Skip to main content

Sunday 8 March 2026

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Buug

Safarkii Iyo Macno-goobiddii Ceebla

27 January, 2026
Image
Safarkii Iyo Macno-goobiddii Ceebla
Share

Maalmihii u danbeeyey ee sannadkii tagay (2025) waxa aan akhriyey oo baalba baal ii dhiibay Noofalka la yidhdaa "From a Crooked Rib" oo uu curiyey qoraaga Soomaaliga ah ee Nuuraddiin Faarax. Sannadkii 2016-kii ayaa Wariye Cabdisalaan Hareeri soo saaray turjumaaddiisa Soomaaliga ah isaga oo u bixiyey “Feedh-Qalloocan”. Nuuraddiin Faarax waa qoraaga aan ugu jecelahay lodkiisa waayo, waxa aan ka dhex arkaa oo aan ka dhex daawadaa sheekooyinkiisa; dadkayga, suuraddooda, qiysooyinkooda iyo sowracayga Afrikaannimo.

Toddobaatannaadkii ayuu la gole yimid dunida suugaanta noofalkan, isaga oo ahaa berrigaas nin dhallinyaro ayuu ka faraxashay waxsoosaarkan ku aroora hayaanka haweenay Soomaaliyeed oo doonaysa in ay u jidbixiso jiraalkeeda iyo nuxurkeeda insaannimo.

Haweenayda Soomaaliyeed waxaa jiraalkeeda lagu jaangooyay aqalka iyo gondo rageed. Taas oo ka dhigan in sabab jiraalkeedu yahay rag iyo guur u jirid. Kaalinteeda bulsheedna waxaa lagu shiiqiyay 'Kal caano galeen, kas ma galo' ama in la yidhaahdo waa 'Carruur cag weyn'. Waxa ay taasi abuurtay bulsho labeed, dhaqanka cunfiguna baarka sare yahay. Haweenkuna ay noqdaan kuwa u dhaxeeyo rag cunfigu cibaado u yahay, sidii oo ay dhexda u taagan yihiin iyaga oo la cabbudhiyay rag dhagaxyo isku shiidayo. Jiraalkooduna waxa uu mashruuc u noqday ragga, iyaga oo ay noqdeen haweenku kuwa colaadda ragga ka dhex aloosanta lagu joojiyo, ragguna isu hibooyo iyada oo aan wax talo ah laga wayddiin dookheeda iyo macnaheeda insaannimo. Noofalku waxa uu ka billaabanayaa laba oday oo isa siinayo qalanjada sheekadu ku socoto iyadoo la dafirayo jiraalkeeda in ay ka arrinsan karto.

Qulqulka Sheekada

Waa halkii filasoofkii iyo dhaqtarkii dhimirka ee Fiktoor Franklin “Qofku waa macno gooba'e", Nuuruddiin waxa uu noofalkan ku haltebinayaa macno goobidda Ceebla, oo ah qalanjada calanka u sidda sheekada. Ceebla waa agoon iyo rajayad, awoowgeed oo soo korsaday ayay la nooshahay. Iyada oo ka yaabban nolosha aan la xammili karin ee raacatada ayuu awoowgeed waxa uu siinayaa nin oday ah isaga oo ku beddelanaya yarad geel ah oo uu ka qaatay adoogga ay raacatada isla yihiin. Ceebla way ka biyadiidaysaa oo waxa ay bilaabaysaa in ay ka fekerto baxsasho si ay u raadiso macanaha abuurkeeda.

Waa halkii jiraaliistihii iyo filasoofkii Faransiiska ahaaye barefisoor Jiin bool Saartar: 'Jiraalka ayaa ka horreeyay abuurka' oo ka dhigan in qofku uu jiro deedna uu doorashooyinkiisa iyo macnihiisu isagu raadsanayo oo uu samaysanayo. Ceebla waxa ay bilaabaysaa in ay ka baxsato dhaqanka macnaha jiraalkeeda iyo insaannimadeeda dabray. Madaxeeda waxaa ka dhex guuxayo wayddiimo jiraal oo laabteeda cusleeyay: Gabadhu maxay u jirtaa? Ma in ay labka sarraysiisaa? Ma in ay carruur u dhashaa baa? Ma in ay howlaha dumarka qabato uun baa?"

Waxay gudaha ka gunuunacdaba waxa ay ka soo dhaqaajinaysaa noloshii miyiga ee aagga Qallaafe, iyada oo isa soo dhex taagaysa magaalada Beledwayne. Waxa ay magaalada kaga degaysaa guriga ina-adeekeed. Ku ma se aysan raagin oo ina-adeereed waxa uu qaadayaa tallaabtii uu qaaday awoowgeed. Waxa uu siinayaa nin dillaal ah oo magaalada ku nool iyadoon war u hayn. Mar kale ayay ka biyodiidaysaa ragga is dhaafsanaya ee jiraalkeeda dafirsan. Waxa ay Ceebla u halgamaysaa in ay dooroshooyinkeeda iyadu lahaato, dookheeda iyadu macnaysato, oo ay jiraalkeeda insaannimo iyadu asliddiisa iyo midabbayntiisa lahaato—sida labkuba uu macnaha jiraalkiisu isagu u samaysto. Waayo qofku lab ama dheddig kuu doono ha ahaado e, isaga ayaa asla macnaha jiraalkiisa, sida farshaxamiiste walba uu isagu u asla ee aanay cidinna ugu aslin.

Filin agaasimihii Faransiiska ahaa Jean-Luc Godard ayaa filinkiisii 'Ku Noolaanshiyaha Noloshayda' (Vivre Sa Vie) ee uu soo saaray billowgii Lixdamaadkii oo uu ku haltebinayay sheekada haweenay Beershiyaan ah (Nana) oo xorriyad doon ah ku dhiteeyay erayadan oo ay Nana lee dahay: "Waxa ay i la tahay in aan masuul ka nahay falalkeenna; Xor baan nahay."

Ceeblana iyada oo u halgamaysa masuuliyadda falalkeeda ayay ka weecanaysaa ninkii dillaalka ahaa ee iyada oo aan la kulmin la siiyay, ka na doorbidaysaa Cawil oo ahaa nin dhallinyaro ah oo u shaqeeya dawladda, fasaxna u joogay Beledwayne. Waxa uu Cawil u soo bandhiganayaa arji guur, iyaduna doorashadeeda ayay ku oggolaanaysaa. Sidaas bay Beledwayne kaga soo dhaqaajinayaan iyada oo Xamar u soo raacayso gacal ku yimid doorashadeeda. Jean-Luc Godard, filinkiisa aynu kor ku soo xusnay waxa uu ku dhiteeyay wayddiin ay haweenayda Beershiyaanka ahi su’aalayso nin filasoof ah: "Sow jacaylkuba ma aha runta kaliya ee jirta? Kolkaas buu ninka filasoofka ahina ugu warcelinayaa: Taas aawadeed jacaylku mar walba waa in uu noqdaa mid dhab ah."

Nuxurrada noofalka

Nuuruddiin waxa uu sheekadiisan ‘Feedh qalloocan’ u doortay in ay daadihiso jile dheddig ah, si uu uga warramo mowduuc aanay waagaas cidin#na ku dhicin in ay bulshada Soomaalida dhexdeeda ku faaqiddo, la bidhaamiyo oo la iska xaalwarraysto; waa sababta uu u doortay Ceebla in ay sheekadiisu ku socoto si uu waayaheeda cakiran, dhaqanka dabray iyo duudsiinta xaqa dheddig u bidhaamiyo. Si uu toosh ugu ifiyana waxa uu malahaygu kaga maari karayay uun in uu dhigaaleeyo hal jumlad oo ah 'Haweenkeennu way dulmanyihiin' sidaas oo ay tahayna si uu sheekada u daadihiyo waxa uu Ceebla ku abuuray laabteeda dareenka wax iswaydiinta. Malahayguna way tahay in akhristuhu su’aal geliyo baraarugga iyo wacyiga intaas leeg ee ay leedahay gabadh baadiyaha ku nool. Waayo, waydiimaha gudaha Ceebla ka soo burqanayaa ma aha kuwo laga filan karo bilcaan ku nool aqallada iyo xeryaha xoolaha dhexdooda. Sidaas oo ay tahay baraaruggu waxa abuura xaaladda iyo deegaanka. Waydiimahaas iyo warcelinnadooda ayaan ka dhex helaynaa nuxurka sheekada. Kolla hayaanka macno-goobidda Ceebla nuxurkiisu waa laba marxalad. Ta hore waa marxaladda iswayddiinta, ama baraarugga. Ta xigtaana waa marxaladda warcelinta, ama macno-samaysashada.

Marxaladda wax iswayddiinta: Sheekadu waxa ay ku bilaabanaysaa kolka hore ba jilaha sheekada waa Cebla'e oo ka biyadiidsan qaabka jiraalkeedu yahay. Waxa ay si qotodheer ugu fiirsanaysaa qaabka jiraalka haweenayda Soomaaliyeed u qaabaysan yahay, diilinta loo xarriiqay, xaqa la duudsiiyay, iyo sida ay nolosheedu uga eg tahay. Si ay taasi uga fekerto oo u ogaato in ay ku sugan tahay jiraal arradan, waxa ay jalleecaysaa jiraalka ninka. Bartaas bay ka garanaysaa ka-la-faddilka labka iyo dhedigga. Waxaa u muuqanaysa xaqiiqda arligeeda taal ee ah in ay wiilashu sare u qaadaan sumcadda qoyska oo ay sii waariyaan magaca qoyska.

Isla kol kale waxaa u fiirsigeeda uga sii dhex muuqanaya in magta labada dhedigga ahi ay xitaa u dhiganto magta nacaska. Waxa ay wax iska wayddiinaysaa in xitaa ninku marka uu dhasho loo sii qoondeeyo soddomeeyo geel ah, halka gabadhuna ay tahay in ay sugto nasiibkeeda. Nasiibka ay sugaysana uu yahay guur uun. Nasiibkii ay sugaysana waxa uu noqday adooga gaboobay oo awoowgeed kaga beddeshay xoogaa geel ah. Kolla xaqiiqooyinkaas iyo wayddiimaha uurkeeda gubaya kol kasta ayaa ku riixaya in ay baxsato, oo ay jiraalkeeda fasir macno leh saarto oo ay iyada macnaheeda samaysato.

Marxaladda macno-samaysashada: Ceebla hayaankeedu waxa uu jirrab ku noqonayaa marka ay Xamar tagto ee uu gacalliyaheedu safar Talyaaniga ah u baxo. Inta uu safarka ku maqan yahay gacalliyaheedu waxa ay maraysaa jarrib hor leh oo u dhaxeeya masalada akhlaaqda iyo akhlaaqdarrada, xorriyadda iyo xayndaabkeeda. Waayo, waxa ay Ceebla macno-samaysashada kaga dhignayd XORRIYAD dhinac walba ah. Nuuruddiinna isaga oo duraya qardajeexa Ceebla isla jeer kale na u garaabaya ayuu odhanayaa; "Ha yeeshee run ahaantii ma ay fahansanyn waxa ay noloshu tahay, ee macno khaldan ayay nolosha ka haysatay. Haddii sida ay nolosha u macnaynaysaa sax tahay, markaa qof kastaa wuu ku saxan yahay sida uu nolosha u macnaysto." Weelaynta falsafadaysan ee Nuuruddiin waxaa laga dhex akhrisan karayaa in qofku ba qardajeexo, si uu nolosha u macnaysto oo macno lays la yiqiin maaddaama aanu jirin waa in uu qofku isagu macnaystaa nolosha, hayaankaas isaga oo qofku ku jiro ayuu galbadaa.

Kolka la soo ururiyo Nuuruddiin Faarax noofalkiisan waxa uu ku faaqidayaa kolka hore dabarka haweenayda Soomaaliyeed, kolka xigtana waxa uu ku iftiimiyay wadiiqada dabarkaasi kaga bixi karto haweenaydu in ay tahay xorraynta maanka, iyo hayaanka macno-goobidda. Noofalkuna in uu ku socda shakhsiyadda waxaa ka sii ridan inta ay sheekadu ku socoto wayddiimaha ka dhex abuurmaya kasha iyo maanka Ceebla. Waydiimahaasina waxa ay qalanjada sheekadu ku socoto ku riixayaan in ay jawaab u hesho, si kale jawaabaha ayaa ku riixaya jilaayadda in ay safarto oo ay ka dhaqaajiso Qallaafe, illaa ay sheekadu dhammaanayso iyada oo ay wali Ceebla'i ka dhex aloosan yihiin waydiimo jiraal. Malahaygu bar dhammaadkaasi waxa uu ka dhigan yahay isla bar dhammaadka qofka: waayo qofku wuxuu galbadaa isagoon weli warcelinno u helin masalada jiraalkiisa iyo macnihii ay ahayd in uu u jiro.

Tags
Buug Sheeko

Qoraallada kale ee qoraaga