children’, ama ‘Victory City’. Buugaagtaas ayaad igu baran doontaan qoraa ahaan.” Waxaa jira buugaag aan aad u jeclahay oo aan si weyn looga hadlin. “Fury”, tusaale ahaan, buuggan waxaa la daabacay maalintii 11-ka Sebtembar ee caanka ahayd, xilli ay weli jirtay wax laga qaban karo waxa dunida ka dhacayay. Maantana waa kan buugga “Fury” oo mar kale noqday midka ay dhalinyarada Maraykanku ugu akhriska badan yihiin. Sidoo kale “The Ground Beneath Her Feet.”

Filip Rogiers: Weli waxa taagan su’aashii diinta. Hagaag, haddaba siyaasadda ha noqoto; ma ogtahay in xisbiyada midigta fog ee Yurub guud ahaan ay si weyn kuu qadariyaan, iyagoo kuu arka astaan u taagan xorriyadda hadalka, kana soo horjeedda wax kasta oo la xidhiidha Islaamka?

Salmaan Rushdi: (Si culus ayuu u neefsanayaa.) Mar walba adigu ma dooran kartid “difaacayaashaada.” Wax xidhiidh ah lama lihi hadallada dadkaas. Waxaan ka soo jeedaa qoys Hindi Muslim ah. Waalidkay ma ahayn dad diinta aad ugu dheggan, laakiin laba ka mid ah saddexda walaalahay ah sidaas ayay ahaayeen. Waxaan qiyaasayaa in kala badh qoyskaygu ay yihiin Muslimiin si dhab ah u rumaysan. Waa qoyskayga, mana oggolaan doono qof xagjir ah oo midigta fog ah inuu caayo. Runtii ma doonayo inaan arrintan sii dhex galo. Kaliya hal wanaag ii samee oo taas si cad ugu qor wargeyskaaga, si ay u maqlaan dhammaan xisbiyada midigta fog: waxaan leeyahay, Anigu saaxiibkiin ma ihi, mana noqon doono. Waxaan Maraykanka ku noolaa tan iyo bilowgii qarniga 21aad, waxaanan arkaa in dalka uu maamulayo ilmo yar; ilmo yar oo miisaan dheeraad ah leh, laakiin haddana ilmo yar ah. Sidaas darteed waxaan ka soo horjeedaa in midigta ay xorriyadda hadalka uga faa’iidaysato inay ku muujiso wax ka soo horjeeda waxa taageerayaasheedu rabaan. Waxa aynu ku arkayno maamulka Trump waa weerar xooggan oo lagu qaadayo dadka isaga ka aragti duwan, ha ahaadeen saxafiyiin ama warbaahin, ama xitaa majaajiliistayaal ka soo muuqda telefishinnada ama jaamacadaha.

Filip Rogiers: Kaddib isku daygii lagugu khaarajinayay, waxaad heshay farriimo badan oo taageero iyo garab-istaag ah oo ka yimid dalal iyo madaxweynayaal dunida ah, oo ay ku jireen farriimo ka yimid Joe Biden, Emmanuel Macron iyo kuwo kale. Shaki kuma jiro in farriimahaasi ay daacad ahaayeen, laakiin miyaadan u arag inay sidoo kale u adeegayeen dano siyaasadeed?

Salmaan Rushdi: Waxaan kuu xaqiijin karaa: marka aad ku jirto qalabka neefsashada macmalka ah, maskaxdaada wax kale kuma jiraan; siyaasad iyo wax kale toona. Weli badbaadadaydu hubnti may ahayn. Waxaan si dhab ah u taagnaa xadka u dhexeeya nolosha iyo dhimashada, xaaladdaasna qofku ma haysto wax kale oo uu sameeyo marka laga reebo inuu qadariyo eray kasta oo wanaagsan.

Filip Rogiers: Ugu dambayn, oo laga yaabo inay tani tahay su’aal aan si buuxda loo dhugan, laakiin si kastaba ha ahaatee wan ku weydiini: ma u malaynaysaa in lagu siin lahaa daryeelkan caafimaad ee heerka sare ah haddii aadan ahaan lahayn Salmaan Rushdi? Suuragal ma tahayd in qalabkan caafimaad ee horumarsan, oo ay ku jirto qalabkii caafimaad ee noloshaada badbaadiyay, loo isticmaalo in lagu badbaadiyo qof caadi ah?

Salmaan Rushdi: Waxaan rajaynayaa in dhakhaatiirtu ay xirfaddooda daacad ugu yihiin si ku filan, isla markaana bixiyaan dadaal iyo daacadnimo isku mid ah badbaadinta nolosha qof kasta. Haddii aanan ahaan lahayn Salmaan Rushdi, halkaas masraxaas ma aanan fadhiyiin, mana aanan noqon lahayn bartilmaameedka isku day dil! Taasi miyaanay macquul ahayn?

Filip Rogiers: Dabcan waa macquul!

Salmaan Rushdi: Waxyaabo badan oo aan la rumaysan karin ayaa dhacay; waxay ahayd nasiib badhax tiran. Sida aad ogtahay, haddii cimiladu maalintaas aanay ahaan lahayn mid qorrax leh oo deggan, diyaaraddii helikobtarka ahayd ee isbitaalka ii qaaday ma awooddeen inay ku degto meel u dhow albaabkii aan gadaashiisa dhiig-bax ugu jiray ilaa geerida, aniguna maanta halkan ma joogi lahayn. Laakiin waxaas oo dhan dhexdiisa, waxaan dhawaan dhammeeyay shaqo aad u dheer oo ku saabsan buugga Candide, or Optimism ee Voltaire. Waxaan rajaynayaa in dhowaan la daabaco, sababtoo ah aad ayaan u qadariyaa shaqadan, welina waxaan hayaa isla nuqulkii aan dugsiga ku akhriyay anigoo 15 jir ah. In ka badan 250 sano kaddib markii la daabacay, buuggani weli wuxuu hayaa wax badan oo uu maanta inoo sheego.

  • Qormadan waxa laga soo turjumay halkan.