Skip to main content

Sunday 16 November 2025

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Dhaqan

Sahyuuniyadda Kiristaanka ee Dalalka Bariga Afrika

15 September, 2025
Image
Sahyuuniyadda Kiristaanka ee Dalalka Bariga Afrika
Share

"Sababta oo ah hadda waa maalmo aarsi, si loo hirgaliyo wax kaste oo qoran" Luke - 22

Dhawaan waxa dood weyn dhaliyey hadalka garsooraha reer Yugaandha, ahna Ku Xigeenka Guddoomiyaha Maxkamadda Caddaaladda Adduunka, Julia Sebutinde, oo shaacisay in ay raacsan tahay afkaarta Sahyuuniyadda Kiristaanka ah, waraysi lala yeeshay 10-kii Ogos ee sannadkanna shaacisay in ay difaacayso xasuuqa Israa’iil ka waddo Qasa, iyadoo taageeradeeda ku sababaysay in dagaalkani astaan u yahay “dhammaadka adduunka” ee lagu sheegay Baybalka, Eebbena ka rabo in ay Israa’iil garab istaagto.

Hadalladani waxa ay sii dhammaystirayaan mawaaqif hore oo ay Julia ku taageertay Israa’iil, siina caddaaday ka dib markii Ku Xigeenka Maxkamadda Caddaaladda Adduunka loo doortay bishii Feebarweri ee 2024-kii, jagadan oo ay haynayso saddex sanno oo ku eeg bilawga 2027-ka. Hadalladeedani waxa ay weydiimo ka keenayaan asalka afkaartan iyo sida ay ugu xiddidaysteen Yugaandha iyo, guud ahaan, Bariga Afrika, iyo xidhiidhka afkaartani la leedahay mashruucii gumeysiga Ingiriiska ee gobolkan haystay, iyo in ilaa hadda saamaynta afkaartani sii jirto.

Shaacinta Julia ay ku caddaysay in ay Israa’iil ku taageersan tahay aydhiyoolajiyad diineed, waxa ay bedka keentay heerka afkaarta Sahyuuniyadda Kiristaanku ka gaadhay maanka hormuudka dalka Yugaandha iyo guud ahaan Bariga Afrika, iyada oo la ogsoon yahay in fididdii Kiristaanka ee gobolkani ku lammaanaa isballaadhintii gumeysiga Inigiriiska (marka laga reebo dhulka sare ee Itoobiya), gumeysigan oo afkaarta isku milanka Sahyuuniyadda iyo Masiixiyaddu ay qayb weyn ka ahayd mashruuciisa gumeysi.

Fiditaankii Kiristaanka ee Bariga Afrika, marka laga reebo dhulka sare ee Itoobiya, waxa uu ku lammaanaa gumeysigii Ingiriiska, isku-milanka Sahyuuniyadda iyo Masiixiyadduna waxa uu qayb ka ahaa mashruuciisa gumeysi

Laga soo bilaabo qarnigii 17aad, mad’habta Borotastaanka ee Kiristaanku waxa ay ku qanacsanayd waajibnimada in Yuhuuddu ku laabato Falasdiin, waxaanay horumariyeen fikradda waajibnimada in Kiristaanku ka caawiyaan Yahuudda fulinta mashruuca laabashada. Bilawga qarnigii 19aad, kolkaas oo dhaqdhaqaaqii Kiristaamaynta Borotastaanku ka hanaqaadday dalalka ku hadla Ingiriisiga, waxa dib usoo cusboonaaday danayntii kiristaameeyeyaasha Borotastaanka ay u hayeen bulshada Yahuudda iyo masiirkooda, mararna waxa ay dedaal ku bixiyeen ka guulgaadhidda ololaha in Yuhuuddu ku laabato Falasdiin.

Waa run in baaqyadan aanay ka dhalan natiijooyin degdeg ah oo la taaban karo xilligaas, se waxa ay sababeen horumarinta Sahyuuniyadda iyo dareen damqasho loogu abuuro bulshada Kiristaanka, lagagana hortago kacdoonnada Yuhuudda lagaga soo horjeedo. Waxa cad saamaynta u furfuranka Borotastaanka ee Sahyuuniyaddu ku yeeshay xukuumaddii Ingiriiska, sannadkii 1917-kii.

Waxa kale oo cad in gumaysiga Ingiriisku sabab u ahaa in afkaarta Sahyuuniyadda Kiristaanku uso gudubto Bariga Afrika, loona adeegsado qabsashada dadka madow, ka dibna laga dhaadhiciyo haldoorka dalka u kacay, ugu dambaynna siyaasad ahaan loo adeegsado afkaartaas, heer marmarsiiyo loo helo xasuuqa. Waxa cad sida afkaartani dool u yihiin, ah aqoonsi lasoo ergistay se aan dhalad ahayn, kuna aroora fikirkii gumeystaha iyo siyaasadihiisii cunsurinnimo.

Kiristaanka Borotastanku waxa ay ilaa qarnigii 17aad ku qanacsanaayeen waajibnimada in Yuhuudda lagu celiyo Falasdiin, xilligii gumeysigana waxa ay saameyn ku yeesheen in Xukuumadda Ingiriisku u furfurnaato Sahyuuniyadda

Marka fikraddan la sii abla’ableeyo, weriyihii reer Ingiriis, Henry Wood Nevinson (1856 – 1941), intii uu ku gudojiray bookhashadiisa Yugaandha ee dhammaadkii qarnigii 19aad, waxa uu xusuusqorkiisa ku qoray in waxbarashada ad’adag ee Baybalku abuurtay sawir ah in ballanqaadyada iyo gooddiga nebiyada, iyo sharcidejiyeyaashii Yuhuuddu si toos ah ugu dabbaqmayaan Ingiriiska, Eebbena ku waajibiyey fulintooda. Waxa uu tilmaamayaa in aanay bulshada Ingiriis, marnaba, ka shakiyin in ay yihiin bulshada Eebbe doortay, ilayska fidinaya, kooxaha kiristaameyntuna ay hanuun u wadaan dadka madow. Tudor Parfitt waxa uu buuggiisa muhiimka ah “Yuhuudda Madowga ah ee Afrika iyo Labada Maraykan” ku sifaynayaa marxaladdaas kalaguurka ah, xaalad isku milan weyni yimi oo dhaqdhaqaaq weyn laga bilaabay Ingiriiska, kolkii dambena ku faafay Yurubta kale iyo Maraykanka, kana dhalatay aragti diineed oo xagjir ah oo ay qaateen dadka cad iyo dadka kaleba, laguna garabsiinayo Yuhuudda.

Yuhuudda, Ingiriiska iyo Maraykanka waxa, markii dambe, laga bilaabay in la abuuro fikradda ah jiritaanka “qabiillo Israa’iiliyiin ah oo lumay”, isir ahaan iyo dhaqan ahaanna dhexgalay bulshooyinka Afrika ee kala duwan: sida qoomiyadda Ibo ee Nayjeeriya, qoomiyadda Falaasha ee Itoobiya iyo qoomiyado deggan Xeebta Lamadegaanka Afrika. Waa fikradda uu horumariyey John Wilson, dabadiina Edward Haay, iyagoo garab waday afkaarta tirtiridda bulshooyinka la gumeysto (si gaar ah Bariga Afrika), si loo fuliyo farriinta Israa’iil, bulshooyinka asalka ahna dhulka laga qaado. Edward Haay waxa uu xasuuqa dadka aan Israa’iiliyiinta ahayn u daliishaday in Angalo-Sagson-ku yihiin dadka dhaxlay ballanqaadka kusoo arooray Baybalka.

Sida qoraalka Parfitt ku jirta, Sir Harry Johnston, oo ah xaakimkii Ingiriiska ee ugu horreeyey ee Maxmiyaddii Yugaandha, ahaan qoraa, waxa uu soo bandhigay aragti la yaab leh ilaa wakhtigeennan, isagoo ku dooday in Kancaaniyiintii u guureen Afrika, iskana guursadeen Itoobiyaanka, ka dibna ka fideen Bariga Afrika, oo ay halkaas ka sameeyeen bulshooyin horumarsan. Waa arrin dhinac taariikheed kabaysa afkaarta Sahyuuniyadda Kiristaanka ee ay hadda aragtidooda sidato qareenkan reer Yugaandha, haldoor badan oo reer Yugaandha ahina ku bogaadiyeen.

Xilligii gumeysiga, waxa ay qoraayo badani iibgeeyeen sheeko odhanaysa in ay Ingiriisku yihiin ummadda qaadday ballanqaadkii Baybalka, iyo in qabiillo badan oo Israa’iiliyiin ahi ay ku dhex lumeen Afrika, taas oo qayb ka ahayd afkaarta Sahyuunidda Kiristaanka

Waxa la odhan karaa in afkaarta Sahyuuniyadda Kiristaanku xididdo qotodheer ku leedahay Kiristaankii lagu fidiyey qaybo badan oo ka mid ah Yugaandha (marka laga reebo gobollo kooban oo diinta ka qaatay kiristaameeyeyaashii Kaatooliga). Buugga “Dib u Xoraynta Diimaha Afrika”, qoraaga reer Yugaandha ee Okot P’Bitex, gorfaynta uu ku samaynayo diinta iyo falsafadda Afrika, waxa inooga caddaanaya sida afkaarta Sahyuuniyaddu ugu xiddidaysatay Kiristaankii lagu faafiyey Yugaandha, oo ah afkaarta markii dambena saamaysay haldoorkii dalka.

Ka sokow afkaartan Sahnuuiyadda ee kiristaameynta la isu dhexmariyey, waxa hubaal ah in Yugaandha ahayd goob ay si aad ah indhaha ugu hayaan siyaasadihii gumeysiga Ingiriisku, iyo dedaalladiisii xal u helidda dhibaatada Yuhuudda ee xilligaa taagnaa. Yugaandha waxa ay ka mid ahayd goobaha loo kala doorayey Yuhuudda in la dejiyo, si xal loogu helo dhibaatada Yuhuudda. Waa arrin hoggaamiyeyaashii Sahyuuniyadda laftoodu ku kala aragti duwanaayeen, sida Chaim Weizman, hoggaamiyihii dhallinyarada ahaa ee Sahyuuniyadda oo aad ugaga aragti duwanaa Theodor Herzl.

Yugaandha waxa ay ka mid ahayd meelihii loo kala doorayay deegaameynta Yuhuudda, sidaa awgeed la yaab ma leh in afkaarta Sahyuuniyadda Kiristaanku ay xididdo ku yeeshaan

Marka laga soo tago sooyaalkii xigay ee afkaaraha Sahyuuniyaddu isku fidiyeen Yugaandha, madaxbannaanida ka hor iyo ka dibba, mawqifka garsoore Julia waxa lagu sameeyey diraasado taxliiliyey waxyaabaha ku dhiirrigelin kara hadalladan, waxaana ka mid ah diraasada Yotam Gidron, oo uu cinwaan uga dhigay “Sahyuuniyadda Kiristaanka iyo Sharciyadda Siyaasadeed ee Yugaandha”, waxaana ku jirta in garsoore Julia ay taageero kaniisadeed haysato, siiba kiniisadda Covenant Nations Church, oo gabadha madaxda ka ah, Patience Museveni, gabadha uu dhalay Madaxweynaha dalka Yuweeri Museveni, ay ammaantay mawqifka garsoore Julia, kuna tilmaantay halyeeyad qaran. Patience lafteedu waxa ay xusaysaa in garab istaagga Israa’iil yahay garab istaagga Eebbe.

In kaste oo ay Yugaandha iska fogeysay hadalka Garsoore Julia, oo difaacday xasuuqa ay Israa’iil ka waddo Qasa, haddana waxa ay taageero ka heshay gabadha uu dhalay Madaxweyne Museveni oo haysata Kaniisadda Covenant Nations Church, oo sheegtay in garab istaagga Israa’iil uu yahay garab istaagga Eebbe

Ka sokow hadallada Julia iyo mawqifkeeda, Yugaandha waxa ay cambaaraysay dagaalka Qasa iyo xasuuqa ka socda, Wasaaradda Arrimaha Dibadda Yugaandhana waxa ay caddaysay in beesha caalamku ku fashilantay joojinta xasuuqan. Mawqifka Yugaandha waa mid ku cad hadalka garsoore Julia oo dalkooda ku dhaliishay in aanu Israa’iil garab istaagin, xagal diineed iyo aydhiyoolajiyadeedna aanay ka istaagin qaddiyadda. Si guud, afkaarta Sahyuuniyadda Kiristaanku waa mid ku xididaysatay dalal badan oo Bariga Afrika ah, xilli Israa’iil isku dayayso in ay dardargaliso istiraatiijiyaddeeda Afrika, oo ay ururro caalami ah, sida Golaha YUhuudda Maraykanka, kala shaqaynayso istiraatiijiyaddan, lagana duulo qiyamka diineed ee la wadaago oo ay ugu horrayso iskumilanka Sahyuuniyadda iyo Kiristaanka.

Qoraallada kale ee qoraaga

Dhaqan

Elayna Seleke iyo aqoonta xerudhallanka ah