Tuesday 14 July 2026
Waa hubaal in maanta bulshada inteeda xooggani isla qirsantahay in gabadha Soomaalida ahi la nooshahay dulmi badan oo ay tirsanayso ilaa iyo xilli fog oo dib ugu noqonaya unkankii bulshadeeda. Ugu yaraan maanta lagama doodayo gabadha ma xaq baa ka maqan mise way kibirsantahay—sida dhici jirtay sannado ka hor—ee waxaa laga doodayaa sidee lagu xallin karaa oo gabadha xaqeeda laga faramaroojay loogu soo celin karaa! Waa dhab in arrintaasi ay u muuqato amaba tahay wax yar oo aan wax weyn ka goynayn dulmiga gabadha lagu hayo, se waa tallaabo weyn oo inoo dhawaynaysa xaqa iyo runta.
Mar haddii la isla gartay in dulmi jiro, waxaa muhiim ah in tallaabada labaad la qaado, oo bal la isla meel dhigo, xaggee dulmigu ka jiraa? Maxaa sababaya? Waase kuwee tiirarka waaweyn ee dulmigaasi cuskanayo? Warcelinta waydiimahaas ayaanu salka ku hayaa cinwaanka qoraalkeennu, ee akhris wacan.
Mar kasta oo fal kufsi ama dil ah oo loo gaystay gabar, uu ka dhexdhaco bulshada, waxaa bilowda kacdoon maalmo iyo bilo socda oo natiijada ugu weyn ee ka dhalataa tahay in gabadha markaas wax ku dheceen ay xaqeeda hesho, lamase helo xal rasmi ah oo ku aaddan arrinkan iyo dammaanadqaad ah; in aan gabar danbe dhibkani ku dhici doonin. Sababta aan loo helinna waa in kacdoonku yahay markiisa horaba, falcelin ee aanu ahayn ka hortag istaraatiiji ah iyo raadinta isha uu ka soo burqanayo dhibku. Aslanba, kufsiga iyo kiisaska kale ee la midka ahi ma aha dulmi iskii meel istaagi kara, ee waa natiijooyin ka dhasha xeerar iyo habnololeedyo dulmi ah oo horay u jiray—si kasta oo dedaal loo geliyo la dirirka laamaha dulmigana, waa hubaal inta jirriddu jirto ma jirayo dammaanadqaad rasmi ah oo ku aaddan badbaadada iyo xaqa gabadha. Haddaba, waxaa jira saddex tiir oo waaweyn, kuwaas oo foolxumo kasta oo gabar soomaaliyeed ku dhacdaa ay iyaga aabbe iyo hooyo dhahdo, sida iyaga loo wajahaana ay jaangoynayso natiijada. Waxa ayna kala yihiin;
Dhaqanku, sida uu u yahay unugga ugu xooggan ee qaayasoorrada bulshooyinka, ayaa uu sidoo kale u yahay unugga ugu weyn ee ay salka saaraan dulmiyada iyo foolxumooyinka bulshooyinku. Inta badan cidda ugu weyn ee dharbaaxada dhaqanku ku dhacdaa waa inta ugu tunka yar bulshada ee aan codkoodu meesha fog gaarin amaba aan saamayn ku lahayn miiska wax lagu kala goosto. Dumarka Soomaalida oo ka mid ah inta aan codkoodu meesha fog gaarinna, waxa ay calaf u yeesheen in ay noqdaan cidda ugu badan ee saamiga ka hesha dulmiga dhaqanka—waxa uuna noloshooda oo dhan ku soo koobay walax yar oo fududaysa nolosha ninka. Waa macquul in qayb ka mid ah dadka dhaqanka ayidsani dood galiyaan arrinkan, iyaga oo ka dhigaya caksiga iyo in dhaqanku yahay mid aad u ilaaliya gabadha, waase iska difaac aan caga qumman ku taagnayn iyo dhaqan-caashaqnimo! Si aad iila fahantid qodobka aan ka hadlayo iyo dooddayda, bal aan isla eegno sida dhaqanku u arko gabadha Soomaalida ah.
Dhalashada hore iyo ku soo biirista koobaad ee ay nolosha timaaddaba dhaqanka Soomaalidu marar badan kuma farxo gabadha oo waa doorashada iyo dookha labaad—sida in badan dhici jirtayna duqda gabdhabadisa waaba lagu furi jiray oo waxay ahayd, iin iyo ceeb ay gurigeeda ku dumiso! Haddii ay gabadhu xoogaa korto, waxa uu durba dhaqanku dhakada ka saaraa masuuliyado waaweyn oo dhammaantood ku soo ururaya in ay ninka raalligaliso muuqaal ahaan iyo maskax ahaanba! Waxay horay horay u lumisaa qayb ka mid xubneheeda jirka iyada oo loo sii xalaalaynayo ninka, waxa ayna durba iyada oo dhallaan ah bilowdaa u adeegista ninka iyo raalligalintiisa. Haddii ay xoogaa madaxa la kacdo waxaa iyada oo aan dooran lagu khasbaa—si toos ah ama si dadban—wax dhaqanku u bixiyay GUUR oo leh noocyadiisii tirada badnaa ee Godobtir, Dunxir, Xaal, Boojin, Siin, Dumaal, Xigsiisan, Iqkb, oo gabadhii loo sii diyaarinayay uu si dhammaystiran ugu hantiyo ninku—iyada oo dhagaha loogu shubayo hawraarta dhaqan ee tiraahda, "Gabari god ha kaaga jidho ama guri ha kaaga jidho".
Guurka oo sida qumman ah heshiis dhexmara laba qof, kuna dhisan isfahanka iyo wadatashiga labadaas ruux, dhaqanku gabadha waa ka xayuubiyaa doorkeeda, oo waxa uu ka dhigaa mid ka mid ah qalabka uu ninku la soo wareego xilliga guurka. Wuxuu u arkaa neef ka mid ah xoolaha kaalada la yiraahdo ee reeraha xigtadu ku kaalmeeyaan reerka cusub. Akhriste, si aanay dooddaydu u noqon eedayn aan kala duldhacay dhaqanka, bal aan eegno suugaanta Soomaalidu waxa ay ugu warceliso marka gabar quuddarrayso in ay talo bixiso oo ay go'aan ku yeelato maamulka qoyska. "Kal caano galeen, kas ma galo", "Dumar waa carruur cag weyn", "Reer marray(Gabar) u talisay murrugmaarug baa u danbaysa" iyo boqollaal kale oo dhammaantood ka siman duudsiga iyo caqli-ka-xayuubinta gabadha ayaa ah hawraarta lagu afjigo. U fiirso heerka ugu sarreeya ee gabadha la gaarsiin karaa waa in bini'aadamnimo loo aqoonsaday, se talo iyo garasho laga sugi maayo, oo weli waa carruur, iyada ayaana u baahan in dabka laga ilaasho!
Marxaladda u danbaysa nolosha gabadha oo ah geerida, dhaqanku waxba uma reebin oo waxa uu ka duudsiyaa waxa u weyn ee aadamuhu ka fisho adduunka uu kabaha ka illaday; oo ah in loo boholyoobo oo loo murugoodo. Waxa uu dhaqanku ugu dooriyaa gabadha farxad iyo guur in geerideeda laga qaado, halkii laga tiiraanyoon lahaa. Waxba yaanan war kugu daaline, waa tan mid ka mid ah hees-hawleeddada guunka oo ina tusinaysa sida dhaqanku u arko ninka iyo labada agab ee uu haysto kuwa ugu qaalisan—waa Gabadha iyo Geela e.
Geerida haween
Guud la firo iyo
Guursi laga qaad
Geeridaydana
Guri ba'ay iyo
Gablan laga qaad
Geeridaadana
Gaawe maran iyo
Gaajo laga qaad.
U fiirso, halkan waxaa ka muuqda in labadii shay ee aan niri waa labada agab ee ninku haysto kuwa ugu weyn—marka lagu eego indhaha dhaqanka—uu kala sarraysiiyay oo ugu yaraan mid la dareemayo geeridiisa, waa hasha e. Halkaas waxaa ka cad in dhaqanku gabadha uu u arko wax ka liita hasha! Waa macquul in qolyihii dhaqan-caashaqyada ahaa ku doodaan doodda caanka ah ee, "Hal gabar oo maradeeda la taabtay ayaa reero isugu rogman jireen, gabadha aad ayuu u qiimeeyaa dhaqanku..." Waxaanse leennahay, hal qaalin oo la dhangadeeyayba colaado lagu riiqmay bay sababi jirtay, sababta gabadha taabashadeeda la isugu layn jirayna ma ahayn in gabadha nafsaddeeda la jecelaa e, waa in uu ninku u arkayay gabadha sida shaatigiisa oo haddii shaatigiisa la taabto ay ka dhignayd in isaga QABKIISA lagu soo xadgudbay. Isku soo duuduuboo, tiirka koowaad, ee ugu weyn, gumaynta gabadhuna salka saarto waa dhaqanka, hadba inta gabadhu dhaqanka xor ka tahay ayayna xornimadeedu joogtaa.
Hor iyo horraan waa in aan isla fahanno, maxay ku kala duwanyihiin Diinta Eebbe iyo Diinta Wadaadku. Akhriste, Diinta Eebbe waa tan xaqa ah ee ka timid xagga Eebbe oo uu 1447 sano ka hor ina soo gaarsiiyay Nebi Muxamed NNKH, halka Diinta Wadaadku tahay isbeenfartiimid iyo curis wadaad uu u samaystay si uu danihiisa adduunyo ugu fushado. Si fudud, waa farriin kasta iyo sheegasho kasta oo aan ahayn hadalka Eebbe iyo ergaygiisa ka sugnaaday. Diinta Eebbe waxa ay leedahay astaamo ay ka mid yihiin caddaaladda, naxariista, turaalaha, iyo sifooyin kale oo wanaagsan, halka tan wadaadku leedahay astaamo ay ka mid yihiin caddaalad-darrada, munaafaqnimada, qallayfka, sedbursiga, iyo sifooyin kale oo foolxun. Haddaba, diinta wadaadku sidee u aragtaa gabadha?
Diinta wadaadku, wax badan kama duwana aragtidii dhaqanka ee aan soo xusnay, waayo wadaadka halabuuray waxa uu ka dabqaadanayaa dhaqanka–
Waxayse dheertahay dhaqanka in ay ka halis badantahay oo ay kuu gumayn karto si ka ballaaran dhaqanka. In aad ka soo horjeesatid diinta wadaadka waxa ay ka dhigantahay in aad Eebbe ka soo horjeesatay! Ogoobeey, dhaqanka in aad diiddaa saamaynta ugu xun ee ay kugu yeelan kartaa waa in aad lumisid xubinnimada bulshada, halka tan wadaadku ay awood u leedahay in ay ku dhaafiso xubinnimada bulshada iyo naftaba, iyada oo janno ka gurubsanaysa dhibcaha dhiiggaaga ee dhulka ku dhacaya!
Diinta wadaadku, waa tan ruuxda ku afuufta aragtiyaha dhaqan ee duugoobay iyada oo u galinaysa shaati diimeed oo ballaaran. Waa tan soofaysa xeerarka dhaqanka islamarkaana u samaysa cudurdaarro lagu aqbalo, sida; Ma Ilaahay baa ku dulmiyay? Xikmad baa jirta Ilaahay ninka ugu sedburiyay. In aan caqligiinnu dhammaystirnayn buu ogaa Eebbe, saasuu idinkaga dhigay kuwo in la hoggaansho ma ahane aan wax hoggaamin karin, iqkb.
Akhriste, weli ma is waydiisay waxa Eebbe ku falayo in uu addoomadiisa u kala eexdo? Weli ma is waydiisay sababta gabar surwaal xiratay ay uga falcelin badato gabar la kufsaday misna la dilay? Tumuu labada arrimood ka caroodaa Eebbe? Maxaa mid ka mid ah asbuucyo masaajidda looga khudbeeyaa midna cidda ka hadasha xataa loo afjigaa? Maxaan u arki waynay wadaad aan gabadha dhibnanaha ah xukminayn isaga oo leh; "iyadaa iscarfisay" ee kor u sheegaya xukunka dilka ah ee kufsigu leeyahay? Sababtu waa in diinta wadaadku tahay diin gacan-ku-rimis ah oo ninku uu hadba sidii dantiisa u adeegaysa u dhigo. Haddaba, waa in gabadhu ogaataa in wax kasta oo wadaadku ka caroodo aysan ahayn wax Eebbe ka caroodo iyo in tiirka labaad ee salka u ah gumaynta gabadhu uu yahay diinta wadaadka oo ah ruuxda dhaqaajisa dhaqanka—hadba inta ay gabadhu ka wacyi korrantahay ama kala garanayso farqiga u dhexeeya diinta Eebbe iyo diinta wadaadka, ayaanay xor ka tahay dulmiga ay dhaxashay.
Inkasta oo qodobkani hoostagayo kii aan soo marnay ee dhaqanka, haddana waa qodob ballaaran oo u baahan in kaligiis la faaqido marka la fiirsho doorka uu ku leeyahay gumaynta gabadha iyo sida uu u yahay sunta ugu weyn ee maanta gabadhu la bukto. Qabiilka Soomaalidu waa mid ragannimo ku dhisan (Patriarchal) oo aan gabadhu u tirsanayn marka laga yimaado mar mar dhif ah oo dani ka gasho. Si guud Qabiilka Soomaalidu waxa uu maray laba marxaladood oo waaweyn—marxaladdii miyiga iyo marxaladdii magaalowga. Labadaas marxaladoodba gabadhu waxa ay qabiilka kaga taallay halka sayntu geela kaga taal! Qabiilka ay ka dhalatay kama aha xubin rasmi ah oo waxa uu dhigayaa xeerhoosaadka qabiilku "Naagi kula tol ma aha" ama "Naagi waa ninkeeda". Kan ay ka guursatana uma aqoonsado xubin rasmi ah oo waxa uu u arkaa naag reer hebel ah, halkaas ayayna gabadhu ku noqotaa laxdii labada reer dhexdooda bahalku ku cunay.
Qabiilku waxa uu qofka Soomaaliga ah u qabtaa laba hawlood oo waaweyn oo kala ah; MILGAYNTA marka uu garab u baahdo iyo DIFAACA marka uu garab u baahdo. Labadaas doorba qabiilku gabadha waa uu ka qadiyay maaddaama aysan ahayn xubin rasmi ah. Marxaladii miyiga qabiilku gabadha uma oggolayn matalaadda qabiilka—oo ogaalkeey weli sooyaalka Soomaalida laguma hayo gabar reerkeeda duub-dhaqan u noqotay amaba si kale qabiilku u milgeeyay. Marxaladii magaalowgana gabadha qabiilku uma oggolaan in ay noqoto duubsiyaasadeedka qabiilka marka laga yimaado mid mid gaaladu u boobto.
Hawsha labaad ee difaaca iyo garabjoogsiga ah; gabadhu kama helin qabiilka—oo taas baddalkeeda waxa uu u taaganyahay in uu duudsiyo xaqeeda. Aan tusaale u soo qaadanno kufsiga oo ah marxaladda ugu adag ee gabadhu u baahato garabjoogsiga, sidee qabiilka gabadha u ilaaliyaa? Waxa uu ku garabjoogsadaa in uu ku khasbo in ay ninka kufsaday xaas u noqoto si loo dhowro qabka qabiilka!
Haddii uu u hagarbaxana waxa uu usoo dhacshaa xoolo aan badnayn oo aan iyada soo gaarin e, afarta oday ee hawsha ku jirtay burbursadaan, loona yaqaan XAAL.
Laba gooraalaba gabadhu ma leh hayb qabiil oo rasmi ah, umana tirsana qabiilka. Yaabku waa in cidda ugu badan ee u heellan bullaalinta qabiilku tahay Gabadha! Qaaraanka, qaylada, iyo quudka qabiilka cidda bixisaa waa gabar. Yaabka yaabkiina waa in gabdhihii fursadda u helay in ay helaan xaqii la duudsiyay ee qurbaha tagay ay yihiin gabdhaha ugu badan ee u dooda gumaynta gabadha. Qodobka ah, "Xiriirka ka dheexaya qurbajoogta iyo qabiilku" waa qodob u baahan baaritaan aqooneed oo qiyaastii aan ka marnayn bukto nafsi ah, aanan jeclaan lahaa in mar qalinka loo qaato.
Gumaynta iyo hoosaysiinta gabadhu waa marxalad bulsho oo ay maraan bulshooyinku ka hor ilbaxnimada, inta badanna joojinta iyo dabargoynta dulmigaasi ma aha arrin hadyad ahaan la isu siiyo, ee waa natiijo ka dhalata– halgan iyo dhabaradayg ay samayso cidda lagu hayo oo ah gabadha. Tallaabada koobaad ee xornimaduna waa in la ogaado jiritaanka gunnimada iyo halka seeska u ah ee ay u dhimanayso. Gabadha Soomaaliyeed ee maanta nool waxaa saaran masuuliyad anshexeed oo ah in ay nafteeda xorayso, marka xigtana ay u halganto sidii loo dabargoyn lahaa dulmiga iyo dadnimo-tirka (Dehumanization) lagu hayo gabadha si aysan gabadheedu uga dhaxlin mustaqbal u eg keeda. Barta halganku ka bilabmayaa waa in gabadhu ogaalkeeda kobciso aqoonteedana tayayso. Si gaar ah gabdhaha baraarugsan; waxaa saaran masuuliyad dheeri ah oo ah, in ay qaataan hoggaaminta iyo u dhabaradaygga kacdoonkaas illaa iyo inta salka looga siibayo saddexdaas tiir islamarkaana dhidibbada looga taagayo dawlad baddasha dulmiga oo si siman ugu adeegta muwaadiniinteeda. Ugu danbayntii waxaan codkayga ku biirinayaa kacdoonka xaqa ah ee qaar ka mid ah gabdhuhu ka wadaan baraha bulshada, waxaanan leeyahay "Haddii dumar u kaco, daa'imna aqbalo, dan bay u imaan".