Skip to main content

Monday 9 March 2026

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Buug

Saddex Xagalka Awoodda

3 February, 2026
Image
Saddex Xagalka Awoodda
Share
Hordhac

Buugga "Saddex Xagalka Awoodda" ee uu qoray Alexander Stubb, madaxweynaha hadda ee dalka Fiilaan, waa falanqayn qoto dheer oo wakhtigeedu taaganyahay taas oo ku saabsan taabanaysana isbeddellada waaweyn ee dib-u-qaabaynta nidaamka caalamiga ah qarniga 21naad. Iyada oo laga dhadhansanaayo khibraddiisa ballaadhan ee siyaasadda iyo aqoonta, taariikhda, juqraafiyad-siyaasadeedka, iyo xidhiidhka caalamiga ah, Stubb waxa uu soo bandhigayaa isku-dhafan qoto dheer oo leh taariikh, siyaasad, iyo dhaqan-dhaqaale, isaga oo ku doodaya in nidaamkii xorta ahaa ee dunida ka dib dagaalkii qaboobaa uu dhammaaday, taas oo keentay xilli kala guur ah oo ay ka buuxaan qas iyo kala daadsanaan. Xudunta falanqayntiisu waxa ay ku salaysan tahay fekradda "Saddex-xagalka Awoodda" Dawladaha Galbeedka, Bariga iyo Koonfurta adduunka oo is-dhexgalkoodu uu qeexi doono dheellitirka mustaqbalka dunida.

Qaab dhismeedka dhiganaha

Buuggu waxa uu u qaybsan yahay saddex qaybood oo kala ah: Nidaam; qaybtan waxa uu qoraagu kaga hadlayaa qiimaynaha taariikheed ee abuuray nidaam la’aanta maanta ee caalamka. Isu-dheellitir; oo uu ku falanqeynaayo awoodaha dunida galbeedka, bariga iyo koonfurta. Iyo Dhaqdhaqaaqyada; oo uu kaga hadlaayo qodobbada qaabeynaaya mustaqbalka xidhiidhka caalamiga ah iyada oo la dul istaagayo tartanka, isku-dhacyada iyo iskaashiga. Saddexdan qaybood oo ay mid walba hoos yimaaddaan saddex cutub, ayaa buugga ka dhigaaya sagaal cutub oo ku wareegaaya nuxurka iyo dulucda, sidaas awgeed bal aynu sii yara faah faahinno saddexdaas qaybood innaga oo mid walba si goonniya u dul istaagaynna.

  1. Nidaam (Order)

Qaybtani waxa ay dib u raadcayn ku samaynaysaa sooyaalkii isbeddelka nidaamka caalamiga ah laga soo bilaabo xasilloonidii ka dhalatay Dagaalkii Labaad ee Adduunka ka dib ilaa xaaladda qalalaasaha iyo fawdo ee maanta taagan. Stub waxa uu sharraxayaa sida rejadii iyo yididiilladii ka dhalatay Dagaalkii Qaboobaa ka dib ‘oo lagu asteeyay guusha dimuqraadiyadda xorta ah, dhaqaalaha suuqyada furan, iyo hay’adaha iskaashiga caalamiga ahi’ ay ugu dambayn isugu beddeshay kala-daadsanaan, maaddaama awoodda hoggaamineed ee caalamiga ahi is beddeshay.

Xilligii Dagaalkii Qaboobaa dabadii, oo ay Galbeedku hoggaaminayeen, kuma guulaysan Galbeedku inuu si ku filan u tixgeliyo awoodaha soo kacaya iyo Dunida Koonfurta, taas oo dhalisay nidaam awoodo badan (multipolarity) iyo fowdo sii kordhaysa. Dhibaatooyin waaweyn sida weerarradii 11-ka Sebtembar (9/11), hoos-u-dhacyadii dhaqaale, iyo xadgudubyada dhuleed ee Ruushku sameeyey, ayaa bannaanka keenay tabar-darrada maamulka caalamiga ah iyo hoos-u-dhaca kalsoonidii hay’adaha sida Qaramada Midoobay (UN), Ururka Ganacsiga Adduunka (WTO), iyo Sanduuqa Lacagta Adduunka (IMF). Qoraagu natiijada waxa uu ku sifeynayaa, adduun kala dhantaalan, kala qaybsan oo hubantila’aan ah, halka nidaam cusubna aanu weli caddayn, isaga oo xilligan ku tilmaamaya xilli kala-guur (interregnum) ah iyo marxalad xasaasi ah oo u baahan hoggaan cusub, is-hoosaysiin, iyo iskaashi caalami ah oo loo wada dhan yahay, si looga hortago burbur iyo kala-daadsanaan sii xoogaysata.

  1. Isu-dheellitir (Balance)

Qaybtan labaad waxa uu qoraagu falanqaynayaa sida awoodda adduunku hadda u qaybsan tahay, iyada oo uu diiradda saarayso is-dhexgalka u dhexeeya Dunida Galbeedka (Global West), Dunida Bariga (Global East), iyo Dunida Koonfurta (Global South) kuwaas oo wada sameeya waxa loo yaqaan “Saddex-Xagalka Awoodda (Triangle of Power)”. Galbeedka oo ku dhisan dimuqraadiyad iyo dhaqaale suuq-xor ah, waxa uu wajahayaa caqabado gudaha ah sida: kacdoonnada Shacabka, sinnaan la’aanta dhaqaale, iyo tartanka tignoolajiyadda, isaga oo haddana isku dayaaya inuu ilaashado midnimo iyo hoggaan caalami ah. Bariga, oo ay hormuud ka yihiin Shiinaha iyo Ruushka, waxa uu isku dhafaa maamul kali-talis ah iyo himilooyin dhaqaale, isaga oo dhiirrigelinaya nidaam caalami ah oo awoodo badan (multipolar world order) kana hor imanaya hoggaanka Galbeedka.

Dhanka kale, Koonfurta oo ka kooban dalal kala duwan oo soo koraya ama kobcaya, si buuxda ulama safna Bariga ama Galbeedka, balse waxa ay raadinayaan madax-bannaani dheeraad ah, fursado dhaqaale oo caddaalad ah, iyo ixtiraam buuxa oo madaxbannaanideeda ah.

Stubb waxa u iftiiminayaa kakanaanta saddexdan dhinac, isaga oo muujinaya in nidaamyadooda siyaasadeed, moodeelkooda dhaqaale, iyo awoodahooda tignoolajiyadeed ay kala duwan yihiin, haddana ay si qoto dheer isugu xidhan yihiin. Isu-dheellitirnaanta u dhexaysa awoodahan ayaa qaabayn doonta nidaamka adduunka ee mustaqbalka, taas oo u baahan la-falgal xeeladaysan, iskaashi goboleed, iyo dib-u-habayn hay’adeed.

  1. Dhaqdhaqaaqyada (Dynamics)

Qaybtan ugu dambaysa, Stubb waxa uu sahaminayaa saddex dhaqdhaqaaq oo asaasi ah; tartan, isku-dhac, iyo iskaashi, kuwaas oo go’aamin doona jihada xidhiidhada caalamiga ah. Tartanku waxa uu dhiirrigeliyaa hal-abuurnimo iyo koboc, balse haddii aan la xakamayn waxa uu khatar ugu jiraa inuu isu beddelo isku-dhac. Isku-dhaca casriga ahi waxa uu ka gudbay dagaalladii soo-jireenka ahaa, waxa uuna ku fiday qaabab isku-dhafan (hybrid) sida weerarro saybar ah, faafinta warar marin-habaabin ah, iyo cadaadis dhaqaale, taas oo tirtiraysa xuduudda u dhaxaysa nabad iyo dagaal. Dowladaha iyo bulshooyinku waa inay dhisaan adkaysi (resilience) si ay uga hortagaan khatarahan, isla markaana ay si miyir leh u maareeyaan tartanka juqraafi-siyaasadeed, gaar ahaan kan u dhexeeya Maraykanka, Shiinaha, iyo Ruushka.

Iskaashigu waa lama huraan si loo waajaho caqabadaha wadajirka ah sida: isbeddelka cimilada, ganacsiga caalamiga ah, amniga, iyo nidaaminta tignoolajiyadda. Stubb waxa uu ku baaqayaa dib-u-noolaynta hay’adaha caalamiga ah, dib-u-habayn lagu sameeyo maamulka iyo hoggaaminta caalamiga ah si uu u noqdo mid loo wada dhan yahay oo metelaad dhab ah leh, iyo qaadashada xaqiiq-arag ku salaysan qiyam (values-based realism) oo ay weheliso siyaasad arrimo dibadeed oo sharaf iyo karaamo leh, taas oo ixtiraamaysa kala duwanaanshaha isla markaana dhiirrigelisa wada-hadalka. Kaliya iskaashi noocaas ah ayaa suurto-gelin kara in tartanka loo adeegsado si togan lagana hortago isku-dhac.

Gunaanad

Buuggan Alexander Stubb waxa uu faaqidayaa milicsi qoto dheer iyo aragti mustaqbal ku wajahan oo isku soo ururinaysa qalalaasaha jiyoo-siyaasadeed ee qaabaynaya nidaamka cusub ee adduunka. Isaga oo muujinaaya aragtidiisa madaxweynaha Fiilaan xilli uu weli socdo dagaalka Yukreyn, Stubb waxa uu si cad u muujinayaa in xilligii Dagaalkii Qaboobaa kadib si dhab ah u dhammaaday, laguna beddelay xaqiiqo awoodo badan (multipolar) ah oo ay is-dhexgalka Galbeedka, Bariga, iyo Koonfurta Caalamiga ah go’aaminayaan xasilloonida caalamka. Waxa uu si gabasho la’aan ah uga warramayaa qaladaadka istaraatiijiyadeed iyo xeeladeed ee weerarka Ruushku ku qaaday Ukraine, adkaysiga halyeeynimo ee Yukrayn, iyo caqabadaha waaweyn ee horyaalla dimuqraadiyadaha xorta ah, nidaamyada kali-taliska ah, iyo awoodaha soo kacaya. Intaa waxaa dheer, Stubb waxa uu ku soo bandhigayaa buugga saddex mustaqbal oo suurto gal ah: fawdo sii socota, burbur isku beddela qalalaase, ama nidaam caalami ah oo dib la isugu dheellitiray oo ku dhisan iskaashi u dhexeeya saddexda dhinac ee awoodda. Waxa uu carrabka ku adkaynayaa in Dunida Koonfureedi ay yeelan doonto kaalinta go’aaminta qaab-dhismeedka cusub, iyada oo dalbanaysa awood iyo ka-qaybgal caddaalad ah halkii ay ka ahaan lahayd qalab lagu ciyaaro tartanka quwadaha waaweyn.