Wednesday 12 August 2026
Lixdii sanno ee lasoo dhaafay, suuqa macdan qodista Somaliland waxa uu soo jiitay maalgashi ballaadhan. Shirkadaha galaya suuqan tiradoodu kor u kac ayay samaynaysay, walow shirkadahan laga rabay shuruudo la xidhiidha habraacyada iyo maaliyadda, oo maalgashadayaasha laga rabo inay u fuliyaan sida habraaca Somaliland dhigayo. Sida ku cad xogta Wasaaradda Macdanta Somaliland, shirkadaha maxalliga ah waxa ku waajib ah inay haystaan raasamaal 300 oo kun oo doollar ah, halka shirkadaha ajnabiga ah laga rabo raasamaal ugu yaraan dhan hal milyan oo doollar.
303 shirkadood oo liisanka maalgashiga la siiyey muddadaas, tiro ku siman boqol shirkadood ayaa ka shaqeeya suuqa macdanta. Sida muuqata, shirkadaha macdantu waa saddex meelood meel gebi ahaan shirkadaha maalgashi ee rukhsadda haysta, qodobkan oo caddaynaya sida suuqa macdantu u firfircoon yahay, maalgashigana usoo jiidanayo. Kobocani waa mid ka tarjumaya dananynta kobcaysa ee loo hayo khayraadka macdaneed ee Somaliland. Ha yeeshee, danayntaasi judhaba looma fahmi karo caddayn muujinaysa jiritaanka suuq macdaneed oo midhodhal leh ama isbeddel ballaadhan oo dhaqaale wata. Tirada shirkadaha rukhsadda la siiyey, keliya waa mid muujinaysa baaxadda danaynta maalgashi iyo saadaasha laga dhex arko suuqan.
Suuqgaynta ay Somaliland u samaynayso macdanteeda waa in lala fahmo himiladeeda siyaasadeed iyo dhaqaale ee ballaadhan. Somaliland oo aan la aqoonsanayn, waxa ay dunida ka raadinaysaa aqoonsi caalami ah iyo inay xubin ka noqoto haayadaha caalamiga ah, sidaas darteed, Somaliland waxa ay marar dhawr ah suuqgayn u samaysay maalgashiga macdanta, si ay u xaqiijiso kaalinta dhaqaale ee ay buuxin karto. Bishii Noofambar, 2025, xukuumaddu waxa ay qabatay Shirweynaha Qaran ee Maalgashiga, macdantuna waxa ay noqotay fursadaha maalgashi ee ugu muhiimsan dalka. Laga soo bilaabo markii uu xilka qabtay Madaxweyne Maxamed Cabdillaahi (Cirro), waxa uu ku dedaalay xoojinta in uu koboca macdaneed ka dhigo jid suurogaliya soo jiidashada maalgashiga caalamiga ah. Waa dedaal uu u maray diblumaasiyadda dhaqaale ee xukuumadda, oo ah qaab Somaliland ka dhigaya goob maalgashi ahaan lagu soo hirto, gobolkana tartan kula gasha.
Maqaal-aragtiyeed lagu daabacay Wall Street Journal, madaxweynuhu waxa uu tusaale usoo qaatay shirkadda DP World, oo caddayn u ah awoodda Somaliland ay u leedahay soo jiidashada shirkadaha waaweyn ee caalamiga ah. Sidoo kale, waraysi ay la yeelatay Reuters, Madaxweyne Cirro waxa uu ku nuuxnuuxsaday in Somaliland ay awooddo soo bandhigidda macdano dhif ah, si ay usoo jiidato maalgashadayaasha caalamiga ah.
Koboca iyo danaynta macdantu waa wax ka tarjumaya dedaalka ay Somaliland ugu jirto kala duwidda ilaheeda dhaqaale. Tobannaankii sanno ee ugu dambeeyey, dhaqaalaheedu waxa uu ku tiirsanaa xoolaha la dhoofiyo, ganacsiga, xawaaladaha iyo adeegyada shirkadaha gaarka loo leeyahay ay qabtaan. Danaynta xooggan ee la siinayo macdanta ee ka muuqata siyaasadda xukuumaddu waa mid muujinaysa dedaal loogu jiro ballaadhinta seeska waxsoosaar ee Somaliland. Sidaas oo ay tahay, haddana korodhka rukhsadaha macdan-qodista lagama dhigan karo caddayn sheegaysa in Somaliland ay marayso isbeddel dhaqaale oo ku salaysan macdanta. Rukhsadaha badani waa kuwo sheegaya himilo iyo rejo laga qabo suuqan, se weli ma cadda heerka suuqani ka qayb qaadan doono samaysanka godad macdaneed oo shaqeeya, keenidda fursado shaqo oo joogto ah, korodhka macaashka waxa la dhoofiyo iyo korodhka dakhliga ka soo xerooda. Waa suurogal inay Somaliland xoojiso kaalin mustaqbalka ah oo ah inay noqoto dal soo saara macdanta, se, istiraatiijiyaddani waa mid ku xidhan isbeddellada ku imanaya dalabka caalamiga ah iyo tartanka loogu jiro helitaanka khayraadka istiraatiijiga ah.
Waxa muhiimad dhaqaale iyo jiquraafi-siyaasadeed helay macdanaha loo adeegsado nidaamyada tamarta cusboonaata, gawaadhiga korontada, warshadaynta horumarsan, semi-conductors-ka, iyo kaabayaasha dhijitaal. Shiinaha ayaa kaalin hormuudnimo kaga jira soosaarista iyo hagaajinta qaar badan oo macdanaha muhiimka ah, iyadoo Maraykanka iyo saaxiibbadiisu ay ku dedaalayaan helidda meelo cusub oo beddel u noqda, si ay u dhimaan ku tiirsanaanta goobihii hore. Isbeddelladani waxa ay sababeen kor u kac ku yimaadda goobaha aan weli la daahfurin ee yeelan kara macdanaha kala ah lithiumka, cobalt, copper, naxaasta, walxaha dhifka ah ee dhulka laga helo iyo kaydadka kale ee muhiimad ganacsi yeelan kara.
Dhawrkii sanno ee u dambeeyey, Somaliland waxa ay ku dedaashay inay khayraadkeeda macdaneed ka qaybgaliso tartankaas heer gobol iyo heer caalamiba leh ee la xidhiidha macdanta. Ha yeeshee, weli waxa weydiimo dhab ahi dul hoganayaan baaxadda kaydadkan, suurogalnimada heliddooda iyo qaabka loo maamulayo. Koobnaanta aqoonta iyo xogta jiyoolaji ee Somaliland waa mid abuuraysa fursado ganacsi, haddana waa waa wax halis badani ku duugantahay. Maqnaanta daahfurnaan ballaadhan waxay shirkadaha u saamaxaysaa inay saadaaliyaan jiritaanka kaydad waaweyn oo aan weli la daahfurin, siiba goobaha aan helin diraasado jiyoolaji oo casri ah.
Sababtan darteed, koobnaanta xogta jiyoolaji oo la hubo waa mid ka mid ah caqabadaha saleed ee suuqani waajahayo. Shirkado dhawr ah ayaa rukhsado guud loo siiyey baadhidda macdanaha, halkii ay ahayd in la bixiyo rukhsado gaar ah oo bartilmaameedsada kaydad cayiman. Sababtanna waxa leh inaanay xukuumaddu weli samayn sahamin guud oo dadkana u daahfuran, oo cayima khayraadka muhiimad ganacsi leh.
Mid ka mid ah tixraacyada jiyoolaji ee kooban, dadkuna heli karaan, waa maab lasoo saaray xilligii Ingiriiska, dhammaadkii afartaneeyadii ee qarnigii tagay. Ka sokow in maabku uu diwaangaliyey goobaha macdanta ee daafaha Somaliland, haddana duugnimadiisa iyo xaddidnaata heerkiisa farsamo ayaa ka dhigay mid aan ku filnayn in loo adeegsado sahaminta casriga ah.

Ka sokow caqabadahaas, haddana korodhka maalgashiyada lagu samaynayo macdantu waa mid muujinaya in maalgashadayaal badani ay Somaliland u arkaan meel mudan sahamin iyo baadhid, si kastoo ay u koobantahay xogteeda jiyoolaji iyo aqoonsi la’aanteeda.
Dalalka ay kasoo jeedaan maalgashadayaasha macdanta Somaliland waa arrin kale oo muujinaya xagal siyaasadeed. Walow ay Somaliland ay isu soo bandhigto dal siyaasad ahaan xulafo la ah dimuqraadiyadaha Galbeedka, sidoo kalena ay xidhiidho adag la leedahay Maraykanka, Ingiriiska iyo Taywaan, haddana qayb xooggan oo maalgashiga macdantu waa mid ka yimi dalalka kutlada Bariga.
Arrinkani waa mid waafaqsan mabda’a siyaasadda arrimo dibadeed ee Somaliland qaadatay, ahna in iskaashi lala sameeyo saaxiibbada caalamiga ah, iyadoo laga digtoonaanayo iska hor imaadyo aan loo baahnayn. Laga soo bilaabo xilligii Madaxweyne Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal, xukuumadihii kala dambeeyey waxa ku dedaaleen inay xidhiidho la sameeyaan dalal, shirkado iyo dhinacyo ganacsi, iyaga oo aan eegayn mawqifyada rasmiga ah ee dalalkaasi ka taaganyihiin aqoonsiga Somaliland. Waxa muuqata in xogta maalgashi ee la heli karaana jidkan sii xoojinayso. Maalgashadayaasha maxalliga ah iyo shirkadaha gudaha dalka laga leeyahay ayaa udubdhexaad u ah suuqan, halka inta soo hadhay ay ku wada jiraan maalgashadayaal ajnabi ah oo kasoo kala jeeda dalalka siyaasad ahaan kala duwan ee dunida.
Sidaas oo ay tahay, haddana, isbeddelladii ugu dambeeyey ee ah xidhiidhada dibadeed ee ay Somaliland samaysay, sida u dhowaanshaheedii xoogganaa ee Israa’iil iyo dedaallada lagu bixiyey xoojinta xidhiidhada lala leeyahay maamulka Trump, waa tallaabooyin suuqa macdanta gelinaya loollan jiho-siyaasadeed oo sidii hore ka kakan.
Madaxweyne Cirro waxa uu xaqiijiyey mabda’a ah “Somaliland cidna cadow kuma aha”, isagoo muujinaya inu furfurnaanta iskaashi caalami ah ay tahay summad sees u ah siyaasadda arrimo dibadeed ee maamulkiisa. Mawqifkani waxa uu aad usoo muuqday xilli horumar ku socdo xidhiidhada diblumaasi ee dhex maraya Somaliland iyo Israa’iil. Dedaalladani waxa kale oo ay kusoo beegmeen xilli ay kobcayso danaynta Maraykanku uu u qabo helidda macdanaha dhifta ah.
Ka sokow caqabadaha siyaasadeed iyo diblumaasiyadeed ee ku xeeran suuqan, iyo loollanada jiho-siyaasadeed ee ballaadhan, khayraadka macdaneed ee Somaliland waa kuwo soo bandhigaya fursado dhaqaale. Haddana, kaalinta macdantani ku yeelanayso horumar rasmi ah, waxa go’aamin doona haayadaha maaraynaya gaadhitaankooda, xuquuqda sahaminta, soosaaristooda, cashuuraha, ilaalinta deegaanka iyo qaybinta macaashka. Keliya jiritaanka kaydad macdaneed oo wanaagsani, ma dammaanad qaadayo horumar waara ama si siman loo helo.
Tallaabooyinka rukhsad bixin daahfurani waa u lagama maarmaan ka hortagidda mudnaan siinta cid gaar ah oo awood siyaasadeed, xidhiidho shakhsi ama ka heshiin macaashka ah samaysay. Arrinka la xidhiidha in bulshada loo bandhigo xogta la xidhiidha dadka rukhsadda qaatay, xuduudda mudnaan siinta, qaababka mulkiyadda iyo waajibaadka heshiis, waa xog xoojinaysa islaxisaabtanka, oo dhimaysa halista musuqa. Xukuumadda waxa kale oo ku waajib ah inay kala soocdo maalgashadaaysha awood maaliyadeed iyo farsamo u leh samaynta mashaariic macdan-qodis iyo dhinacyada raba rukhsado ay helaan dib usii iibinta macdantaas.
Haddii aanay jirin xeerar iyo habraacyo cadcad oo la xidhiidha cashuurta, fiiga, daahfurnaanta, kharash garaynta iyo qaabka dakhliga kasoo xerooda loogu qaybinayo dawladda dhexe, dawladaha hoose iyo bulshooyinka dhibban, dhammaan waa wax sii qotodheeraynaya in macdanta looga faa’idaysto sinnaanta la’aanta, oo keeni kara in bulshada guduhu ku hungowdo. Khilaafyadii dhawaan ka dhacay Gabilay ayaa caddayn u ah, iyadoo dadka deegaanku ay ka hortageen shaqooyinka macdan-qodis ee deegaannadooda, waana qodob caddayn u ah cawaaqibka ka dhalan kara in shaqooyinka la iska wato iyadoon lala tashan bulshooyinka degaanka.
Sidoo kale, sahaminta jiyoolaji ee la cusboonaysiiyey ayaa leh muhiimad ballaadhan. Xogaha lagu kalsoonyahay ee la xidhiidha goobta, baaxadda, tayada iyo suurogalnimada kaydadkaas macdaneed waa xogo wanaajinaya qorshayaasha maalgashi, oo xoojinaya kaalinta xukuumaddu ka qaadanayso wadahadallada ay la galayso shirkadaha ajnabiga ah. Iyada oo aanay jirin xogo jiyoolaji oo lagu kalsoon yahay, Somaliland waxa ay halis ku galaysaa gelidda heshiisyo ku dhisan xogo aan dhamaystirnayn, mana awoodayso qiimaynta in shuruudaha maaliyadeed ee maalgashadayaashu keenayaan ay si dhab ay uga tarjumayaan qiimaha khayraadkeeda.
Khibradda laga helayo dalalka hodanka ku ah khayraadku waxa ay caddaynaysaa in badnaanta baaxadda macdaneed aanay si toos ah u keenayn horumar waara. Natiijadu waa mid ku xidhan tayada haayadeed iyo awoodda dawladdu ay u leedahay gorgortanka, korjoogtaynta iyo fulinta heshiisyada. Markay maqan yihiin haayado xooggan, hantida macdaneed waxa loo adeegsan karaa musuqmaasuq, in haldoorka siyaasadeed xukunka ku raadiyaan, inay dhaliso dagaallo sokeeye, kutiirsanaan dhaqaalena ay keento.
Koboca ku socda suuqa macdanta Somaliland waa mid muujinaya dedaallada loogu jiro ka faa’idaysiga khayraadkaas macdaneed ee aan hore looga faa’idaysan. Waa koboc sheegaya soo jiidashada maalgashiga caalamiga ah, kala duwidda ilaha dhaqaale iyo xoojinta kaalinta siyaasadeed iyo dhaqaale ee Somaliland. Koboca degdegga ahi sidoo kale waa mid sheegaya kalatagsanaan ka dhex jirta ujeedka muddada kooban ah ee ah soojiidashada maalgashadayaal, iyo shuruudaha la rabo ee maamul ee ka masuulka ah daahfurnaan oo muddada fog ah.
Isweydiinta gundhigga ahi kuma saabsan inay Somaliland leedahay kaydad dhab ah oo ah dahab, lithium, naxaas ama macdanaha kale ee muhiimadda leh, se waa mid la xidhiidha awoodda haayadeed, iyo u madaxbannaanideeda siyaasad ahaan inay habayso habraacyada waajibinaya qaabka soosaarista macdanahaas, rukhsad u siinta iyo dhoofinteeda. Xilli dunidu ku tartamayso macdanaha qaaliga ah, Somaliland waxa ay helaysaa danayn gaar ah. danayntaasi waa mid abuuri karta fursado waaweyn, ha yeeshee sidoo kale waa danayn keeni karta haliso cadaadis iyo kutiirsanaan dibadeed ah. Waxa kale oo mustaqbalka macdanta jaangoynaya habayn, soo saarista xogo lagu kalsoonyahay, ilaalinta bulshada dhibban ama nugul iyo in dakhliga kasoo xerooda loo beddelo waxtar guud oo la wadaago.