Skip to main content

Sunday 12 July 2026

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Dhaqan

Safarka Sheeko-xariirada Juxa

8 June, 2026
Image
Safarka Sheeko-xariirada Juxa
Share

Juxa waxa uu ka mid yahay sheeko-xariirooyinka ugu faca weyn ee ay curiyeen dad la dulmay. Sheekooyinkiisu waa kuwo dunida ku baahsan, laga bilaabo Shiinaha ilaa jasiiradda Sisiliya, iyo Badhtamaha Aasiya ilaa maqaaxiyaha Anatoliya iyo Qaahira. Waxayna u muuqdaan inay yihiin dhaqanka ugu ballaadhan ee majaajillada iska-caabbinta ku dhisan ee dunidu taqaan.

Waa sheekooyin bilawga u muuqda kuwo qosol leh, kuna saabsan nin nacas ah oo dameerkiisa dib-dib u fuushan, se aragtida cilmibaadhaha antarboolajiga ee Maraykanka ka soo jeeda, James C. Scott, xagal kale ayey ka taagantahay, “qoraal qarsoon” oo si xeeladaysan loo qariyey ayaa ku jira, kaas oo sheegaya wax aan cidina ku dhiirran karin inay ka hor sheegto suldaanka.

Sannadkii 2022-kii, UNESCO waxay aqoonsatay sheekooyinka Nasrudiin laga tebiyo in ay yihiin dhaxal dhaqameed bani’aadamnimo, iyadoo toddoba dal ay si wadajir ah u soo magacaabeen. Tani waxay ahayd qiraal rasmi ah oo qiray wixii ay ogaayeen dadka itaal-caadiga ahi qarniyo badan: in kaftanku yahay hub aan miridhku cunin.

Laba shakhsiyadood oo hal maqaar ku jira

Waxa ugu horreeya ee ku yaab gelinaya marka aad baadho taariikhda Juxa waa inaad la kulmeyso laba shakhsiyadood: Juxa oo ah nin Carbeed iyo Nasrudiin Khooja oo Turki ah. Hase yeeshee, waxay u muuqataa inay qormooyin ku kulmeen qarnigii 19-aad oo si weyn isugu milmeen ilaa ay hal qof ka noqdeen xusuusta dadka. Tani waa gunaanadka uu gaadhay mustashriqa Jarmalka ah ee Ulrich Marzolph, oo ah qofka ugu weyn ee mawduucan dabagalay.

Juxaha Carbeed waxa laga maqlay markii ugu horreysay Al-Jahid (dhintay 255 Hijri/868 Miilaadi) qarnigii sagaalaad ee Miilaadiga. Sidoo kale Ibnu al-Jawsi waxa uu ka guntay hadal muhiim ah: “Waxaa laga weriyey [Juxa] astaamo muujinaya garaad iyo caqli, balse inta badan waxaa lagu yaqaanay is-doqomayn. Waxaana la yidhi qaar ka mid ah kuwii necbaa ayaa u sameeyay sheekooyin, Alle ayaana innaga og.” Digniintaas yar: “waxaa loo sameeyay sheekooyin” waxay kuu sheegaysaa wax walba: “Juxa” tan iyo bilowgii wuxuu ahaa weel jiil walbaa ku shubto wixii uu rabo in uu sheego.

Ibnu al-Jawsi waxa uu yidhi hadalkiisa xigay isagoo soo xiganaya mid ka mid ah culimadii waaweynayd ee xadiiska, Imaam Maki ibnu Ibraahiim (dhintay 215 Hijri), kaas oo yidhi: “Waxaan arkay Juxa oo ahaa nin xariif ah oo kaftan badan. Waxa laga sheegayo waa been laga sameeyay. Waxa uu lahaa deris ay kaftan wadaag lahaayeen, markaas ayay ka sameeyeen sheekooyinkaas.”

Dhanka kale, shakhsiyadda taariikhiga ah, haddii ay jirto, si dhakhsiyo ah ayay ugu dhex milantay sheeko-baraleyda. Ibnu al-Nadiim wuxuu buuggiisa Al-Fihrisit ku diiwaangeliyay sannadkii 987-kii buug la odhan jiray Sheekooyinka Qosolka leh ee Juxa, taasoo muujinaysa in dhaqanka qoraalka ahi jiray kun sanno ka hor.

Nasrudiin Khooja se, sheekada Turkigu waxay ku taakhriikhaynaysaa qarnigii 13-aad, isaga oo lagu aasay magaalada Aqshahir ee gobolka Qooniya. Qabrigiisa caanka ah waxa ka dul taagan albaab quful weyn leh... balse aan lahayn wax darbi ah oo ku wareegsan. Xitaa qabrigiisu waa majaajillo. Markii ugu horraysay ee magaciisa qoraal lagu xusay waxa la arkay kaliya sannadkii 1480-kii, halka nuqulkii ugu horreeyay ee sheekooyinkiisa la hayo ahayd 1571-kii, waxa ku jirayna 43 sheeko oo keliya.

Dhaqan aqooneedka Turkiga waxaa si joogto ah looga hadlaa “Juxayaal” badan halkii laga sheegi lahaa hal qof. Waa sida uu qabay qoraaga weyn ee Cabbaas Caqaad, kaas oo buug ka qoray uu u bixiyey [Juxa: xaraabeeye, xaraabaad] (Juxa al-Daahik al-Mudhik), uu ku yidhi: “Waa wax aan macquul ahayn in sheekooyinkan qosolka leh ay ka yimaadeen hal qof, maxaa yeelay qaar waxay la xidhiidhaan dadkii jiray bilowgii Islaamka, qaar xilligii Mansuur, qaarna xilligii Teymuurlank.”

Badhtamaha Aasiya, cid walba waxay sheegataa in Juxa iyaga ka soo jeedo. Sidoo kale waxaa jira “Mulla Nasrudiin” oo laga yaqaan Iiraan iyo Asarbiijaan. Faafitaankan ballaadhani malaha ma aha isku beeg kadis ku dhacay ee wuxuu ka turjumayaa baahi bini’aadamnimo oo guud: baahida uu qofka caadiga ahi u qabo in uu si nabad ah ugu qoslo dadka awoodda leh, goob kasta iyo goor kasta.

Si gaar ah, Juxa sheekooyinkiisa waligiis ugama soo muuqanin qof taajir ah ama dulmi badan; wuxuu u muuqdaa qof ku astaysan faqiir, tuugsade, waaniye ama ganacsade yar. Taas micnaheedu waa inuu mar walba ku sugan yahay dhinaca awoodda ka madhan. Waa ta u igmaysa in uu noqdo afhayeenka ugu habboon ee ku hadla waxa ay dadku ka fekerayaan balse aanay ku dhiirranayn inay kor u dhahaan.

Nacaskii runta sheegay

Sannadkii 1985-kii, cilmibaadheha antarboolajiga Jaamacadda Yale, James C. Scott, wuxuu daabacay buug beddelay fahamkeennii ku aadanaa iska-caabbinta. Fekraddiisa udub-dhexaadka ahi waa mid fudud: iska-caabbintu kuma koobna kacdoonnada iyo gadoodka; qaabka uu ku sii waaraya waa iska-caabbinta maalinlaha ah ee aamusan (taban): ka caga-jiidka shaqada, u hogaansan been ah, is doqomayn iyo kaftan.

Buuggiisii labaad ee 1990-kiina, wuxuu dejiyay laba fekradood oo tixraac muhiim ah ka noqday cilmiga bulshada: “hadal muuqda”: u hoggaansanka iyo xushmadda ay dadka la xukumo ka hor muujiyaan xaakinka. Iyo “hadal qarsoon”: hadalka dhabta ah ee ay dadku isku dhaafsadaan meel ka fog indhaha maamulka. Inta u dhexeysa labadan ayuu ku tilmaamay waxa uu ugu yeedhay “siyaasadda hoose”: hadal ku dhasha maqaaxiyaha iyo suuqyada, kor loo dhaho si fagaare ah balse leh laba micne.

Si uu fekraddiisa u soo dhaweeyo, Scott wuxuu tusaale u soo qaatay hidaha addoomihii Jamaica: “Iska dhig nacas si aad xikmad u ugaadhsatid.” Haddii James Scott uu aqoon lahaa Juxa, laga yaabee tusaalahan in aanuu u baahdeen.

Isu ekaanshiyaha u dhexeysa waxa Scott sharraxay iyo waxa ay sheekooyinka Juxa sameeyaan ku dhawaad way is dhamays tirayaan. Juxa marka lagu qabto isagoo warshadda ridiqa ka xadaya daqiiq, wuxuu dhahayaa: “nin waalan ban ahay” Marka milkiilaha ridiqu waydiiyo sababta aanu daqiiqdiisa ugu shubin jawaannada dadka kale, wuxuu ku jawaabayaa: “in an waalanahay ban sheegay, se doqonimo ma sheeganin.”

Sidoo kale marka Juxa aqbalo in uu dameerka suldaanka baro akhriska, dabadeedna si hoose u dhaho: “Hal sanno gudihii waxa laga yaabaa inuu suldaanku dhinto, ama aan anigu dhinto, ama dameerku dhinto.” Tani waa adeecid been ah oo ku jirta qaabkeedii ugu saafisanayd: amar qaadasho muuqata, xiliga qarsoodigana micne beelaya.

Qosolka aan ridin talisyada

Qof kasta oo ka fekeraya xidhiidhka ka dhexeeya kaftanka iyo siyaasadda wuxuu is weydiin karaa su’aal sidan oo kale ah: kaftanku ma yahay agabka suga amniga ee ka neefiya xanaaqa, nidaamyadana ilaaliya, mise waa shidaal uruuriya cadho iyo culeys, kuna dedejiya burburkooda?

Scott wuxuu diiday aragtida agabka suga amniga, isagoo qaba in hadalka ka socda daaha dabadiisu aanu beddel u ahayn iska-caabbinta dhabta ah, balse quudiyo oo nooleeyo.

Dhanka kale, cilmibaadheha bulshada ee Ingiriiska ka soo jeeda Christie Davies (qoraaga buugga The Mirth of Nations) wuxuu ka muujiyey taxaddar badan. Wuxuu leeyahay kaftannadu waa “heerkulbeeg, ee ma aha qalab heerkulka hagaajiya”; waxay turjumaan dareennada dadka, balse khasab ma aha inay beddelaan xaqiiqada. Qoraaga kaftan siyaasadeedka ee Khalid Al-Qishtiini ayaa isna buuggiisa Al-Sukhriya Al-Siyaasiya Al-Arabiya ku xusay: “Lama diiwaangelin nidaam ku dhacay kaftan awgii.” Dabadeedna mar dambe wuxuu ku daray in dhiirrigelinta kaftanka siyaasadeed ay tahay inay qayb ka noqoto iska-caabbin kasta oo rayid ah.

Arrinta xusidda mudan ayaa ah in kaftannadu ay bataan gebogebeda cimriga nidaamyada, si ka duwan bilowgooda. Tusaale ahaan: waxay ka yaraayeen xilligii Joseph Stalin marka loo eego xilligii Leonid Brezhnev, waxayna ka yaraayeen Masartii Naasir marka loo eego waagii Xosni Mubaarak. Markii uu yimid kacdoonkii 2011-kii, oo qaar ugu yeedheen “kacdoonkii qosolka badnaa” kaftanku wuxuu ka soo baxay goobaha gaarka ah wuxuuna galay fagaaraha guud.

Suldaan ayaa Juxa weydiiyay: “Haddii lagu kala dooransiiyo caddaalad iyo dahab, kee baad dooran lahayd?”

Juxa wuxuu yidhi: “Dahabka.”

Suldaankii isagoo ku jeesjeesaya ayuu yidhi: “Anigu caddaaladda ayaan dooran lahaa!”

Juxa ayaa ugu jawaabay: “Qof walba wuxuu raadsadaa waxa ka maqan.”

  • Qormadan waxa laga soo turjumay halkan.