Tuesday 19 May 2026
“Noloshu waa buug; qof aan safrinna wuxuu ka akhriyay hal bog oo keliya.”
— Saint Augustine
Marka uu qofku ku cusub yahay magaalo, dal ama xitaa nolol ka duwan tii uu yaqaanay, wuxuu galaa xaalad cusub. Waxa uu dhex galaa nolol gabi ahaanba ku cusub garaadkiisa oo qorshaheeda, qaabaynteeda iyo quruxdeedaba wadata. Waxa uu yimaaddaa meel aanu cidna ka aqoon; meel uu magaciisu ka yahay dhawaaq keliya oo aan lahayn xusuus, taariikh iyo meel uu ku tiirsanaado. Halka uu maanta taagan yahay, marka loo eego wax walba way cusub yihiin: waddooyinka, wajiyada dadka, codadka, iyo xitaa sida dadkan uu kusoo biiray wacyigoodu u sarreeyo ama u hooseeyo; sidoo kale cusaybkani ma aha oo keliya mid dibadda ah ee waa mid xitaa gudaha ka socda marka loo eego noloshiisii hore.
Waayo, noloshiisii hore waxa ay lahayd nidaam uu yaqaanay, nolol maalmeed xisaabsan iyo jawi, hadduu doono ha adkaadeee, laakiin uu yaqaano oo wax waliba boos u cayiman ay lahaayeen oo ay ku jireen. Wax walba waxay u ahaayeen kuwo uu fahmi karo, dad uu garanayo, af uu ugu hadli karo si kalsooni leh, iyo dhaqan uu si dabiici ah ugu dhex noolaa. Jiraalka noocaas ah iyo noloshaa u fududiba waxa ay ku abuureen in aanu hal marna ka fikirin waxa uu yahay, halka uu joogo iyo sida ay dadka kale u arkaan. Waxa uu si fudud u aaminsanaa inuu yahay qof jira oo la yaqaan, qof la xurmeeyo oo la sharfo.
Laakiin markan, waxa uu galay nolol ka duwan, nolol uu ku qasban yahay in uu dib u barto wax walba. Waxyaabo yar yar oo markii hore ula muuqday kuwo iska ‘caadi’ ah ayaa ku noqday su’aalo waaweyn oo aanu jawaababa u haynin. Wax uu hore ugu kalsoonaa ayaa iyaguna noqday wax uu ka labalabeeyo. Xitaa naftiisa ayuu mararka qaar ka dareemaa inay ka fogaatay, sidii qof uu hore u yaqaanay balse hadda dib u baranayo. “Asc, magacaa walaal?” ayuu hadal ku bilaabi gaadhaa, haddana isla ilbidhiqsigaas ayuu ku baraarugaa in ay tahay ruuxdiisii ay kala irdhoobeen; iyo in uu socday malafkan magaalada cusubi waddo. Intaasi kolka ay dhacdo ayaa uu si waafi ah ugu baraarugaa farqiga u dhexeeya nolol uu hore ugu noolaa isagoo aan ka warqabin jiritaankiisa, iyo nolol uu hadda ku nool yahay isagoo si joogto ah isku weydiinaya: Yaan ahay anigu? maxay dadka cusubi ii soo dhaweyn waayeen? Maxaan halkan ka ahay? iyo kumannaan waydiimood oo kale.
Halkaas ayuu ka bilaabmaa safarkiisu. Safar aan ku saabsanayn keliya meel cusub, balse ku saabsan dib-u-helidda naftiisa mar kale, taasaana ka dhigaysa qofka aan la aqoon in aanu keliya ahayn qof meel cusub yimid; balse uu yahay qof galay xaalad jiritaan (existential condition) oo uu qofku la kulmo marka uu ka baxo macnihii iyo noloshii uu hore ugu dhex noolaa. Waa marka uu qofku ogaado in aqoonsigiisii uu lahaa aanu ahayn wax go’an, balse uu ahaa wax ay dadka kale ka qayb qaateen dhismihiisa.
Marka uu qofku yimaaddo meel aan cidina ka aqoon, waxa uu luminayaa “muraayaddii bulshada” ee uu naftiisa ku arki jiray. Bartaas ayaa uu ka unkamaa jahawareer qotadheer, oo uu qofku la galayo jiraalkiisa, waxana maskaxdiisa halhaleel ugu soo dhaca; ‘Haddii aanay jirin cid i aragta ama i taqaanna, miyaanan weli ahayn qof jira? Mise jiritaankayguba wuxuu ku xidhan yahay indhaha dadka kale?’ U fiirso dadka ku kulma tareennada, basaska waaweyn iyo xitaa diyaaradaha, marar badan waxay soo bandhigaan shakhsiyad ka duwan toodii hore, mid aan wax badan qarsan karin, shakhsiyad jecel in ay warranto oo wax sheegto waliba iyada oo u warramaysa qof ay hubto in aanay hore isu arag dibna isu arki doonin; haddii aanay noloshu mar kale meel kale iskaga hor keenin.
Marka laga warramayo hab-nololeedka bulshooyinka, afku waa mid ka mid ah waxyaabaha ugu waaweyn amaba mid ka macno ballaadhan sida aynu u dhayalsanno marka aynu la noolnahay dad aynu isku af nahay. Afku waa qalab isgaadhsiineed oo aad u sal ballaadhan, wuxuu noqdaa xadka u dhexeeya jiritaanka iyo maqnaanshaha. Marka aad hadli kari waydo, ee aad weydid cid kula fahanta luuqaddaada, ama adiguba luuqadda ay ku hadlayaan dadkan cusubi aad fahmi weydo waxaad dareemaysaa culays, waxaadna dareemaysaa in qayb kaa mid ahi ay aamustay; in aan codkaaga oo keliya la waayin, balse jiritaankaaga laftiisu yara qarsoomay.
Aamusnaantaasi waxay isu beddeshaa meel aad ku dhex lunto, sidoo kale waxay noqotaa meel aad ku dareemaysid in aan doonista naftaadi la turjumi karin. Waxa kale oo xusid mudan hab-dhaqanka oo isaguna kugu qasbi kara inaad la kulanto run kale oo ah in waxyaabo aad u haysatay ‘caadi’ ay ahaayeen heshiisyo qarsoon oo aad ku dhex kortay, taas oo kuu caddaynaysa in caadigii aanu mar walba caadi ahayn; iyadoona wax kasta la baran karo, si taas la mid ahna wax kasta la illoobi karo.
Kalinimada aad markaa dareemayso ma aha maqnaanshaha dad; ee waa maqnaanshaha faham. Waa marka aad dhex joogto dad badan, balse aad dareemayso in aanay jirin cid si dhab ah u fahmaysa waxa aad tahay. Haddana, kalinimadaas ayaa noqon karta meel aad dib isugu baran karto kana heli karto xorriyad aad u weyn. Xorriyad aad naftaada dib ugu abuurto, adigoon ku xidhnayn cid kale. Halkaa marka aad marayso waxaa ka dhalanaya su’aalaha ugu culus ee jiritaankaaga: Yaan ahay anigu marka aan ka maqanahay deegaankii iyo dadkii aan aqaanay? Ma aniga ayaa is qeexaya, mise dadka kale ayaa i qeexaya? Haddii aan xor u ahay inaan noqdo qof kasta, maxaa iga hor istaagaya inaan noqdo isla anigayga dhabta ah?
Ugu dambayn, qofkaa aan la aqoon wuxuu fahmayaa wax ka qotodheer aqoonsiga. Wuxuu fahmayaa in jiritaanku aanu u baahnayn oggolaansho; in la arkaana ay tahay rabitaan, balse ‘inuu jiro’ ay tahay xaqiiqo aan cidina ka qaadi karin. Haddaba, bulsho ahaan waxa inala gudboon, inaynu fahanno marxaladda uu qofkaasi ku jiro. Wuxuu noqonayaa mid wareersan, mararka qaarna cabsi iyo kalinimo dareemaya. Waxaa laga yaabaa inuu garan waayo meel uu wax ka bilaabo, cid uu wax weydiiyo ama sida uu ula qabsado noloshaas cusub. Waxyaabo yar yar oo innaga innoo sahlan — sida weydiinta jidka, fahamka hadallada fudfudud, ama la qabsiga dhaqanka — isaga waxay ku noqon karaan caqabado waaweyn. Halkaas ayayna ka bilaabataa muhiimadda naxariista iyo bani’aadantinimadu.
Haddii aynu u fiirsanno qofka cusub uma baahna wax weyn. Mararka qaar dhoollacaddayn iyo waji furan, hadal wanaagsan ama u tilmaamidda jidka uu rabo ayaa ka dhigi karta inuu dareemo in aanu kaligii ahayn. Caawimadaas yar waxay u noqon kartaa iftiin inta uu ku dhex jiro safarkiisa. Soo dhawayntu ma aha oo kaliya in albaab weyn loo furo, balse waa in qalbiga loo furo. Waa in aynu qofka cusub dareensiino inuu yahay qof qiimo leh, la ixtiraamo, boosna ku leh bulshada. Marka aynu naxariis u fidinno qof aan garanayn luuqaddeenna ama dhaqankeenna, waxa aynnu dhisaynaa buundo ka dhexaysa dadyaw kala jaad ah. Sidoo kale waxa aynu tusaynaa in bani’aadantinimadu ka weyn tahay kala duwanaanta.