Tuesday 19 May 2026
Safiirka Boqortooyada Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya, Charles Nicholas King, ayaa sheegay in hawl-maalmeedka safaaradda UK ee Muqdisho uu ku geedaamanyahay jawi amni oo aad u adag, kaas oo shaqaalaha diblomaasiyadeed ku qasba feejignaan joogto ah, ilaalin culus iyo dhaqdhaqaaq si dhow loo qorsheeyo. King, oo loo magacaabay xilka safiirka Soomaaliya bishii May 2025, ayaa qoraal uu ku faahfaahiyey nolosha gudaha safaaradda ku tilmaamay Muqdisho mid ka mid ah goobaha ugu khatarta badan ee xafiisyada diblomaasiyadeed ee dalkiisu leeyahay.
Safiirku waxa uu sheegay in subaxyo badan ay hurdada ka kiciyaan guuxa diyaaradaha dagaalka ee F-16. Waxa kale oo uu xusay in socodka gaaban ee u dhexeeya hoygiisa gaashaaman iyo xafiiska safaaradda uu yahay dhaqdhaqaaq aan la mid ahayn waayo-aragnimadii uu hore ugu soo qaatay magaalooyin sida Paris iyo Istanbul. Sida uu sheegay, shaqada diblomaasiyaddeed ee Muqdisho waxay u baahan tahay gaadiid gaashaaman, jaakado ilaalin ah iyo habraacyo amni oo joogto ah.
Boqortooyada Ingiriiska ayaa safaaraddeeda Muqdisho dib u furtay 2013, iyadoo ka mid noqotay dalalkii reer Galbeedka ee ugu horreeyey ee dib ugu soo laabta hawlgal diblomaasiyadeed oo rasmi ah gudaha Soomaaliya. Safaaradda, oo ku taalla inta u dhexeysa garoonka diyaaradaha caalamiga ah iyo xeebta Badweynta Hindiya, waxay ka shaqaysaa arrimo isku dhafan oo ay ka mid yihiin siyaasadda, amniga, gargaarka bani’aadamnimo, iskaashiga caalamiga ah iyo taageerada dadaallada lagu xoojinayo dowladnimada Soomaaliya.
King ayaa sheegay in safaaradda UK ay si dhow ula shaqeyso dowladda Soomaaliya, Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay, iyagoo kala shaqeeya la dagaallanka Al-Shabaab iyo kooxda Daacish, ka hortagga budhcad-badeedda, iyo yareynta dhibaatada bani’aadamnimo. Hase yeeshee, wuxuu carrabka ku adkeeyay in horumarka la gaadhay uu weli yahay mid nugul, sababtoo ah xaaladda Soomaaliya waxay isku darsatay caqabado amni, siyaasadeed iyo bulsho oo muddo dheer soo jiitamayay.
Hadalka safiirka ayaa iftiiminaya in diblomaasiyadda caalamiga ah ee Soomaaliya aanay ka shaqayn oo kaliya hoolalka shirarka iyo qoraallada siyaasadeed, balse waxay ku tiirsan tahay awoodda hay’adaha amniga, xasilloonida goobaha lagu shaqeynayo, iyo kalsoonida u dhexeysa dowladda Soomaaliya iyo saaxiibbada caalamka. Markasta oo halista amni korodho, waxaa adkaada dhaq-dhaqaaqa diblomaasiyiinta, la kulanka bulshada, kormeerka mashaariicda iyo hirgelinta taageerada la ballanqaaday.
Arrintu waxay sidoo kale muujinaysaa in taageerada caalamiga ah ee Soomaaliya aanay ku koobnayn ballanqaadyo miisaska lagu saxiixo. Waxay u baahan tahay joogitaan muuqda, xog dhulka laga helay iyo xidhiidh joogto ah oo lala yeesho hay’adaha dowladda, bulshada rayidka ah iyo saaxiibbada amniga. Taas ayaa sabab u ah in dalal badan ay weli u arkaan Muqdisho meel adag balse muhiim u ah xasilloonida Geeska Afrika.
Si kastaba, King wuxuu muujiyey in halista jirta aanay joojin xidhiidhada siyaasadeed iyo kuwa dhaqan ee lagu dhisayo kalsooni. Wuxuu tusaale u soo qaatay munaasabado diblomaasiyadeed oo ka dhacay Muqdisho, oo ay ka mid ahayd xuska Burns Night, taas oo safaaraddu u adeegsatay isku xidhka diblomaasiyiinta iyo saaxiibbada Soomaaliya. Fariintiisa guud waxay u muuqataa mid cad: joogitaanka Muqdisho waa khatar, balse waa joogitaan London u aragto muhiim u ah danaha Soomaaliya, UK iyo beesha caalamka.